跳到主要内容
Nelum
索马里的法律

Somaliland Fishery Law No. 84/2018

颁布于 2018-10-07 · 文本截至 2026-10-01

以研究形式发布的公开法律与官方指引,不构成法律、税务或金融建议。

研究内容本身以英文撰写。标题和标签已翻译,调查结果和引文未翻译。

关于这部法律

原标题
Xeerka Kaluumaysiga 2018 SLLaw.
语言
Somali
类型
法令
国家
索马里 · Somaliland
主题
Fisheries and aquaculture
关键词
basic legislation, marine fisheries, artisanal fisheries, biodiversity, business/industry/corporations, data collection/reporting, fishery management and conservation, fishing authorization, fishing gear/fishing method, fishing vessel, foreign fishing, institution, protection of environment, protection of species, research, fees/royalties, seasons, standards, sustainable development, territorial sea, tourism, authorization/permit, governance
类别
*

在哪里阅读

    该法律没有记录来源链接。

文本

所收录的法律原文,按条款排列。每个条款都有自己的链接。

  1. 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 1 of 15 JAMHUURIYADDA SOMALILAND XEERKA KALLUUMAYSIGA Xeer Lr. 84/2018 FISHERIES LAW Law No. 84/2018 TUSMADA XEERKA (Oo aan ku darnay) Wareegto Madaxweyne 07/10/2018 AARAAR QAYBTA 1AAD QODOBBADA GUUD Qodobka 1aad Erey Bixinta Qodobka 2aad Dabaqaada Xeerka Qodobka 3aad Fasiraadda Xeerkan Qodobka 4aad Xadka Biyaha Somaliland Qodobka 5aad Ujeedooyinka Xeerka QAYBTA 2AAD MASUULIYADAHA Qodobka 6aad Mas’uuliyadda Maamulka Qodobka 7aad Doorka Kallumaysatada Qodobka 8aad Ilaalinta Khayraadka Badda QAYBTA 3AAD HABABKA IYO NOOCYADA Qodobka 9aad Hababka Kallumaysiga Qodobka 10aad Noocyada Kallumaysiga QAYBTA 4AAD Qodobka 11aad Guddida Qaranka ee La Talinta Arimaha Kalluumaysiga Qodobka 12aad Warbixinnada Macluumaadka Kalluumaysiga Qodobka 13aad Daraasadaha Cilmi baadhista Qodobka 14aad Goobaha Seerayaasha Kaydka Badda QAYBTA 5AAD REEBBANAAN Qodobka 15aad Waxyaalaha Reebban Qodobka 16aad Hababka Mabnuuca ah in Loo Kalluumaysto Qodobka 17aad Xiliyada Bad Xidhanka QAYBTA 6AAD RUQSADDA Qodobka 18aad Ruqsadaha Kalluumaysiga Qodobka 19aad Diiwaangelinta Shirkadaha kaluumaysi Ee Shisheeye Qodobka 20aad Diiwaangelita Shirkadaha Kallumaysi ee Wadaaga ah Qodobka 21aad Diiwaangelinta Shirkadaha Kalluumaysiga ee Waddaniga ah Qodobka 22aad Ruqsad siinta Maraakiibta kalluumaysiga shisheeye iyo kuwa waddaniga ah QAYBTA 7AAD RUQSADAHA NOOCA BERKED-BIYOODKA 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 2 of 15 Qodobka 23aad Ruqsadda sharciga Kalluumaysiga Nooca Berkad-biyoodka Qodobka 24aad Hirgalinta Awoodda Ruqsadda Qodobka 25aad Dabagalka iyo Baadhista Kormeerka Qodobka 26aad Ganaaxyada Qodobka 27aad Xeer-nidaamiye Qodobka 28aad Laalid Qodobka 29aad Dhaqangelinta LIFAAQ F.G: Sida Qod. 29aad ee Xeerkani dhigayo, waxa uu Xeerkani dhaqangalayaa marka lagu faafiyo Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaano ku soo baxay cadad gaar ah oo Faafinta oo soo baxay 3dii Noofambar 2018 oo ah taariikda dhaqangelka Xeerkan. Xeerkii Kalluumeysiga ee 1995kii waa la laalay sida ku cad Qod. 28aad ee Xeerkan. Tifatiraha www.somalilandlaw.com 05 Noofambar 2018 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 3 of 15 JAMHUURIYADDA SOMALILAND Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WM/222-206/102018 Taar: 07/10/2018 Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr.GW/KF-37/809/2018, ee ku taariikheysan 18/09/2018, ujeedadiisuna tahay soo gudbin go’aanka ansixinta Xeerka Kalluumaysiga; Markaan Arkay: Qodobada 75aad, 76aad, ee Datuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 84/2018. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 4 of 15 JAMHUURIYADDA SOMALILAND GOLAHA WAKIILADU Markuu Arkay: - Qodobada 38aad, 76aad, 77aad, 78aad, ee dustuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: - Qodobka 2aad ,11aad,12aad, 18aad, 34aad, 38aad, ee Dustuurka Qaranaka Jamhuuriyadda Somaliland Markuu ku Qancay: -Baahida weyn ee loo qabo in la helo sharci dhiirigelinaya barmaamijyada bulshada ee wax soo saarka kalluumaysiga, ka ganacsigiisa iyo maalgashigiisaba si aynu uga baxno dhibaatooyinka cunto yaraanta oo halis ku ah wadamada aynu ka midka nahay ee dhaqaalahoodu koroyo WUXUU SOO SAARAY XEERKAN QAYBTA 1AAD QODOBBADA GUUD Qodobka 1aad Erey Bixinta Wasaarad: - waxa loo la jeedaa wasaarada qaabilsan Kalllumaysiga iyo khayraadka badda Wasiir: - waxa loola jeedaa wasiirka Wasaradda qaabilsan kalluumaysiga iyo khayraadka badda. Xeer: - waxa loola jeeda Xeerka kallumaysiga. Xeer-nidaamiye: - waxa loola jeeda xeer-nidaamiye ka farcamaya xeerkan. Biyaha Somaliland: waxa loola eeda xadka gudaha biyaha badda Somaliland. Shirkad/shirkado: waxa loola jeeda shirkad ama shuraako Ganacsi. Kalluun: - waxa loola jeeda noolaha badda ku nool ama nooc ka mida. Kalluumaysato: - waxa loola jeeda dadka ka xoogsada mihnadda/ xirfadda kalluumaysiga. Markab Kalluumaysi: waxa loola jeeda weelka maraakiibta ee loo istimaalo kalluumaysiga, mid shisheeye iyo mid wadani ahba. Doon Kalluumaysi: - waxa loola jeeda weelka doonyaha loo isticmalo kallumaysiga mid shisheeye iyo mid wadani intaba. Laash Kalluumaysi: -waxa loola jeeda weelka doonyaha yaryar ee loo isticmaali kallumaysiga maxaliga ah. Bii’ad: - waxa loola jeeda noolaha biyaha badda iyo noolaha ku jira oo dhan. Ruqsad Kalluumaysi: waxa loola jeeda ogolaanshaha ruqsad kalluumaysi. Laalis: - waxa loola jeeda ruqsad kala noqosho. Bad-xidhanka: - waxa loola jeedaa wakhtiyada kalluumaysigu reebanyahay. Tirokoobka Kallumaysiga: waxa loola jeeda daraasadaha xogta kalluunka badda Somaliland. Seerayaasha Keydka Kalluumaysiga: - waxa loola jeeda goobaha badda biyaha Somaliland ee ka caagan kallumaysiga isla markaana uu 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 5 of 15 ugxanta dhigto kaluunku iyo noolaha kale ee badduba. Aaga dhaqaaleedka gaarka ah (Exclusive economic zone):- waxa loola jeedaa xuduudaha baddaha ay wadaagaan wadamada dariska ah oo fogaantiisu gaadho 200 mayl badeed. Biyo-gudood (internal water): waxa loola jeeda aaga badda Somaliland madax banaani buuxda (sovereign rights) ku ledahay oo gaadiid ganacsi shisheeye aanuu ku soo gali Karin ogolaansho la’ aan. Xad-biyood (territorial water): waxa loola jeedaa xad biyoodka (territorial water) oo dhan 12 mayl badeed (nautical miles) marka laga qiyaasayo xeebta dalka. Aaaga raacsanaha (contiguous zone):- waxa aaga 12mayl badeed ah ee u xigta biyo dhuleedka, waxaanuu ka midyahay biyaha caalamiga ah iyo aag dhaqaaleedka gaarka ah ee Somaliland waxa se Somaliland awood sharci ugu leedahay afarta arrimood ee kala ah cashuuraha (taxation), kasdamada (customs) socdaalaka (immigration) iyo wasakhawga (pollution) . Biyaha Caalamiga: -waa biyo-badeedka ka baxsan biyo-dhuleedka ee uu ka jiro xaqa bad-mushaaxida badda ee xogta ah (free navigation) oo ah mabda’a guud ahaan ka sheqeeya biyaha – caalamiga,kaas oo ka reebban tahay una xaaladaha gaarka ah ee la Adeegsan karo aragtida eryashada diiran (doctrine of hot pursuit). Kalluumaysiga Barkad biyoodka: - waxaa loola jeedaa nooca kaluunak aan la cunin ee lagu keydiyo berked biyoodka ama alaadaha kale ee la midka ah, kaas oo khuseeya khayraadka badda ee dalxiiska la xidhiidha. Guddida La Talinta Kalluumaysiga: - waxa loola jeedaa guddi ka kooban wasaaradaha iyo Hayadaha Dawlada iyo Ganacsatada Kalluumaysata oo kala talisa wasaaradda arrimaha Kaluumaysiga. Qalabka Lagu kaluumaysto (fishing Gear): waxa aalad kasta oo loo istimaalo in lagu kallumaysto oo ay ka midyihiin shabaagta (Net), xadhiga (Rope or Line) flaot, trab, hook, winch, aircraft, boator crat carried on board a vessel, aircraft or another craft. Kaluumaysi: waxa loola jeedaa qabashada, dabashada kalluunka ama noocyada kale ee biyaha badda ku nool Qodobka 2aad Dabaqaada Xeerka Xeerkan waxa lagu dabaqayaa Xad-baddeedka jamhuuriyada Somaliland xeer Lr. 84/2018. Qodobka 3aad Fasiraadda Xeerkan Xeerkan waxaa loo fasirayaa si waafaqsan Qodobbada 2aad, 11aad, iyo 18aad, ee Dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Qodobka 4aad Xadka Biyaha Somaliland 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 6 of 15 Xadka Biyaha Dalka Jamhuuriyada Somaliland wuxuu u qaybsanyahay laba1 qaybood 1. Xadbiyood (Territorial Water) oo dhan 12mayl badeed (nautical miles) marka laga qiyaaso xeebta dalka. 2. Aag dhaqaaleed gaar ah (Exclusive Economic Zone) oo sharci ahaan dhan ilaa 200 Mayl –badeed marka laga qiyaaso xeebta dalka meesha ugu baladhaan iyo 30 mayl meesha ugu yar 3. Badda Gacanka Cadan waxa xad-biyood dhaqaale Dawlada Somaliland iyo Yeman oo kaliya Qodobka 5aad Ujeedooyinka Xeerka Ujeedooyinka Xeerkan loo asaasay waxa ka mida: 1. Dajinta nidaam kallumaysi oo waafaqsan shuruucda Dalka iyo ku Calamiga ah 2. Xoojinta hanaan farsamo oo lagu hormariyo xirfadaha 3. Curinta halbeegyo la xidhiidha farrimaha dhiirigalinta ka faa’idaysiga khayraadka badda. 4. Dajinta hababka dhiirigalinta fursadaha shaqo abuurka xirfadaha kallumaysiga. 5. Hirgalinta shuruucda hanaanka kallumaysiga casriga oo lagu hormariyo wax soo saarka kallumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland. 6. Horumarinta nidaamka dhaqaale ee maal gashiga iyo suuq gaynta kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland. QAYBTA 2AAD MASUULIYADAHA Qodobka 6aad Mas’uuliyadda Maamulka 1. Wasaarada ayaa ka muusuula siyaasada maamulka iyo hormarinta shuruucda kallumaysiga dalka iyo ilaalinta deegaanka naflayda ku nool dhul badeedka Somaliland. 2. Wasaaraddu waxay mas’uul ka tahay dhaqan-galinta ama ku dhaqan iyo fulinta xeerkan. 3. Sidoo kale Baarlamaanku waxay Dabagal iyo Qiimayn ku yeelanayaan fulinta iyo ku dhaqanka xeerkan. Qodobka 7aad Doorka Kallumaysatada 1. Kallumaysatadu waxay door wayn ku leeyihiin hanaanka ka faa’idaysiga kallumaysiga iyo khayraadka badda si waafaqsan xeerkan. 2. Kallumaysatada waxay mas’uuliyadi ka saarantahay ku dhaqanka iyo ilaalinta shuruucda uu xeerkani jidaynayo. 3. Kallumaysatada waxa waajib Qaran ka saaranyahay ilaalinta khayraadka badda iyo u hogaasnaanta mabaa’diida Xeerka ee bixinta cashuuraha kala duwan ee takaaliifta ganacsiga kallumaysiga. Qodobka 8aad Ilaalinta Khayraadka Badda 1 Qodabkan waxa dhima qaybta sedexaad oo sida ku xusan Qodobka 1aad (Ereybixinta) ah Aaaga raacsanaha (contiguous zone) 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 7 of 15 Wasaaradda iyo ciidanka ilaalada xeebaha ayaa ka mas’uul ah ilaalinta amniga xeebaha Somaliland iyo kohortaga kallumaysiga sharci darada biyaha dhul badeedka Somaliland. QAYBTA 3AAD HABABKA IYO NOOCYADA Qodobka 9aad Hababka Kallumaysiga 1. Wasaaraddu waxay dhiirigalinaysaa habkasta oo la xidhiidha ka faa’daysiga 100% khayraadka badda Somaliland. 2. Lama xadidi karo noocyada ganacsiga kallumaysiga badda Somaliland oo dihin awgeed sida ku qeexan darasadaha cilmi baadhista caalamiga ah ee hoos ku xusan. taas oo la cadeeyay in bulshada Somaliland 1% kaliya ka faa’daystaan khayraadka badda. Oo laga soo xigtay ilahan miqiyaasyada caalamiga ah (Xigasho)-(references): 3. Dhiirigalinta iyo kor u qaadista awoodaha iyo xirfadaha bulshada kallumaysatada Somaliland ee la xidhiidha hababka ka faa’iidaysiga khayraadka badda nooc kasta oo ay tahay, marka laga reebo tobanka nooc ee hoos ku xusan oo ka mid ah noocyada bii’adda kalluunka ee ugu nugul halista dabar go’a tafiirtooda caalamka oo idil. Sidaas darted lagu mamnuucay kallumaysigooda sharci caalami ah. Qodobka 10aad Noocyada Kallumaysiga 1. Noocyada kallumaysigu waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah: a. Ganacsiga Kallumaysiga Dalka Gudihiisa (Local market Fishing Trade). b. Ganacsiga Kallumaysiga dalka dibadiisa loo dhoofiyo (Export Market Fishing Trade) 2. Siyaasadda Wasaaraddu waxay dhiirigalinaysaa oo tixgalin dheeraada siinaysaa 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 8 of 15 nidaamka ganacsiga shirkadaha wadaniga ee kallumaysiga dalka dibadiisa loo dhoofiyo oo maalgashi shisheeye xanbaarsan, lacag adagna (Had Carrency) Dalka soo galiya. 3. Shirkadaha kalluumaysiga wadaniga ah ee dalka dibadiisa wax u dhoofiya, waxa ay u gudanayaan wajibaadkooda ganacsi si waafaqsan Xeerka shirkadaha Somaliland (Somaliland Company Law). QAYBTA 4AAD Qodobka 11aad Guddida Qaranka ee La Talinta Arimaha Kalluumaysiga 1. Waxa la dhisi doonaa Guddi Heer Qaran ah oo kala talisa Wasaaradda iyo cidkasta oo ay khusayso arrimaha hormarinta kalluumaysiga dalka, Guddidaas o ka koobnaan doonta Toddoba Xubnood: a. Xubin sarkaal ka socday wasaaradda qaabilsan kallumaysiga a. Xubin sarkaal ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka (Waaxda Gaadiidka Badda), c. Xubin Sarkaal ka socda Wasaaradda Deegaanka iyo Hormarinta Reer Miyiga d. Xubin Sarkaal ka socda Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska e. Xubin Sarkaal ka socda Wasaaradda Horumarinta Maaliyada f. Xubin ka socda shirkadaha wadaniga ah ee Kalluumaysiga g. Xubin kasocota is-kaashatada kalluumaysata dalka 2. Guddidu waxa ay iska dhex dooran doontaa Gudoomiye iyo ku-xigeen. 3. Guddidu waxay ku hawl gali doonaan xeerkan, xeer- nidaamiyaha ka farcamaya iyo xeer-hoosyaadyo qeexaya hawl-maalmeedkooda oo ay soo saarto wasaaraddu. Qodobka 12aad Warbixinnada Macluumaadka Kalluumaysiga 1. Wasaaraddu waxay ururinaysaa war-bixinada iyo xogaha ee la xidhhidha macluumaadyada kalluumaysiga, wayna faafinaysaa xogaha la xidhiidha macluumaadka kalluumaysiga Somaliland. 2. Wasaaraddu waxay la wadaagi kartaa ururinta warbixinaha macluumaadyada kalluumaysiga Somaliland khuburada Dalka ee aqoonta iyo khibradda u leh iyo wadamada dariska ee xuduudaha biyaha badda wadaagaan Somaliland iyo Hay’adaha Urur Goboleedyada iyo kuwa Caalamka ee ka howl gala arimaha daraasadaha badaha iyo kalluunka si ay u kala faa’iidaystaan Qodobka 13aad Daraasadaha Cilmi baadhista 1. Wasaaradda ayaa qoraal ahaan ugu ogolanaysa cidkasta oo haysta ruqsad in ay soo codsata inay samayso cilmi-baadhis la xidhiidha kalluumaysiga iyo noolaha kale ee khayraadka badda. 2. Waxa reeban cidkasta in ay ku samayso cilmi- baadhis kalluumaysiga biyaha badda Somaliland iyada oo aan ka haysan ogolaansh wasaraadka. Qodobka 14aad Goobaha Seerayaasha Kaydka Badda 1. Wasaaraddu waxay xeer-nidaamiye ku soo saaraysaa goobaha seerayaasha kaydka 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 9 of 15 badda Somaliland ee ka caagan kalluumaysiga si waafaqsan xeerkan iyo shuruucda caalamiga ah, marka laga reebo cidda wasaaradda ka ahaysta ogolaansho u fasaxaya samaynta daraasado cilmi-baadhis la xidhiidha noolaha seerayaasha kaydka badda Somaliland. 2. Seerayaasha kaydka badda Somaliland ee diwaanka caalamka ku duugan waxa ka mida (Jasiirada Sacaada Diin iyo kuwa kale ee ay wasaaraddu xeer- nidaamiye ku soo saarto). 3. Seerayaasha kaydka badda Somaliland waa goobaha dhul badeedka ay ku dhalaan ayna dhigtaan ugxanta-beedka noolaha baddu. QAYBTA 5AAD REEBBANAAN Qodobka 15aad Waxyaalaha Reebban 1. Waxa ka reebban gadiidka kalluumaysiga in ay fuliyaan hawlo ama adeegsadaan qalabka keenaya Dhimasho, Wasakhawga, ama dhawaac u’gaysan kara guud ahaan Noolaha, Dhirta Badda iyo Dhagxaanta Shacaabiga ee ah hoyga noolaha badda ah, 2. Waxa qof kasta ka reebban in uu haysto alaab ama qalab xaluufinaya isla markaana dhawaac ku keeni karra noolaha iyo dhirta bada iyo deegaanka xeebaha kalluumaysiga. 3. Waxa kale oo qof kasta ka reebban in uu ka ganacsado ama ku badasho badeecad kale noolaha laga qabtay Biyaha badda Somaliland, iyada oo aan ruqsad laga haysan wasaaaradda. Qodobka 16aad Hababka Mabnuuca ah in Loo Kalluumaysto 1. Qofna uma isticmaali karo in uu ku kalluumaysto isaga oo ula jeedadiisu tahay in si sahlan u hantiyo kalluunka walxo qarxa, hub ama sun ama walax sababi karta in bii’adda noole biyoodku sumowdo, dhintaan ama tahli-kari waayaan inay sii noolaadaan. 2. Qofna waxyeelo magaadhsiin karo, halkii ay taalayna kama qaadi karo qalab kalluumaysi oo cid kale oo kalluumaysato ruqsad u haystaa leedahay kalamana soo bixi karo kaluun u galay shabaga ama khayraad badeedka kale oo cid kale leedahay iyada oo aan ogolaansho laga haysan ciddii lahayd. 3. Kalluumaysato waa in aanay ka soo talaabin meesha ugu yar ee loo xadiday. 4. Qofna ma isticmaali karo hanoqoto kalluumaysto maxaliya ama kuwo ajaanibka ah Driftnet Fishing Activities. Qodobka 17aad Xiliyada Bad Xidhanka 1- Wasaaraddau waxay soo saaysaa qoraal cad oo tilmaamaya waqtiyada Kalluumaysiga la xidhayo, iyada oo isla markaana cadaynaysa sababaha loo xidhayo. 2- Marka la gaadho xiliyada bad-xidhanka, Kalluumaysiga waa la xididayaa. 3- Bad-xidhanku wuxuu khuseeyaa oo keliya gaadiidaka kalluumaysiga ee yar-yar ee aan u adkaysanayn karayn duufaanada iyo dabayl-xagaaga. QAYBTA 6AAD RUQSADDA Qodobka 18aad 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 10 of 15 Ruqsadaha Kalluumaysiga 1- Wasaaraddu waxay ruqsad Kallumaysi siin kartaa Gaadiid Kallumaysiga ee Wadanka laga leeyahay iyo gaadiidka Kalluumaysiga Shisheeyeba, waxaana laga qaadi doonaa khidmad (“fee”) khasnada dawladda lagu shubo. 2- Qof kasta oo kallumaysanaya wuxuu qaadanayaa ruqsad kalluumaysi sida waafaqsan xeerka, marka laga reebo kalluumaystada yar yar ee nolol maalmeedkooda quuta una banaanayn in ay ganacsi geliyaan. 3- Wasaaraddu waxay toos ula geli kartaa heshiis kalluumaysi oo laba geesood ah dalalka shisheeye ee danaynaya kalluunka baddeena ama doonaya heshiisyo maraakiibtooda kalluumaysiga lala galo. 4- Shirkadaha maraakiibta shisheeye ee kalluumaysigu ma dhaafin karaan awoodda miisaanka ama tirada kalluunka lagu heshiiyey in ay baddena kala baxaan, xil baana ka saran wasaaradu inay hubiso. 5- Shirkadaha maraakiibta shisheeye ee kalluumaysigu kama kallumaysan karaan goobo ka baxsan goobaha heshiiska lagula galay. 6- Heshiis kasta oo lala galay shisheeye oo u ogolaanaya Markab shisheeye in uu ka kalluumaysto xad- badeedka Somaaliland waa in ay ku jirto qodob si cad u sheegaya in wadanka markabkani uu calankiisa sito ama Shirkada caalamiga ah ee uu markabkani ka diiwaan gashan yahay uu qaadayo mas’uuliyada wixii ka yimaada fulinta heshiiskan iyo xeerkan iyo xeerarka kale ee xidhiidhka la leh. 7- Cid kasta oo jebisa heshiisyada qodobkan 18aad faqradiisa 4aad, waxa mas’uuliyadeeda loo raacayaa dalka ay khusayso ee laga leeyahay maraakiibta ama shirkadaha denbiga galay. Qodobka 19aad Diiwaangelinta Shirkadaha kaluumaysi Ee Shisheeye Shirkad shisheeye ee damacsan ama doonaysa in ay ka shaqayso kallumaysiga iyo hawlaha la xidhiidha waxaa la diiwaan gelinayaa marka la xaqiijiyo arrimaha: 1- in ay hanti Maaliyadeed u taallo Bangi Caalami ah oo la aqoonsan yahay 2- in ay Xafiis Maamul ku leedahay Somaaliland 3- in ay awood farsamo, dhaqaale ama agab u leedahay ka ganacsiga khayraadka kalluumaysiga 4- in ay leedahay ujeedo ku kooban Kalluumayiga ruqsada loo siiyey. Qodobka 20aad Diiwaangelita Shirkadaha Kallumaysi ee Wadaaga ah Shirkadaha kalluumaysi ee wadaaga ah ee ka dhexeeya dad Shisheeye muwaadiniin Somaaliland ah waxaa la diiwaan gelinayaa marka la xaqiijiyo. 1- In guud ahaan saamiga wadaagga ah ay leeyihiin dadka muwaadiniinta ahi 40% saamiga guud ee Shirkadda 2- In ay ledahay dhigaal maaliyadeed oo u dhigma boqolkiiba toban (10%) saamiga guud ee wadaagga ah iyada oo lagu shubayo Bangi laga aqoonsan yahay Somaaliland 3- In ay ledahay ujeedo ku kooban kallumayiga ruqsadda loo siiyey. Qodobka 21aad Diiwaangelinta Shirkadaha Kalluumaysiga ee Waddaniga ah 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 11 of 15 Shirkadaha waddaniga ah diiwaangelintooda waxaa loo raacayaa si waafaqsan Xeerka Shirkadaha iyo shuruudahan: 1-Shirkadaha waddaniga ahi waxay soo buuxinayaan foomka diiwaan gelinta shirkadaha (Form A) Wasaaradda. 2- Foomka ay soo buuxiso shirkadi waa in ay ku soo lifaaqdo Koobiga Dokumentiyada caddaynaya liisanka ganacsiga, xeerka shirka, diiwaangelinta xeer ilaaliyaha iyo dukumentiga caddaynaya hantida kalluumaysiga la xidhiidha ee ay sheegtay. 3- Hantidaasi waa inuu soo caddeeyaa sarkaal ka tirsan wasaaradda ama wakiilkeeda gobolada. 4- Shirkaddu waa inay soo bixisaa lacagta diiwaangelinta, wasaaraddana u keentaa rasiidhka lacagta bixinta. 5- Warqadda lacag bixnta shirkad iyo qadarka lcagta ee ay bixinayso waxa laga qaadanayaa wasaaradda. 6- Shirkadaha hore isku diwaan-geliyey waa in ay wasaaradda muddo hal (1) bil ah gudaheega dib-uga- cusboonaysiistaan diiwaangelintooda iyaga oo wax lacag ah laga qaadayn. 7- Shirkadda mudadaas ku soo cusboonaysiin weyda diiwaangelinteeda waxay luminaysaa diiwaangelinteedii, baddana kama shaqaysan karto ilaa ay dib u samaysato diiwaangelin cusub iyada oo lacagta diiwaangelinta soo bixin doonta. 8- Shirkadda wasaaradda ka diiwaangashan waa inay wasaaradda u soo gudbisaa warbixinta wax-soo saarkeeda iyo wax qabadkeeda bil walba 30keeda. 9- Shirkadda ku xadgudubta habka diiwaangelinta, waxaa lagala noqon doonaa diiwaangelintii iyo ruqsadiiba. Qodobka 22aad Ruqsad siinta Maraakiibta kalluumaysiga shisheeye iyo kuwa waddaniga ah Hannaanka lagu bixinayo ruqsadaha Kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo kuwa wadaniga ah waxaa loo raacayaa sidan: 1- Shirkad kasta oo leh maraakiib kallumaysi oo rabta in ay badda Somaalilnd ka kalluumaysto waa in ay wasaaradda ka qaadataa ruqsad kalluumaysi. 2- Wasaaraddu waxay u kala saari doontaa Ruqsadaha kalluumausiga Maraakiibta shirkadaha Wadaniga ah laba derajo oo kala ah darahada (A) iyo darahada (B). kuwaas oo kala ah Shirkadaha Wadaniga ah ee Kallumaysiga Waaweyn ee dibadda wax-u- dhoofiya iyo Shirkadaha kallumaysiga dhexe ee kalluunka dalka gudihiisa ku iibiya. 3- Ruqsadda darajada (A) ee wasaaraddu siiso Maraakiibta Shirkadaha Kalluumaysiga ee Wadaniga ah waxay shaqeysneysaa muddo saddex (3) sano ah oo ka bilaabanta maalinta ruqsada la bixiyo si loo dhiiri–geliyo, loona tixgeliyo heshiiyada Maalgashiga Shirkadaha Caalamiga ah iyo shirkadaha Wadaniga ah. 4-Ruqsadda Maraakiibta shirkadaha Kalluumaysiga Wadaniga ah ee ee derejada (B) ee Wasaaraddu bixiso waxay shaqaynaysaa muddo hal (1) sano ah oo ka bilaabanta maalinta ruqsadda la bixiyo. 5- Ruqsadda Maraakiibta shirkadaha kallumaysiga shisheeye waxay ay shaqaynaysaa muddo hal (1) sanno ah oo ka bilaabanta maalinta ruqsadda la bixiyo. 6- Shirkaddu waa in ay marka hore ka diiwaaan gashan tahay wasaaradda. 7- Markabka kallumaysiga ku bilaabi waayo muddo (3) saddex bilood gudahood ah 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 12 of 15 ruqsaddii la siiyey way buraysaa, haddii ka hor shirkaddu aanay keenin cudur daar macquul ah oo ay wasaaraddu ka aqbasho. 8- Haddii cudurdaarkaas laga aqbalo waxa la siinayaa warqad muddo kordhin ah oo 45 maalmood ah inuu shaqada markabku ku bilaabo, taas oo haddii uu ku bilaabi waayo kalluumaysi markabku ay ruqsadii si kama danbayn ah u burayso. 9-Markabka ruqsadda loo rabo waa in lagu soo gudbiyo tafaasiisha oo dhan sida ku cad foom B ee wasaaradda yaalla. 10- Shirkaddu/wakiilka markabku waa inuu keenaa wasaaradda dokumentiga wada-lahaanshaha oo maxkamad laga soo xaqiijiyey haddii shirkaddu wadaag tahay. 11-Kadib waa in wakiilka markabku soo bixiyaa lacagta ruqsadda. 12-Ruqsadda la bixinayaa waxay ku xidhan tahay fulinta dhammaan shuruucda kalluumaysiga e dalka iyo shuruudaha liisanka xaggiisa dambe ku yaalla. 13. Waxa si gaar ah loo xusayaa: a) in shirkaddu /wakiilku ay ku leeyihiin Baanka Somaaliland Xisaab ay ku jirto ugu yaraan lacag curaar ah oo dhan ($30,000 USD) soddon kun oo dollar, Caddaynteedana ka keenaan baanka. lacagtaasi waxay u oolaysaa in shirkada hadba ku bixiso lacagta rooyaltihga ah ee ku waajibta. b) In markabku soo galo Berbera ka hor inta aanu bilaabin kalluumaysiga, si loo hubiyo qalabkiisa kallumaysi. c) In markabku soo galo Berbera ka hor inta aanu u dhoofin meesha uu kalluunka geynayo; si loo hubiyo tirada iyo tayada hantida uu qaatay. d) In markabku xeebta ka fogaado ugu yaraan lix (6) nootika mayl ama (10km) toban kiilomitir. e) In markabka laga shaqaalaysiiyo tiro cayiman oo shaqaale Wadani ah sida waafaqsa xeerarka caalamiga ah ee heshiisyada shaqaalaysiinta maraakiibka kallumaysiga shisheeye iyo dalalka ay badahooda ka kalluumaysanayaan f) In markabku u soo gubiyo warbixin/xogta wax-soo- saarkiisa wasaaradda iyada oo ay ku cadyihiin tirada iyo noocyada uu qabsaday. g) In hadba sida lagu heshiiyo laga qaado lacagta qiimaha hantida khayraadka Dalka ee Markabka saran 5% ilaa 20% inta u dhaxaysa oo sixirka suuqa caalamka lagu sargooyey sida ay dhigayaan heshiisyada rukhsadaha kallumaysiga caalamiga iyo xeerkan. h) Diiwaan-galinta shirkadaha wadaniga ah ee xeebta ka shaqeysta iyo ruqsadsiinta doonyaha waxa lagu soo saarayaa xeer-nidaamiye. QAYBTA 7AAD RUQSADAHA NOOCA BERKED-BIYOODKA Qodobka 23aad Ruqsadda sharciga Kalluumaysiga Nooca Berkad-biyoodka Aquaculture Facility (Aquarium Fish) 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 13 of 15 1. Qofna awood uma laha in uu sifo sharci darro ah uga ganacsado kaluumaysiga badda Somaliland noocyada kaluunka lagu kaydiyo barked biyood ama aaladaha kale, marka laga reebo cidda ogolaansho sharci oo qoraal ah ka haysata Wasaarada. 2. Ruqsada ka Ganacsiga Kaluumaysiga Berked- biyoodka, waxa loo ogolyahay oo kaliya gacacsatada aqoonta iyo khibrada waayo aragnimo u leh nooca gansigan oo qayb ka ah khayraadka badda ee la xidhiidha dhinaca Dalxiiska Dalka. 3. Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa u xadaynaysa Shirkadaha kaluumaysiga noocan goobo cayiman oo gaar ah. 4. Muddada Sharciga ruqsada liisanka ganacsiga kaluumaysiga berked-biyoodka loo yaqaan waa muddo shan sano (5 sano) ah, iyo heshiis laba geesood ah oo dhex mari doona Wasaaradda Kaluumaysiga iyo shirkadaha Wadaniga ah oo mudadiisu noqon doonto labatan sano (20 sano). Kaas oo la xidhiidha ruqsada ogolaashaha aaga (EArea) ee kaluumaysi noocan ah, si loo dhiiri-geliyo loona dhowro heshiisyada maalgashiga shirkadaha wadaniga ah iyo shirkadaha shisheeye, kaas oo ah wakhti ku filan in lagaga midho dhaliyo horumarinta ganacsiga noocan ah si waafaqsan Shuruucda Caalamiga ee ka ganacsiga kalluumaysiga berked- biyoodka (Aquarium Fish). 5. Shirkadaha Wadaniga ah ee kalluumaysiga berked- biyoodka waxay waajibaadkooda ganacsi u gudan doonan si waafaqsan Xeerka Shirkadaha (Somaliland Company Law). Qodobka 24aad Hirgalinta Awoodda Ruqsadda Cid kasta oo la siiyay Ruqsad u ogolaanaysho in uu ka kalluumaysto Badda Somaliland iyo in uu ka sameeyo cilmi-baadhis la xidhiidha kalluumaysiga waxaa ku waajib ah: 1. In uu Illaaliyo isla markaana hirgaliyo Maba’diida Xeerkan iyo Xeerarka kale ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeer-nidaamiyaha (Regulations) Wasaaraddu Dejiso. 2. In uu Buuxiyo Shuruudaha la xidhiidha Hawlihiisa kalluumaysiga, sida (Xaddiga, Noocyada, Amadka (Product), goobta laga kalluumaysanayo, jinsiyada, kalluunnka iyo noocyada kale ee noolaha badda ee ganacsi gali kara ama la habeeyay (Processed). Qodobka 25aad Dabagalka iyo Baadhista Kormeerka 1. Cid kasta oo ku hawlan kalluumaysi, waa la dabageli karaa, kormeeri karaa lanna baadhi karaa iyada oo loo eegayo baahida markaa jirta ee hay’addaha ku shaqada leh arrintan sida isu-duwaha Gobolada ee wasaaradda oo kormeer iyo baadhis joogto ah ku samayn karra, gaadiidka ku hawlan kalluumaysiga aagiisa. 2. Markabka ku xadgudba qodobada xeerkan, waxaa la gaynayaa dekeda dalka ugu dhaw. 3. Haddii Markab fal-dambiyeed ku galo biyaha badda Somaliland, kadibna u’gudbo xuduuda dal kale, waxaa arrinta lagala xidhiidhayaa hay’addaha ay khusayso ee Dalalkaas, iyada oo la raacayo Xeerka Caalamiga ah ee baddaha. Qodobka 26aad Ganaaxyada 1. Wixii xadgudub ah ee lagu sameeyo Qodobka 9aad iyo 10aad ee sharcigan waxa lagu ganaaxayaa: a) Doonyaha yar-yar ee aan matoorka lahayn, waxa la ganaaxayaa boqol ilaa boqol iyo konton dollar ($100-150) I. Doonyaha yar-yar ee matooradoodu u dhexeeyaan 6-30 xoog faras waxa la 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 14 of 15 ganaxayaa afar boqol ilaa siddeed boqol oo dollar ($400-800) maraykan. II. Doonyaha yar-yar ee matooradoodu u dhexeeyaan 61-100 xoog-faras waxa la ganaaxaya kun ilaa laba kun oo dollar ($1000-2000) maraykan. b) Maraakiibta matooradoodu u dhexeeyaan 101-300 xoog faras, waxa la ganaaxayaa toban kun ilaa konton kun oo dollar (($10,000-50,000) dollar maraykan. c) Maraakiibta matooradoodu u dhexeeyaan 300 iyo wixii ka sareeya ee xoog-faras waxa la ganaaxayaa konton kun ilaa boqol kun oo dollar ($50,000-100,000) dollar maraykan. 2. Hadii fal-dambiyeedka culusyahay ama mar labaad dambiiluhu galo isla fal dambiyeedkii lagu soo cadeeyay, arintaa waxa loo gudbinayaa maxkamadda awoodda u leh (criminal court) 3. Qofkii isticmaala arrimahan: a) Isticmaalka qarxiyayaal ama sun, b) Meelaha kallumaysiga ka reeban, oo, lagu kaluumaysto c) Ka kalluumaysiga noocyada kaluunka ama noolaha badda ee ka reeban kaluumaysiga si waafaqsan Xeerka. d) Adeegsiga habab kale ee khilaafsan shuruucda Xeerkani jideynayo. Waxa lagu ganaaxayaa xadhig dhan (3) sano ilaa (5) sano ama lacag dhan dhan Shan Kun ilaa konton kun oo dollar ($5,000-50,000) doolar maraykan ama labadaba waa la isugu darayaa. 4. Gadiidka kale ee lagu qabto isaga oo si sharci daro ah u kalluumaysanaya waxa lagu ganaaxayaa: A. USD ($400-800) hadii uu matoorku u dhexeeyo 6-30 faras. B. ,, ($1,000-2,000) hadii uu matoorku u dhaxeeyo 31-60 faras C. ,, ($3,000-5,000) hadii uu matoorku u dhexeeyo 61-100 faras D. ,, ($10,000-50,000) hadii uu matoorku u dhexeeyo 101-300 faras E. ,, ($50,000-100,000) hadii uu matoorku u dhaxeeyo (ka sareeyo?) 300 faras 5. Cidda diidda inay soo gudbiso warbixinada (report) ama fulin wayda qodobada Xeerkan, waxa lagu ganaaxayaa saddex kun ilaa shan kun ( $3,000-5,000) dollar maraykan 6. Cidii kasoo bixi wayda xilka saran ama fulin-wayda heshiisyada laba dhinac wada galeen, waxa dib loogala noqonayaa ama la burinayaa ruqsada kalluumaysiga ee la siiyay. 7. Waxa lala wareegi doona kalluunka ama noolaha badda ee kale uu markaa weelka dushiisa saran. 8. Fal-dambiyeedyada laga galo xeerkan waxa la horgeenayaa Maxkamadaha awoodda u leh dalka. Qodobka 27aad Xeer-nidaamiye Wasiirku waxa uu soo saari karaa wareegtooyin iyo xeer nidaamiyayaal aan ka hor imanayn xeerkan oo loo isticmaalo habka ugu haboon ee loo fulinaayo shuruucda diiwaangelinta shirikadaha iyo ruqsad siinta maraakiibta kaluumeysiga. Qodobka 28aad Laalid Xeerkani waxa lagu laalay xeerka kaluumaysiga (xeer Lr. 24/1995) oo gabi ahaanba aan 2018 Somaliland Fisheries Law Xeerka Kalluumaysiga Xeer Lr. 84/2018 www.somalilandlaw.com Page 15 of 15 la jaanqaadikareyn Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxaana lagu bedelay xeerkan waxa kale oo la tirtirey qodob kasta oo xeer tilmaamayo oo aan la jaanqaadayn Xeerkan. Qodobka 29aad Dhaqangelinta Xeerkani waxa uu dhaqangalayaa marka ay labada Gole ee Xeer-dejintu (Wakiilada iyo Guurtidu) Ansixiyaan Madaxweynuhu Saxeexo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah. C/risaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Axmed-yasiin Sh. Cali Ayaanle K/S Gudoomiyaha G/Wakiilada JSL LIFAAQ Tixraac. Faah-faahinta ilaha laga helay Xogta Ku Tilmaamay Qodobka 9aad ee Xeerkan a) Legal regional fish trade in the Horn of Africa: experience from a FAO-IGAD project. b) Science in Somaliland Marine Exploration January 8, 2016 c) Regional Organization for the Conservation of the Environment of the Red Sea and Gulf of Aden ((PERSGA). d) The Fishing Sector in Somalia/Somaliland (Shuraako.org) e) Ocean & Coastal management (Elsevier Ltd) f) FAO Fishery Country Profile Report (FAO-HQ@fao.org) g) Technical assistance for the implementation of regional fisheries strategy for the Eastern and Southern Africa and Indian Ocean (ESA-IO) h) AFRICA’S FISHERIES’ PARADISE AT A CROSSROAD (www.greenpeace.org.cn)

Somaliland Fishery Law No. 84/2018 · Nelum