跳到主要内容
Nelum
索马里的法律

Waste Management and Urban Sanitation Law No.83 of 2018

颁布于 2018-12-15 · 文本截至 2026-10-01

以研究形式发布的公开法律与官方指引,不构成法律、税务或金融建议。

研究内容本身以英文撰写。标题和标签已翻译,调查结果和引文未翻译。

关于这部法律

原标题
Maaraynta Qashinka Iyo Faya-Dhowrka Magaalooyinka Somaliland - Xeer Lr. 83/2018.
语言
Somali
类型
法令
国家
索马里 · Somaliland
主题
Environment, Food and nutrition, Water, Waste and hazardous substances
关键词
business/industry/corporations, effluent waste water/discharge, hazardous waste, pollution control, protection of environment, public health, public private partnership (PPP), recycling/reuse, solid waste, waste disposal, waste domestic sources, waste management, waste non-domestic sources, food safety and quality, hygiene/sanitary procedures, meat, milk/dairy products, processing/handling, slaughtering, sewerage, freshwater pollution
类别
*

在哪里阅读

    该法律没有记录来源链接。

文本

所收录的法律原文,按条款排列。每个条款都有自己的链接。

  1. 1 JAMHUURIYADA SOMALILAND GOLAHA WAKIILLADA XEERKA MAARAYNTA QASHINKA IYO FAYA-DHOWRKA MAGAALOOYINKA SOMALILAND Xeer Lr. 83/2018 2 3 4 5 GOLAHA WAKIILLADA JSL MARKUU ARKAY:- Qodobada 38aad, 76aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka JSL. MARKUU ARKAY:- Qodobka 18aad ee Dastuurka oo waajibiyay in dawladdu mudnaanta koowaad siiso daryeelka iyo ilaalinta deegaanka, ku talagalna ka yeelato sida looga hortagayo aafooyinka dabiiciga ah ee ka yimaadda baabiinta deegaanka. MARKUU ARKAY:- Baahi loo qabo in la soo saaro xeer maamulo laguna maareeyo qashinka iyo faya-dhowrka Magaalooyinka JSL, si loo sameeyo shuruucda ku habboon maaraynta qashinkaas iyo ilaalinta faya-dhowrka. MARKUU GARWAAQSADAY:- In ay tahay lagama maarmaan tayaynta maamulka iyo shuruucda lagu saleeyo qorsheyaasha Magaalooyinka oo lana kobciyo shaqada hay’addaha ku shaqada leh.. MARKUU OGAADAY:- In uu faya-dhowrka iyo maaraynta qashinku tahay aasaaska bilicda Magaalooyinka JSL iyo horumarka qaranka ee xag dhaqaale, bulsho iyo dhaqan. MARKUU ARKAY Go’aankii Ansixinta Wax ka baddelka iyo Kaabista ee Golaha Guurtidu ku sameeyeen Xeerkan. WUXUU SOO SAARAY Xeerka Maaraynta Qashinka Iyo Faya-dhowrka Magaalooyinka SomalilandXeer Lr. 83/2018 6 QAYBTA KOOWAAD QODOBBADA GUUD Qodobka 1aad Magaca Xeerka Xeerkan waxaa loogu yeedhayaaXeerka Maaraynta Qashinka Iyo Faya-dhawrka Magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland “Xeer Lr. 83/2018” Qodobka 2aad Erey Bixinta Qashinka Adkaha:- Waxaa loola jeedaa qashinka aan dareeraha ahayn waxana ka mid ah qashinka ka soo baxa Guryaha, goobaha ganacsiga, waddooyinka, goobaha caafimaadka, sariibadaha, xarumaha dawladda Warshadaha iwm, kaasi oo u kala baxa qashin halis ah & mid aan halis ahayn. Qashinka Dareeraha ah:- Waxaa loola jeedaa qashinka aan adkayn waxaana ka mid ah biyaha, biyaha bulaacadaha, biyaha wasakhda ah iyo dhiiga kawaanada, xaydha, saliidaha la isticmaalay, Caanaha iwm, kaasi oo u kala baxa qashin halis ah & mid aan halis ahayn. Faya-dhawr:- Illaalinta caafimaadka & saxada bulshada & ka hor tagista cudurada faafa ee halista ku ah caafimaadka bulshadda. Dawladda Hoose:- Waxaa loola jeedaa Waa Maamul Deegaan ama Degmo leh Xuduudo cayiman iyada oo u xilsaaran fulinta dhamaan adeegyada asaasiga ah & waajibaadka masuuliyadaha ugu qeexan 7 Xeerka Maamulka goboladda & Degmooyinka jsl Xeer No: 23/2002. Wasaarad:- Waxaa loola jeedaa Wasaaraddaha doorka ku leh qashinka & faya-dhawrka kuwaasi oo ay kaw ka tahay Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Khayraadka Biyaha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warshadaha. Deegaan:- Waxaa ka mid ah waxyaabaha inagu wareegsan sida dhulka inagu xeeran, caradda, biyaha, hawada, ilayska, cimilada, codka, urta, dhadhanka iwm. Qashinka Elektroonikada:- Waxaa ka mid ah telefoonada, TV yada, computerada, xadhkaha laydhka iyo wixii la mid ah ee la iska tuuray. Ku sii dayn/ku shubid:- Waxaa loola jeedaa sii daynta ama ku shubida qashinka goobaha ay dawlada hoose u qoodaysay in lagu shubo. Burburin & kala saaris:- Waxaa loola jeedaa kala saarista & dib uga faa’idaysashada qashinka noocyadiisa kala duwan & burburinta qashinka aan faa’idada lahayn. Qashin baabin:- Waxaa loola jeedaa qashinka baabi’i Kara ama carada la falgala sida hadhaaga cuntada. 8 Qashinka Halista ah:- Waxaa loola jeeda qashinka si toos ah ama si dadban halis/khatar ugu noqon kara caafimaadka bani’aadamka, xayawaanka ama deegaanka. Waxaana ka mid ah kuwan soo socda:  Qashinka Kiimikada  Qashinka sababa qaraxyo ama dab  Qashinka sunta  Hadhaaga daawooyinka  Qashinka shucaaca bixiya (radioactive waste) Qashinka Warshadaha:- Waxaa loola jeedaa qashinka halista ah ee ay sii daayaan warshaduhu. Hadhaaga Daawooyinka:- Waaxa loola jeedaa qashinka hadhaaga daawooyinka ee adag ama dareeraha ah kaas oo ka dhasha ama ay sii daayaan goobaha caafimaadku sida dhakhtaradda, farmasiiyada, baanka dhiiga, shaybaadhka, dhakhtarka xoolaha, iyo xarumaha daraasadaha caafimaadka iwm. Dhibaatayn/Karaahiyo(nuisance): Waaxa loola jeedaa waxyaabaha dareenka bani’aadamku dhibsado ama karaahiyaysto sida urta qadhmuun keenina kara caafimaad daro. Mulkiile: - Waxaa loola jeedaaqofka isla leh goobta qashinku ka soo bilawday sida guryaha, goobaha ganacsiga, waddooyinka, sariibadaha, warshadaha, dhismaha iwm. 9 Qof/Shaqsi: - Waaxa loola jeeda qof/shaqsi ama qof leh shakhsiyad qaanuuni ah (juridical person). Koontaynar:- Waaxa loola jeedaa koontaynarka (tanag) qashinka adag lagu ururiyo/riddo. Goobta qashinka la dhigo: - Waaxa loola jeedaa goobta dawladda hoose ay u qoondaysay in la dhigo ama lagu ururiyo qashinka si ay u qaadaan gawaadhida qashinka ee dawladda hoose ama shirkadda gaarka ah ee ruqsadda loo siiyay in ay qaado. Wasakhayn (Pollution):- Waaxa loola jeedaa badalidda tooska ah ama sida dadban loogu sameeyo qaabka, muuqaalka, kiimikooyinka, abuurka iyo dabeecadaha deegaanka iyadoo lagu siidaynayo/lagu shubayo wasakh waxyeellayn karta caafimaadka dadweynaha, xayawaanka, shimbiraha, duurjoogta, kalluunka, noolaha biyaha. Farsamayn:- Waaxa loola jeedaa farsamaynta qashinka iyada oo loo badelayo waxyaabo faa’iido leh sida tamar, bacrimiyeyaal ama shay kale oo waxtar leh. Dhisme (premises):- Waaxa loola jeedaa dhul, dhisme ama qayb ka mid ah dhisme waxaana ku jira Beerta guriga (garden), Waxyaabaha dheeriga ah ee dhismaha ku dhajisan sida barandada iyo wajahadda oo kale. 10 Shirkad Gaar ah: - Waaxa loola jeedaa shirkad gaar loo leeyahay oo dawladda hoose heeshiis ka dhexeeyo si ay u fuliso arimaha maaraynta qashinka adkaha/dareeraha & faya-dhawrka sida soo ururinta, qaadidda, farsamaynta, kaydinta iyo burburinta qashinka, tamar u bedelida cilmi baadhista iwm. Dib u Warshadayn: - Waaxa loola jeedaa qashinka oo dib loo warshadeeyo si mar kale loo isticmaalo ama loogu badelo shay waxtar leh. Goobaha qashinku ka soo baxo (source): Waaxa loola jeedaa halka uu qashinku ka soo bilawdo sida guryaha, goobaha ganacsiga, waddooyinka, sariibadaha, warshadaha, dhismaha iwm. Kaydin:- Waaxa loola jeedaa in qashinka si ku meel gaadh ah meel loogu kaydiyo si looga hortago qashinka oo filqama amaba sababa halis caafimaad. Qaadid (transportation):- Waaxa loola jeedaa in qashinka laga qaado goobaha uu ka soo bilawdo (source) lana geeyo goobaha loogu talo galay in lagu farsameeyo ama lagu burburiyo. Qashin Qub (Goobaha Qashinka lagu burburiyo (dump site): Waaxa loola jeedaa goobaha qashinka lagu burburiyo oo ah kuwo aad loo adkeeyay is aanay u wasakhayn biyaha dhulka hoose, kuwa sare, hawada, urta, carrada iwm. 11 Fiiga (lacagta la qaado):- Waaxa loola jeeda lacagta dawladda hoose ama shirkadaha ruqsada haystaa ka qaado xaafadaha, goobaha ganacsiga, iyo meelaha kale ee qashinku ka yimaado. Qodobka 3aad Xadka Adeegsiga Xeerkan Xeerka waxaa loo adeegsanayaa Maamulka Qashinka Adag/Dareeraha iyo Faya-dhawrka ee Magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland. Qodobka 4aad Ujeedooyinka Xeerka Maaraynta Qashinka & Faya-dhawrka Magaalooyinka Ujeeddooyinka Xeerka waa: 1. In la hello Magaalooyin Nadiif ah oo ay sugan tahay Caafimaadka Bulshaddu, isla markaana kor loo qaado bilicda, Nadaafadda, faya-dhawrka Magaalooyinka & Tuulooyinka JSL. 2. In la dardargeliyo korna loo qaado dhamaan adeegyadda kala duwan ee bulshadda ee la xidhiidha nadaafadda faya-dhawrka deegaanka & bilicda Magaalooyinka & tuulooyinka ee ah in la horumariyo lana tayeeyo si loo xoojiyo korna loogu qaado in la helo deegaan nadiif ah oo lagu noolaan karo. 3. In la helo sharci lagu hago laguna dhaqo si loo xoojiyo awoodda Maamul ee Faya-dhawrka & qashinka Magaalooyinka Somaliland, iyada oo sahli doonta in cid kasta oo ku xadgudubta Deegaanka & caafimaadka bulshadda si fudud sharciga loo waafajin doono. 4. In la la helo sharci lagaga faa’idaysto maaraynta khayraadkaQashinka Adag, Dareeraha Iyo adeegyadda Faya-dhawrka. 5. In awood loo helo horumarinta qorshaha qaranka ee dhinaca Qashinka Adag, Dareeraha Iyo Faya-dhawrk looguna turjumo Qorsheyaal qaran si markaa loo qiimeeyo looguna daro qorshaha guud ee qaranka iyo ka faa’idaysiga deeqaha iyo iskaashiga caalamiga ah. 6. In awood loo yeesho qorshayn iyo qiimayn guud oo ka wada dhexaysa barnamijyada Iyo mashaariicda khayraadkaQashinka Adag, Dareeraha Iyo Faya dhawrka kuwaasoo maamulkooda & maarayntooda ay ka masuul tahay Dawladaha hoose ee magaalooyinka. 7. In la abuuro hab iskaashi oo wadda shaqayneed oo dhexmara dhamaan daneeyeyaasha horumarinta Maareynta & Maamulka qashinka & faya-dhwarka 12 Magaalooyinka, sida Dadweynaha, Ururada bulshada, Shirkadaha, Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hayadaha caalmiga ah, qaadhaan bixiyeyaasha iwm. 8. In la dhiirigeliyo lahaanshaha gaarka ah, gaar ahaanna nidaamka lahaanshaha wadajirka ah ee dawladda iyo dadweynaha [Public Private Partnership – PPP], gaar ahaan Magaalooyinka Darajadda 1aad ee uu ka hirgeli karo nidaamkaasi, iyada oo ay reeban tahay iyada oo aan ruqsan amaba Heshiis loo haysan in cid gaar ah fuliso adeeg public ah, taasi oo sharcigani mabnuucayo, sidoo kale cida ruqsan amaba heshiis sharci ah ay la gasho Dawladda Hoose iyada xadidaysa tacriifadda adeega iwm, iyaga oo ku soo saari doono Xeer-hoosaadyo. QAYBTA LABAAD MAS’UULIYADAHA Qodobka 5aad Masuuliyadaha iyo Waajibaadka Dawladaha Hoose Sida uu dhigayo Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer/Lr23/2002 Qodobkiisa 36ad, Dawladdaha Hoose ayaa ka masuul ah dhamaan adeegyadda Bulshadda ee Degmadda, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin adeegyadda Nadaafadda & Faya-dhawrku, waxaana looga baahan yahay qodobadan: 1. In ay dejiso qorshe cilmiyeysan oo la xidhiidha Maamulka & Maareynta Qashinka & faya-dhawrka ee Degmadda. 2. In Qashinka Adkaha ah ee ka soo baxa Magaaladda ay u kala qaado sida xeerkani jidaynayo oo ah in guryaha laga qaado wiigi ugu yaraan hal mar ugu badnaana laba jeer, dhamaan goobaha kale sida ganacsiga, caafimaadka, goobaha dadweynaha, waxbarashada & goobaha ay u calaamadiyeen qashin ururinta iwm, ay uga qaadaan maalin kasta uga yaraan hal mar ugu badnaana laba jeer. 3. In ay dhiiri geliyaan nidaamka guri ka guri iyo in ay la yimaadaan Tignoolajiyada casriga ah ee la xidhiidha in qashinka dib looga faa’idayso bulshadana shaqo abuuris ugu sameeyaan. 4. In ay ku shaqeeyaan nidaamka PPP ee shirkadaha gaar loo leeyahay ay kusoo xushaan nidaam daahfuran oo tartan ku yimid isla markaana ay lagalaan Heshiis daah furan oo qeexaya masuuliyadaha & waajibaadka labada dhinac isla markaana la xaqiijiyey inuu yahay mid sugaya Nadaafada Degmadda & Caafimaadka Bulshada. 13 5. In ay diyaariso qoobaha qashin ururinta/ Koontiinarada qashinka waddooyinka, dumping sites-ka qashin qubka, isla markaana ay si joogto ah uga warhayso nadaafadooda. 6. In ay kormeer iyo dabagal joogto ah ku samayso goobaha qashin soo saarka, goobaha lagu ururiyo, goobaha lagu kala saaro ilaa goobta lagu soo qubo/gubo ee lagu aaso amaba lagu farsameeyo. 7. In ay sameeyaan qorsheyaal wacyigelineed oo kor loogu qaadayo nadaafadda Magaalada & deegaanka, isla markaana laga faa’idaysto dhamaan daneeyayaasha gacan ka gaysan Kara arrintan sida saxaafada, goobaha waxbarashada, fanaaniinta, culumada iwm. 8. In ay fuliyaan sharciga cid kasta oo ka hortimaada amaba ku gafta qodobada uu xambaarsan yahay xeerkani ee la xidhiidha Nadaafadda &faya-dhawrka Degmadda ay Maxkamada awood u leh horgeeyaan 9. Inay mashaariic horumarineed u raadiso cilmidbaadhista, maalgelinta Tamar u bedelida, kala saarista & dib uga faa’idaysashada qashinka. 10. In ay sameeyaan goobo lagu farsameeyo qashinka bulaacadaha loogana faa’idaysto bacriminta beeraha iyo nafaqaynta caradda. 11. In ay u sameeyaan gaadiid qaada, amaba ay nidaam u sameeyaan gaadiidka gaarka loo leeyahay ee ka shaqaysta qaadista bulaacadaha, taasi oo ah habku dhisan PPP (Nidaamka iskaashiga) ama iskaashatooyin loo dhiso dadka ka ganacsada hawshaasi. 12. In ay iska xilsaaraan joojinta Biyaha wasakhda ah ee laga soo daayo Guryaha, Maqaaxiyaha, Hudheelada iwm, laguna sii daayo waddooyinka iwm, iyada oo cida u hagaansami wayda xeerkani ciqaab Marin doono. 13. In ay qorshe gaar ah u sameeyaan qashinka dareeraha ah ee halista ah sida ka warshadaha, goobaha Caafimaadka, Saliidaha, dharmidabaynta iwm, loona sameeyo kaydin/qaadid & qubitaan u gaar ah. 14. In ay iska xilsaaraan wax kaqabashada biyaha fadhiista meelaha godan waqti roobaadka lana baabiiyo markasta si joogta ahna meesha looga nadiifiyo. 15. Inay si gaar ah oo xeel dheer ula socdaan una xakameeyaan dhamaan faya dhawrka, Hudheelada, Hilibka, Caanaha, Xamaamadda, Rayiislayaasha, Albeerkooyinka, Sariibadaha, Maqaaxiyaha, Macmacaanlayaasha, kawaanada, Guryaha, gooabaha ganacsiga, goobaha dawlada ee saldhigyada/jeelasha, goobaha waxbarashada iwm. 16. In ay si joogto ah baadhitaan & dabagal ugu sameeyaan isticmaalka alaabooyinka dhacay sida Raashinka, sharaabayada, daawooyinka, Cosmatics, & 14 nooc kasta oo allaab dhacday, iyaga oo u eegi doona in waqtigeedu dhamaaday & in isbadal kimikaad ku yimid sida urta/ midabka iwm. Qodobka 6aad Doorka Wasaarada Caafimaadka Wasaaradda Caafimaadku waxay door mihim ah ku leedahay ilaalinta iyo sugidda Caafimaadka Bulshada, si loo helo nadaafadda magaalooyinka oo dhawrsoon waxayna gacan buuxda ka siinaysaa 1. Dawladaha Hoose kaydinta Qashinadda Cudaradu ka dilaaci karaan, iyadoo marwalba siin doonta Tilmaamaha la xidhidha ka hortaga cudarada faafa iwm. 2. In ay Una u fidso Dawaladaha Hoose Tabobbaro la xidhiidha cuduradda ka yimaada Qashinka ka hortagistooda iyo xakamayntooda labadaba, 3. Waxay gurmad ka samayndoontaa dhibaata kasta oo ka timaadda nadaafad darrada iyada oo samayn doonta wacyigalinno joogto ah oo Bulshada lagu baraarujinayo khataraha caafimaad ee ka imankara qashinka. 4. Waxay dejinaysaa siyaasadda faya-dhawrka ee dalka (National occupational health policy), Waaxyaha dawladaha hoosena waxay ku shaqayn doonaan siyaasda faya-dhawrka. Qodobka 7aad Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu waxa ay masuul ka tahay: 1. Ilaalinta Deegaanka isla markaana waxay si xeel dheer uga qayb qaadaynaysaa ilaalinta Goobaha Qashinka lagu aasayo ama lagu gubaayo. 2. Sidii loo heli lahaa Deegaan nadiif ah oo lagu noolan karo, waxana waajib ku ah inay Degmooyinka dalka ka samayso cilmi baadhis la xidhiidha cawaaqibka deegaanka (Enviormental Impact Assessment) Qodobka 8aad Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha 1. Wasaaraddu waxay qayb mihim ah ka tahay ilaalinta iyo sugidda kaydka ama khayraadka Biyaha waxayna sibuuxda ugala shaqaynaysaa Dawladaha Hoose. 2. Ilaalinta Kaydka Biyo Hoosaadka iyo kaydka Biyo duleedka si looga hortago Sumowga ama wasakhawga Kaydka biyaha iyo hortagga khataraha ka imankar. 3. Waxay kala shaqaynaysaa dhinaca Cilmi Baadhista ee ogaanshaha dhulka hoostiisa iyo Xaaladda Carrada dhulka hoose ee goobaha Qashin Qubka, 15 4. Farsamaynta, Aasidda iyo Gubidaba. Qodobka 9aad Wasaarada Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Wasaaraddu waxay door mihim ah ku leedahay 1. Wadashaqaynta dhinaca maamulka qashinkahalista ah ee ka soo baxa warshadaha. 2. Sidii loo xakamayn lahaa warshadaha soo saara hadhaaga halista iyo dhiirigelinta dib u warshadaynta & ka faa’idaysigakharyraadka qashinka. 3. Waxay Dawladaha Hoose ka gacan siin doontaa uraadinta maalgashi iyo ka faa’idaysiga Khayraadka Qashinka, iyo dhiiri galinta in Qashinka loo badalo Ganacsi, Bulshadana loogu sameeyo shaqa abuuris. 4. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu waxay bixinaysaa ruqsadaha dib u farsamaynta qashinka noocyadiisa kala duwan iyo dhoofintiisaba, iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Deegaanka si looga hor tago khataraha ka iman kara dib u isticmaalka qashinka (Recycling). Qodobka 10aad Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Wasaaraddu waxay masuul ka tahay; 1. Nadaafadda iyo gacan ku haynta xarumaha gawraca si loo hubiyo caafimaadka hilibka iyo xoolaha lagu qalayo si waafaqsanXeerka Ilaalinta iyo Faya-dhowrka Hilibka Somaliland (Somaliland Meat inspection Act). Qodobka 11aad Shirkadaha Qashinka Xeerku wuxuu waajibinayaa in Shirkadaha Qashinku: 1. Ku yimaadaan nidaam daah-furan oo tartan ku salaysan iyada oo markasta oo shirkad la qaadanayo dawladaha hoose xayeysiin doontoisla markaana u dejin doonto shuruudo iyada ood shirkada lagu qaadan doono awooddeeda qalab/cilmi/farsamo dhaqaale iwm. 2. Shirkadaha qashin ururintu waxay masuuliyadoodu noqon doontaa dhammaan waajibaadka ugu yaala Heshiiska ee ay Dawlada hoose la gashay, kaasi oo nuxurkiisu yahay: 16 3. Inay shirkaddu ka mas’suul tahay guud ahaan nadaafada aagga (Area) ay u xilsaaran tahay iyada oo ku shaqayn doonta nidaamka guri ka guri, adeegana siin doonta ugu yaraan wigii hal mar ugu badnaana laba jeer. 4. Inay Shirkaddu ka mas’uul tahay dhammaan nadaafadda Waddooyinka, Goobaha Dadweynaha, Goobaha qashin Ururinta, bakhtiga, Biyo Mareenada, Xaafadaha danyarta iwm ee ku yaala Aaga/Waaxda amaba Degmada ay u xilsaaran tahay, waxanay u wada shaqayn doontaa bulshada ladan Iyo danyarta si isku mid ah, mana dhici karto in shirkadu noqoto mid lacag urursi u taagan balse wax ku celinaysa bulshada keeda jilicsana adeeg lacag la’aan ah u fidinaysa. 5. Shirkaduhu ma qaadi karaan lacag/fee aanay D/hoose u jaangoyn, shirkad aan ruqsad ka haysan D/hoosena kama shaqayn karto adeegan, Dawladaha Hoose waxay xaq u leeyihin in ay Ruqsada kala noqdaan shirkada ka soo bixi wayda waajibaadkeeda. Qodobka 12aad Shirkadaha Kawaanka Gawraca 1. Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga ayaa ka masuul ah kawaannada Gawraca ee dalka marka laga reebo kawaanka Caasimada Hargaysa ee Dawlada hoose ee Hargeysa maamusho Wasaaraduna waxay yeelanaysa hubinta Caafimaadka Xoolaha iyo fayo-qabka Xoolaha lagu qalayo Kawaanka. 2. Iyada oo la dhiiri gelinayo warshadeynta iyo dhoofka hillibka xoolaha waxaa muhiimada koowaad la siinayaa shirkadaha maalgashiga ee ka shaqeeya dhoofinta iyo warshadeynta hilibka xoolaha ee gacan ku haynta Kawaanka Gawraca. 3. Shirkada kawaanka hawlgalaysa waxay ku imandoonta nidaam daah furan oo tartan ku salaysan iyada oo markasta oo shirkad la qaadanayo Wasaarada Xanaanada xooluhu xayeysiin doonaan una samayn doonaan shuruudo ay buuxiyaan, taasi oo shirkada lagu qaadan doona awoodeeda qalab/cilmiyeed/farsameed dhaqaale iwm. 4. Wasaaarada Xanaanada Xooluhu waxa ay shanti (5) sanadoodba dib u eegis ku samayndoontaa Heshiiska Shirkadda ee Kawaanadda, taasi oo ay ka soo bixi doonto dib u jidiidin, & joojin heshiis hadii shirkadu ka soo bixi waydo waajibkeedi iyada dib u xayaysiin karta tartan xor ah amaba gacanteeda ku maamuli doonta. 5. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala kawaanadu kuma mulkiyi karaan Kawaanka maalgelin ay ku sameeyeen, sidoo kale ma sameyn karaan maalgelin aan lahayn qiimayn & ogolaansho Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Ogayn ama aaney ogolaanin. 6. Shirkadaha gaarka ah ee ku guulaysta Maamulka Kawaanada Gawraca waxay Masuuliyadoodu noqon doontaa dhammaan waajibaadka ugu yaala Heshiiska ee ay 17 Wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu la gashay, kaasi oo nuxurkiisu yahay: B. In ay shirkadu ka masuul tahay guud ahaan adeega xoolaha la qalayo, nadaafada goobta qaliinka, nadaafada gaadiidka, nadaafada guud ee kawaanka, goobta qashinka kawaanka & sugida nadaafada hilibka ilaa inta uu ka gaadhayo sariibada. T. Shirkadu waxay shaqayndoonta habeen&maalin kasta saacadaha ku munaasibka ah mana laha fasax maalmaha fasaxa ee qaranka. J. Shirkaduhu ma qaadi karaan lacag/fee aanay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu u goyn ama jaangoyn, shirkad aan ruqsan ka haysan Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu kama shaqayn karto adeegan gabi ahaanba. X. Shirkaddu waxay ku socondoontaa dhamaan waajibaadka ugu yaala Heshiiska & guud ahaan siyaasadaha & shuruucda qaranka ee la xidhiidha hawsha ay u xilsaaran yihiin. Kh. Shirkadu waxay markasta ka shaqayn doonta kor u qaadida adeega & raaligelinta macaamiisheeda kala duwan. D. Sidoo kale dawlada hoose ayaa iska leh maareynta iyo kormeerka qashinka ka soo baxa kawaanka gawraca xoolaha iyada oo qayb ka noqoneysa heshiiska seddex geesoodka ah haddii loo igmado shirkad gaar loo leeyahay waxana dawlada hoose yeelaneysaa15% khidmadda adeega Kawaanka Gawraca halka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysigu ay yeelaneyso 5% oo noqonaya adeega hubinta faya-qabka Xoolaha & hillibka lagu qalayo Kawaanka gawraca, halka shirkadda gacanta ku haysaana ay yeelaneyso 80% hadhey. Qodobka 13aad Shirkadaha Horumarinta & Dib uga Faa’idaysiga Qashinka Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya in ay dib u cusboonaysiin, dib u isticmaal & Tamar ka dhalin (Rcycling/Re Use/Waste to energy) ku sameeyaan qashinku waa in ay ku yimaadaan nidaam daah-furan oo tartan ku salaysan iyada oo markasta oo shirkad la qaadanayo dawladaha hoose xayeysiin doonto una samayn doonaan shuruudo ay buuxiyaan, taasi oo shirkadda lagu qaadan doono awooddeeda qalab/cimi/farsamo dhaqaale iwm. 18 Qodobka 14aad Ururada Bulshada Ururrada Bulshadu Waa in ay ka qayb qaataan Wacyi-galinta iyo Ololeyaasha Qashinka, iyaga oo ogolaansho wada shaqayneed ka helaaya Dawladda Hoose, waxa reeban in ay fuliyaan mashruuc aanay ogayn Dawladaha Hoose. Qodobka 15aad Hay’addaha Caalamigaah 1. Haayadaha caalamiga ahi ku shaqada leh waa in ay cilmi baadhis iyo Hurumarin ku sameeyaan Maamulka Qashinka iyo ka faa’iidaysigiisa si kor loogu qaado caafimadka bulsahda iyo ilaalinta Deeganka 2. Hay’adaha caalamiga ah ma samaynkaaan hawlgal la xidhiidha maamulka iyo mashaaricda horumarinta qashinka hadii aanay ogolaansho ka haysan Dawlada Hoose 3. Dawladda Hoose waxay si toos ah iyo si dadban ula shaqaynaysaa hay’ad kasta oo calamiya ah oo rabta in ay fuliso mashaaric horumarineed oo la xidhiidha Maamulka Qashinka iyoFaya-dhawrka Magaalooyinka JSL. Qodobka 16aad Ganacsatada 1. Ganacsatadda waxaa ku waajib ah in ay door mihim ah ka qaadato maamulka qashinka, waana in ay ka fogaadaan ka ganacsiga keenaya qashinka halista ah ama dhibaataynaya caafimaadka bulsahda iyo Deeganka. 2. Ganacsatadu ma dhoofin karaan qashin iyaga oo aan ruqsad ka haysan Dawlada Hoose. 3. Waxaa looga baahan yahay ganacsatada inay ku dhiiradaan inay maalgelin ku sameeyaan qashinka loo badali karo ganacsi iyaga oo raacaya sharciga. 4. In aanay ganacsatadu keeni allaabooyinka qashinkoodu dhibta u geysan karo deegaanka, bilicda, xoolaha & caafimaadka bulshada, sida Bacda miikada, Bacda illa qabo & Bacda Xayeysiiska ah. QAYBTA SADDEXAAD MAARAYNTA QASHINKA ADKAHA AH IYO GOOBAHA QASHINKU KA SOO BAXO Qodobka 17aad Qashinka Guryaha Guri kasta waa in uu u kala saaro Qashinka Qalalan iyo Qashinka Qoyan, iyada oo uu ka qalalan goob gaar ah ku kaydinayo si ku haboon, ka qoyana u maareynayo sida ugu haboon, iyada oo uu kaydin doono ilaa inta ay gaadhayso xiliga qaadista hadii 19 Dawlada hoose ee Degmadaasi isticmaasho nidaamka guri ka guri (door to door), hadii kalena uu geyn doono goobta dawladda hoose u calaamadisay. Qodobka 18aad Qashinka Goobaha Ganacsiga 1. Qashinka Goobaha Ganacsiga oo uu kasoo baxo qashin kala duwan oo ah midka halista ah iyo midka aan halista ahayn, isla markaana isugu jira Qashinka Qalalan iyo Qashinka Qoyan. 2. Meherad kasta waa inay samaysato kaydiye daboolan oo ku haboon nooca qashinka, iyada oo uu u kala saarayo qashin qoyan iyo mid qalalan mid halis ah iyo mid aan halis ahayn, iyada lagu kaydin doono inta ay ka gaadhayso xiliga laga qaadayo haddii Dawlada hoose ee Degmadaasi isticmaasho nidaamka guri ka guri (door to door), hadii kalena uu geyn doono goobta dawladda hoose u calaamadisay. Qodobka 19aad Goobaha Warshadaha Goobaha Warshadaha Qashinka ka soo baxa waa halis waxana looga baahan yahay 1. Maamulka warshadda waa inay u habeeyaan si feejigan ama cilmiyaysan iyada oo lagu kaydiknaayo kaydiye xafidan, 2. Waa in ay ukala saaraan Qashinka Qalalan Iyo Qashinka Qoyan, waxaana la qaadaya waqti ku haboon iyada oo loo gubi/burburin doono goob & hab ku haboon oo ay hubiyeen Dawladdaha Hoose & hayadaha kale ee ay khusayso arrintani. Qodobka 20aad Goobaha Caafimadka 1. Goobaha caafimadka waxaa ka soo baxa Qashin Halis ah kaas oo u baahan xafidid iyo burbirinar ah iyo in lagu gubo qalabka loogu tallo galay ee Insilanators/ Autoclave iwm, waxana looga baahan yahay maamulka goobta caafimaadka inay masuuliyad iska saaraan kala saarida & kaydinta una sameystaan weel ay ku kaydiyaan (garbage Bin), 2. Maamulka Goobaha caafimadku waxay ka masuul yihin xafidida iyo kaydinta qashnika ka soo baxa goobta caafimaadka 3. Waxaa la ogol yahay in si haboon loo kaydiyo loona xafido, isla markaana lagu qaado gaadidka ku haboon hadhaaga ama qashinka goobaha caafimadka 4. Cidii ku qubta qashinka caafimadka goobo aan logu talo galin waxa ay mutaysanaysa ciqaab 20 5. Goobaha caafimadka waxa ka qaadi karra qashinka Dawlada hoose oo iyada leh masuuliyada Maareynta qahinka ama shirkad u haysta ruqsad ganacsi ama heshiis oo tayadeeda la ogyahay. Qodobka 21aad Goobaha Wadooyinka Goobaha wadooyinka iyo Dadwaynaha waxa ka dhasha qashin ay tuuraan dadku iyo mid ay xooluhu dhaliyaan taasi oo loo baahan yahay: 1. In Dawladaha hoose u sameeyaan Koontiinar/Dust Bin weyn oo dadku ku ridaan qashinka ka dhasha isticmaalkooda. 2. Qof kasta oo muwaadin ah ama ku nool JSL waa in ku ridaan qashinka goobtaasi loogu tallogalay, oo aanay ku tuurin goob aan ku haboonayn. 3. Dawlada hoose ama shirkadda waxaa ku waajib ah inay si joogto ah uga qaadaan qashinka waqtiga ku haboon ee loogu tallo galay. 4. In la sameeyo ololeyaal iskaashi oo ay hogaaminayso Dawlada hoose oo kor loogu qaadayo nadaafadda gaar ahaan waddooyinka, taasi oo ay ka qayb qaadankaraan dhamaan daneeyayaashu, waxana reeban in olole la iska qaado iyada oo aan ogeyn dawladda hoose maadaama oo ay iyadu masuuliyadaasi gaar u leedahay. 5. Cidii ku tuurta qashin meel aan ku haboonayn waxay muutaysan doontaa ciqaab. Qodobka 22aad Goobaha Waxbarashada 1. Goobaha waxbarashada waxaa looga baahan yahay Maamulka inay u samaystaan goobo qashinka ku ridaan, isla markaana waxaa looga baahan yahay maamulada waxbarashada inay ardayda ku baraarujiyaan muhiimada ay nadaafadu leedahay iyaga ku hagi doona wacyigelin la xidhiidha nadaafada & iyo inay wiigii hal mar xaadhis/ nadiifin ka sameeyaan gudaha iskuulka, iyaga oo markasta la xidhiidhaya dawladda hoose si looga qaado qashinka ay ururiyeen. 2. Dawladda hoose/shirkada waxaa laga rabaa inay masuuliyad gaar ah iska saaraan kor u qaadista nadaafada goobaha waxbarashada & dadweynaha, isla markaana ay si joogto ah uga warhayaan nadaafadda & qaadista qashinka ka soo baxa. Qodobka 23aad Qashinka Sariibadaha. Qashinka ka soo baxa sariibadaha oo kala duwan isla markaana ah goobo ay dadweyne oo bulshadu si joogto ah ugu xidhan tahay waxa looga baahan yahay: 21 1. In Dawlada Hoose/Shirkadu iska xilsaarto illaalinta nadaafadda goobahaasi dadweynaha isla markaana loo sameeyo meelo ay qashinka dhigaan si joogto ahna looga qaado maalin kasta. 2. In si gaar ah loo illaliyo nadaafadda hilibka/Caanaha/Khudradda iwm, maadaama oo bulshadu si joogto u isticmaasho lagama maarmaana ay tahay in la xaqiijiyo nadaafadooda.iyadoo la raacayo sida uu dhigayo Xeerka Hilibka Somaliland 3. Ganacsatada & dadka ka adeeganaya goobahaasi dadweynaha waxaa looga baahan yahay in ay ku ridaan qashinka goobaha loogu tallo galay. 4. Cidii ku ridi wayda amaba illaalin weyda nadaafada goobaha caamka ah waxay muutaysan doontaa ciqaab. Qodobka 24aad Qashinka Sayladaha & Maxjaradda. Qashinka ka soo baxa sayladaha oo kala duwan isla markaana ah Qashinka kasoo baxa Xoolaha sida Digada iyo Bakhtiga xoolaha waa in sida ku haboon loo habeeyaa loona hagaajiyaa: 1. In Dawlada Hoose ama shirkadu iska xilsaarto nadaafadda sayladaha si feejigan u ilaalisaa isla markaana loo sameeyo meelo ay qashinka dhigaan si joogto ahna looga qaado maalin kasta. 2. In D/hoose amaba shirkad haday jirto ay si gaar ah loo illaliyo qaadista Xoolaha bakhtiya, sidoo kale la joogteeyo qaadista digada lagana illaaliyo cayayaanka ku dhasha oo xoolaha & dhaqaalaha dalkaba waxyeelo u geysan karra. 3. In qashinka kale loo sameeyo meelo lagu ururiyo (garbage containers), isla markaana si joogto ah looga qaado. 4. Cidii ku ridi wayda amaba illaalin weyda nadaafada goobta Saylada waxay muutaysan doontaa ciqaab. 5. In Dawladaha Hoose kuwa leh Maxjaradu si feejigan u ilaayaan nadaafadda Maxjaradda sidoo kale ay goobo gaar ah u sameeyaan Siliijyada & daawada xoolaha & cid si gaar ah u ururisa oo xidhan qalab xafidan meelo ku haboona lagu gubo, sidoo kale qashinka kale ay u sameeyaan weel qashin oo lagu ururiyo si joogto ahna looga qaado. Qodobka 25aad Qashinka Goobaha Kaluunka 22 1. In Dawlada Hoose si gaar ah u daryeelaan nadaafadda goobaha lagu iibiyo, Dekadaha kaluunka, goobaha lagu kaydiyo iwm, isla markaana loo sameeyo weel ku haboon oo lagu guro hadhaaga/qashinka kaluunka. 2. In loo sameeyo gaadiid ku haboon qaadista kaluunka u kala gudba Goboladda & Degmooyinka Dalka, isla markaana si joogto ah loo nadiifiyo, Dawladaha hoosena ay iska xilsaaraan hubinta & illaalinta nadaafadda gaadiidkaasi. 3. In cidii u samaysan weyda weel ku haboon oo ay ku guraan qashinka kaluunka, ama ku kaydin waydin qaboojiyeyaal ku haboon waxay muutaysan doontaa ciqaab. Qodobka 26aad Obka Qashinka Badu Soo Tufto Qashinka badu soo tufto oo isugu jira baco/qashin ay maraakiibtu qubtay/Xawayaano dhintay iwm, waxaa loo baahan yahay: 1. In Dawlada Hoose ee badaha leh si feejigan ula socdaan qashinkaasi isla markaana si xilkasnimo ah loo illaaliyo nadaafada badaha. 2. In qalab laga xidho markasta oo la qaadayo qashinkaasi maadaama oouu yeelan karo khatar caafimaad, isla markaana lagu qaado gaadiid ku haboon laguna gubo goob kuhaboon. Qodobka 27aad Qashinka Dhismaha Qashinka ka soo baxa Dhismaha ama Burbirinta Dhismayaasha oo kala duwan isla markaana ah Qashinka kasoo baxa Degitaanka iyo dhigitaanka bilawga shaqada dhismaha waa in sida ku haboon loo habeeyaa loona hagaajiyaa iyadoo loo baahan yahay qodobadan hoos ku xusan: 1. In Dawlada Hoose u samayso gaadiid ama cid si gaar ah u gurta qashinka dhismaha. 2. In la kala saaro qashinkaasi oo ciida & dhagaxa iwm, looga faa’idaysto buuxinta meelaha looga baahan yahay, qashinka kale ee dhismahana la geeyo goobta qashin qubka. 3. In guri kasta oo dhismaya uu samaysto meel uu ku kaydiyo qashinka dhismaha ka soo baxa, isla markaana D/hoose amaba shirkada u xilsaaran si joogto ah uga qaado goobtaasi. 4. Wajahadaha guryaha waxaa ka mabnuuc ah inay isku xeeraan dhagax dhisme, god af-banaan, iwm, isla markaana Dawladaha hoose ku kormeeraan kuna ganaaxaan cida falkaasi ku kacda. Qodobka 28aad Xafidida Kaydinta iyo Kala Saarida Qashinka 23 Qofkastoo muwaadin ah waxaa uu masuul ka yahay qashinkiisa si loo ilaaliyo caafimadka Bulshada iyo ilaalinta Deegankaba 1. Dawlada hoose waxaa looga baahan yahay in hadii ay isticmaalayso nidaamka guri ka guri (door to door), inay ku dhiiri geliso dadka adeega siinayso dawlada hoose amaba shirkadu inay samaystaan kala saran qashinka si ku haboon isla markaana ay u samastaan kaydiye xafidan oo ku khaas ah kuna haboon 2. Dawlada Hoose hadii ay isticmaalayso nidaamka goob ururinta (collection point) waa inay ay goobta kasamayso meel ku haboon oo aan u dhaweyn goobaha sida dadweynaha sida sariibadaha/ iskuulada/ Cusbitaalada, xarumaha dawladda, goobaha biyaha waddooyinka halbowlaha ah iwm, waxanay bulshada ku wacyi gelin doonaan in ay geeyaan qashinka goobahaasi loo cayimay oo kaliya. 3. Dadweynaha waxaa looga baahan yahay inay geeyan qashinka goobtaasi loo cayimay, cida meel kale ku qubana waxay muutaysan doontaa ciqaab. Qodobka 29aad Nidaamka Qashin Ururinta &Qaadista 1. Dawlada hoose ayaa ka masuul ah Ururinta iyo Daabulka qashinka ilaa goobta lagu aasayo ama lagu ridayo qashinka si xafidan oo ku haboon daabulka qashinka 2. Dawladdaha hoose ee Darajada 1aad (A) waxa ay Ruqsad ama heshiis ku bixinkaraa Ururinta, Qaadista iyo Daabulka qashinka iyadoo la racayo nidaamka wadaaga (ppp) ilaa goobta qashin qubka ee Dawlada hoose ugu talo gashay, waxanay shirkadahaasi fee ay Dawlada hoose u cayintay ka qaadi doonaan bulshada ay adeega u fidinayso kuwa ladan danyartana waxay siin doonaan adeeg lacag la’aan ah. 3. Shirkadaha qashin ururinta ee haysta ogolaansha dawlada hoose waxaa looga baahan yahay in si xafidan u qaadan iyagoo adeegsanaya gaadiid ku haboon looguna talo galay sida duubte ama mid iska rogo ah oo leh dabool xafidan markuu raran yahay. 4. Shirkada qashin ururinta waxay yeelan doonan jadwal cad oo ay ku shaqeeyaan laguna dabagalo, iyaga oo raacidoona waajibaadka ugu qeexan Qodobka 11aad ee xeerkan sidoo kale waxay ku socon doonaan qodobada heshiiska ee ay la galeen Dawladda Hoose, iyada oo hadii ay jabiyaan kana soo bixi waayaan waajibkooda Dawlada Hoose waxay xaq u leedahay inay Ganaaaxdo amaba kala noqoto ruqsada. 5. Qashin laguma qubi karo lamana dhigi karo meel aan ahayn goobta dawlada hoose ugu talo gashay qashin qubka. 6. Dawlada hoose ee darajooyinka 1aad (A) waxa kale oo ay xaq u leeyihiin inay iyagu guraan qashinka oo ku dhaqmaya nidaamka guri ka guri (door to door), sidoo kale waxay ku shaqayn karaan nidaamka goobaha (Collection points), iyada oo looga baahan yahay: 24 B) In ay illaaliyaan jadwalka qashin qaadista ugu yaraana ay usbuuci hal mar guryaha ka qaadaan, goobaha kale oo dhan maalinle uga qaadaan. T) Inay si gaar ah u illaaliyaan nadaafada goobta qashin ururinta joogtana uga qaadan bulshadana baraan xilyada ku haboon ee ay goobta qashinka geynayaan si looga qaado oo goob la nadiifiyey qashin ladaba dhigin. J) Inay iska xilsaaraan adeega nadaafadda ee goobaha dadweynaha sida sariibadaha/goobaha waxbarashada, waddooyinka iwm. X)Inay hab gaar ah uga qaadaan goobaha qashinka halista ah sida goobaha caafimaadk, warshadaha, maxjaradda iwm, sigaar ahna oo ku haboona ay u gubaan. 7. Dawladaha hoose ee darajooyinka B–D waxay yeelan doonaan goobo qashin ururin oo ku haboon iyaga oo si joogtoah ugu samayn doona gaadiid & shaqaale qaada iyaga oo geyndoona god ku haboon oo magaaladda ka durugsan si haboona u gubi doona, waxanay bulshada ku wacyi gelin doonaan in qashinka la dhigo meelaha loo asteeyey oo kaliya. 8. Dawladaha hoose ee Darajooyinka B–D ma yeelan karaan wax shirkado ah oo qashin ururin sameeya. Qodobka 30aad Goobaha Qashin Kala Saarka Iyo Burburinta 1. Dawlada hoose waxay ka masuul tay kala saarida iyo ka faa iidaysiga noocyada qashinka, wayna samaynkartaa, bilaabi kartana warshado lagu kala sarayo qashinka noocyadiisa iyado horumar lagu samaynaayo ka ganacsiga, ka faa idaysikga iyo maaraynta qashinka. 2. Dawlada hoose waxay awood u leeday in ay bixisa ruqsadaha, heshisna ku bixinkarta ka ganacsiga kala sarida qashinka iyadoo kor u qaadaysa adeega maaraynta qashinka iyo koboca dhaqaale ee ku dhisan ilbaxnimada iyo horumarka casrigaa ee maamulka magalada. 3. Dawlada hoose ayadaa ka masuul ah, doorashada goobta laga hirgalinaayo warshada kala saarka iyo burburinta qashinka, iyaga oo la tashanaya wasaaradaha & hayadaha ay khusayso si xeel dheerna u eegaya, isla markaana Waxay dawlada hoose ka masuul tay kormeerka iyo dabagalka goobaha qashinkala kala saarka iyo burburinta si loo ilaaliyo deeganka. 4. Qashinka waa in loo burburiyo sida ugu casrisan ee ugu haboon, loogana faa’iideeyaa bulsahda sidii dhaqaalahooda kor loogu qaadi lahaa shaqo abuurisna ay ugu noqon lahayd. Qodobka 31aad Habka Daabulka iyo Qaadista Qashinka 25 1. Dawlada Hoose ee Darajada 1aad waa in qiimayn ku samaysaa Shirkadaha raba in ay kusoo biiran ka ganacsiga adeega qashin qaadka iyo Daabulka waxa looga baahan yahay in ay la yimaadaan awood iyo qorshe dhamaystiran oo casri ah. 2. Waa in ay la yimaadan gaadidka ku haboon, shaqaalaha ku haboon, qalabka ku haboon iyo aqoonta ku haboon qaadista iyo daabulka qashinka. 3. Lama Oggola in shirkad cusub ama cidkale ka shaqayn karto adeega daabulka iyo qaadista qashinka ee magalada hadii aanay ruqsad iyo ogolaansho ka haysan Dawlada hoose. 4. Shirkadaha haysta ruqsada iyo heshiiska ka ganacsiga daabulka iyo qaadista qashika waxa looga baahan yahay in ay keenan ama ku hawlgalan jadwal shaqo oo dhamaystiran, gaadiid ku haboon, iyo xirfaq & aqoon kordhin karta adeega shaqo. 5. Gawaadhida qashinka lagu qaadaa waa in ay yihiin kuwa qashinka loogu talo galay kuwaas oo ka samaysan bir si fudud loo nadiifin karo, waana in joogta ah loo nadiifiyaa loogana dilaa jeermiska/wasakhda si looga hortago caafimaad daro ama ur dadweynuhu ay dhibsadaan. 6. Gawaadhida qashinka waa in loo raraa loona wadaa si taxadar leh si aanu qashinku uga daadan, haddii ay wax ka daataan waa in si dhakhso ah ay u qaadaa shirkadda qashinka waday.Dawladda hoose waa in ay ansixisaa dhamaan gawaadhida qashinka qaada. Qodobka 32aad Dib U-habayn Iyo Nidaaminta Qashinka 1. Shirkad ama cidkale midna looma ogola in uu dhofiso ama ka ganacsato qashinka ama hadhaaga Baaburta hadii aanay ogolaansho ka haysan Dawlada hoose 2. Cida rabta in ay ka ganacsato ama dhoofiso Qashinka ama hadhaaga Baaburta waxa laga doonayaa in ay la soo xidhiidho dawlada hoose si loo hubiyo qorshahooda hadii uu faa’ido dalka u leeyahayna loo siiyo ruqsan lagana qaado cashuur wixii ku waajiba. 3. Cidii ka ganacsata ururinta,kaydinta iyo dhoofinta si sharcidaro ah waxa ay mutaynaysaa xadhig iyo ganaax la xidhidha nooca gacansi ama adeeg lagu qabto 4. Shirkadaha ka ganacsada urursiga, kala saarid, iibinta, dhoofinta iyo suuq gaynta waxaa la ogolyahay in ay raacan dhamaan nidaamka dhawrida deeganka iyo caafimaadka bulshada 5. Dhamaan shirakdaha, shaqsiyaadka, kooxaha iyo cidii ka ganacsanaysa qashinka waxa loo bahan yahay in ay qashikooda ku kaydiyaan goob xayndaab leh ama meel aan deegaanka, bilicda & caafimaadka bulshada wax yeelayn oo la ogolyahay noqoto. 6. Dawlad hoose kasta waa ay dhistaa goobo qashinka lagu burburiyo hubisaana in si habboon loo isticmaalo si waafaqsan xeerarka deegaanka. 26 7. Dawladaha hoose waa in ay hubiyaan siddii goobaha qashinka lagu burburiyo ee dhismuhu ku socdo ama sii jiray loogu samayn lahaa qiimayn xaga deegaanka ah si waafaqsan xeerarka deegaanka. Qodobka 33aad Goobaha Qashin Qubka ama Aasidda 1. Goobaha qashinka lagu duugayo ama aasayo waa in ay noqotaa goob dawlada hoose iyo hayadaha dawlada ee ay khusaysaa ay hubiyeen inay ku haboon tahay, iyadoo la eegayo dhamaan shuruucda iyo nidaamka ilaalinta deeganka/Biyaha iyo caafimadka Bulshada. 2. Maamulka iyo maaraynta goobta qashin qubka waxaa ka masuul ah Dawlada hoose, isla markaana waxay ku bixin kartaa ruqsad ganacsi ama maamul marka laga reebo ruqsada dib u farsamaynta qashinka oo ay wasaarada ganacsigu bixinayso iyadoo loo eegayo ka faa’iidaysiga qashinka iyo maarayntiisaba si waafaqsan xeerka maaraynta deegaanka Lr/79/2017 Qodobkiisa 36aad. 3. Dawlada hoose waxay dhiiri galinaysaa oo ay hirgalinaysaa in goobaha qashin aasida loo dhiso si casriyaysan isla markaa qashinka la aasay loo badalo koronto, biyo, shiidaal ama wixii la hal maala si looga faa’idaysto loona helo illo dhaqaale. 4. Dawlada Hoose ee isticmaala godka furan (Dumpsite) waxaa looga baahan yahay inta ay gaadhayaan nidaamka casriga ah inay si joogto ah u gubaan una aasaan qashinka, isla markaana ka illaaliyaan in qashinku deegaanka waxyeelo gaadhsiiyo. 5. Qashinka halista ah waa in loo sameeyo goobo ku haboon oo lagu burburiyolaguna gubo, iyada oo laga taxadirayo khatarta caafimaad & Deegaan ee ka iman karta. 6. Dawlada hoose iyadaa ka masuul ah qashinka waradhada iyadoo qaadis, daabulid, iyo aasidba samaynaysa isla markaana ruqsad ama heshis ayay ku bixin kartaa qaadis, dabulka iyo qubista qashinkaas halista ah nooc kasta oo uu yahay si waafaqsan xeerka maaraynta deeganka Qodobaddiisa 25aad, 26aad, 27aad. 7. Warshadii si sharci daro ah qashinkeeda ugu qubta goob aan la ogolayn waxay mutaysanaysa ciqaab culus la xidhidha qashinkeeda iyo goobta ay ku qubtay, Shirkadaha qashinka waxa ku waajibay khidmada maamulka qashinka iyadoo loo eegayo nooca qashinka ee ay la aaso ama la qarinayo. 8. Goobta Qashin Gubka iyo Tamarka dhalinta qashinka waa in ay ku taal meel ku haboon oo ka leexsan laba xili dabaylood ee jiilalkii iyo xagaagii, isla markaa Qaybtan Gubida qashinka ee Tamar ka dhalinta waxa sharcigu u ogolyahay Dawlada hoose waxayna ruqsad ku siin kartaa oo kaliya muwaadininta u leh faham iyo awood. 27 Qodobka 34aad Ruqsada iyo HeshisyadaHawlaha Adeega Maareynta Qashinka 1. Dawladda hoose waa in ay diyaarisaa ruqsadaha iyo heshisyada ka ganacsiga maamulka qashinka, ka ganacsiga dhoofinta qashinka, ka ganacsiga adeega qaadista iyo daabulka qashinka,ka ganacsiga kala sarida iyo burburinta qashinka iwm, dhamaantoodna waxay yeelan doonaan shuruurdo u gaar ah oo la hubiyey isla markaana waxay ku iman doonaan nidaam daahfuran oo ku salaysan tartan xor ah. 2. Ka ganacsiga iyo adeega maamulka qashinka noocayadiisa kala duwan iyo ganacsigakala duwan waxa ruqsada bixinaysa dawlada hoose. 3. Heshiska Ruqsad bixinta ee ka ganacsaga iyo maamulka qashinku waa 2sano ilaa 5sano, waxana la cusboonaysiin karaa marka xiligu ka dhamaado waana lagala noqonkaraa qiimayn ka dib iyo hadii u jabiyo heshiiska iyo lifaaqa shaqo tilmaamaha. 4. Goobaha soo saara qashinka halista ah waxa lala galayaa heshiis ka duwan goobaha soo saara qashinka aan halista ahayn. 5. Qiimaynka dib waa lagala noqonayaa shirkada, shaqsiga, kooxda ama cidii xeerkan qabto iyadoo ku xadgudubtay heshiska ama aan waafaqsanayn adeega iyo nooca heshiska. 6. Ruqsada la bixinayaa waxay ku xidhantay nooca adeega,ka ganacsiga iyo fursadaha dhaqaale abuur iyo kala duwananshaha adeega iyo ganacsiga 7. Ruqsada kala saarida, Burbirinta iyo Dhoofinta qashinka mudadeedu waa 1sano ilaa 5sano taas oo loo eegayo nooca qashinka iyo nooca ruqsada, waana lagala noqonkaraa ruqsada hadii uu heshiiska danbi kagalo ama uu isticmaalo waxyaabo heshiska ka baxsan 8. Ruqsada qashin aasida iyo Gubida loo badalayo Tamarta laydhka waxaa ruqsadeeda lagu bixin karaa 5sano ilaa 15sano iyadoo la cusbonaysinayo marka ruqsadu ka dhacdo ama lagala noqon karo hadii uu jabiyo heshiiska ruqsada Qodobka 35aad Khidmadda Adeega Qashinka 1. Dawladda hoose waxay ka qaadi kartaa khimda adeega qaadista,daabulka,Burbirinta iyo kala saarida qashinka, dhoofinta iyo ka ganacsiga qashinka ee ka soo baxa goobaha kala duwan iyadoo loo eegayo heer ka qashin soo saar ee goobta iyo nooca qashin soo saaraha taas oo looga qaadayo Bile,sanadleh iwm, waxanay ku soo saari doonaan goleyaasha deegaanku xeer hoosaadyo. 28 2. Khidmada la xidhiidha Adeega shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa xadidi doona Maamuladda Dawlada hoose, mana qaadi karaan shirkaduhu khidmad aanay u xalaalayn una cayimin Maamuladda Dawladaha hoose ee dalku. 3. Shirkadaha ama dadka ka ganacsada kala saarida, burburinta qashinka iyo dhoofintaba waxa ku waajibtay khidmad ka ganacsiga qashinka Qodobka 36aad Ganaaxyada Iyo Ciqaabta Shirkadaha Ku Xad-Gudba Xeerka 1. Dawladda Hoose waxay awood u leedahay daba-galka, qiimeynta, kormeerka iyo xaalad kasta oo xog-ogaal lagaga noqonayo hirgalinta iyo dhaqan-galinta xeerkan 2. cid kasta oo ku xad-gudubta isla markana u hoggansami wayda mabaa’diida xeerka waxaa la horgeynayaa maxkamadda awoodda leh, Shirkadaha loo igmaday ururinta qashinku haddii ay joojiyaan ama ay ka soo bixi waayaan waajibaadkooda waxay maxkamadda awoodda u leh ku gaanaaxayaa/ciqaabaysaa taallaabooyinkan. b. Haddii shirkadi ay ku qubto qashinka Meel aan ku haboonay waxaa lagu ganaaxayaa 100.000 ilaa 200.000 SLSH t. Haddii shirkadi ay si sharci darro uga ganacsato qashinka waxaa lagu ganaaxayaa 1.000.000 SL SH ilaa 3.000.000 SL SH ama xadhig saddex billood ah ama labadaba j. Haddii shirkadi ay isku dhex gurto qashin halis iyo mid aan halis ahayn, qoyan ama qalalan waxa lagu ganaaxayaa 1.000.000 SL SH ama xadhig ilaa saddex billod ah ama labadaba x. Haddii gaadhi shirkadi leedahay si nidaam ka khilaafsan uu u qaado qashin waxaa lagu ganaaxay 500.000 SL SH ama xadhig ila saddex bilood ah ama labadaba Kh.Haddii gaadhi ay shirkadi leedahay qashin ku qubo meel aan ku habboonayn waxaa lagu ganaxayaa 1.000.000 SL SH ama xadhig saddex bilood ah ama labadaba. d. Haddii shirkadi ka ganacsato bacda xeerka lagu mamnuucay waxaa lagu ganaaxayaa 1.000.000 SL SH ilaa 2.000.000 SL SH ama xadhig ilaa bilood ah ama labadaba. r. Haddii shirkadi ay ku shubto qashin halis ah ama halis keeni kara waxaa lagu ganaaxayaa 2.000.000 SL SH ama xadhig ilaa lix bilood ah ama labadaba. s. Haddii shirkadi ay ku qubto qashin halis ah badda dhexdeeda waxaa lagu ganaaxayaa 50.000.000 SL SH ama xadhig shan ila toban sano ah iyo magdhawga ka dhasaha khasaaraha qashinka halista ah. t. 29 Qodobka 37aad Cilmi Baadhista iyo Kobcinta Aqoonta Maamulka Qashinka 1. Dawlada hoose waa in ay samaysaa daraasad dhamaystiran oo kala duwan oo lagu odarasayo ama lagu ogaanayo korodhka qashinka,noocyada qashinka, xakamaynta iyo maamulida qashinka 2. Dawladda Hoose waa in ay bixisaa Tababoro cilmi is waydaarsi iyo aqoon korodhsi maamulka qashinka 3. Dawlada hoose waa in ay si toos ah iyo si dhaw ula shaqaysaa cidkasta oo sameynaysa cilmi baadhis iyo aqoon korodhsi isla markaana dhukumanka ka soo baxa waxa leh dawladda Hoose 4. Dawlada hoose waa in ay samaysaa sahano kala duwan, si loo xaqiijo hurmarinta iyo maaraynta qashinka isla markaana waa in ay samaysaa daraasad iyo cilmi baadhis sidii Ganacsi loogu badali lahaa ama Tamar qashinka 5. Dawlada hoose waa in ay tabobartaa gaadhsiisaana Culuum iyo khibrad aqooned bulshada Rayidkaa, Ururada Bulshada, Dadka ka ganacsada qashinka, dadka bixiya adeega qashinka 6. Wacyi galinta iyo ka qaybgalka bulshada ee hurumarinta qashinka iyo maarayntisa 7. Dawlada Hoose waa in ay samaysaa Mashaariicda iyo cilmi baadhis isla markaana ka warhaysaa oo la socotaa kormeertaana mashaaricda cilmi baadiseed iyo kuwa aqooneed Qodobka 38aad Shuruudaha Ruqsad Bixintaee Shirkadaha Qashin Ururinta 1. Codsiga ruqsad kasta oo uu dhigayo xeerkani dawlada hoose ayaa bixinkarta iyadoo la raacayo qaabka ay qeexday lana bixiyo fiiga (fee) loogu talo galay. Marka laga reebo Maamulka iyo gacan ku haynta masuuliyada Kawaanada Gawraca xoolaha. 2. Shirkadda ama urur kasta oo wadaniya ee raba in uu ka qayb qaato maaraynta qashinka, waa in uu codsi u gudbiyaa dawlada hoose ee u qaabilsan. 3. Dawlada hoose marka ay go’aan ka gaadhayso codsiga loo soo gudbiyay waa in ay tixgalisaa waxyaabahan: b) Qorshaha maaraynta qashinka t) Gaadiidka/Qalabka Shaqaalaha iyo Teknolojiyadda ku saabsan maaraynta qashinka. j) Awooda dhaqaale & Profile-ka shirkada ee la xidhiidha awooda. 4. Haddii ay ku qanacdo Dawlada Hoose teknoolojiyadda loo baahanyahay ee maaraynta qashinka, dib u warshadaynta, farsamaynta, Aasida iyo Gubida si dab looga dhaliyo iyo Tamarkale oo loo bahan yahay ama qashinka ganacsi looga dhigo,Dawlada Hoose, waxa ay ruqsad siin kartaa shirkadaha gaarka ah si ay u soo dajiyaa qalabka loo 30 baahanyahay isla markaana way dhisi karaan hadii aanay wadanka oolin farasamada iyo Tiknoolojiyada loo bahan yahay. Ruqsada warshadaynta, Dhoofinta, Tamarka dhalinta sida laydka, kulayliyaha, kala saarida iyo Burbirinta, u badalida bacriminta beeraha, aasida waxaa loo ogol yahay oo kaliya muwaadininta. QAYBTA AFRAAD MAARAYNTA QASHINKA DAREERAHA AH Qodobka 39aad Qashinka Dareeraha ah ee Goobaha Ganacsiga 1. Mulkiilaha meheradda Ganacsiga ayaa ka masuul ah qashinka dareeraha ah ee meheradiisa mid kastana waa inay yeelataa Bulaacad ay u isticmaalaan dhamaan qashinka dareeraha ah ee aan halista ahayn, iyaga oo ka warhayndoona in aanay fatahaad amaba ur keenin. 2. Meheradaha ganacsigu kuma qubi karan biyo wasakhaysan wajahada guryaha. 3. Hudheeladda cunta, Macmacaanlayaasha & maqaaxiyuhu kuma qubi karaan biyo wasakhaysan wajahada/Waddooyinka Laagaha iwm, waxanay u samaysan doonaan bulaacad cidii ku xad gudubta qodobkan waxay la kulmi doontaa ciqaab culus. 4. Qashinka Dareeraha ah ee halista ah sida ka goobaha caafimaadka, warshadaha iwm, waxaa lagu kaydin doonaa meelo kuhaboon, Qodobka 40aad Goobaha Guryaha 1. Mulkiilaha ama cida degan guriga ayaa masuul ka ah qashinka Dareeraha ah ee gurigiisa, waxana looga baahan yahay in dhamaan qashinka dareeraha ah uu u isticmaalo bulaacada gurigiisa.. 2. Masuulka guri kasta waxaa ka mabnuuc ah inay biyo amaba qashin dareere ah ku sii daayaan wajahada guriga amaba waddada, taasi oo sababta karaahi iyo caafimaad daro cidii ku kacda falkaasina waxay muutaysan doontaa ciqaab culus. [ Qodobka 41aad Goobaha Warshadaha Warshad kasta waa in ay leedahay siyaasad cad oo sheegaysa; 1. Qaabka ay u xafideyso qashinka ka soo hadha wax soo saarkeeda. 2. Noocyada qashinka ka dhalanaya warshadaas wax soo saarkeedaGoobaha Warshadaha. 3. Xadiga qashinka ah ee ka soo baxaya warshadaas bilkasta ama maalintii si loogu xisaabtamo. 31 4. Qashinka Dareeraha ah ee ka soo baxa waa halis waxana looga baahan yahay maamulka warshada inay u habeeyaan si feejigan ama cilmiyaysan iyadoo lagu kaydiknaayo kaydiye xafidan, isla markaana, waxa la qaadaya waqti ku haboon iyada oo loo Shubi Doono ama aasidoono goob & hab ku haboon oo ay hubiyeen Dawladdaha Hoose & hayadaha kale ee ay khusayso arrintani. Qodobka 42aad Goobaha Caafimadka 1. Goobaha caafimadka waxaa ka soo baxa Qashin Dareere ah oo Halis ah kaas oo u baahan xafidid, Kaydin iyo qaadid gaar ah iyo in lagu gubo qalabka loogu tallo galay ee Holciyaha/ Autoclave (incinerator) iwm, waxana looga baahan yahay maamulka goobta caafimaadka inay masuuliyad iska saaraan kaydinta una sameystaan weel ay ku kaydiyaan (Concret Septic Tank). 2. Maamulka Goobaha caafimadku waxay ka masuul yihin xafidida iyo kaydinta qashnika Dareeraha kana soo baxa goobta caafimaadka sida Dhiiga, Dhecanada, Sharoobooyinka, Biyaha Wasakhaysan, Biyaha Sayloonada iwm. 3. Waxaa la ogol yahay in si haboon loo kaydiyo loona xafido, isla markaana lagu qaado gaadidka ku haboon hadhaaga ama qashinka Dareeraha ah ee goobaha caafimadka kala duwan ka soo baxa. 4. Cidii ku qubta qashinka Dareeraha ah ee ka soo baxa Goobaha caafimadka, goobo aan logu talo galin waxa ay mutaysanaysa ciqaab udhiganta Dhibaatoyinka ay u gaysteen deeganka iyo Caafimadka Bulshada. 5. Goobaha caafimadka waxa ka qaadi kara qashinka Dareeraha ah Dawlada hoose amaba shirkad awood & aqoon ku filan u leh gudashada waajibaadkasi oo ay ruqsad siisay D/hoose. Qodobka 43aad Qashinka Dareeraha ee Caanaha. Qashinka Dareeraha ee Hadhaaga Caanahu waa halis waxana loobaahan yahay in feejigan la isaga basriyo inta la qaadayo. 1. In Dawlada Hoose iska xilsaarto illaalinta nadaafadda goobaha Caanaha isla markaana loo sameeyo Bulaacad Xafidan oo lagu shubo hadhaaga caanaha iyo Biyaha Wasakhda ah si joogto ahna looga qaado xiliga ku haboon. 2. In si gaar ah loo illaliyo Nadaafadda iyo Faya-dhawrka Caanaha,laguna Xafido Weel ka ku haboon iwm, maadaama oo bulshadu si joogto u isticmaasho lagama maarmaana ay tahay in la xaqiijiyo nadaafadooda,Weelka lagu dhigaayo,Weelka lagu qaadayo, Halka lagu isticmaalayo. 32 3. Ganacsatada & dadka ka adeeganaya goobaha Caanaha sida sariibadaha iwm waxaa looga baahan yahay in ay ku Qaataan Caanaha weelka Wiciyada, Jaandiga sida sakeel ama joog qashinka goobaha loogu tallo galay. 4. Ganacsatada waxaa looga bahan yahay in ay si taxadir leh ugu shubaan hadhaga caanaha iyo biyaha wasakhdaa Bulaacada ay Dawlada Hoose ugu talo gashay, cidii ku shubi wayda Hadhaaga caanaha, Xalka iyo Biyaha wasakhda ah isla markaana illaalin weyda Nadaafada iyo Saxada goobaha caanaha, waxay muutaysan doontaa ciqaab. 5. Xeerkani wuxuu mabnuucayaa in Caagadaha biyaha laga cabo dadka loogu shubo caano taasi oo keenaysa halis caafimaad daro oo faafta, cida ku kacdana waxay muutaysan doontaa ciqaab. Qodobka 44aad Qashinka Dareeraha ee Midabaynta Dharka Qashinka dareeraha ah ee ka soo baxa meelaha lagu midabeeyo dharka shiidka ah oo ka mid ah qashinka halista ah, waxaa loo habayn doona sidan: 1. In goobta lagu farsamaynayo ay noqoto meel ka baxsan goobaha ay dadku degan yihiin, sariibadaha, goobaha caafimaadka iwm. 2. In loo sameeyo qashinkaasi bulaacado sabad ah si ku haboon & waqti ku haboona laga qaado isla markaana la geeyo goobaha lagu farsameeyo qashinka warshadaha. 3. Qashinkaasi midabaynta dharka oo halis ah waxaa ka mabnuuc ah in lagu saydho guryaha dhexdooda, hortooda, biyo mareenada, goobaha biyuhu fadhiistaan IWM. Qodobka 45aad Qashinka Dareeraha Saliida. Qashinka Dareeraha Hadhaaga Saliida Baabuurta iyo isticmaalka warshadaha waa halis marka loo eego caafimaadka bulshada iyo Deegankaba, waxa haboon in sida ku haboon loo kaydiyo isla markaana loogu shubo goobaha ku haboon ee ay Dawlada Hoose u cayintay. 1. In goobaha ay kasoo baxdo saliidaas sida geerashyadda / machinada laydhka, warshadaha iwm ay sameystaan Bulaac sabad ah oo ay ku ururiyaan saliidahaasi. 2. In Dawlada Hoose u diyaariso gaadiid & qod (disposal site) gaar ah oo lagu qubo saliidahaasi iyada oo la qaadi doono xiliga ku haboon. Qodobka 46aad Qashinka Dareeraha Xero Dhiigta Ama Kawaanka 33 1. Qashinka Dareeraha Hadhaaga Gawraca Xoolaha sida dhiiga, biyaha lagu Nadiifiyo wasakhda waa in loo sameeyo Bulaacad aad u weyn oo sabad ah si loogu Kaydiyo sidoo kale. Waa in si joogto ah looga qaado maalin kasta & saacad kasta oo loobaahdo maadaama oo xadigiisu badan yahay. 2. In Dawlada Hoose iska xilsaarto illaalinta goobaha lagu qubo wasakhdaasi, isla markaana ay sameeyaan goobo ku haboon oo lagu shubi karo, sidoo kale D/hoose ee Darajada 1aad (A) inay la yimaadaan qorshe ay qashinkaasi ugu sameynayaa warshada farsameeya (treatment Plant) si dib looga faa’idaysto waskhdaas (Tamar/Bacrimin iwm). 3. Xoolaha laguma qali karo meel aan ahayn kawaanka gawraca maadama oo lagu hubiyo caafimaadka xoolaha la qalayo, laguna sugo nadaafada &faya-dhawrka hilibka oo ilbidhiqsiyo ku wasakhooba hadii la illaalin, cida ku qasha xoolo meel kale waxay muutaysan doontaa ciqaab culus. Qodobka 47aad Qashinka Dareeraha Biyaha Fadhiisinta 1. Qashinka dareeraha ah ee Biyaha Fadhiista Goobaha Godonka iyo Biyo Mareenada waa halis hadii ay mudo laba cisho ka badan ku jiraan,isla markaana looma ogola in dib loo isticmaalo, waxaana looga baahan yahay Dawlada hoose inay deg deg u siidaayaan amaba ku shubaan dawooyinka cayayaanka dila si aan cuduro uga dilaacin. 2. Leebaajoonku oo ka mid ah ku sababa siina daaya biyahaasi, hadii aanay u samaysan bulaacad sabad ah Dawladaha hoose waxaa ku waajib ah inay ciqaab mariyaan. Qodobka 48aad Qaabka Qaadista Qashinka Dareeraha ah. 1. Dawlada Hoose waxay masuul ka tahay illaalinta faya-dhawrka, nadaafadda & caafimaadka bulshadda isla markaana waxaa looga baahan yahay in goobo ku haboon oo lagu shubo u samayso, kuna dedaalaan inay sameeyaan warshado dib loogu farsameeyo. 2. Dawladaha Hoose waxay xaq u leeyihiin inay gaadiid qaada u sameeyaan qashinka dareeraha ee kala duwan, sidoo kale waxay xaq u leeyihiin inay shirkad u xilsaaran, waxa kale oo u banaan in ay u habeeyaan iskaashatooyin dadka sida gaarka ah u leh booyadaha bulaacadaha. 3. Qashinka bulaacadaha waxaa la qaadi karaa 10:00 habeenimo – 5:00 subaxnimo, hadii ay timaado arrin deg deg ah (emergency) waxaa ogolaansho bixin doonta Waaxda Arr/Bulshada ee D/hoose. 4. Shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka bulaacaduhu waa inay markasta xidhnaadaan qalabka illaalinta. [ 34 QAYBTA SHANAAD FAYA-DHOWRKA Qodobka 49aad Faya-dhawrka Guryaha: Dawladda Hoose waxaa looga baahan yahay inay si dhaw ulasocdaan faya-dharka quryaha amaba qoyska.Gurikasta waxaa looga baahan yahay inuu illaaliyo nadaafada & saxada guriga ubadka iwm, isla markaana ay qashinka basriyaan si joogto ahna u xaadhaan una nadiifiyaan guriga. b) In uu guri kasta yeesho bulaacad ku haboon oo wax biyo ah aanu dibada ku sii dayn. t) In uu guri kasta yeesho weel ku haboon oo uu qashinka ku ururiyo. j) Inuu si gaar ah u illaaliyo nadaafada musqusha & baydhman-ka caruurtu ku saxarooto. Qodobka 50aad Faya-dhawrka qofka Qofkasta oo nool waxaa looga baahan yahay inuu illaaliyo nadaafada jidhkiisa, sida cadayga/faraxalashada/maydhashada/Timaha/ cidiiyaha iyo inuu noqdo mid markasta hugiisu nadiif yahay. Qodobka 51aad Faya-dhawrka Hudheelada Cuntada. 1. Huteelada cuntada waa in ay ahaadaan goobaha ugu nadaafada wanaagasan maadaama oo ay ka dhalan karto dhibaato caafimaad daro. 2. Goobta laga furayo Huteel cunto waa in D/hoose hubiso inay tahay meel ku haboon oo aanay ku dhawayn rayiisle, xamaam iwm cabirka dhulkuna noqdaa mid ku filan. 3. Waa in hudheelku daaqado ku filan si uu u helo hawo ku filan. 4. In jikadu ku taalo meel ku haboon isla markaana ay ahaato mid wada marmar ah oo kala habaysan, qiiqa & urteeduna aanay soo galayn goobta lagu cuntaynayo. 5. In uu yeesho istoodh ku filan in lagu kaydiyo si haboon cuntooyinka kala duwan. 6. In Shaqaalaha Hudheeladu ay yeeshaan dress, cidiyaha iska guraan markastana nadiif ahaadaan sidoo kale ay noqdaan kuwo caafimaadkooda la hubiyey oo haysta Kaadhka caafimaadka. 7. In markasta hudheelka gudahiisa/miisaska cuntada, goobta faraxalka dhamaan ay noqdaan nadiif si gaar ahna loo illaaliyo, iyaga oo u isticmaalaya shaambooyada anti bacteria iwm. 35 8. In uu yeesho Bulaacad dhamaan biyuhiisuna wada galaan godkaasi, hadii ay wax biyo ah dibada uga baxaana wuxuu muutaysan doona ciqaab. 9. Waa in ay shaqaalaha lagu tobobaraa habka ilaa linta nadaafada cunta iyo sida looga hortago nadafad darada. 10. In lamaydhaa weelka marwalba laguna maydhaa, sida saabuunta weelka iyo taydha oo lagu nadiifiyaa biyo kulul ama socda. 11. Waa in aanay isticmaalin Caagaga ama sufurada afka wareegsan ee qarsan kara uskaga. 12. In shaqaaluhu gacmaha iska maydhaan markasta amaba xidhaan gloveska loogu tallogalay. 13. In aan afmariska ay isticmaali karrin waraaq khadleh taasi oo keeni karta caafimaad daro. 14. Hudheelka jabiya qodobada sare ku xusan waxaa uu muutaysan doonaa ganaax. Qodobka 52aad Faya-dhawrka Huteelada Hurdada Huteelada hurdadu, waa goobta hoyga u ah martida magaalada, waana goobta hurdo oo siwayn uga duwan guryaha lagalo saababta waa mid leh afar arimood oo aanay lahayn xaafadaha ladaganyahay; waa goob ganacsi; waa goob ay dagayihiin dadkala duwan oo xaaladooda caafimaad iyo nadaafadeedba kala duwayihiin; waa goob heerka nadaafadeed ay tahay in maalinkasta la eego; Waa goob isticmaalka faya-dhawrka iyo nadaafadu haddii la dhayalsado dhib wayn ku keeni karta bulshada, maarkaa: B.Waa in la nadiifiyaa sariirta iyo agabkeeda sida busta yaasha iyo go, yaasha, galka barkimada iyo qolka laftiisaba. T. Waa in la ilaaliyaa nadaafada Qolka gudihiisa iyo dibadiisa. J. Waa in la ilaalyaa naafada musqulaha albeerkada. X. Waa in la illaaliya naafada huga iyo dharka Kh.Waa in inta badan lagu dadaalaa in aanay goobta ama qolka ku dhalan waxa cayayaan ah oo nooc kasta oo ay tahay isla markaana uu yeesho maro kaneeco. D.Waa in ay albeeerkadu ama Huteeku yeeshaa God ay ku rururiyaa biyaha uskaga ah oo aanay ku daadin guriga hortiisa ama goobaha kale ee aan la ogolayn. 36 Qodobka 53aad Faya-dhawrka Kaawaanka Gawraca Xoolaha 1. Kaawaanka gawaraca xooluhu waa in uu noqdaa goob nadiif ah oo ku haboon laguna qali karo xoolaha islamarkaan la xaqiijiyey caafimaadka iyo nadaafada xoolaha la qalayo. 2. Waa in kaawaan la nadiifiyaa maalin walba, islamarkaana laga qaada dhamaan qashinka ka soo baxa. 3. Waa in lagu nadiifiya goobta ah kawaawaanada maalin walba laguna nadiifiyaa sida jaafeelka, kaloorin iwm si loo dilo bacteeriyada dhalan karta urta iwm. 4. Waa in uu leeyahay goobo lagu shubo dhiiga iyo dheecaamada kale ka soo baxa kawaawaanka, si joogto ahna loogaqaado maalin kasta. 5. Waan gaadiidka hilibka lagu qaadaya ay yeeshaan weel caag ah (case) neef kasta mid lagu rido isla markaana si joogto ah loo ilaaliyo nadaafada weel & gaadhigaba. 6. Waa in ay shaqaalaha ka shaqaynayaa ay ahaadaan qaar u tobobaran sida loo ilaaliyo nadaafada iyo faya-dhowarka goobta & gaadiidka isla markaana ay xidhnaadaan qalab dhamaystiran sida overall plastic ah, kabo caag ah oo dhaadheer, gloves iwm, kuwaasi oo maalinkasta maydhi doona markay shaqada dhameeyaan. 7. In dhamaan agabka kawaanka laga shaqeeyo ay markasta nadiif noqdaan sida midyaha, huuga, weelka hilibka lagu qaado, goobaha la saaro hilibka, biyamareenada, gaadiidka kaladuwan, iwm. 8. In gaadiidka qaada uuska iwm ay ahaadaan kuwo ku haboon oo aan waxba ka sii daadan inta ay sidaan wasakhda. 9. Maamulka Kawaanka ayaa lagu ciqaabaya/ganaaxaya hadii uu jabiyo qodobada sare ku xusan. Qodobka 54aad Faya-dhawrka Sariibadaha Hilibka 1. Waa in miisaska hilibka lagu iibinaya ay noqdaan kuwo nadaafadoodu sugan tahay, isla markaana hilibka la saaro bac cad si dukhsigu u fuulin. 2. In miiskasta yeesho Dustpin uu ku ururiyo qashinka hilibka sida qanjidhada iwm, meel ku haboona la dhigo. 3. In ay sariibadaha Hilibku yeeshaan Talaagado nadiif ah oo lagu kaydiyo hadii uu hilib soo hadho. 4. In hiliblayaashu markasta xidhaan gloves-yo iwm, islana xilsaaraan illaalinta nadaafadda hilibka. 5. In sariibad kasta yeelato bulaac ku haboon, lagana qaado meel ku haboon. 37 6. In aan dab lagu dhex shidi Karin sariibadaha si xaabka loogu farsameeyo, taasi oo keenaysa nadaafad daro saamaysa hilibka oo bulshadu si joogto ah u isticmaasho. Qodobka55aad Faya-dhowrka Caanaha 1. Caanaha waa in naafadooda la ilaaliya oo ay ka warqabaan dawladaha hoose goobaha caanaha laga keeno ama qalabka lagu soo shubo. 2. Waa in caanaha laga ilaaliyaa in ay kaa gaadho digada xoolaha laga lisayo ama in anu kaa wasakheeyo neefku marka dhaqdhaqaaqa sameeyo. 3. Caanaha waa in la lagu soo shubaa joog oo aan lagu soo shubin caagad ama shay plastic ah. 4. In Caanalaydu ku iibiyaan caanaha weel nadiif ah oo jaandi ah Goobaha caanaha lagu iibiyaa waa in ay ahaadaan goob aan lahayn wax wasakh ah. 5. In Sariibaduhu yeeshaan Bulaacad sabad ah si joogto ahna looga qaado. 6. Xeerkani wuxuu mabnuucaya caanaha lagu iibiyo caagadaha biyaha laga isticmaalay kuwaasi oo keenaya caafimaad daro. 7. Caanaha waa in la daboolaa lana ilaaliyaa in ayy galaan sida Dukhsiga Iwm. 8. Goobaha caanaha lagu raraa waa in ay noqdaan goob aan lahayn xasharaad iwm. 9. Waan sariibadaha caanaha si joogto ah loo nadiifiyo loogana hortago nadafad daro. 10. Waa in caanaha lagu qubin goobaha ay ka midka yihiin, wadooyinka iwm. 11. Cidii jabisa qodobada xeerkan waxay muutaysan doonta ciqaab. Qodobka 56aad Raashin-Ka, Sharaabka, Cosmatics Iyo Dawooyinka Dhaca 1. Baadhista Raashinka, Sharaabka, Cosmatics-ka, daawooyinka dhaca waxaa masuuliyadaasi isla leh dawladaha hoose iyaga oo baadhis joogto ah ku samayn doona meheradaha kala duwan iyaga oo adeegsanaya kooxo soo baadha ama soo indha indheeya hadba waxa dhaca amaba isbadal kimikaad ku yimaado, amaba taariikhda laga bedela. 2. Dawladaha hoose ee Magaalooyinku waxay ay yeelan doonan kooxo baadhitaanada sameeya oo leh khibrad iyo aqoon ku filan sidoo kale waxay si anshaxa leh u baadhi doonaan meheradaha iyaga oo tusaya aqoonsigooda marka ay wax ku qabtaana sharciga waafijin doona. 3. Waa in dhamaan cid kasta oo lagu qabto iyaga oo dadka ka iibinaya allaab dhacday waxay mutaysan doontaa ciqaab. 4. Meherad kasta waxaa looga baahan yahay in ay isbaadho wixii ka dhacana ay u gudbiso dawlada hoose si looga gubo. 5. Dawlada hoose xaq bay u leedahay inay qabato allaab nooc kasta oo ay tahay oo dhacay si loo badbaadiyo caafimaadka bulshadda. 38 Qodobka 57aad Sariibadaha Qudaarta 1. Dawladda Hoose waxaa waajib ku ah inay si dhaw ulasocdaan faya-dhawrka khudaarta, hadii ay tahay beeraha laga soo qaado, gaadiidka keena, sariibada lagu iibiyo iwm 2. Waa in qudaarta la kala saaraa sida aanay iskugu xumaanin, noocwalbana weel gaar ah lagu rido, si aanay isugu xumaan. 3. Qudaarta xumaatay waa in laga dhexsaaraa qudaarta aan xumaanin, islmarkaana ta xumaatay lagu ridaa weel baydhsan. 4. Waa in sariiiadaha maalin walba la xaadhaa oo la ilaaliyaa nadaafada si aanay cayayaan uga dhalan goobta. 5. Khudaarta xumaata waa in loo sameeyo weel lagu ururiyo oo ku haboon isla markaana si joogto ah loo qaado.. 6. Waa in nadaafada goobta sariibada maalijn ay shaqaalaha dawldaha hoos e u hubiyaan oo ay u soo indha inhdheeyaan. 7. Waa in la dhowraa gabi ahaanba nadaafada Qudaarta marka lasoo jaro ilaa inta ay ka imanayo guriga /goobta lagu isticmaalayo. 8. Sariibaduhu qudaartu inay yeeshaan bulaacada & musqulo/biyo ku yaal meel ku haboon. Qodobka 58aad Xamaamamada 1. Dawlada hoose waxaa ku waajib ah inay iska xilsaaraan illaalinta faya-dhawrka xamaamada & musqulaha. 2. Xamaamadda waxaa looga baahan yahay in laga sameeyo meelku haboon & cabir ku haboon, isla markaana aan u dhaweyn goobaha cuntada lagu iibiyo. 3. In xamaamka loo dhiso qaab casri ah kuwa horena la casriyeeyo isla markaana ay yeeshaan Bulaacad sabad ah oo si joogto ah looga qaado wax biyo ahna aanay dibada uga bixin. 4. In mar kasta la nadiifiyo musqulaha isticmaal kasta ka dib, sidoo kale biyaha istijadu noqdaan kuwo socda oo aan baaldi ku jirin, amaba qof kastaa wayso gaar ah la galo musqusha. 5. In shaqaalaha nadaafada ee xamaamku xidhaan qalab ku filan, sidoo kale markasta ay heegan u nqodaan nadaafada goobta. Qodobka 59aad Rayiislayaasha 1. Dawladda Hoose waxaa ku waajib ah inay iska xilsaaraan illaalinta nadaafadda rayiislayaasha, maadaama oo ay ka faafi karaan cudarada halista ah. 39 2. Rayslayaasha waa in laga furaa meel ku haboon oo ka fog goobaha cuntada sariibadaha, hudheelada cuntadda iwm. 3. In casriyeeyo gudaha rayiisleyaasha isla markaana uu adeegsado qalab casri ah oo aan caafimaadka bulshada waxyeeli Karin. 4. Waa in ay makiinada hal mar kaliya isticmaalaan isla markana ay markasta alcohol iyo dab ku shidaan machinada/maqasyadda iwm. 5. In ay maydhaan isticmaalka ka dib tuwaalka iyo marada la huwiyo qofka, isla markaana ay noqdaan kuwo cadaan ah oo aan wasakhda qarsan. 6. Waa in landiifiyaa dhammaan miisaska/gudaha rayislaha marka qof loo xiiraba ama ka kale aanu soo fadhisan. 7. Waa in makiinadaha qofka loogu xiiro lagu ururiyaa meelaha loogu tala galay si aanay dhib u halis caafimaad daro u keenin. 8. Rayiislaha ku xadguba qodobada sare ku xusan Dawlada Hoose ayaa marrin doona ciqaabta sharcigani jideeyey. Qodobka 60aad Kaadida Gidaaradda 1. Dawladdaha hoose waxaa ku waajib ah inay iska xilsaaraan faya-dhawrka waddooyinka, gaar ahaan waxka qabtaan dadka caadaystay inay gidaarada ku kaajaan. 2. Xeerkani wuxuu mabnuucaya in aan lagu kaajin gidaar/waddo iyo guud ahaan meel aan ku haboonayn, sidoo kale lama ogola in caagad lagu kaajo ka dibna laamiyada lagu tuuro. 3. In Dawlada hoose si joogto ah u dabagalaan sharcigana mariyaan dadka ku kaaja meel aan ku haboonayn. Qodobka 61aad Faya-Dhawrka iyo Ka-hortaga Khataraha Badeecadaha ka Soo Dega Dekadaha, Madaarada iyo Xuduuda Dalka. 1. Si loo yareeyo halisa caafimaad iyo degaan ee ka imaneysa allaabooyinka ka soo degaya Dekedaha, madaarada iyo xuduudaha aynu la leenahay waddamada jarka kuwaas oo ay soo raaci karaan cuduro, noolayaal ili- maragtey ah, cayayaan iyo xayawaan kale oo soo xanbaari kara khatara caafimaad iyo deegaanba. 2. Haddaba: B). Waa in meelahafurdooyinka, Madaarada iyo xuduudaha ee ay ka soo galaan badeecadu ay ka jiraan xafiisyada iyo agabka lagu hubinayo badeecadaha soo gelaya waddanaka T). Waxa in Deked kasta iyo goob kasta oo wax ka soo degaan ay leedahay habkii iyo hanaankii ay kaga hawl gali lahayd faya-dhowrka iyo ka hor tagga khataharaha caafimaad iyo Deegaan ee ka iman karta Badeecadaha ka soo 40 degaya iyo sidii ay u yeelan lahayd shaqaale xirfad & aqoon u leh illaalinta nadaafada iyo faya-dhawrka badeecooyinka soo degaya. J). waa in leedahay Nidaam iyo hab daahfuran oo Aamina, Nadiifa isla markaana la tartami kara caalamka kale xagga tayada arrimaha la xidhiidha ilaalinta iyo joogtaynta faya-qabka Deegaanka. X). Waa in laga hubiyo Alaabooyinka soodegaya waxyaabaha deegaanka ku keeni karta saamayn taban sida noolaha ilima aragteyga, Qoyaanka, Siigada iwm. Kh). Waa in Alaabooyinka laga illaaliyo Cayayaanka iyo Xawayaanada kale kuwaas oo khatar weyn (riska) oo xagga ka hortagga (Quarantine) ku haya dhamaan dalalka dunida ku yaal. D). W In la buufiyo ama qiiq lagu shido badeecadah la dhoofinayo iyo kuwa soo degaya sababtoo ah waxa dhici kara in ay ku dhex dhuuntaan cayayaano ama xayawaano kale oo keeni kara khataro caafimaad iyo deegaan. R). lama soo dejin karro badeeco aan soo marrin nidaamka hubinta iyo ka hortaga wasakhda (Quarteine system) soo raaca badeecadaha debbada ka imanaya iyo Qalabka badeecadaha lagu soo gurro iyo gaadiidka qaadaba. 2. Iyadoo la tixgelinayo shaqo abuurista xirfadlayaasha iyo dhiirigelinta shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa hawshan loo igman karaa shirkadaha waaya aragnimada u leh iyadoo Xukuumaddu heshiis la gelayso (PPP). 3. Hirgelinta & hubinta hawshaas waxaa iska leh ha’yadaha qaranka ee masuuliyadi ka saran tahay Dekedaha, Madaarada iyo Goobaha kale ee Badeecaduhu ka soo galaan dalka. 4. Xukuumaddu waxay u igman kartaa qabashada hawshan shirkad aqoon iyo waayo aragnimo u leh qabashada hawlahaas iyadoo la geleysa heshiis. 5. Gelista heshiiska waxaa xilsaaran; B). Meelaha Dekadaha ah waxaa u xilsaaran gelista heshiiska Hay’ada Maamulka Dekadaha Somaliland (Somaliland Port Authority) iyagoo kala tashaneya Madaxweynaha JSL. T). Madaarada waxaa xukuumada u saxeexaya heshiiska hay’’ada Maamulka Hawada & Madaarada Somaliland (Somaliland civil aviation athourity) iyagoo kala tashaneyaa Madaxweynaha JSL. J). Meelaha xuduudka ah ee ay badeecaduhu ka gudbana waxa u xilsaaran gelista Heshiiskan wasaarada Horumarinta Maaliyada iyagoo kala tashaneysa Madaxweynaha JSL. 6. Kharashka lagu qabanayo hawshaas (service charge) waxa laga qaadayaa wakiilada maraakiibta iyo kontaynarada. 41 7. Qiimaha kharashka Adeega waxay ku caddaynayaa heshiiska ay wada galeen Xukuumadda iyo shirkada loo igmadey hawshaas. 8. Kharashka Adeegu wuxuu heshiiska u gelayaa si faahfaahsan oo ku saleysan shaqada ay ka qabaneyso shirkadu hubinta iyo faya-qabka badeecadaha iyo weelka lagu keeno (containers). Qodobka 62aad Ganaaxa Iyo Ciqaabta Cid Kasta Oo Ku Xad- Guduba Xeerka Cid kasta oo ku gafta qodobadda xeerkan Maaraynta Qashinka iyo faya-dhawrka Magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland waxa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh waxayna maxkamaddu ku ganaaxaysaa/ciqaabaysaa tallaabooyinkan. 1) qof kasta oo ku shuba qashin meel aan ku habboonayn waxaa lagu ganaxayaa 50.000 ilaa 200,000 SL SH 2) Cid kasta oo si sharci darro uga ganacsata qashinka waxaa lagu ganaaxayaa 1.000.000 ilaa 3.000.000 SL SH 3) Cid kasta oo isku dhex gurta qashin halis ah iyo qashin aan halis ahayn, qoyan ama qallana waxaa lagu ganaxaya 100.000 ilaa 3.00.000 SL SH 4) Gaadhi kasta oo si sharci darro ah u qaada qashin waxa lagu ganaxayaa 100.000 ilaa 300.000 SL SH 5) Qof kasta oo ka ganacsada bacda xeerkan lagu mamnuucay waxaa lagu ganaaxayaa 500.000 ilaa 1.000.000 SL SH ama xadhig ilaa saddex bilood ah ama labadaba. 6) Qof kasta oo isaga awooda bixin waaya lacagta qashin qaadista waxa lagu ganaaxayaa 50,000ilaa300,000 SL SH 7) Qof kasta oo qashinkiisa u samaysan waaya goob lagu kaydiyo waxaa lagu ganaaxayaa 50,000 ilaa 300,0000 SL SH 8) Qof kasta oo xoolo ku qala meel aan ahayn maslakh geel/lo’ iyo adhi waxaa lagu ganaaxayaa 50,000 ilaa 300,000 SL SH 9) Qof kasta oo ku qaba ama ku siidaaaya saliid meel aan ku haboonayn waxaa lagu ganaaxayaa 100.000 ilaa 300.000SL SH 10) Qof kasta oo ku quba qashin dareere halis ah meel aan ku haboonayn waxaa lagu ganaaxayaa 500.000 ilaa 1.000.000SL SH ama xadhig lix bilood ah labada. 11) Qof kasta oo caanaha ku iibiya caagad biyood la isticmaalay waxaa lagu ganaaxayaa 50,000 ilaa 100,000SL SH 12) Qof kasta oo nadaafadda debedda gurigiisa hagaajin waaya waxaa lagu ganaaxayaa 30,000 ilaa 50,000SL SH 13) Qof kasta oo Ku kaaja gidaar ama meel aan haboonayn waxaa lagu ganaaxayaa 50.000 ilaa 100.000SL SH 42 14) Qof kasta oo ilaalin waaya nadafadda weelka,Miiska wax iibka ama khudradeed/hilib waxa lagu ganaaxayaa 20,000 ilaa 50,000 SL SH 15) Qof kasta oo ilaalin waaya faya-dhowrka Xamaamka waxaa lagu ganaaxayaa 100,000 ilaa 500,000SL SH 16) Qof kasta oo ilaalin waaya faya-dhowrka hudheel cunto waxaa lagu ganaaxayaa 500,000 ilaa 1,000,000SL SH 17) Qof kasta oo ilaalin waaya faya-dhowrka Rayiisle waxaa lagu ganaaxayaa 100,000 ilaa 300,000SL SH 18) Qof kasta oo suuqa dhexdiisa ku dhaqa xoolo waxa lagu ganaaxayaa 50,000 ilaa 300,000SL SH 19) Qof kasta oo aan meheraddiisu ama gurigiisu aanu lahayn musqul waxa lagu ganaaxayaa 100,000 ilaa 200,000SL SH 20) Qof kasta oo quba bullaacad ama qaada waqti aan habboonayn waxaa lagu ganaaxayaa 500,000 ilaa 1000,000SL SH 21) Cid kasta oo been abuur ku samaysa taariikhda alaab dhacday waxaa lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 5,000,000SL SH ama saddex sano oo xadhig ah ama labadaba 22) cid kasta oo iibisa daawo dhacday waxaa lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 10,000,000 SL SH ama 3-9 Bilood oo xadhig ah ama labadaba 23) cid kasta oo iibisa cunto dhacday waxaa lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 10,000,000 SL SH ama 3-9 Bilood oo xadhig ah ama labadaba 24) cid kasta oo iibisa sharaab dhacay waxa lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 10,000,000 SL SH ama 3-9 bilood oo xadhig ah ama labadaba 25) cid kasta oo alaabta loo 3-9 bilood oo xadhig ah ama labadaba isticmaalo bilicda dadka (Cosmatics) waxaa lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 10,000,000 ama 3-9 bilood oo xadhig ah ama labadaba 26) Cid kasta oo iibisa alaab kale oo dhacday waxaa lagu ganaxayaa 3,000,000 ilaa 10,000,000 SL SH ama 3-9 bilood oo xadhig ah ama labadaba 27) cid kasta oo biyo wasakh ah ku qubta meel aan ku habboonayn waxaa lagu ganaaxayaa 50,000 ilaa 100,000SL SH 28) Gaadiidkasta oo ciidda ka qaada meel aan ku habboonayn waxaa lagu ganaaxayaa 300,000 ilaa 500,000 ama 3 bilood oo xadhig ah ama labadaba. 43

Waste Management and Urban Sanitation Law No.83 of 2018 · Nelum