Procedural Regulation on Ministries and Agencies Lr.01/2018
颁布于 2018 · 文本截至 2026-10-01
以研究形式发布的公开法律与官方指引,不构成法律、税务或金融建议。
研究内容本身以英文撰写。标题和标签已翻译,调查结果和引文未翻译。
关于这部法律
- 原标题
- Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr.01/2018.
- 语言
- Somali
- 类型
- 条例
- 国家
- 索马里 · Somaliland
- 主题
- Agricultural and rural development, Livestock, Energy, Environment, Fisheries and aquaculture, Mineral resources, Water, General
- 关键词
- governance, institution
- 类别
- metals-base, metals-precious, minerals-critical
在哪里阅读
该法律没有记录来源链接。
文本
所收录的法律原文,按条款排列。每个条款都有自己的链接。
1 JAMHUURIYADDA SOMALILAND ____________________________________________ Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WM/249-11/012018 Taar: 03/01/2018 Xeer Madaxweyne Lr. 01/012018 Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka Xukuumadda iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa Xeereed uu u qoondaynayo xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka; Markaan Ku Qancay: Muhiimada ay leedahay in Xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul- fuulka xilalka iyo waajibaadyada waafaqsan Qodobka 18aad, faqradihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr. 71/2015; 1 maddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad Xeer Lr. 71/2015; Waxaan Soo-saaray; Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr.01/2018. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 2 XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA WASAARADAHA IYO HAY'ADAHA XUKUUMADDA Xeer-nidaamiye Lr.01/2018 3 Qaybta Koowaad: Qodobbo Guud Qodobka 1aad: Magaca Xeer-nidaamiyaha Xeerkan waxa loogu yeedhayaa, Xeer-nidaamiyaha Xeer-nidaamiye Lr.01/2018. Qodboka 2aad: Erey-bixin Haddii aan xeerkani si kale u sheegin, ereyadan waxa loola jeedaa: - Xukuuumad: Waxa looga jeedaa Waaxda Fulinta oo ka kooban, Madaxwayne, Madaxwayne Ku-xigeen iyo Golaha Wasiirada, si waafaqsan qodobka 81aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland. Laamaha Dawladda: Waxaa loo jeedaa qaybaha Xukuumada, sida wasaarada komishanada, xafiisyada, wakaaladaha iyo shirkadaha. Qodobka 3aad: Ujeedada Ujeedada Xeer-nidaamiyahani waa: 1) In dib loo qeexo dhismaha, awoodaha iyo shaqooyinka 2) In xilalka iyo shaqooyinka wasaaradaha laysu raaciyo hab la maamuli karo oo ku dhisan baaxada shaqada 4 - sanaan iyo kala-daadsanaan ku timaada shaqada iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya xukuumadda. 3) In lagu dhiso wasaaradaha, isla markaana lagu qeexo xilka iyo waajibaadka ay wasaarad kastaa yeelanayso, si adeeg hufan oo wax ku ool ah loo gaadhsiyo bulshada. Gaarka ah Qodobka 4aad: Dismaha Wasaaradaha Xukuumadda Iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, Wasaaraddaha ay ka kooban tahay xukuumada Jamhuuriyada Somaliland, waxay noqonayaan sidan hoos ku xusan: -
1) Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, 2) Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska 3) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka 4) Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka 5) Wasaaradda Arrimaha Gudaha 6) Wadaaradda Gaashaandhigga 7) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda 8) Wasaaradda Cadaaladda 9) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 10) Wasaaradda Horumarinta Beeraha 11) Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyaynta 12) Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha 13) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda 5 14) Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska 15) Wasaaradda Shaqo Galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska 16) Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga 17) Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga 18) Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo Dhaqanka 19) Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer- miyiga 20) Wasaaradda Horumarinta Biyaha 21) Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta 22) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka 23) Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Qodobka 5aad: Kala-wareejinta Xilalka Iyo Waajibadyada Wasaaradaha 1) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaraddii hore ee Kalluumaysiga, waxa lagu wareejiyay Wasaaradda cusub ee Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta kalluumaysiga. 2) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta, qaybtii la xidhiidhay Gaadiidka (Dhulka) ee ku qeexan Xeerka Wadda-marista Gadiidka Xeer Lr. 56/2013 iyo qaybtii la xidhiidhay waddooyinka ka baxsan magaalooyinka, sida ku qeexan qodobka 4 (3) ee Xeerka Wada-marista Gadiidka Xeer Lr. 56/2013, waxa lagu wareejiyay Wasaaradda cusub ee Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 6 3) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee H/Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta qaybtii la xidhiidhay dhulka sida ku cad Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka ee Xeer Lr. 17/2001, waxa halkan loogu wareejiyay Wasaaradda cusub ee G 4) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Wershadaha iyo Wasaaraddii hore ee Ganacsiga, iyo Wasaaraddii hore ee Dhaqanka iyo Dalxiiska, qaybtii la xidhiidhay Dalxiiska, waxa lagu wareejiyay Wasaaradda cusub ee Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. Halka qaybtii dhaqankana loo wareejiyay Wasaaradda Cusub ee Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka. 5) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta, iyo qaybtii la xidhiidhay Tiknoolajiyadda ee Wasaaraddii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Tiknoolajiyadda, waxa lagu wareejiyay Wasaaradda cusub ee Isgaadhsiinta iyo Tignologiyada. 6) Xilkii iyo waaajibaadkii Wasaaraddii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Tiknoolajiyadda, qaybtii la xidhiidhay Cilmi Baadhista, waxa lagu wareejiyay Wasaaradda cusub ee Waxbarshada Iyo Sayniska. 7) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Ganacsiga qaybtii la xidhiidhay Maalgashiga, waxa lagu wareejiyay Wasaaradda cusub ee Horumarinta Maalgashiga. 7 8) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Dib-u- dejinta, waxa lagu wareejiyey iyo Barakacayaasha, Wasaaraddiina waxa lagu beddalay Hay'addan cusub. 9) Xilkii iyo waajibaadkii Wasaaraddii hore ee Duulista iyo Hawada, waxa lagu ee Duulista iyo Madaarada. Wasaaradaha 1) magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxa lagu daray wasaaradaha kala ah; a. Guddidii hore ee mihnadlayaasha caafimaadka, waxa lagu daray Wasaaradda Hormarinta Caafimaadka. b. -Saarka iyo Hub Ka-dhigista Qaranka (NDC), waxa lagu daray Wasaaradda Gaashaandhiga. c. -saarka (NDA) iyo waxa lagu daray Wasaaradda Gaashaandhigga. d. Gudidii hore ee dib-u-Habaynta Shuruucda iyo Guddidii hore ee Baadhista Xasuuqa, waxa lagu daray Wasaaradda Cadaaladda. e. lagu daray Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska. f. re ee Tiknoolajiyadda Qaranka (ICT Commission), waxa lagu daray Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda.
8 2) wasaaradaha, sida ku xusan farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonayaan waaxo ka mid ah wasaaradaha lagu daray, iyada oo wasiirrada wasaaraddaha ay khusayso ay ku habayn doonaan qaab-dhismeedka Wasaaradahooga. sii Jiraya xusani, waxay ahaanayaan kuwa sidoodii u sii jira; 1) Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka 2) Hanti-Dhawraha Guud ee Qaranka 3) 4) Baanka Dhexe 5) Xisaabiyaha Guud ee Qaranka 6) Garyaqaanka Guud ee Qaranka 7) Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka 8) Komishanka Doorashooyinka Qaranka 9) Komishanka Maamul-wanaagga 10) Guddida Diiwan-galinta Ururada iyo Axsaaba Qaranka 11) Komishanka Qandaraasyada Qaranka 12) Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS 13) Authority) 14) 15) yadda 16) Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka 17) Wakaaladda Biyaha Hargeisa 9 Gaarka ah 1) wakaalladaha xukuumadda ee ku xusan qodobka 7aad ee xeer-nidaamiyani waxay ahaanayaan sida ay dhigayaan xeerarka u gaarka ah. 1) Dib-u- Sakeda, waxaana ay noqonayaan Hay'adda Diiwaanka Sakeda iyo Samafalka Qaranka. 2) Hay'addii Mucaawinooyinka Cuntada WFP, waxa lagu daray Hay'adda Maaraynta iyo u Diyaar-garowga Aafaayinka (NERAD), waxaana ay noqonayaan -garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka", si waafaqsan Qodobka 113aad ee Dastuurka JSL iyo Qodobka 63(3) ee Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Bannaan Xeer Lr. 71/2015. Qodobka 10aad: Xidhiidhka Wada-shaqayneed ee 1) Iyada oo la raacayo xeerarka u gaarka a Waddooyinka JSL Duulista iyo Madaaradu waxay xidhiidh wadashaqayneed (Line ministry) la yeelanayaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. 2) Guddida Tacliinta Sare waxay xidhiidh wadashaqayneed la yeelanaysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 10 3) Tv-ga Qaranka iyo Wargayska Dawan, waxay hoos tagayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka. Qaybta Sadexaabaad: Xilalka Iyo Shaqooyina Wasaaradaha Qodobka 11aad: Wasaaradda Arimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) In ay dejiso siyaasada arimaha dibadda ee Jamhuuriyada Somaliland. 2) In ay diyaariso qorshaha guud ee ictiraafka iyo ictiraaf raadinta JSL, isla markaana fuliso marka ay xukumadu u ansixiso. 3) In ay diyaariso qorshaha ictiraaf raadinta oo leh mudnaanta wajiyo ku salaysan urur goboleedyada sida IGAD, AU, EU, Arab, Islamic nations, iwm. 4) In ay horumariso, isla markaana joogtayso xidhiidhka iyo iskaashiga caalamiga ah iyo in ay adkayso xidhiidhka wanaagsan ee wadamada jaarka ah, 5) In ay ka talo siiso Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada iyo Baarlammaanka Somaliland Arimaha Dibloomaasiyada. 6) In ay qabato wada-hadalada dawladaha shisheeye iyada oo kaashanaysa 7) In ay qaabisho madaxda iyo wufuudda dawladaha kale iyo wakiiladooda, isla markaana habayso 11 barnaamijyadooda, siisana adeegyo diblomaasiyadeed marka ay joogaan Somaliland. 8) Iyada oo kala ta ay kala xaajooto isla markaana saxeexdo heshiisyada somalaind la gasho wadamada iyo ururada caalamaga ah marka ay xukuumadu u ogolaato, isla markaana ka hawl-gasho ansixinta (retification) heshiisyadaasi, marka laga reebo arimaha ay xeerar 9) In ay diiwaangaliso, isla markaana xafido dhamaan nuqulada heshiisyada ay Somaliland la gasho 10) In ay xidhiidhiso, isla markaana dabagasho hawlaha diplomaasiyiinta iyo qunsuliyadaha Somaliland ee dawladaha iyo ururada caalamiga ah. 11) In ay isku- dawladu la leeyihiin wadamada ajnabiga ah iyo ururada caalamiga ah. 12) In ay la xidhiidho diplomasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha ee ku sugan Somaliland,
ay u fududayso ilaalinta danaha aan wada leenahay. 13) In ay xaqiijiso xasaanada iyo mudnaanta ay leeyihiin caalamiga ah ee ay dhigayaan heshiisyada ay Somaliland qayb ka tahay in la ixtiraamay. 14) ay dhiiri galiso ganacsiga debeda iyo dalxiiska, isla markaana soo jiidato in wadanka laga hirgaliyo maalgashiga shisheeyaha, iyo sidoo kale in ay abaabusho helitaanka kaalmooyinka dhaqaale iyo farsamo. 15) In ay horumariso, islana jaanqaadsiiso qorsheyaasha looga gol-leeyahay helitaanka caawimmo dibadeed oo ay hesho Somaliland. 12 16) In ay xaqiijiso in danaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta Somaliland ee deggan debedaha la ilaaliyo, sidoo kalana in ay dhiiri galiso, taageertana jaaliyadaha Somaliland. 17) Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 12aad: Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku, waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) In ay dejiso, isla markaana fuliso siyaasadda islamarkaana kor loogu qaadayo heerka aqooneed ee muwaadiniinta. 2) In ay xaqiijiso in la daboolo baahida aqoonyahan ee dalku u baahanyahay isla markaana la gaadho hiigsiga wax-barasho ee qorshaha qaranka. 3) In ay dejiso, isla markaana hirgaliso manaahijta heerarka kala duwan ee waxbarashada dalka, kuwaasi oo ku salaysan diinta islaamka, dhaqankeena suuban iyo dabeecada gaar-ahaaneed ee deegaanka iyo bulshada Somaliland. 4) In ay ka hawl-gasho midaynta manaahijta waxbarshada dalka, lagana dhaqan galiyo guud ahaan dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ahba. 5) In ay dajiso siyaasadda iyo qorshaha qaranka ee tacliinta sare, isla markaana dhaqan-galiso oo kormeerto hirgalintooda iyo ku dhaqankooda. 6) In ay hirgaliso dugsiyada iyo machadyada waxbarashada aqoonta farsamada gacanta, (TVT). 7) In ay soo saarto aqoonyahan leh akhlaaq, dad iyo dal jacayl. 13 8) In ay dejiso siyaasadda lagu horumarinayo waxbarashada dadka waaweyn, isla markaana lagu 9) In ay diyaariso, isla markaana maamusho imtixaanka qaranka, kaasi oo ku salaysan siyaasada tacliinta iyo manaahijta dalka. 10) In ay kaydiso xafiddana imtixaanada, sidoo kalana bixiso shahaadooyinka. 11) In ay fidiso tacliinta sare, si loo xaqiijiyo in degaanada dalku ay wada helaan adeegga tacliinta sare. 12) In ay xukuumadda kala taliso horumarinta adeegyada tacliinta kala duwan ee dalka, sida tacliinta hoose iyo tacliinta sare. 13) In ay horumariso sidii si siman loogu heli lahaa fursadaha waxbarashada. 14) In ay xoojiso hirgelinta iyo dhismaha kaabayaasha waxbarashada. 15) In ay ka hawl-gasho aas-aasidda macaa-hidda waxbarshada sare taas oo saamaxaysa in la helo dad xirfad leh. 16) In ay bixiso adeegyo la siiyo dugsiyada dadka maskax ahaan iyo/ama jidh ahaanba naafada ah. 17) In ay xoojiso kaalinta dhaqanka suuban ee dalkeenu ku leeyahay heerarka kala duwan ee laamaha waxbarashada. 18) Inay hirgeliso waxbarashada dhaqaalaha qoyska, dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah ee dumarka. 19) In ay isududo hawlaha sayniska iyo barnaamijyada cilmi baarista qaranka; 20) In ay xaqiijiso in hawlaha cilmibaarista loo fuliyo si waafaqsan baahida horumarineed ee dalka; 21) In ay fududeyso isdhexgalka iyo iskaashiga ka dhexeeya dawladda iyo tacliinta sare ee gaarka loo leeyahay iyo hay'adaha cilmi baarista si kor loogu 14 qaado kor u qaadida cilmi baarista iyo horumarinta farsamada. 22) Aasaasida, isku dubaridida iyo taageerida ururada fududeynaya isuduwidda hawlaha cilmi baadhista. 23) In ay dhiirigeliso, isla markaana taageerto ururrada xirfadlayaasha iyo akadeemiyadaha gacan ka geysan kara horumarinta sayniska iyo tiknoolajiyada 24) Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
Qodobka 13aad: Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku, waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) In ay curiso xeerarka, siyaasadaha iyo qorshayaasha maamulka iyo horumarinta adeegga caafimaadka ee dalka. 2) In ay dejiso hirgalisana siyaasadda daryeelka caafimaadka guud ee dalka. 3) In ay abuurto ama dhisto xarumaha caafimmadka, si loo horumariyo adeeg bixinta caafimaadka loona daboolo baahida adeegyada caafimaad ee dalka, 4) In ay kormeerto xarumaha adeeg bixinta caafimaadka ee dalka si loo xoojiyo in bulshadu hesho adeeg hufan oo caafimaad. 5) In ay abuurto dhiirigelisana xarumaha barashada culuumta laxidhiidha caafimaadka. 6) In ay xaqiijiso in muwaadiniintu helaan daaweyn iyo 7) In ay hirgaliso xarumaha iyo nidaamka lagu hubiyo tayada daawooyinka dalka soo gala iyo isticmaalkoodaba. 8) In ay ka hawl-gasho xaqiijinta daryeelka fayo- dhawrka guud ee dalka. 15 9) In ay dejiso halbeegyo, xeernidaamiyayaal iyo hagayaal hawlaha caafimaadka ee lagu ilaalinayo caafimaadka muwaadiniinta. 10) In ay Isku xidho barnaamijyada xakamaynta, daaweynta iyo la dagaalanka cudurada HIV/AIDS, Qaaxada iyo Duumada iyo cudurada bulshada khatarta ku ah ee soo kordha. 11) In ay hubiso shahaadooyinka hawl-wadeenada adeegyada caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo ku dhaqanka nidaamyada iyo sharciyada adeegyadaasi. 12) In ay kormeerto xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, hubisana sharciyada xarumahaasi. 13) In ay xaqiijiso habsami u socodka iyo helitaanka adeegyada tallaalka caruurta iyo cudurada faafa. 14) In ay bixiso tababarrada hawl-wadeenada iyo xirfadlayaasha xarumaha caafimaadka dawlada, si kor loogu qaado aqoonta iyo shaqada adeegyada caafimaad ee dalka. 15) Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 14aad: Wasaaradda Gaashaandhigga Wasaaradda Gaashaandhiggu, waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) In ay curiso xeerarka, siyaasadaha iyo stratiijiyadaha difaaca dalka, isla markaana ka hawl-gasho hirgalintooda. 2) In ay xaqiijiso difaaca xuduudaha dhuleed, badeed iyo cireed ee dalka JSL, 3) In ay diyaariso hirgalisana qorshayaasha difaaca qaranka. 4) In ay ka hawl-gasho qalabaynta iyo taageeridda ciidanka qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee difaaca dalka. 16 5) In ay fuliso qorsheyaasha iyo siyaadaha difaaca qaranka. 6) In ay hogaamiso qorshaha tababarka iyo tayaynta ciidanka qaranka. 7) In ay raadiso barnaamujyo waxbarasho oo dibadeed si kor loogu qaado aqoonta saraakiisha iyo xubnaha ciidanka qaranka. 8) In ay dajiso qorsheyaasha lagaga hortagayo duulaan kasta oo dibadda kaga yimaad qaranka JSL. 9) In ka hawl-gasho samata-bixinta iyo bed-baadada dadka shacabka marka ay dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah iyada oo adeegsanaysa ciidanka qaranka. 10) In ay kormeerto qiimaysana hubka iyo saanadaha kale ee ciiddanka qaranka. 11) In ay daryeesho, jihaysana naafadda ciidanka qaranka. 12) In ay gacan-siiso booliska marka loo baahdo, si loo sugo amniga iyo kala danbaynta dalka. 13) La dagaalanka cid kasta oo halis galisa amniga iyo xasiloonida dalka. 14) In ay xaqiijiso shaqaalaysiinta, tababarka iyo abaabulka ciidamada kaydka ah iyo kuwa cusub, marka xaalado dagaal la soo darsaan dalka. 15) In ay kala taliso Madaxweynaha JSL iyo golaha wasiiradda arrimaha gaashaandhiga iyo difaaca dalka. 16) In ay xaqiijiso in ciidamada qaranku ka qayb qaataan hormarka dalka; iyo 17) Qabashada xilal iyo waajibaad kasta oo xeerarka dalku ay u xil saaraan. Qodobka 15aad: Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinka soo socda: 17 1) In ay curiso xeerarka maaliyadeed ee dalka, si loo ilaaliyo dhaqaalaha dalka loona hubiyo in dakhliga dawladda dhexe si haboon loo isticmalo; 2) In ay dajiso, hirgalisana siyaasadda maaliyada qaranka iyo hormarinta miisaaniyadda. 3) In ay fuliso, hirgelisana xeerarka lagu hagayo maamulka maaliyadda qaranka. 4) In ay soo jeediso, hirgelisana marka loo ansixiyo hannaan iyo xeerar kor loogu qaadayo, islamarkaana lagu ilaaliyo dakhliga dawladda. 5) In ay abuurto ilaha dakhliga, sidoo kalana dib-u- habayn iyo dib-u-eegis ku samayso tacriifadaha si kor loogu qaado dakhliga. 6) In ay hubiso, dabagasho bixinta cashuuraha aan
dawladdu. 7) In ay ururiso cashuuraha kala duwan ee dawladda dhexe qaado. 8) In ay xaqiijiso isku dheelitirka kharashaadka iyo dakhliga Xukuumadda 9) In ay xaqiijiso dajinta nidaam dhaqaale oo kor u qaadaya heerka nolosha iyo hormarka dalka. 10) In ay fuliso, sidoo kalana dabaqdo siyaasadaha iyo xeerarka lagu maamulo maaliyadda iyo dakhliga guud ahaan. 11) In ay xaqiijiso ku dhaqanka qorshaha miisaaniyada ee xukuumada. 12) In ay xaqiijiso ilaalinta hantida guurtada ah ee dhexe oo lagu kaydiyo xogta hantida. 13) In ay bixiso taageero farsamo oo la xidhiidha maaliyadda oo ay siiso laamaha Xukuumadda. 14) In ay dejiso siyaasadda iyo istiraajiyadda dhaqaale ee 18 xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareed iyo hantida Xukuumadda. 15) In ay ka talo bixiso dhammaan mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee u baahan taageero dhaqaale ka hor intaan la ogolaanin. 16) In ay fuliso siyaasadaha iyo xeerarka maaliyadeed si waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa maaliyadeedba; iyo 17) Xilka iyo waajibaadka kale ee ay u xilsaaraan xeerarka dalku. Qodobka 16aad: Wasaaradda Cadaaladda Wasaaradda Cadaaladdu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinka soo socda: 1) In ay dejiso siyaasadaha qaran ee lagu horumarinayo, laguna tayaynayo adeegyada cadaaladeed, sidoo kalana Kala-shaqayso Bahda Cadaaladda meel-marinta siyasadahaas iyo la socodka shaqadood. 2) adeegyada cadaaladeed iyo ku-ilaalinta gudashada xilkooda ama ka warbixinta xilgudashadooda. 3) In ay qiimayso wax-qabadka iyo ka-war-haynta Bahda Cadaaladda, sidoo kalana ka-talo-bixiso sida wax looga qaban karo, ugana war-bixiso xaaladda Siyaasadeed ee Qaran. 4) In ay xaqiijiso kor-u-qaadista fursad-u-helista cadaaladda iyo xaqiijinta u-sinnaanteeda. 5) Qiimaynta, isu-duwidda, kormeeridda iyo tayaynta adeegyada kaalmada sharci iyo hubinta helitaankooda ee dadka u baahan ee aan kharashyada adeegyadaa iska bixin Karin. 19 6) Cadaaladda; 7) In ay ku- dda xaaladaha khilaafsan Xuquuqda iyo Xoriyaadka Dastuuriga ah. 8) In ay bixiso ruqsadaha mihnedleyaasha sharciga (legal professionals) iyo horumarintooda. 9) In ay bixiso ruqsadaha nooyaayooyinka, sidoo kalana kormeerto dabagashana nootaayooyinka dalka si sharciga waafaqsan. 10) In ay xaqiijiso ixtiraamista, ilaalinta iyo dhawrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha Dastuuriga ah. 11) In ay ka-war-hayso xaaladda guud ee cadaaladda dalka, soona diyaariso barnaamijyada iyo ya adeegyada cadaaladeed iyadoo lala tashanayo 12) In ay xaqiijiso dejinta nidaamka xabsiyayn oo la jaan-qaada Dastuurka, qawaaniinta caalamiga ah iyo heerarka tayo ee guud ahaan la aqoonsan yahay. 13) In ay ku-wacyi-geliso dadweynaha xuquuqdooda iyo waajibaadyadooda; 14) In ay horumariso shuruucda dalka sida xeerarka uu adeegsado garsoorku, iyadoo la tashanaysa 15) In ay daraasayso sababaha dambiyada, qorshaynta hababka iyo nidaamyada lagaga hor tagayo, sidoo kalana isku xid sidii loo habayn lahaa ka hor tagga dambiyada. 16) In ay qabato codsiyada shisheeye ee lagu doonayo soo-celinta dembiile iyo kuwa lagu doonayo aqoonsiga xukunnada ciqaabeed ee shisheeye iyo in ay u-dirto codsiyo noocaas oo k dhiggeeda ah ee dawlad shisheeye, ka-dib markay 20 dhammaystiran oo arrimahaas la xidhiidha. 17) -gaadho codsiyada shisheeye ee lagu doonayo soo-wareejinta maxbuus xukuman oo ku xidhan Somaliland una dhashay ama xidhiidh dhaw la leh dalkaa shisheeye, sidoo kalana u dirto codsiyo kuwaa la mid ah dawlad shisheeye oo ay ku codsanayso u-soo-wareejinta Somaliland maxbuus xukuman oo ku xidhan dalkaa shisheeye una dhashay ama xidhiidh dhaw la leh Somaliland. 18) Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
Qodobka 17aad: Wasaaradda Hormarinta Beeraha Wasaaradda Hormarinta Beerahu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) In ay curiso sharciyadda, siyaasaddaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo waxsoosaarka beeraha dalka. 2) In ay u hawlgasho, soona bandhigto a qorshaha Xukuumadda ee lagu gaadhi karo isku filaanshiiyo xaga cuntada ah. 3) In ay kor u qaado xirfada beeralayda iyo ku tababaridda hababka casriga ah ee wax loo beerto si loo kordhiyo loona hormariyo wax soo saarka beeraha. 4) In ay qorshayso dhul beereedyada dalka iyo dhul- kale ee dawladda ee ay khusayso. 5) In ay dhiirigaliso horumarka iyo isticmaalka tiknoolijiga ku haboon dhulbeereedka. 6) In ay aasaasto, maamushana adeeg fidsan oo wax ku ool ah, Lana xidhiidha dhul beereedka. 21 7) In ay raadiso una fududayso beeralayda suuqgeynta wax soosaarka ka yimaada beeraha dalka. 8) In ay samayso habab lagu ilaaliyo laguna maamulo siidhka (shinnida-abuurka); 9) In ay ka hortagto Cudurada ku dhaca Dalaga Beeraha; 10) In ay ilaaliso saamaynta raadka taban ee isticmaalka kiimikalka loo isticmaalo Beeraha. 11) In ay joogtayso ilaalinta tayada siidhka iyo bixinta ruqsadihiisa; 12) In ay dib u habayso fidinta macaahida (dugsiyada) tababarada iyo cilmibaadhista beeraha. 13) In ay bixiso taageero farsamo iyo mid tababar oo la siiyo Beeraleyda si loo dhiso tayadooda, isla markaana ayu gutaan waajibaadkooda ka saaran beeraha. 14) In ay bixiso shahaadada lahaanshaha Beeraha. 15) In ay ka hortagga nabaad guurka ciidda beeraha. 16) In ay La dagaalanka ayaxa iyo cayayaanka wax yeeleeya beeraha. 17) In ay abuurto beero tijaabo iyo cilmi baadhiseed. 18) In ay soo saarto calafka xoolaha. 19) In ay xakamayso cudurrada kala duwan ee ku dhaca dalagyada kala duwan ee la beerto. 20) In ay dhisto iskaashatooyinka beeralayda iyo gacan siintooda si ay uga qayb qaataan hormarinta wax soo saarka beeraha. 21) In ay diyaariso dhul-beereedyo dawladdu leedahay oo la beero, si dalku u gaadho isku filaansho dhinaca cuntada ah. 22) In ay kormeerto maamushana beeraha wax soo saar ee dawladdu leedahay. 23) In ay daristo meel marisana hindeseyaasha la xidhiidha horumarinta beeraha iyo wax soo saarka dalka. 22 24) Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 18aad: Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Technoolajiyadda Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo teknoolajiyaddu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) In ay samayso, dajisana siyaasadda, iyo isti-raati- jiyada Xukuumadda iyo xeerarka lagu maamulayo isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada dalka islamarkaana lagu ilaalinayo xuquuqda iyo xoriyadda isgaadhsiinta muwadiniinta. 2) In ay diyaariso hawlgalka maamulka iyo kormeerka qorshaha isgaadhsiineed ee dalka. 3) In ay ka qayb gaadato, curisana siyaasadaha la xidhiidha hormarinta technoolajiyadda iyo isgaadhsiinta. 4) In ay dajiso qiimayaasha khidmadaha kala duwan ee laga qaadayo shirkadaha iskaadhsiinta ee ka hawl gala dalka, iyo xaqiijinta in ururiyay khidmadahaas khusayso. 5) In ay kormeerto shirkaddaha isgaadhsiineed ee dalka iyo jaangoynta qiimeyaasha adeegyadda isgaadhsiineed. 6) In ay kobciso dakhliga iyo takaalifta ku waajibtay shirkadaha. 7) In ay hormariso aqoonta isgaadhsiineed iyo teknoolajiyadeed ee dalka iyada oo kaashanaysa wasaaradda waxbarshada iyo sayniska. 8) In ay maamusho hirarka dalka, samaysana lambarka dalka ku soo galka (country code). 9) In ay bixiso ruqsadaha adeegyada shirkadaha isgaadhsiineed ee ka hawlgalaya dalka iyo cusboonaysiinta ruqsadaha. 23 10) In ay maamusho xidhiidhka isgaadhsiineed ee ka dhexeeya isgaadhsiinta xukuumadda iyo ta gaarka ah. 11) In ay samayso barta isgaadhsiineed ee dawladda iyo diwaangalinta ciwaanadooda si kor loogu qaado isku
dawladda; 12) In ay ka shaqayso sidii loo midayn lahaa shirkadaha isgaadhsiiinta ee gaarka loo leeyahay, si looga dhiga in qofku hal telefoon kawada waci karo dhamaan shirkadaha. 13) In ay ku kala duwan ee dawladda isticmaalka iyo adeegsiga nidaamyada isgaadhsiineed iyo teknoolajiyadeed ee casriga ah; 14) In ay hormariso siyaasadda guud ee isgadhsiinta iyo farsamada xogta casrigaah ee Somaliland. 15) In ay ilaaliso xogta dawladda ee ku kaydsan qalabka teknoolajiyadda, sida koombutarada iwm. 16) In ay samayso cilmi baadhisaha ku saabsan isgaadhsiinta iyo teknoolajiydda, si dalku ula jaan qaado caalamka. 17) In ay kormeerto, dabagashana fulinta iyo dhaqan gelinta xeerarka isgaadhsiinta, siyaasadaha iyo qorshayaasha isgaadhsiinta dalka. 18) In ay dhexdhexaadiso, kala xadaysana xad gudubyada isticmaalka hirarka; 19) Wasaaraddu waxay dawladda wakiil uga tahay wax kasta oo la xidhiidha iskaadhsiin iyo teknoolajiyadda. 20) In ay qabato xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. 24 Qodobka 19aad: Wasaaradda Shaqo Galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Wasaaradda Shaqo Galinta, Arrimaha Bulshada Iyo Qoysku, waxay yeelanaysaa awooddahan iyo shaqooyinka soo socda: 1) In ay diyaariso siyaasadaha iyo xeerarka kala duwan ee la xidhidha shaqo abuurka, xuquuqda shaqaalaha rayidka ah iyo arrimaha qoyska. 2) In ay diwaangaliso shaqaalaha shirkadaha, hayadaha wadaniga ah, kuwa caalamiga ah, iyo kuwa wadaniga 3) In ay faafiso, hubisan ku dhaqanka xeerarka la xidhiidha maamulka shaqaalaha rayidka iyo arrimaha qoyska si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo xuquuqda qoyska. 4) In ay ilaaliso, hubisana in fursahadaha shaqo qorista waafaqsan. 5) ee ajaanibka, bixinta ruqsadaha ogolaansha iyo dabagalka ku dhaqanka shuruudahaasi. 6) In ay xaliso khilaafaadka shaqo ee loo-sheqeeyaha iyo shaqaalaha aan dawliga ahayn ee diiwaan gashan; (labor dispute). 7) In ay dhiirigaliso waxbarashada iyo tababarada shaqaalaha rayidka ah, ayaga oo soo saaraya faafinayana siyaasado iyo istraatajiyad ku wajahan horomarinta waxbarashada ee shaqaalaha rayidka ah. 8) In ay dhiirigaliso abuurista iyo diiwangalinta ururo shaqaale oo rayidka ah si waafaqsan xeerka shaqaalaha rayidka. 9) In ay habayso, gacanna siiso ururada shaqaalaha ee heer qaran. 25 10) In ay u hubiso in si cadaalada iyo sinaan ah loo qorey ayada oo xubin xafiiska shaqadu ka wakiil ahi goobjoog ka noqondoonto marka loo tartamayo shaqaaleynta shaqaalaha cusub; 11) In ay dajiso qorsheyaasha hormarineed ee la xidhiidha arrimaha bulshada guud ahaan, si loo horumariyo nolosha bulshada Somaliland. 12) In ay La dagaalanto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sida tacadiyada galmada ee haweenka loo gaysto, ka hortiga takoorida dadka nugul, ka hortiga iyo la dagaalanka tacadiyada jinsiga ah iyo shaqaalaynta caruuurta. 13) In ay ka hawl gala adeega bulshada iyo dabagalka xilgudashadooda shaqo si looga warbixinyo waxaa ay wadanka ka qabtaan. 14) In ay dajiso, fulisana siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan daryeelka, xanaanaynta iyo waxbarashada naafada, hooyada, dhalaanka iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaala qaadata. 15) In ay taakulayso ilaalisana xuquuqda dumarka, caruurta iyo dhammaan dadka nugul. 16) In ay maamusho, dabagashana xarumaha dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta; 17) In ay dawladda kala taliso arrimaha la xidhiidha hormarinta arrimaha bulshada iyo samaanta qoyska Somaliland. 18) In ay kor u qaado heerka nololeed ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caruurta tabaalaysan iyo iwm; 19) In ay ka hortagto wax kasta oo dhibaato u keenaya nolosha bulsho iyo ta qoys ee bulshadeena Somaliland;
26 20) In ay gudato Xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay siiyaan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, ka qayska ama xeerarka kale ee dalku. Qodobka 20aad: Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku, waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Inay diyaariso siyaasadaha, istaratiijiyadaha iyo qorshayaasha dhiirigelinaya horumarinta ganacsiga, warshadaha, iyo sidoo kale fulintooda marka loo ansixiyo. 2) Inay abuurto jawi ganacsi oo habboon si loo dhiirigaliyo ganacsatada dalka gudihiisa iyo kuwa ajanabiga ahba. 3) Inay dejiso qiimayaasha badeecadaha kala duwan iyo xaqiijinta in badeecadaha dalka imanayaa ku yimadaan qiime macquul ah si bulshada loogu daneeyo. 4) Inay dejiso siyaasadda kala xadaynta ganacsiga iyo dabaqaadeeda. 5) Inay abuurto cilaaqaad ganacsi oo lala yeesha wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo aduunka kaleba si loo iib geeyo wax soo saarka dalka. xidhiidh ganacsi oo kala duwanna loola yeesho aduunka. 6) Inay diiwaangeliso ganacsiga dalka iyo ruqsad siinta ganacsatada kala duwan si xeerka waafaqsan. 7) Inay kormeerto, lana socoto qiimayaasha badeecadaha kala duwan isla markaana u gudbiso Golaha wasiirada si wax looga qabto qiimayaasha badeecadaha aan shacabka u danaynayn. 27 8) Inay ilaaliso hubisana tayada badeecadaha ganacsi ee dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya iyadoo la 9) Inay dhiirigeliso maalgashiga warshadaha wax soo saarka dalka sida; beeraha iyo xoolaha. 10) Inay dejiso kor joogtaysana siyaasaddaha horumarinta warshadaynta iyo ku dhiirigelinta ganacsatada maalgashiga wershedaha. 11) Inay curiso istraatiijiyadda sharciyo iyo xeerar lagu dhiirigelinayo wax soo saarka warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe. 12) Inay maarayso caqabadaha soo wajaha barnaamijka warshadaynta. 13) Inay ku ilaaliso warshadlayda fulinta siyaasadda deegaanka, xeerarka iyo halbeegyada maaraynta wasakhda hadhaaga warshadaha. 14) Inay dhiirigeliso kobcisana farsamooyinka wadaniga ah ee ganacsi. 15) Inay dejiso qorshayaal suuq loogu raadinayo, lagu horumarinayo laguna balaadhinayo wax soo saaarka warshadaha dalka. 16) Inay ka taakulayso warshadlayda hawlaha maalgelinta warshadaha iyo warshadaynta si ay u fuliyaan shuruudaha ilaalinta deegaanka. 17) Inay hirgeliso nidaam iskaashi oo lala sameeyo dalalka Somaliland saaxiibada la tahay, si looga helo taakulayn kobcinta aqoonta iyo khibradda teknoolajiyadda horumarinta warshadaha. 18) Inay xaqiijiso in Warshadaha dawladdu leedahay si wanaagsan loo maareeyo loona ilaaliyo, dejisana habab suurta gelinaya in la maalgashado si sharciga waafaqsan. 19) Inay dhisto meelo iyo goobo loogu talo galay warshadaha horumarintooda, barnaamajyadooda iyo mashaariicda kale ee la xidhiidha warshadaha. 28 20) Inay fuliso daraasaynta khayraadka dalka, iyo khariidadaynta dhulka leh khayraad maalgashi warshadeed iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee khayraadka dalka. 21) Inay diyaariso tallaabooyinka laga qaadayo cid kasta oo ku gefta tayada badeecadaha ganacsi isla markaana hoos marta heerka loo dejiyay. 22) Inay kaydiso xogta ganacsi iyo warshadaha dalka. 23) Inay dhiirigeliso dalxiiska iyo abuuritaanka goobaha dalxiiska ku fiican ee dalka; 24) Inay dejiso qorshayaasha dalxiis ee dalka. 25) Inay ilaaliso, xafiddana aasaarta qadiimiga ah ee dalka. 26) In ay raadiso, abuurtana goobo ku haboon dalxiska fulisana cilmi baadhisaha goobaha dalxiiska. 27) Inay wax ka qabato cabashooyinka la xidhiidha arrimaha ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska si waafaqsan xeerarka dalka. 28) Inay gudato Xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay siiyaan xeerarka kale ee dalku. Qodobka 21aad: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kalluumaysiga Wasaaradda Xannaaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysigu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Inay curiso sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha lagu
iyo kalluunka JSL. 2) Inay dhiirigeliso fursadaha maalgashi ee adeegyada xoolaha iyo kalluumaysiga JSL. 3) Inay dejiso, siyaasado iyo qorshe hawleedyo lagu ilaalinayo, isla markaana lagu horumarinayo caafimaadka xoolaha iyo tayaynta wax soo saarka xoolaha. 29 4) Caalami ee ku hawlan horumarinta iyo ka kalluunka iyada oo la siinaayo taageero farsamo. 5) Inay diyaariso sidoo kalana hirgeliso nidaamka ka hortagga dhoofinta xoolaha dheddig. 6) Inay xaqiijiso ka hortagga cudurada xoolaha ee xuduudaha isaga talaaba. 7) Inay hirgeliso, korna u qaaddo tayada maxjarada, xero guulada (holding grounds), iyo rugaha caafimaadka xoolaha gaar ahaan kuwa xuduudaha. 8) Inay daryeesho isla markaana kobciso xoolaha nool iyo wixii ka soo baxa sida Cadka, Caanaha, Subagga, Saamaha iyo Haraga. 9) Inay bixiso shahaadooyinka caafimaad qabka dhoofinta, Isticmaalka gudaha ee Xoolaha iyo wixii laga soo saaro. 10) Inay bixiso ruqsadaha kalluumaysiga, sidoo kalana xadiddo xiliyada bad xidhanka iyo bad furanka. 11) Inay dejiso siyaasadaha iyo istiraatiijiyadaha tababarrada dadka ka shaqeeya kalluumaysiga. 12) Inay dhiirigeliso horumarka teknoolajiyadda la xidhiidha kalluumaysiga si loo horumariyo tayada iyo tirada kalluumaysiga. 13) Inay dejiso, hirgelisana nidaamyo lagu xakamaynayo isla markaana lagaga hortagayo kalluumaysiga sharci darrada ah. 14) Inay dhiiri geliso barnaamijyada bulshada ee wax soo saarka kalluumaysiga. 15) Inay diyaariso warbixinno cilmiyeed oo la xidhiidha kalluumaysiga iyo heerka kalluumaysiga dalka taasoo wax kataraysa horumarinta heerka kalluumaysiga dalka. 16) Inay kobciso xirfadaha xoola dhaqatada, shirkadadaha maalgashada xoolaha iyo cid kasta oo 30 ku hawlan wax soo saarka xoolaha iyo kalluunka si kor loogu qaado wax soo saarka xoolaha iyo kaluunka; 17) Inay abuurto hab lagu xaqiijinayo tayada caafimaadka xoolaha ama wax soo saarka xoolaha ee lagu suuq gaynayo iyo ku ilaalinta dabbaqaadda nidaamkaa; 18) Inay kobciso awoodda cid kasta oo ka ganacsata xoolaha iyo kalluunka si loo xaqiijiyo inuu wax soo saarkoodu daboolo baahida suuqa ganacsiga, lana dhiso nidaam lagu ilaalinayo tayada wax soo saarkooda. 19) Inay dhisto nidaam xaqiijinaya helitaanka adeegyada caafimaadka xoolaha oo tayo leh si kor loogu qaado ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada xoolaha; 20) Inay dejiso nidaamyada lagu suuq gaynayo wax soo saarka xoolaha iyo kalluunka; 21) Inay xaqiijiso nidaam maamul oo lagu ilaalinayo tayada dawada iyo calafka xoolaha, iyo sidoo kale adeegyada caafimaadkaa xoolaha. 22) Inay dejiso nidaam lagu xaqiijinayo is dhexgalka iyo isku xidhka daneeyayaasha ku hawlan cilmi baadhista xoolaha iyo kalluumaysiga; 23) Inay ka taageerto, kana gacan siiso habka wax soo saarka kalluunka ee casriga ah iyo suuqgayntiisa. 24) Iyo fulinta xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 22aad: Wasaaradda Deegaanka Iyo Hormarinta Reer Miyiga Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu waxa ay yeelanaysaa awooddahan iyo shaqooyinkan soo socda; 31 1) Inay dejiso, isla markaana hirgeliso siyaasadaha iyo xeerarka Xukuumadda ee la xidhiidha horumarinta deegaanka, reer miyiga iyo la dagaalanka xaalufinta iyo nabaad guurka. 2) Inay dejiso qorshayaasha lagu horumarinayo deegaanka iyo kuwa lagaga hortagayo dhibaatooyinka deegaanka ee dabiiciga ah iyo kuwa dad sameeyaha ahba. 3) Inay ka hawl gasho sidii looga midho dhalin lahaa ujeedooyinka deegaanka ee ku xusan dastuurka, siyaasadda deegaanka iyo qorsheyaasha kale ee qarankaba. 4) Inay qorshayso dhul daaqsimeedyada iyo seerayaasha loogu talo galay xoola dhaqatada iyada oo la 5) In ay hawl gasho sidii looga hortagi lahaa xaalufka iyo nabaad guurka iyadoo ciidda iyo dhirtaba la daryeelayo, isla markaana la qorshaynayo habsami u isticmaalka dhul daaqsimeedka iyadoo la
6) Inay biyo qabatinno ka samayso dhulka, si looga hortago nabaad guurka, carro guurka iyo jeex jeexyada ku yimaad dhulka. 7) Inay dejiso, sidoo kalana fuliso hab lagu qiimaynayo saamaynta deegaan ee ay yeelan karaan warshadaha iyo barnaamajyada hormarineed ee dalku; 8) Inay diyaariso habab kor loogu qaadayo daryeelka deegaanka iyada oo la yaraynayo walaxaha sunta ah ee deegaanka wax yeelaynaya ee ka dhasha farsamaynta alaabta iyo warshadaha. 9) Inay ka hawl gasho sidii looga hortagi lahaa saamaynta isbedelka cimilada aduunka, isla markaana dejiso qorshaha la qabsiga isbedelka cimilada. 32 10) Inay fuliso xeerarka iyo siyaasadaha deegaanka iyo hormarinta reer miyiga. 11) Inay dejiso qorshayaasha horumarinta deegaanka, sidoo kalana dhiirigeliso si habboon u isticmaalka khayraadka dabiiciga ah si aanay deegaanka dhibaato ugu iman. 12) Inay samayso habka isku xidhka iyo ururinta xogta deegaanka iyo kaydinta macluumaadka kala duwan ee ku saabsan deeganka. 13) Inay xaqiijiso sidoo kalana fududayso in adeegyada aasaasiga ahi gaadhaan dadka reer guuraaga ah. 14) Inay hirgaliso, kormeerto isla markaana ka war bixiso siyaasadda Xukuumadda ee horumarinta reer guuraaga. 15) Inay diyaariso siyaasadaha iyo qorshayaasha lagaga hortegayo xaalufinta ugaadha iyo duurjoogta. 16) Inay ka hawl gasho sidii loo abuuri lahaa seerayaal iyo xerooyin lagu xanaaneeyo duurjoogta, 17) In ay ku wacyi geliso bulshada daryeelka duurjoogta iyo xayawaanka, 18) Inay samayso qorshayaasha lagu cidhib tirayo dhuxulaysiga dhirta iyo ka ganacsigeedaba. 19) Inay diyaariso qorshayaasha lagu bedelayo shidashada dhuxusha. 20) Iyo in ay fuliso xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 23aad: Wasaaradda Horumarinta Biyaha Wasaaradda Horumarinta Biyuhu waxay yeelanaysaa awooddahan iyo shaqooyinkan soo socda; 1) Inay curiso xeerarka, siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarinta khayraadka biyaha. 2) Ka- 3) Inay hirgaliso xeerarka iyo siyaasadda xukuumadda ee biyaha Qaranka. 33 4) Inay xaqiijiso daboolidda baahiyaha biyaha nadiifta ah si loo xaqiijiyo in muwaadin kastaa helo biyo nadiifa oo ku filan. 5) Dejinta siyaasadda iyo halbeegyada maalgelinta biyaha, 6) Kormeeridda, fulinta shuruucda iyo maaraynta arrimha khuseeya ka hortagga iyo xakamaynta wasakhawga biyaha. 7) Inay ka qodo ceelal iyo kaydadka biyaha nadiifta ah ee goobaha miyiga ah si bulshada reer guuraagu u helaan biyo nadiifa oo ku filan. 8) Inay maamusho, isla markaana dayactirto ceelasha dhaadheer iyo goobaha kale ee biyaha ee ka baxsan magaalooyinka waawayn. 9) Inay u samayso guddiyo maamula, isla markaana daryeela ceelasha tuulooyinka iyo goobaha miyiga ah, si looga hortago dayacaadda ku imaan karta ceelasha biyaha. 10) Inay samayso tirakoob iyo diiwaan lagu xafido tirada adeegyada biyaha dalka. 11) Inay u samayso bulshada xoolo dhaqatada ah goobaha waraabka xoolaha nool, si xoolaha dalku u helaan adeegga biyaha. 12) Qiimaynta, qorshaynta, xidhiidhinta iyo samaynta istiraatiijiyado iyo siyaasado la xidhiidha biyaha. 13) Inay qabato daraasado ku saabsan khayraadka biyaha dalka, si loo helo xogta mugga iyo tayada biyaha dhulka hoostiisa iyo kuwa oogadaba, si loo 14) Inay ka hawl gasho in la sameeyo daraasado, cabirro iyo farsamada dhismaha si loo dhiirigeliyo biyo xidheenada yar yar iyo kuwa waaweyn ee waraabka, 15) Inay ka hawl gasho in biyaha nadiifta ah la wada helo (potable water supply coverage), sidoo kalana isu 34 duwdo hirgalinta mashaariicda laga maalgeliyo kaalmooyinka shisheeye. 16) Inay dejiso, isla markaana hirgeliso siyaasadda xukuumadda ee lagaga faaiidaysanayo biyo roobaadka. 17) qulqulka biyaha bada ku darsama sanad kasta. 18) Inay samayso, hirgelisana nidaamyo farsamo iyo kuwo aan farsamo ahaynba ee hal- beegyada biyaha si loo ilaaliyo tayada adeegsiga biyaha iyada oo la adeegsanayo aqoon, qalab iyo farsamo ku habboon. 19) Inay bixiso ruqsadaha shirkadaha biyaha iyo ruqsadaha biyo soo saarka dalka. 20) Iyo in ay fuliso xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka Dalku.
Qodobka 24aad: Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay yeelanaysaa awooddahan iyo shaqooyinkan soo socda; 1) Inay dejiso siyaasadda Xukuumadda ee ku waajahan sidii loo sahamin lahaa, isla markaana looga 2) Inay bixiso, sidoo kalana maamusho ruqsadaha hawlaha sahaminta, baadhista iyo qoditaanka shidaalka iyo macdanta si xeerarka waafaqsan. 3) Inay horumariso arrimaha khuseeya daahfurida Shidaalka, Macdanta iyo khayraadka kale ee dhulka ku duugan marka laga reebo biyaha. 4) Inay dejiso qorsheyaasha iyo barnaamujyada lagaga faaiidaysto khayraadka macdanta iyo shidaalka iyada oo lagu xisaabtamo arrimaha deegaan iyo dhaqaale; 5) Inay ka hawl gasho Ilaalinta, isticmaalka iyo maamulka khayraadka dabiiciga ah ee dalka. 35 6) Inay bixiso ruqsadaha aqoonsiga shirkadaha shidaalka. 7) Inay horumariso cilmi baadhista teknoolajiyadda xagga tamarta. 8) Inay isku duba riddo, sidoo kalana dejiso halbeegyada shaqo ee looga baahan yahay mashariicda awoodda korantada. 9) tamarta qoraxda iyo dabaysha iyo ilaha kale ee tamarta dib loo cusboonaysiin karo. 10) Isku dubaridka iyo dejinta hal beegyada shaqo ee looga baahan yahay mashaariicda awoodda korontada laga dhaliyo ee magalooyinka iyo miyiga Somaliland. 11) Inay horumariso, fududayso, dammaanad qaadida iyo tageerida adeegsiga tamarta la cusboonaysiiyo iyo khayraadka kale, si ay u isticmaalaan dadweynaha Somaliland. 12) Inay diyaariso qorshaha xukuumadda ee fududaynta hawlaha macdan baadhista si loo dhiirigaliyo maalgashiga. 13) Inay ururiso, kaydiso sidoo kalana xafiddo xogaha kaydka macdanaha iyo tamarta dalka, iyo samaynta bangi lagu kaydiyo macluumadka cilmiyeed ee la xidhiidha macdanta si loo ogaado xaddiga khayraad macdaneedka somailand leedahay; 14) Inay diiwaangeliso ilaalisana diiwaanada shirkadaha wada hawlaha macdaneed iyo mashaariicda kale ee ku lammaan. 15) Inay samayso hab raacayada deegaanka iyo shuruudaha looga baahan yahay hawlaha macdan qodiseed. 16) Inay diyaariso siyaasado dhamaystiran oo khuseeya khayraadka tamarta, macdanta iyo shidaalka Somaliland, kana warbixiso fulintooda. 36 17) Iyo inay fuliso xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 25aad: Wasaaradda Gaadiidka Iyo Hormarinta Jidadka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hormarinta Jidadku waxay yeelanaysaa awoodahan iyo waajibaadyadan soo socda: 1) Inay curiso xeerarka iyo siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada gaadiidka badda, cirka iyo dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo. 2) Inay xaqiijiso in bulshadu hesho adeegyada gaadiidka badda, cirka iyo dhulka kuwaasi oo qayb ka ah qorshaha horumrineed ee dalka; 3) Inay dejiso, isla markaana fuliso qorshayaasha xukuumadda ee dhismaha, dayactirka iyo maamulka jidadka ka baxsan magaalooyinka. 4) Inay horumariso, sidoo kalana tayayso xeerarka Gaadiidka dhulka iyo waddooyinka Somaliland. 5) Inay maamusho, sidoo kalana habayso nidaamka waddo marista dalka 6) Inay bixiso ogolaanshaha ruqsadaha gaadiidka dhulka. 7) Inay qorshayso, sidoo kalan dejiso siyaasadaha gaadiidka 8) Inay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeegga xamuulka ee wadanka. 9) Inay xaqiijiso dhismayaasha kaabayaasha gaadiidka, casriyayntooda iyo ilaalintooda. 10) Inay fuliso tallaabooyinka lagu xallinayo saamaynta gaadiidku ku leeyahay is bedelka cimiladda. 11) Inay tirakoobto nocyada gaadiidka kala duwan ee dalka, sidoo kalana abuurto kaydin si fudud looga heli karo xogta gaadiidka dalka. 37 12) Inay isku xidho tallaabooyinka horumarinta jidadka, dayactirkooda, sidoo kalana kala taliso xukuumadda wax kasta oo ku saabsan gaadiidka iyo hormarinta jidadka. 13) Inay dejiso siyaasadaha kaabayaasha wadooyinka dalka, sidoo kalana isku xidho mashaariicda horumarineed ee la xidhiidha horumarinta kaabayaasha wadooyinka. 14) Inay ka hawl gasho in la hirgaliyo xeerarka iyo siyaasadaha lagu maamulayo gaadiidka iyo waddooyinka, iyo 15) Inay fuliso xilalka iyo waajibadyada ee ay u xilsaaraan xeerarka dalku.
Qodobka 26aad: Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Dastuurka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurku waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Inay ka shaqayso isku xidhka iyo wada shaqaynta golaha xukuumadda iyo golayaasha xeer dejinta (Guurtida iyo Wakiilada). 2) Inay ka shaqayso sidii loo meelmarin lahaa hawlaha xukuumadda ee horyaal golayaasha xeer dejinta. 3) Inay kala taliso Madaxweynaha arrimaha ku saabsan xidhiidhka golayaasha xeer dejinta, xeerarka kaga yimaada golayaasha xeer dejinta iyo arrimaha dastuurka; 4) Inay ka shaqayso Isku duwidda hawlaha lagama maarmaanka u ah ansixinta madaxda sare ee xukuumadda ee Madaxwaynuhu magacaabo ee u baahan ansixinta Golaha Wakiilada. 38 5) Inay u diyaarso Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada warbixinta arrimaha ka soo baxa golayaasha xeer dejinta ee ay uga baahan yihiin Xukuumadda. 6) Isku duwidda hawlaha shaqo ee xukuumadda kaga xidhma golayaasha xeer dejinta. 7) Inay diyaariso qorshaha qaran ee dib u eegista dastuurka si loo qabya tiro dastuurka Somaliland, daha ay khusayso. 8) Inay qabato kulamo lagu lafagurayo qabyo tirka iyo dib u habaynta dastuurka JSL. 9) Inay diyaariso warbixinaha qorshaha qaran ee dib u eegista dastuurka, isla markaana u gudbiso Madaxweynaha warbixinahaasi. 10) Inay fuliso, isla markaana meel mariso qorshaha qaran ee dib u eegista dastuurka kadib marka loo ansixiyo, iyo, 11) Fulinta Xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay siiyaan xeerarka kale ee dalku. Qodobka 27aad: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Wasaaradda Arrimaha Gudahu waxa ay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) ee hoos yimaada Wasaaradda. 2) Inay diyaariso xeerarka, istaratijiyadaha iyo siyaasadaha arrihama gudaha iyo amniga wadanka. 3) Inay diyaariso, hirgalisana siyaasadaha iyo qorshayaasha guud ee lagu horumarinayo ciidamada booliiska, ciidanka ilaalada xeebaha, ciidaanka laanta socdaalka, ilaalada xuduudaha, iyo ciidanka dab-damiska. 4) Inay kobciso aqoonta amniga. 39 5) Inay sugto ammaanka muwadiniinta, kaladanbeynta iyo anshaxa guud. 6) Inay isku iyo 7) Inay ka hortagto, lana dagaalanto dambiyada iyo wixii keena. 8) Inay adkayso, ilaalisana marinada laga soo galo dalka ee xaga cirka, badda iyo dhulka. 9) Inay qaado tallaabooyinka ammaanka ee muhiimka u ah ilaalinta diblomaasiyiinta iyo wufuudda booqashada ku jooga dalka, xarumaha caalamiga ah. 10) Inay maamusho diiwaangalinta iyo bixinta ruqsadaha haysashada hubka fudud. 11) Inay hirgaliso xeer-nidaamiyayaasha lagu maamulayo bixinta dhalashada, baasaaboorada iyo qoraalada rasmiga ah ee socdaalka. 12) Inay habayso, maamushana diiwaan gelinta dadka, iyo bixinta warqadaha aqoonsiga. 13) si sharciga waafaqsan; 14) Inay ku daba 15) Inay soo saarto, isla markaana hirgaliso qorshayaasha iyo mashaariicda lagu 16) Inay qaado talaabooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka, anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka iyo hawlaha afti qaadista iyada doorashooyinka. 17) Inay qiimayso, amniga. 18) Inay isku xukuumadda dhexe iyo maamulada Gobollada iyo degmooyinka dalka. 40 19) Inay diiwaan-geliso, ruqsadna amniga ee gaarka loo leeyahay (private security companies). 20) Inay diyaariso hormarisana xeerarka, istiraatiijiyadaha iyo siyaasadaha maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka. 21) Inay hogaamiso, xidhiidhisana siyaasadaha maamul wanaagga. 22) Inay curiso, hirgaliso, kormeerto, qiimayso iskuna dubariddo siyaasadaha iyo barnaamijyada dib u habeynta maamul daadejinta, si loo dhiso, maamul wanaagga iyo adeegga bulshada. 23) Inay samayso, hirgelisana barnaamijyada kobcinta awoodda golayaasha degmooyinka iyo dawladaha hoose si loo hagaajiyo bixinta adeegyada iyo maamulka khayraadka dadweynaha. 24) Inay hirgaliso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka gobolada iyo degmooyinka iyada oo lagula xisaabtamayo qorshahooda iyo waxqabadkooda. 25) Inay dhisto awoodda golayaasha deegaanka iyo shaqaalaha dawladaha hoose si ay si wax ku ool ah ugu gutaan waajibaadkooda, loona xaqiijiyo in bulshada Somaliland ku noolaadaan jawi nabdoon iyo horumar. 26) Inay isku xidho mashaariicda nabad gelyada iyo
ka fuliyaan gobolada iyo degmooyinka dalka. 27) Inay diyaariso, hirgalisana siyaasada xukuumadda ee ku aadan madax dhaqameedka dalka; 28) Inay diiwaangaliso, maamushana madax dhaqameedka JSL. 41 29) Inay qabato shaqo kasta oo xeerarka dalku u xilsaareen. Qodobka 28aad: Wasaaradda Qorshaynta Iyo Horumarinta Qaranka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku, waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Inay soo bandhigto qorshayaal iyo istiraajiyado horumarineed oo awood u leh xaqiijinta yoolka fog si looga xusho qorshaha habboon iyada oo laga duulayo hadba xaalada taagan. 2) Inay dejiso qorshaha mudada dhow oo ku salaysan ka mudada dheer, kaas oo sumad u yeelaya ujeedooyinka la higsanayo muddada fog isla markaana koobsanaysa dhinacyada dhaqaale iyo bulsho ee mujtamaca isla markaana habaynaya awoodda bulshada. 3) Inay diyaariso qorshe sannadle ah oo ka duulaya heerarka adeegyada bulshadu taagnaayeen (baseline) xilliga diyaargaraynta qorshaha iyadoo laga duulayo qorshaha mudada dhexe. 4) Inay isku dudo mashaariicda horumarineed ee ay maalgaliyaan qaadhaan bixiyayaashu. 5) Inay tirakoobto khayraadyada xoolaha, beeraha, wax soosarka warshadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka. 6) Inay diyaariso warbixinaha statistikada (tirakoobka) xaaladaha bulshada, dhaqaalaha iyo deegaanka dalka ee sanad laha ah. 7) Inay daraasayso, soona bandhigto xaaladaha dhaqan dhaqaale ee bulshada; 42 8) Inay xoojiso, adkaysana iskaashiga horumarinta dhaqaalaha ee Somaliland iyo wadamada deeq 9) Inay kormeerto, dabagashana mashaariicda horumaruneed si loo xaqiijiyo in qorshayaasha loo fuliyey si hufan oo isla xisaabtan leh. 10) In ay qiimayso mashaariicda horumarineed marka ay dhamaadaan iyo diyaarinta war bixinadooda. 11) Inay daraasayso carqaladaha (caqabadaha) soo wajihi kara qorshaha horumarineed iyo ku talagalkooda. 12) Inay kormeerto dabagashana qorshaha horumarinta ee sannadlaha ah, kana war bixiso wax qabadka la sameeyey, waxqabadka aan qabsoomin, caqabadaha ka soo baxay meelmarinta qorshaha sannadlaha ah, sidoo kalana ka tala bixiso talaabooyinka ku habboon ee lagaga gudbi karo wixii gol daloolooyin ah ee soo baxay si loo xaqiijiyo ujeedooyinka qorshaha muddada dhow. 13) caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee dalka ka hawlgalaya kuna dabagasho fulinta mashaariicda. 14) Iyo xilalka iyo waajibaadyada kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 29aad: Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxa ay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Inay kala taliso xukuumadda arrimaha ku saabsan diinta iyo shareecadda islaamka. 2) Inay xaqiijiso inaan diin kale lagu faafin dalka JSL. 3) Inay ka hortagto hab dhaqanada ka baxsan Diinta iyo dhaqanka suubban ee umadda JSL. 4) Inay maamusho, kor joogtaysana hawlaha xajka. 43 5) Inay diyaariso imaamada masaajidada, korna uqaado wacyigooda. 6) Inay diiwaangaliso imaamada masaajidada. 7) Inay wanaaga iyo samaha dadka farto xumaha iyo fisqigana ka reebto. 8) Inay maamusho gacantana ku hayso waqafka ma guurtada ah iyo ku dhiiri gelinta bulshada hawlaha waqfiga iyo samafalka. 9) Inay dhiirigeliso xifdiga quraanka iyo culuumtiisa. 10) Inay taageerto, horumarisana malcaamadaha iyo xarumaha lagu barto culuumta diinta islaamka. 11) Inay dhiirigeliso dhisidda masaajidada, maamulkooda iyo maamulidda dhulka danta guud ee loo jaro masaajidada iyo malcaamadaha. 12) Inay kor u islaamka iyo dhawristooda. 13) Inay ka hortagto in dalka la soo geliyo ama laga abuuro fisqi iyo wixii wax u dhimaya dhaqanka islaamka. 14) ah iyo isku xidhkooda. 15) Inay ku dhawaaqdo ilaalisana maalmaha ramadaanta, ciidaha iyo maalmaha kale ee Diiniga ah. 16) Inay Ka hortagto in kooxaha fidiya waxa lagu tilmaamo diimaha ee ka baxsan diinta islaamku dalka soo galaan ama wax soo geliyaan. 17) Inay soo saarto fatwooyinka rasmiga ah iyo dejinta hal beegyada lagu maamulayo gawraca Xoolaha. 18) Inay midayso manaahiijta machadyada diiniga ah iyo malcaamadaha wadanka. 19) Iyo xilka iyo waajibaadka kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
44 Qodobka 30aad: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryaynta Wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyayntu waxa ay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Curinta iyo Diyaarinta siyaasadaha, xeerarka iyo qorsheyaasha lagu maamulayo guud ahaan dhulka magaalooyinka iyo dhismayaasha. 2) lahaayeen xafiisyo/ rugo Xukuumadeed oo ay ku guttaan waajibaadkooda isla markaana loo joogtayn lahaa dayactirkooda. 3) Dejinta iyo kormeeridda nashqadaynta magaalooyinka. 4) Curinta iyo diyaarinta siyaasadda qaranka, istaraatiijiyadaha iyo barnaamijyada xukuumadda ee maamulka dhulka, guriyeynta iyo hawlaha guud. 5) Bilaabidda dib u habaynta iyo wax ka beddelka xeerarka hadda jira ee dhulka, guriyaynta iyo hawlaha guud. 6) Kormeerka iyo isku duwidda wax qabadyada Dawladaha Hoose ee la xiriira dhulka iyo guriyaynta. 7) Diiwaangalinta iyo Maamulidda hantida maguurtada ah ee Xukuumadda, 8) Abuuridda Diiwaanada Heer gobol, Degmo iyo heer qaran ee hantida maguurtada ah. 9) Xaddidaada halbeegga dhismaha iyo kormeerka dhismaha, si looga badbaadiyo muwaadinka halista dhismaha. 10) Qiimaynta iyo aqoonsiga Injineerada dhismaha. 11) Ruqsad siinta shirkadaha dhismayaasha. 12) Dabagalka iyo la socodka shaqada shirkadaha dhismaha iyo dhismayaasha. 13) Iyo xilka iyo waajibaadka kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. 45 Qodobka 31aad: Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu waxa ay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Dejinta siyaasadda iyo istaraatijiyadda Xukuumadda ee ku wajahan dhalinyarada iyo ciyaaraha. 2) Qaabaynta qorshayaasha iyo barmaamijyada lagu dhiiri gelinaayo laguna horumarinayo dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland. 3) Isku xidhka iyo Taageeridda ururada ciyaaraha. 4) U abuuridda dhalinyarada xirfado shaqo iyo baridda xirfadaha. 5) Dejinta iyo fulinta siyaasadda horumarinta dhalinyarada. 6) Isku duwidda hawlaha ku aadan horumarinta iyo taakulaynta dhalinyarada. 7) Maamulka iyo Horumarinta Garoomada iyo Xarumaha Ciyaaraha. 8) Ka hortagga iyo ka wacyigelinta dhalinyarada caqabadaha ku waajahan wadanka gudihiisa sida caalamiga ahba. 9) Kor u qaadidda doorka dhalinyarada ee ka qayb qaadashada horumarka. 10) Ka qayb qaadashada hawlaha shaqo abuurka dhalinyarada. 11) Diyaarinta waxbarashada dadban ee dhalinayada. 12) Ka hortagga waxyaabaha keeni kara khataraha caafimaadka dhalinyarada. 13) Isku xidhka dhalinyarada, ka hortagga dambiyada dhalinyarada iyo kooxaysiga. 14) Iyo xilka iyo waajibaadka kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. 46 Qodobka 32aad: Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi- galinta Iyo Dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintu waxa ay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Curinta iyo diyaarinta siyaasadaha, xeerarka iyo barnaamijyada warfaafinta dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. 2) warbaahinta ay xukuumadu leedahay. 3) Diyaarinta iyo hirgalinta siyaasadaha xukuumadda ee lagu horumarinayo warbaahinta dalka. 4) Dib u habaynta iyo dib u qiimaynta xeerarka iyo siyaasadaha dalka si loo helo xeerar si hufan u dammaanad qaada warbaahin xor ah. 5) Dammaanad qaadidda in la helo saxaafad xor ah oo hidaha suuban ee ummadeena. 6) Horumarinta idaacadaha, wargeysyada, dawliga ah iyo kuwa madaxa bannana. 7) Bixinta ruqsadaha warbaahinta gaarka loo leeyahay si sharciga waafaqsan, 8) Dhiirigelinta warbaahin Xukuumadda iyo kuwa dadku wada leeyihiin si loo helo warbaahin tayo leh oo xor ah. 9) Samaynta siyaasad guud oo kor loogu qaadayo wacyiga iyo heerka garaadka wadaniyadeed ee muwaadiniinta reer soomaliland. 10) Inay muwaadiniinta ku wacyi geliso, gudashada waajibaadka ka saaran bixinta cashuurta, ilaalinta deegaanka, Dhawridda dastuurka iyo xeerarka dalka.
47 11) Ku wacyigelinta muwadiniinta jacaylka iyo difaaca dadka, diinta iyo dalka. 12) iyada oo lagu salaynayo dhaqanka suubban ee ummaddeena ee soo jireenka ahaa, isla markaana, lagu baraarujinayo lagana wacyi geliyo caadooyinka iyo dhaqamada aan ku dhisnayn diinta islaamka iyo dhaqankeena. 13) Dejinta siyaasadda Xukuumadda ee ku wajahan dhiirigelinta, Dhawridda iyo ilaalinta dhaqanka Soo jireenka ah ah ee dalka. 14) Iyada oo la dhawrayo aadaabta islaamka, waxaa xil ka saaran yahay, horumarinta suugaanta iyo dhiirigelinta hal abuurka, fanka iyo ciyaaraha wadaniga ah. 15) Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada. 16) La dagaalanka iyo tirtiridda caadooyinka wax u dhimaya diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka. 17) Samaynta iyo dhiirigelinta carwooyinka dhaqanka. 18) Ka hor tigedda iyo u jawaabidda dagaalada warbaahineed ee dibadda ka soo waajaha Somaliland. 19) Iyo xilka iyo waajibaadka kale ee ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 33aad: Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Wasaaradda horumarinta maalgashigu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda: 1) Curinta iyo diyaarinta xeerarka, siyaasadaha iyo qorshayaasha maalgelinta, si loo abuuro jawi maal 48 gashadayaashu ku soo hiran karaan kuna maalgashan karaan dalkeena. 2) Dib u eegista iyo kaabista shuruucda maalgashiga dalka iyo u soo jeedinta madaxweynaha talooyinka siyaasadeed ee ku saabsan maalgashiga. 3) Isku duwidda iyo isku xidhka hawlaha maalgashi ee maal gashadayaasha maxaliga ah iyo kuwa ajanabiga ahba. 4) Ururinta, daraasaynta iyo cusbooneysiinta macluumaadka ku saabsan fursadaha maalgashiga iyo ilaha maalgashi ee dalka, iyo xuquuqaha ama dhiirigelinta ay heli karaan maal gashadayaashu. 5) Diiwaangalinta shirkadaha maalgashiga iyo ilaalinta xuquuqda maal gashadayaasha. 6) Qabashada codsiyada shahaadooyinka maalgashiga iyo bixinta, cusboonaysiinta iyo tirtiridda shahaadooyinka maalgashiga ee xadka awooda Wasaaradda, 7) Diiwaangelinta raasamaalka maalgashiga ay shirkadaha shisheeye ku maalgaliyaan dalka. 8) Fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha maalgashi ee dalka. 9) Kormeerka iyo dabagalka mashaariicda maalgelinta si loo xaqiijiyo ku dhaqanka xeerarka iyo ruqsadaha maalgelineed ee dalka. 10) Xoojinta xidhiidhka maal gashadayaasha, dawladda iyo dadwenahaba. 11) Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 34aad: Dhaqangalka Xeer nidaamiyahani waxa uu dhaqan galayaa marka uu Madaxweynuhu Saxeexo, Faafinta Rasmiga ahna lagu soo saaro. 49