Energy Law No. 81/2018
颁布于 2018-03 · 文本截至 2026-10-01
以研究形式发布的公开法律与官方指引,不构成法律、税务或金融建议。
研究内容本身以英文撰写。标题和标签已翻译,调查结果和引文未翻译。
关于这部法律
- 语言
- Somali
- 类型
- 法令
- 国家
- 索马里 · Somaliland
- 主题
- Energy
- 关键词
- authorization/permit, liability/compensation, consumer protection, energy conservation/energy production, financing, investment, monitoring, procedural matters, protection of environment, public health, renewable energy
在哪里阅读
该法律没有记录来源链接。
文本
所收录的法律原文,按条款排列。每个条款都有自己的链接。
9. Komishanku waxay abuurayaan oo ay maamulayaan Sanduuqa Ammaano Haynta ee Tamarta Somaliland. Sanduuqa waxaa loo abuuray in lagu horu-mariyo laguna maal-geliyo Kaabayaasha dhaqaale ee Aagga tamarta.
10. Komishanku wuxuu u hawl-fududaynaa islamarkaana dhiirri-gelinayaa in dib-u-habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka iyo hawlgalka Shirkadaha qaybiya tamarta si loo helo Tamar hufan oo jaban.
11. Wasaaraddu waxa ay ansixinaysaa Xeer-hoosaadyada waafaqsan Xeerkan ee ay soo gudbiyaan Komishanku oo aan ka hor imanayn shuruucda dalka cid gaar ahna aan u xidhayn hawlaha korontada.
12. Wasaaraddu iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah lanna tashanaysa Komishanka Nidaaminta Tamarta ee Somaliland, waxa ay awood u leedahay in ay ka hawl-gasho isku-gudbinta Tamarta iyo Korontada ee laba dal iyo heer goboleed. Waxa kale oo ay ka shaqaynaysaa iskaashiga gobolka ee dawladaha jaarka ee ku saabsan daraasadaha khuseeya Tamarta iyo heshiisyada caalamiga ah ee iskaashiga tamarta.
13. Maalgashiga shisheeye ee Aagga tamarta waxaa ansixinaaya Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyadoo la tix-gelinaayo shuruudaha maalgashiga ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga islamarkaana la tashi lala samaynaayo Komishanka Nidaaminta Tamarta ee Somaliland.
14. Wasaaraddu waxa ay kor-u-qaadaysaa horumarinta iyo isticmaalka tiknoolojiyaada heerkeedu sarreeyo ee tamarta hadhaaga noolaha (fosill-based) laga dhaliyo iyo Tamarta La Cusboonaysiin karo; taasoo ay ku jirto tamarta dhirta, dhuxul dhagaxda, qorraxda, dabaysha, mawjadaha biyaha, tamarta biyaha, gaasta dhirta iyo tamarta bullaacadaha magaaloyinka.
15. Wasaaraddu, si ay kor ugu qaaddo horumarinta iyo isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo, waxa ay qabanaysaa shaqooyinka iyo awoodaha hoos ku xusan: 11 b) In ay dejiso Istaraatejiyad Qaran si la isugu-dubba-rido Cilmi baadhista tamarta la cusboonaysiin karo. t) In ay dejiso nidaam la isku hallayn karo iyo soo saarka joogtada ah, qaybinta iyo suuqgaynta tamarta laga dhaliyo Saliida la qodo (fossil fuels), tamarta dhirta, qorraxda, dabaysha, tamarta bullaacadaha magaaloyinka iyo tamarta Qaaca dhulka hoostiisa mara. j) In ay horu-mariso farsamada sancada dalka, rakibidda, dayac-tirka iyo hawl-gelinta qalabka tamarta la cusboonaysiin karo sida dabaysha iyo qorraxda. x) In ay kor u qaaddo iskaashiga caalamiga ah ee Barnaamijyada khuseeya isticmaalka ilaha tamarta laga dhaliyo tamarta hadhaaga noolaha (fossil-based) iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Kh) in ay ka faa’iidaysato fursadaha suurto-gelinaaya nidaamka horu-marka nadiifta ah (clean development mechanisms) iyo hababka kale, oo ay ka midka yihiin, balse aan ku koobnayn, in la cashuuro ama la iibiyo wasakhda (kaarboonka) hawada lagu sii daayo (carbon credit trading), si kor loogu qaado horu-marinta iyo ka faa’iidaysiga ilaha tamarta la cusboonaysiin karo. d) Hadii ay Somaliland ka mid tahay ama ay rabto in ay ka mid noqoto in ay ka qayb- qaadato suuqa ganacsiga Tamarta Korontada ee Gobolka, Wasaaraddu waxa ay xaqiijinaysaa in Xeer-hoosaadyada dalku ay waafaqsan yihiin Hagayaasha Midowga Korontada Bariga Afrika (East Africa Power Pool). r) Haddii ay Wasaaraddu ogaato in Xeer-hoosaad uu soo saaray Komishanku uu ka hor- imanaayo mas’uuliyadda iyo waajibaadka saaran Somaliland ee ku xusan Heshiis Goboleed ama laba dhinac ah oo ay Somaliland qayb ka tahay, Wasaaraddu waxa ay ku war-gelinaysaa Komishanka qodobbada Xeer-hoosaadka ee ka hor-imanaaya Heshiiska waxaanay Komishanka amraysaa in uuWax-ka-beddel ku sameeyo Xeer-hoosaad si loo waafajiyo shuruudaha Heshiiska Goboleed ama Heshiiska labada dawladood (bilateral) ee ay Somaliland ku jirto. s) Wasaaraddu waa in ay hubisaa in ay awood ku filan u leedahay in ay fuliso Xeerkan, si taas loo xaqiijiyona waa in ay tabar siisaa Shaqaalaha Wasaaradda xirfaddoodana kor u soo qaaddaa. Sh) Wasaaraddu waxa ay diiwaangelinaysaa, iyadoo dub-u-eegaysa, ikhtiraacyada, hindissida, hanashada tiknoolajiyadda iyo baahinta (fidinta) tiknoolajiyadda cusub ee tamarta ee ku habboon Somaliland. Dh) Wasaaraddu waxa ay fulinaysaa tallaabo kasta oo Sharci ah si ay u meel-mariso in Komishaku uu xilkiisa ka gudan karo meel kasta oo ka baxsan Somaliland gudaheeda.
16. Tamarta korontada waxaa laga soo dhoofsan karaa dalalka shisheeya kaliya marka la helo shuruudahan hoos ku qoran: 12 b) Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland, isagoo la tashanaaya daneeyeyaasha, waa in uu hubiyaa in ay jiraan: i. In daraasad faah-faahsan la sameeyay; ii. In daraasad lagu sameeyay saamaynta ay Deegaanka ku yeelaynso; iii. In la derso faa’iidada iyo khasaaraha; iv. In la hubiyo in ay waafaqsan tahay Siyaasadda Tamarta; v. In la hubiyo in ay waafaqsan tahay Qorshaha Horu-marinta Qaranka Somaliland. vi. In la hubiyo in ay waafaqsan tahay tiknoolajiyadda casriga ah ee tamarta korontada. t) Marka uu Shuruudaha kor ku xusan hubiyo lanna tashado daneeyeyaasha, Komishanku waxa uu talo-soo-jeedin u soo qorayaa Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. j) Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waa in ay ayidaa iyadoo hubinaysa in tamarta la soo dhoofinayaa ay waafaqsan tahay Heshiis Ganacsi oo u dhaxeeya Somaliland iyo dalka shisheeyaha ah. x) Wasiirka Tamarta iyo Macdantu waa in talo-soo-jeedin qoraal ah uu siiyaa Madaxweynaha Somaliland. Kh) Madaxweynuhu waa in uu ansixiyo in Tamar la soo dhoofiyo isagoo ku soo saaraaya Digreeto Madaxweyne lagu daabaco Nuqulka Rasmiga ah ee Somaliland (Official Gazette). CUTUBKA SADDEXAAD KOMISHANKA NIDAAMINTA TAMARTA SOMALILAND Qodobka 5aad Aasaaska Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland 1) Waxaa Xeerkan lagu aasaasay Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland oo loo soo gaabiyay “Komishanka”:- 2) Komishanku waxa uu mas’uul ka yahay in uu nidaamiyo arrimaha la xidhiidha Aagga tamarta ee dalka, waxaanu shaqadiisa u gudanayaa si madax-bannaan, daah-furan, sugan (objective), banaan-yaal ah oo aan kala-faquuq lahayn. 3) Komishanku waxa uu yeelanayaa Qaab-dhismeed Hay’adeed oo madax-bannaan iyo miisaaniyad uu u madax-bannaan yahay oo loo soo diyaariyay si waafaqsan qodobbada Xeerkan. 13 4) Si loo fududeeyo islamarkaana loo nidaamiyo hawlaha Guddida Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland waxaa Xeerkan gudihiisa lagu abuuray Xubnaha Komishanka oo ka koobnaan doona toddoba (7) xubnood. 5) Xarunta Komishanku waa Hargeysa. Haseyeeshee Komishanku waxa uu laamo ka furan karaa gobol lada kale ee Somaliland, haddii ay u arkaan muhiim si ay shaqadooda u fuliyaan. 6) Waxaa kooramka shirarku uu qabsoomayaa marka ugu yaraan ay Afar xubnood oo Komishanka ahi ay joogaan. Waxa kale oo waajib ah in ay qodob kasta, xukun, amar, qaraar, go’aan ama hawl kasta oo ay qabanayaan ay u codeeyaan ugu yaraan Afar Xubnood oo Komishanka ah oo shirka goob-joog ku ah si ay u gutaan shaqadooda. 7) Shaambadda iyo Dokumentiyada kale ee Komishanka. b) Qaabka ay Shaambadda Komishanku u e’ekaanayso waxaa go’aaminaaya Komishanka. Waxaa reebban in dokumenti lagu dhufto Shaambadda Komishanka haddii aanu Komishanku sidaas amrin. t) Shaambadda Komishanka waxaa lagu sugayaa (authenticated) saxeexyada Guddoomiyaha iyo Xog-haya Fulinta ee Komishanka. Qodobka 6aad Xubinnimada iyo Magacaabista Komishanka 1) Xubnaha Guddida Komishanku waa in ay aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyihiin mid ka mid ah waxyaalahan: Tamarta, Sharciga, Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Injineeriyadda, Adeegga macmiilka, Siyaasadda iyo aqoon kale oo kasta oo xidhiidh la leh Aagga tamarta. Waa in Xubintu ay waayo-aragnimo ugu yaraan saddex sanadood ah u leedahay aqoontaas. Ugu yaraan hal xubin oo Komishanka ahi waa in ay Haween tahay.
2. Xubnaha Guddida Komishanka waxaa laga soo kala xulayaa daneeyeyaasha hoos ku xusan: b) Saddex xubnood oo ay soo xuleen Ururka Tamarta Korontada ee Somaliland; t) Hal xubin oo Tamarta ama Korontada khabiir ku ah oo ugu yaraan saddex (3) sannadood oo waayo-aragnimo ah u leh Tamarta oo ay soo xulaan ururka Injiineeradu. j) Hal xubin oo wakiil ka noqon doonta Dawladaha Hoose oo uu soo xulo Guddoomiyaha Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland; x) Hal xubin oo Khabiir Sharci ah oo ugu yaraan saddex (3) sannadood oo waayo-aragnimo ah u leh Xeerka Tamarta (energy law), oo ay soo xulaan ururka Qareenadu. kh) hal xubin oo wakiil ka noqon doonta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. 14
3. Marka uu Wasiirku codsado waa in xubnaha kor ku xusan uu Urur waliba u soo xulo laba xubnood booskiiba, waana in loo soo gudbiyo Wasiirka muddo Shan (15) maalmood ah gudahood.
4. Wasiirku waa in uu codsadaa oo uu gudbiyaa murashaxiinta loo soo xulay Guddida. Wasiirku waa in uu helaa (qabtaa) labada xubnood ee loo soo xulay boos kasta muddo Shan (15) maalmood ah gudahood.
5. Wasiirku waa in uu Madaxweynaha u gudbiyo boos walba labada xubnood ee loo soo xulay si uu Madxweynuhu u qiimeeyo una magacaabo muddo Shan iyo tobanka (15) gudahood ah laga bilaabo marka Xeerkani uu dhaqan galo. Xubnaha Komishanku waxa ay yeelanayaan shaqaale rasmi ah (full-time employees).
6. Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Komishanka waxaa cod aqlabiyad fudud ah iskaga dhex dooranaaya xubnaha Komishanka.
7. Murashaxiinta loo soo xulay in loo magacaabo Komishanku waa in ay u gudbiyaan Hay’adda soo xushay Warqadda dambi La’aanta oo ay soo saartay hay’adda dawladeed ee awoodda u leh. Qodobka 7aad Waayidda Xubinnimada
1. Qofna looma magacaabi karo Komishanka haddii: b) Uu yahay saamiile Shirkadaha Tamarta ama Korontada, xubin ka mid ah Guddida shaqaalaha, qof Ruqsad haysta, Shirkadaas oo ka shaqaysa ama bixisa adeeg tamarta ah. t) Qof lagu xukumay fal-dambiyeed ku xusan Xeerkan ama fal-dambiyeedla xidhiidha khiyaamo ama daacad-darro oo ay ku xukuntay Maxkamad awood u leh oo ku taala Somaliland ama meel kale. j) Lagu helay in uu gaystay fal-dambiyeed laguna xukumay xadhig dhan laba iyo toban bilood ama wax ka badan oo ay ku xukuntay maxkamad awood u leh oo ku taal Somaliland. x) Haddii uu yahay sarkaal dawladeed, xubin ka tirsan golayaasha sharci dejinta, xubin ka tirsan goleyaasha deegaanka, mas’uul ka tirsan Xisbi Siyaasadeed, marka laga reebo xubinta Guddida ee uu Wasiirku soo magacaabi doono. Qodobka 8aad 15 Muddada Xilka ee Xubnaha 1) Mudo xileedka Xubnaha Komishanku wuxuu noqonayaa muddo Shan sannadood ah Xubnaha komishanka dib waa loo magacaabi karaa. Haddii ay xubin ka mid ah Komishanku bannaanaato, sababtu waxay doonto ha noqotee, Madaxweynaha ayaa soo magacaabaya xubintaa beddelkeedii waxaana lagu soo xulayaa sifihii xubintaas loo soo xulay iyo meeshii laga soo xulay waana in lagu soo gudbiyo xubinta muddo Shan iyo toban (15) maalmood ah. 2) Muddo boqol iyo labaatan (120) maalmood ah ka hor marka ay dhammaanayso muddada xilka ee xubnaha komishanka, waa in uu Guddoomiyaha Guddidu ka codsadaa Wasiirka in la bilaabo magacaabista xubnaha sida ku cad Qodobka 6(2), (3), (4), (5), iyo (7). 3) Xubin Komishanka ka mid ah lama magacaabi karo wax ka badan laba (2) mudo xilleed. 4) Haddii ay jirto xubin buuxisay jago bannaanaatay oo xubin kale, waxa ay xubintaasi xaq u leedahay in ay shaqayso laba (2) mudo xilleed oo kale. Qodobka 9aad Burinta (Waayidda) Xubinnimada
1. Xubinta Guddida ka mid ahi xubin-nimadeeda way waayi kartaa laguna beddelayaa: b) Haddii ay xubintu is casisho iyadoo bixinaysa ka hor iscasilaadiisa shan iyo afartan (45) maalmood oo ogaysiis ah oo qoraal ah. t) Haddii cudur daar la’aan ay xubintu xilkeeda u gudan waydo. j) Haddii ay xubintu awoodi karri waydo in ay xilkeeda gudato muddo afar (4) bilood ah, sababtu waxay doonto ha noqotee. x) Ka dib marka ay caddaato ee la helo xog tilmaamaysa in xubin ka mid ah xubnaha ay burtay shuruudihii lagu soo xulay ama xubintaasi ay noqotay mid ku leh sifooyinkii ka reebanaa xubinimada ee Xeerku tilmaamayay. Kh) Haddii xubintu ay ku kacdo mid ka mid ah xaaladaha kor ku xusan muddada ay xubintu ka tirsan tahay Komishanka. 2). Xaaladaha Lagu Waayi Karo Xubinnimada Komishanka b) Haddii xubin ka mid ah komishanku ay xubin-nimadeedii ku waydo si waafaqsan Qodobka 9(1), waxaa arrintaa ansixinaaya xubnaha Komishanka oo ku ansixinaaya saddex-meelood laba (2/3) dhammaan xubnaha Komishanka. t) Haddii xubin ka mid ah Komishanka xubinnimada laga saaro si waafaqsan faqradaha Qodobkan, xubintaa beddelkeedu waxa ay ku imanaysaa sida uu tilmaamaayo Qodobka 6aad ee Xeerkani. j) Qofka xubinnimada ku waaya falal dambi oo uu gaystay maxkamdina ku xukuntay, ma laha wax xuquuq ah oo la siinaayo. 16 3). Xubnaha Guddida Komishanka waxaa la siinayaa gunnada iyo mushaharooyinka la siiyo Hay’adaha Madaxa Bannaan ama Komishannada kale ee Somaliland. 4). Guddida Fulinta iyo Shaqaalaha Komishanku waa in aanay wax dano maaliyadeed oo toos ah ama dadban ku lahayn Shirkadaha Tamarta ama Korontada. Qodobka 10aad Awoodda iyo Waajibaadka Komishanka 1) Komishanku waxa uu mas’uul ka yahay in uu fuliyo oo uu meel-mariyo Siyaasadaha Qaranka ee tamarta iyo Xeer-hoosaadyada ay diyaariyaan isla markaana uu ansixiyo Wasiirku ee khuseeya Aagga tamarta Somaliland. 2) Komishanku, isagoo la tashanaaya daneeyeyaasha kala duwan iyo Shacbigaba, waxa uu awood u leeyahay in uu diyaariyo dhammaan Xeer-hoosaadyada khuseeya ee faah-faahiya awoodaha iyo waajibaadka uu Xeerkani siiyay. 3) Xeer-hoosaadyada uu diyaariyo Komishanku waa in ay waafaqsan yihiin Siyaasadda Tamarta ee Qaranka iyo Xeerkan. 4) Komishanku Waxa ay diyaarinayaan ugu yaraan Xeer-hoosaadyadan, iyagoo la tashanaaya daneeyeyaasha kala duwan iyo Shacbigaba: b) Xeer-hoosaadka Ruqsadaha – waa in lagu diyaariyaa saddex (3) bilood gudahood ka dib marka Komishanka la aasaaso; t) Xeer-hoosaadka Takaaliifta (fee) Ruqsadaha – oo ay ku jirto codsiga Ruqsadda iyo takaaliifta sannadlaha ah ee Ruqsadaha- waana in lagu diyaariyaa muddo aan ka badnayn afar (4) bilood oo ka bilaabanta marka Komishanka la aasaaso; j) Xeer-hoosaad khuseeya Xalinta Khilaafaadka ee Komishanka ee cabashooyinka Komishanka go’aanadiisa ka dhanka ah iyo murannada u dhexeeya Ruqsadlayaasha ama/iyo macaamiisha – waa in lagu diyaariyaa muddo sagaal (9) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; x) Xeer-hoosaad khuseeya ururinta xogta Ruqsadlayaasha iyo shuruudaha xogta loo baahan yahay - waa in lagu diyaariyaa muddo affar (4) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; kh) Xeer-hoosaad khuseeya Nidaamyada Anshaxa (Hab-dhaqanka) ee Aagga Tamarta - waa in lagu diyaariyaa muddo laba iyo toban (12) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; d) Xeer-hoosaad khuseeya Heerarka Caafimaadka iyo Bedqabka oo ay ka mid yihiin badqabka dabka loo gubinayo dhulka (earthing), lingaxa dabka (insulation), ilaalinta, 17 sanqadha, shucaaca, wasakhaynta hawada, iwm -waa in lagu diyaariyaa muddo lix (6) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; r) Xeer-hoosaad khuseeya heerarka farsamada, oo ay ka mid yihiin heerarka farsamo ee qalabka- waa in lagu diyaariyaa muddo laba iyo toban (12) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; s) Xeer-hoosaad khuseeya heerarka iyo habka isku-xidhka korontada iyo kharashka la saarayo - waa in lagu diyaariyaa muddo laba iyo toban (12) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; sh) Xeer-hoosaadka khuseeya in farsamo yaqaannada, qaybiyeyaasha iyo Shirkadaha la siiyo Shahaadooyin xaqiijinaaya in ay fuliyeen Xeerarka Hab-dhaqanka iyo Farsamo ee Aagga Korontada- waa in lagu diyaariyaa muddo laba iyo toban (12) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishankala aasaaso; dh) Xeer-hoosaad khuseeya Baadhista farsamo yaqaannada, qaybiyeyaasha iyo Shirkadaha si loo hubiyo in ay u hoggaansameen Xeerarka Hab-dhaqanka iyo Farsamo ee Aagga Korontada- waa in lagu diyaariyaa muddo laba iyo toban (12) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishanka la aasaaso; c) Xeer-hoosaad khuseeya ansixinta Xidhiidh Dab Wadaag (Grid Code) ee Qaranka - waa in lagu diyaariyaa muddo laba iyo toban (12) bilood ah oo ka bilaabanta marka Komishanka la aasaaso; g) Iyo in uu Komishanku soo saaro Xeer-hoosaad kasta oo muhiim u ah in uu shaqadiisa iyo waajibaadka saaran si fiican u guto. 5) Aasaaska Komishanku waxa uu hir-gelayaa marka dhammaan Xubnaha Komsihanka la magacaabo Golaha Wakiiladuna Ansixiyo Madaxweynuhuna Degreeto ku soo saaro. 6) Wasaaradda ayaa ka mas’uul ah in ay soo saarto Xeer-hoosadyada ku xusan Qodobkan 10aad, Faqraddiisa 4aad ilaa iyo inta Komishanka la aasaasayo. 7) Iyadoo tix-gelin gaar ah la siinaayo macaamiisha jilicsan iyo isticmaaleyaasha tamarta, Komishanku waa in uu hubiyaa in adeeg hufan oo joogto ah oo ay tayadiisu sarrayso oo qiimihisuna macquul yahay la siinaayo dhammaan heerarka kala duwan ee macaamiisha. Marka ay qiimayntaas samaynayaan, Komishanku waa in ay ku xisaab tamaan muhiimadda ay leedahay in Shirkaduhu ay maalgelintoodii helaan. 8) Komishanku waa in uu dhiirri-geliyaa tartan xor ah oo caddaalad ku dhisan, kor u qaadaa maalgashiga iyo ka qayb-galka Shirkadaha gaarka loo leeyahay; waa in uu kor u qaadaa tayada adeegga islamarkaana ilaaliyaa danaha macaamiisha; waa in uu kor u qaadaa isku-xidhka 18 korontada iyo horu-markeeda iyo in adeegga korontada qiime jaban lagaga heli karo dhammaan Somaliland gudaheeda. 9) Siyaasadda Komishanku, oo ay ku jiraan siyaasadda Ruqsadaha iyo Tacriifadda, waa in ay kor u qaadaysaa horu-marinta reer guuraaga (iyadoo la suurto gelinayo in ay korontada helaan dhammaan dadweynuhu); waa in ay kor u qaadaa in bulshadu ay hesho tamarta la cusboonaysiin karo iyo xidhiidhka dabsiin gooni gooni ah ama gaar u taagan (off-grid and mini- grid), in la helo tamarta la cusboonaysiin karo iyo tamarta saliidda laga dhaliyo oo isku dhafan (hybrid) islamarkaana tamarta lagu fidiyo reer guuraaga. Waa in Komishanku suurto-geliyaa siyaasadaha u adeegaaya in dhuxusha iyo waxyaalaha kale ee deegaanka dhibaataynaya laga maarmo. 10) Komishanku waa in uu hubiyaa in dhalinta korontada, gudbinteeda iyo qaybinta korontada iyo hawlaha la xidhiidha in loo fuliyo si waafaqsan heerarka la aqbali karo ee farsamo ahaan, dhaqaale ahaan iyo deegaan ahaanba u adeegaaya dhawrista deegaanka iyo ka hor-tagga dhibaataynta deegaanka. 11) Komishanku waa in uu bixiyaa Ruqsadaha bixinta adeegga Tamar dhalinta, gudbinta iyo qaybinta si waafaqsan Xeer-hoosaadyada iyo Hab-raacyada. 12) Komishnaku waa in uu isu miisaamaa ilaalinta xuquuqda macaamiisha iyo xaqa ay Ruqsadleyaasha korontadu u leeyihiin in ay helaan faa’iido u dhiganta maalgelinta ay sameeyeen oo ay ku jirto kharashka hawlgalka iyo faa’iidada maalgashiga ganacsi. 13) Komishanku waa in uu abuuraa, joogteeyaa, horumariyaa oo uu soo saaraa heerarka korontada iyo tixraacyada korontada isagoo isticmalaaya heerarka caalamiga ah ama goboleed. Waa in uu la tashadaa Wasaaradaha ay khusayso sida kuwa qaabilsan Dhawrista Tayada si loo ilaaliyo tayada qalabka korontada iyo badqabka qalabka. 14) Komishanku waa in dib-u-eego xaaladaha Ruqsadlayaasha muddadiiba mar in ay waafaqsan yihiin heerarka la aqbali karo ee farsamo ahaan, deegaan ahaan iyo dhaqaale ahaan oo ay is bixin karaan. 15) Komishanku waxa uu awood u leeyahay in uu baadhis ku sameeyo arrin kasta oo u muuqda in uu gef ku yahay qodobbada Xeerkan. 16) Komishanku waxa uu awood u leeyhay in uu abuuro diiwaannada kala duwan ee lagu qoraayo xogta adeeg bixiyeyaasha iyo hawlwadeennada korontada. 17) Komsihanku waxa uu awood u leeyahay in uu abuuro guddiyo la tashi oo ah xagga farsamada, dhaqaalaha iyo arrimaha kale markii loo baahdo. 19 18) Komishanku waa in uu dhiirri-geliyaa sidii loo gaadhi lahaa isku-fillaasho xagga tamarta ah. 19) Komishanku waa in uu dhiirri-geliyaa in Somaliland laga isticmaalo guud ahaan tamarta la cusboonaysiin karo. 20) Komishanku waa in uu ka caawiyaa Wasaaradaha Somaliland dhaqaalaynta tamarta iyo taageerada xagga farsamada. 21) Xilliyada qaar, Komishanku waxa uu talo soojeedin siin karaa Shirkadaha korontada, dib-u-eegis iyo ansixin ku samayn karaa kala saarista, haysashada ama midaynta dhalinta korontada, gudbinteeda iyo qaybinta tamarta. 22) Komishanku waxa uu ka mamnuucayaa Shirkadaha Korontada in ay galaan heshiisyada lidka ku ah tartanka xorta ah ee Ganacsiga Korontada. 23) Komishanku waxa uu dib-u-eegis ku samaynayaa islamarkaana baadhayaa awoodda Ruqsadlayaasha Korontada. 24) Komsihanku waxa uu awood u leeyahay in uu ururiyo xog islamarkaana sameeyo tiro-koob uu ku hubinaayo xil-gudashada iyo shaqo-wanaagga Ruqsadlayaasha. Waxa uu awood u leeyahay in uu dadweynaha la wadaago xogta uu ururiyay isagoo ilaalinaaya dhawrsanaanta sirta ganacsiga. 25) Komishanku waxa uu awood u leeyahay in uu meel mariyo hubiyona u hoggaansanaanta Xeer- hoosaadyada, habraaca, awaamiirta iyo Xeerarka anshaxa Korontada ee uu soo saaro. 26) Komishanku waxa uu magacaabayaa kormeereyaal xaqiijiya in lagu dhaqmay go’aannada Komishanka iyo awaamiirta Komishanku ku soo rogo Ruqsadaha, Shahaadooyinka iyo Heerarka kala duwan. 27) Komishanku waxa uu abuurayaa habraac lagu maamulo cabashooyinka Macaamiisha Shirkadaha Korontada, cabashooyinka Shirkadaha Korontada laftooda, iyo murannada ka dhasha adeegga Korontada. 28) Komishanku waa in uu war-bixin sannadeed xilgudashadiisa ku saabsan u gudbiyo Wasaaradda maalinta shaqo ee ugu horraysa bisha Feebarweri sannad walba. Qodobka 11aad Guddida Fulinta 1) Komshanku waxa uu yeelanayaa Guddi Fulineed oo ka kooban saddex xubnood oo ka madaxbanaan musuqmaasuq, qaraabo-u-kiil, qof jeclaysi, xukun ciqaabeed, islamarkaana karti u leh in ay gudan karaan xilka iyo waajibaadka saaran ee uu Xeerkani jideeyay. 20 2) Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xog-hayaha Fulinta ayaa noqonaaya Guddida Fulinta ee Komishanka. Qodobka 12aad Qaab-dhismeedka Komishanka 1) Qaab-dhismeedka Komishanka, qorista shaqaalaha Komishanka iyo Hab-raaca uu Komishanku gaarka u leeyahay ee uu Komishanku sameeyaa uma baahna ansixinta Wasaaradda. b) Komishanku waxa uu yeelanayaa shaqaale ka kooban Xog-hayaha Fulinta iyo shaqaale kale. t) Komishanku waxa uu yeelanayaa Xog-hayn la magacaabo. j) Xog-hayntu: i) Waxa ay Xog-hayn u noqonaysaa Komishanka waxa aanay xafidaysaa hadal-qoraalka Komishanka. ii) Waxa ay xafidaysaa hadal-qoraalka iyo xogaha kale ee Komishanka. iii) Waxa ay haynaysaa Shaambadda Komishanka. iv) Waxa ay qabanaysaa wixii shaqo ah ee uu u diro Komishanka ama Xog- hayaha Fulintu. x) Xog-hayntu waxa ay u hoggaansan tahay Komishanka Kh) Komishanku waa in uu shaqaalihiisa ka ansixiyaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladda kuna dhaqmaa Xeerka Shaqaalaha Dawladda marka uu shaqaale qoranaayo. 2) Xog-hayaha Fulinta ee Komishanka: b) Xog-haya Fulinta waxaa Magacaabaya Wasiirka isaga oo ku xulaaya xirfad aqooneed iyo waayo-aragnimo waana in uu/ay aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay/leedahay midka mid ah arrimaha maamulka, dhaqaalaha, maaliyadda, Sharciga, maaraynta, deegaanka ama xirfad aqooneed oo la xidhiidha Korontada. t) Qofna looma magacaabi karo Xog-hayaha Fulinta haddii: i) Uu yahay saamiile Shirkadaha Tamarta ama Korontada, xubin ka mid ah Guddida, shaqaale, qof Ruqsad haysta, Shirkadaas oo ka shaqaysa ama bixisa adeeg tamarta ah. ii) Qof lagu xukumay fal-dambiyeed ku xusan Xeerkan ama fal-dambiyeed la xidhiidha khiyaamo ama daacad-darro oo ay ku xukuntay Maxkamad awood u leh oo ku taala Somaliland ama meel kale. iii) Lagu helay in uu gaystay fal-dambiyeed laguna xukumay xadhig dhan lix bilood amaka badan oo ay ku xukuntay maxkamad awood u leh oo ku taal Somaliland. 21 iv) Haddii uu yahay sarkaal dawladeed, xubin ka tirsan golayaasha sharci dejinta ama xubin ka tirsan goleyaasha deegaanka. 3) Shaqaalaha Kale: b) Guddida Komishanka ayaa ansixinaaya qaabdhismeedka Komishanka iyo Shuruudaha Shaqo ee lagu xulanaayo shaqaalaha. Waxa kale oo uu Komishanku wax-ka-beddel ku samayn karaa qaabdhismeedkiisa. t) Xog-hayaha Fulinta ayaa magacaabaya ma’suuliyiinta iyo shaqaalaha kale. Agaasimaha Fulinta ayaa heshiis shaqo la galaaya La-taliyeyaasha loo baahdo iyadoo ay ansixinayso Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Qodobka 13aad Waaxda Kormeerka (Baadhista) 1) Komishanku waxa uu awood u leeyahay in uu qaato kormeereyaal shaqadoodu tahay in ay kormeeraan (baadhaan) korontada oo ka shaqeeya Waaxda Kormeerka. 2) Kormeerayaashu waxa ay baadhayaan in adeeg-bixiyeyaasha iyo qandaraaslayaashu ay ku dhaqmayaan heerarka kala duwan ee adeegga korontada. 3) Kormeerka ayaa ansixinaya hubinayana dab-gelinta meelaha dadweynaha ee ay ka mid yihiin tiyaatarka (goleyaasha murtida iyo medadaalada), goobaha ganacsiga ee waawayn, Iskuullada, saldhigyada Booliska, xabsiyada, Cusbitaallada, Shaneemooyinka, meelaha kale ee ay dawladda ama dadweynuhu leeyihiin. 4) Waaxda Kormeerka waxaa madax u noqonaaya sarkaalka Madaxa Kormeerka waxaanay yeelanaysaa shaqaalaha farsamada ee ay u baahato. 5) Kormeereyaasha waa in ay Ruqsadlayaasha iyo shaqaalaha kale ee dab-gelintu oggolaansho u siiyaan mar walba in ay baadhaan qalabka kala duwan ee la baadhaayo. 6) Komishanku waxa uu soo saarayaa Xeer-hoosaad faahfaasan oo ku saabsan Xeerarka Kormeerka (Baadhista) Korontada. Qodobka 14aad Iska hor-imaadka Danaha 1) Xubnaha shaqaalaha ee Komishanku kuma yeelan karaan dano maaliyadeed Aagga korontada iyo Tamarta inta ay u shaqaynayaan Komishanka. 2) Iska-horimaad danaha ee khuseeya hadii uu qoysku ku leeyahay Aagga Korontada iyo Tamarta taas oo ka hor imanaysa shuruudaha xafiiska ama xilka uu ka hayo Komishanka. 22 3) Xog-hayaha Fulinta iyo shaqaalaha kale mid kasta oo ka mid ahi waxa uu bixin doonaa caddayn qoraal ah oo ku saabsan in aanay jirin iska-hor-imaad xagga danaha ah marka ay shaqada bilaabayaan. Waana in ay caddayntaas qoraalka ah usoo gudbiyaan komishanka sannad walba. Qodobka 15aad Banyaalnimada ama Daahfurnaanta (Transparency) 1) Dhegaysiga qaab-socodka dacwadaha ee Komishanku waa uu u furan yahay dadwaynaha, marka laga reebo xaaladaha aan caadiga ahayn ee arrimo gaar ah oo khuseeya dhawrsanaan ama sir ganacsi ay jiraan, sida ku xusan Xeer-hoosadka Komishanku uu soo saaro. 2) Go’aanada Komishanku waxa ay ahaan doonaan qoraal la gaadhsiiyo cidday khusayso waxana lagu baahin doonaa Faafinta Rasmiga ah iyo Bogga Internetka ee Komishanka hadaan looga rafcaan qaadan maxkamada sare. 3) Go’aanada Komishanku waa in ay ku salaysan yihiin macluumaad iyo inla sharraxo asbaabta go’aanka lagu saleeyay. 4) Qoraalada, go’aaanada, awaamiirta iyo Ruqsadaha, iyo sidoo kale raad-raaca dhegaysiga waa laxafidi doonaa iyada oo la raacayo Xeer-hoosaadka Komishanka. 5) Qoraalada, go’aaanada, awaamiirta iyo Ruqsadaha, iyo raad-raacoodu waxa ay ahaan doonaan qaar bulshada u furan, marka laga reebo xaaladaha dhawrsooni ay ku jirto ee uu jideeyay Xeerkan ama Xeer-hoosaadka Komishanka. 6) Komishanku waxa uu xaq u leeyahay in uu baadho dhismayaasha, diiwaannada iyo macluumaadka kale ee shirkadaha Ruqsadaha haysta iyo codsadayaasha ruqsadaha sida ay u arkaan in ay ku haboon tahay. Komishanku waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qaado macluumaad kasta oo ka imanaaya shirkadaha Ruqsadda leh taas oo awood siinaysa maamulka (nidaaminta) haboon ee wershadaha korontada. CUTUBKA AFRAAD ARRIMAHA LA XIDHIIDHA RUQSADAHA Qodobka 16aad Ruqsadaha 1) Waxaa ka reebban in ruqsad lagu xidho koronto dhalinta uu Qofka Shakhsigu u isticmaalaayo baahiyihiisa gaarka ah balse aanu iibanayn korontada. 23 2) Shakhsina ma dhalin karo, ma gudbin karo, ma qaybin karo, ma iibin karo, kamana ganacsan karo tamarta korontada isagoo aan ruqsad u haysanin. 3) Codsiga ruqsadda waxa lagu hagaajin doonaa Komishanka taas oo waafaqsan qaabka iyo habka loo dejiyay ee lagu caddeeyay Xeer-hoosaadka Ruqsadaha. 4) Codsiga ruqsadda waxaa la soo raacinayaa takaaliifta ku waajibtay ruqsadda. 5) Shirkadaha bixinaya adeegyo kala duwan, sida dhalinta, gudbinta iyo qaybinta waxa ay codsan karaan hal ruqsad oo daboosha dhammaan adeegyada looga baahan yahay. 6) Komishanku wuxuu dib u eegi doonaa, ansixin doonaa ama diidi doonaa codsiga muddo aan ka badnayn lixdan (60) maalmood kadib marka uu helo codsi dhammaystiran. 7) Komishanku waa in uu si cad u sheegaa sababta uu codsiga ruqsadda u diiday, haddii uu diido. 8) Ruqsadihii hore u jiray ee dhallinta iyo qaybinta korontadda ama ilaha kale ee tamarta waxa ay ahaan doonaan kuwo jira oo dhaqan gal ah si waafaqsan qodobadda Xeerkan. Komishanku wuxu siin karaa muddo aan ka yarayn lix iyo soddon (36) bilood koronto soo saarayaasha iyo qaybiyayaasha jira si ay buuxiyaan heerarka (standards) uu Xeerkani jideeyay iyaga oo qaadan doona ruqsad cusub oo la siiyo taas oo waafaqsan Xeerkan iyo Xeer-hoosaadka Ruqsadaha ee uu soo saaro Komishanku. 9) Komishanku waxa uu abuuri doonaa shuruudaha ruqsadda taas oo ku salaysan xaaladahan: b) Iswaafajinta adeega tamarta Korontada, dab-xidhidda iyo qalabka kale oo leh shuruudaha iyo heerarka waafaqsan Xeer-hoosaadka laga soo dheegtay Xeerkan; t) Ilaalinta caafimaadka dadwaynaha iyo badbaadada; j) Ilaalinta deegaanka; x) Ilaalinta macmiilka iyo tartanka ganacsiga ee xorta ah. Kh) Isticmaalka iyo adeegsiga dhulka oo ay ku jirto iswaafajinta Qorshaha Guud, haddii uu jiro, siwaafaqsan Qodobka 3aad, faqraddiisa 2aad ee Xeer Lr. 17 (Xeerka Dhulka); d) Isticmaalka danta guud; r) Abdada tamarta iyo dhawrista (madhxinta) korontada; s) Nooca ilaha Tamarta ee aasaasiga ah, sh) Awoodda farsamo, dhaqaale iyo maaliyadeed ee codsadaha; iyo dh) Shuruudaha kale ee lagu sheego Xeer-hoosaadka Ruqsadaha ee ay Wasaaraddu ansixisay. 24 c) Komishanku waxa uu soo saarayaa Ruqsadaha isagoo ku salaynaaya muddo go’an oo ah: I. b) Ruqsadda dhalinta oo ah muddo dhan 15 sannadood ugu yaraan; II. Ruqsadda gudbinta oo ah muddo dhan 15 sannadood ugu yaraan; III. j) Ruqsadda qaybinta oo ah muddo dhan 10 sannadood ugu yaraan; d) Iyadda oon loo eegayn muddooyinka go’an ee la siiyay ruqsada sida ku xusan farqada sare, ruqsadle kasta waxa ku waajib ah in uu cusboonaysiiyo ruqsadiisa sanad kasta, isla markaana bixiyo khidmada ku waajibtay ruqsada ee sanad laha ah. e) Shirkadaha jira marka uu dhaqan-galo Xeerkani waxaa la siinayaa Ruqsado ku-meel gaadh ah oo cimrigooodu yahay muddo saddex sanadood ah. Rukhsadahaas oo la mid ah kuwa ku xusan Qodobka 16aad, faqraddiisa 13aad. Sabatuna waxaa weeye in ay Shirkadaha Korontadu gaadhaan heerarka iyo shuruudaha looga baahan yahay bixinta Ruqsadaha Korontada ka hor inta aan loo cusboonaysiin. f) Maalgelinta shisheeyaha ee Aagga Tamartu waa in aanay waxyeelo u gaysan hantida rukhsadlayaasha ka ganacsada tamarta. Maalgashadeyaasha shisheeyuhu waa in ay heshiis wada lahaanshola galaan shirkadaha jira ee maxalliga ah. g) Komishanku iyagoo ku xisaabtamaaya xaaladaha u gaarka ah codsadaha ruqsadda oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn; baaxadda maalgelinta loo baahan yahay, ikhtiraaca ay wadato, muddada ay maalgelintu ku soo noqon karto, ama haddii la maalgelinaayo meel baadiye ah (oo u jirta 10km halka ugu dhow ruqsadle) waxa ay Komishanku bixin karaan ruqsad muddadeedu ka dheer tahay muddooyinka kor ku xusan. Muddada ay Komishanku kordhin karaan waa in aanay ka badnaan boqolkii soddon iyo saddex (33%) muddooyinka kor ku xusan. h) Komishanku iyagoo ku xisaabtamaaya xaaladaha u gaarka ah codsadaha ruqsadda oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn; iyadoo ay qalabka codsadaha ruqsaddu duugoobeen, ama/iyo iyadoo aanu wax dayactir ah ku samayn ama dayactirka uu ku sameeyo qalabkiisu uu aad u hooseeyo, waxa ay Komishanku bixin karaan ruqsad muddadeedu ka gaaban tahay muddada 25 kor ku xusan. Muddada ay Komishanku bixinayaan ee gaabani waa in aanay ka badnaad boqolkii Shan iyo labaatan (25%) muddooyinka kor ku xusan. i) Marka uu ruqsadda wakhtigeedii dhammaado, Komishanku muddada ruqsadda wuu cusboonaysiin karaa si ku-meel gaadh ah iyadoo lagu dhaqmaayo Xeer-hoosaadka khuseeya. j) Komishanku waxa uu dib-u-eegis ku samayn karaa islamarkaana dejin karaa takaaliifta sannadlaha ah ee ruqsadaha, si waafaqsan Xeer-hoosaadka ay ansixisay Wasaaraddu. Qodobka 17aad Bedelidda, Laalista iyo Burinta Ruqsadaha 1) Marka ruqsad la soo codsado iyada oo lagu salaynaayo asbaab wanaagsan, ka dib marka ogaysiinla siiyo lanna dhegaysto codsadaha, Komishanku waxa uu wax-ka-beddeli karaa ruqsadda. 2) Komishanku waxa uu xaq u leeyahay in uu kala noqdo ama laalo ruqsadda: b) Haddii ruqsadluhu ka codsado. t) Haddii ruqsadluhu awoodi karri waayo in uu bixiyo adeegyadii ruqsadda loo siiyey muddada lagu cayimay ruqsadda sababtu waxa ay doonto ha ahaatee. j) Haddii ruqsadluhu ku guul-darraysto in uu wax ka qabto cillado uu Komishanku ogaaday isagoo waxba kaga qaban waayay waqtigii loogu talo galay ee uu Komishanku u cayimay. x) Haddii ruqsadluhu uu jebiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu siiyey ruqsadda, iyadoo fursad loo siinaayo in uu ka soo baxo shuruudaha ku xusan Qodobkan 3aad, faqradihiisa (t) iyo (j). CUTUBKA SHANAAD ISTICMAALKA HANTIDA UMMADDA Qodobka 18aad Isticmaalka Hantida Ummadda iyo Hantida Gaarka Loo Leeyahay 1) Si waafaqsan Qodobka 23aad ee Xeer L.r 17 Xeerka Dhulka, ruqsadluhu wuxuu xaq u leeyahay in uu codsado isticmaalka hantida danta guud si uu u xidho dab, u taago tiirarka gudbinta, qaybinta iyo hawlaha la xidhiidha dhalinta. 2) Ruqsadluhu wuxuu xaq u leeyahay in uu isticmaalo dhulka gaarka loo leeyahay si waafaqsan heshiiska ay ruqsadlaha iyo mulkiilaha dhulku wada galaan. 26 3) Haddii dhinacyadu ku guul darraystaan in ay heshiis gaadhaan oo ay danta guudna ku jirto isticmaalka dhulkaas gaarka loo leeyahay iyada oo loo adeegsanayo in laga dhiso adeeg danguud ah, Komishanku wuxu ka codsan karaa Dawladda Hoose ee ay khuseyso in ay la wareegaan dhulkaasi gaarka ah iyadoo taas beddelkeedana la siin doono mulkiilaha magdhow u dhigma qiimaha markaa dhulkaasi ka joogo suuqa oo uu bixinayo Ruqsadlaha codsaday. 4) Marka, si waafaqsan qodobbada qaybtan, ruqsadlaha ama Shirkad loo ogolaaday in uuisticmaalo dhul ama dhigo tiirarka (ama xadhkaha) gudbinta goobtaas, ruqsadluhu wuxuu xaq u yeelan doonaa gelidda xilliyada macquulka ah dhulkaasi si uu u fulin karo shaqada uu fasaxa ruqsadeed u haysto sida hagaajinta, ka saarista, dayac-tirka, ama beddelka tiirar, xadhig ama qalab. 5) Shirkad kasta waxaa ku waajib ah in ay u hoggaansanaato mabaadii’da dhawrista caafimaadka iyo badbaadada islamarkaasna ay hubiso ilaalinta qalabka korontada si aanu qof aan loo fasaxin ugu xad-gudbin si kama’ ah ama u kas ah; ama in waxyeello loo gaysto qalab koronto oo ay sababtay isticmaalka aalad tayadeedu hoosayso, aalad aan sax ahayn ama qalab koronto oo aan dhawr-soonayn (badqabin) oo la isticmaalo. Haddii ay waxyeellada noocan ah oo qof ama hanti loo gaysto ay sababto Shirkaddu, waxaa mas’uuliyadda magdhowga qaadaaya Shirkadda iyadoo magdhow maaliyadeed ka bixinaysa hantida burburtay. 6) Dhinac kasta oo ka cabanaaya go’aanka Dawladda Hoose waxa uu ku duri karaa Maxkamada Sare ee Somaliland. 7) Iyadoo aan waxba loo dhimahaynin qodobbada Xeer Lr. 04/98 ee Xeerka Ilaalinta Deegaanka ruqsadluhu wuxuu codsan karaa in uu jaro dhir ama walxo kale oo ka xanibaaya in uu dhiso tiirar, kaabeyaal ama hawlaha kale ee la xidhiidha korontadda. 8) Ruqsadluhu haddii uu rabo in uu banneeyo dhir ama walxo kale waa in uu siiyaa ugu yaraan muddo 10 maalmood ah oo ogaysiis ah qofka sifaha sharciga ah u deggan meeshaas ama ciddii kale ee awood u leh. 9) Goobta laga dhalinaayo korontadu waa in ay waafaqsan tahay Qodobka 20aad ee Xeerka Nabadgalyada Qaranka, Xeer Lr. 51/2011. CUTUBKA LIXAAD MAALGELINTA KOMISHANKA Qodobka 19aad 27 Maalgelinta Komishanka 1) Dawladda ayaa bixin doonta maalgalinta hore ee looga baahan yahay in lagu aasaaso Komishanka. 2) Maalgelinta Komsihanku waxa ay ka imanaysaa ilahan soo socda: b) Kharashka miisaaniyadda ay ku darto dawladdu iyo maalgelinta ay bixiso, iyadoo ay Wasaaraddu ku dari doonto ku-talo-galka; t) Takaaliifta laga qaado Ruqsadaha, ganaaxyada iyo takaaliifta kale ee ay Komishanku ku soo rogaan ruqsadleyaasha waxa ay qayb ka noqonaysaa oo lagu darayaa dakhliga Dawladda Dhexe; j) Sanduuqa Ammaano Haynta ee Tamarta Somaliland ee lagu faah-faahiyay Qodobka 21aad ee Xeerkan; x) Deeqaha, siismooyinka iyo ilaha kale ee maalgelinta iyo kharashaadka ka yimaadda mashaariicda ay bixiyaan qaadhaan-bixiyeyaashu. Kh) Komishanku waxa ay dawladda dhexe ka codsan karaan in ay maalgelin siiso. d)Maalgelinta la siinayo Komishanku waxa loo raaci doonaa si waafaqsan hanaanka xisaabaadka ee dawlada, waxana lagu dari doonaa miisaaniyada qaranka. 3) Takaaliifta ruqsadaha waxaa abuuraaya Komishanka waxaana lagu daboolayaa kharashaadka halwgalka Komishanka. 4) Ruqsadlayaasha waxaa laga qaadayaa takaaliiftan kala duwan: b) Codsiga ruqsada – marka uu codsado roqsadda ama in loo beddelo uu rabo. t) Ruqsadlayaasha waxaa laga qaadayaa takaaliifta ruqsadda ee sannadlaha ah. 5) Takaaliifta ruqsadaha waxaa lagu salaynayaa noocyada ruqsadaha la soo codsado waxaana ku jira takaaliifta codsiga iyo takaaliifta sannadlaha ah. 6) Komishanku waxa uu Boggiisa internetka ku daabacayaa shaxda takaaliifta ruqsadaha ee xilligaa la qaadaayo. 7) Komishanku waa in uu yeeshaa buugaagta xisaabaadka ee muhiimka ah. 8) Maaliyadda Komishanka waxaa baadhaaya (hanti-dhawraaya) Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland, si waafaqsan Xeerarka Maaliyadda ee Dawladda. CUTUBKA TODDOBAAD SANDUUQA AMMAANO HAYNTA (TRUST FUND) EE SOMALILAND 28 Qodobka 20aad Sanduuqa Ammaano Haynta ee Tamarta Somaliland 1) Sanduuqa ammaano haynta, oo loogu yeedhi doono Sanduuqa Ammaano Haynta Somaliland (SAHS) ayaa la samayn doonaa. b) Sanduuqu wuxuu noqon doonaa adeeg gaar ah oo lagu kobciyo korna loogu qaado (lagu taageero) baahiyaha maaliyadeed ee guud ahaan dhinaca Tamarta iyo korontada. t) Sanduuqa waxa loo isticmaali doonaa in lagu maalgeliyo mashaariicda kaabayaasha AaggaTamarta. j) Waxaa tixgelin gaar ah la siinayaa, kharashna loo qoondaynayaa maalgelinta kaabayaasha waxtarka u leh isku-fillaansho xagga tamarta ah iyo kaabayaasha tamarta la cusboonaysiin karo. x) Sanduuqa waxaa loo isticmaalayaa in lagu horumariyo Komishanka Nidaaminta Tamarta ee Somaliland illaa inta uu Komishanku helaayo dakhli ku filan oo uu hawlihiisa ku maamuli karo oo joogto ah. Kh) Sanduuqa waa in la abuuraa oo uu shaqeeya lix bilood (6) ka dib marka uu Xeerkani dhaqan-galo. 2) Ilaha maaliyadeed ee Sanduuqa Maalgelinta Tamarta: Ilaha maaliyadeed ee ugu waawayniwaxa ay noqon doonaan: b) Qoondada Miisaaniyada Somaliland ee Wasaaradu Maaliyadu siiso Golaha Wakiiladuna Ansixiyo. t) Qoondayn 1% ah oo loo saaro dhamaan shidaalka iyo qalabka korontada ee lasoo dejiyo oo aanay ku jirin qalabka tamarta cusboonaata (renewable energy materials). j) Tabarucaadka ikhtiyaariga ah ee ay bixiyaan Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Somaliland ee shaqadooda ay ku jirto horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha, iyagoo si gaar ah u siinaya tixgalin maalgelinta mashaariicda tamarta. Hay’aduhu waxa tabrucaadkooda ay ka dhigi karaan mid mood ah ama cayn ah (in kind). 3) Qaabka iyo Habka Kharash Ururinta iyo Bixinta: 29 b) Sanduuqu waxa uu yeelan doonaa lambarrada xisaabta bangiyada ee lacagta wadanka iyo lacagaha qalaad ee Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo rugaha gaarka ah ee maaliyadeed ee waafaqsan nidaamka Bangiyada Islaamka iyo Bangiyada shisheeye ee ay Wasaaraddu u aragto in xisaab lacageed laga furi karo. t) Komishanka ayaa gacanta ku haynaya lambar xisaabeedyada iyo dhammaanba arrimaha la xidhiidha sanduuqa maaliyadeed. J) Komishanka ayaa maamuli doonta lambarrada xisaabeed iyo dhammaanba arrimaha kharash bixinta taas oo loo maamuli doono sida ugu hufan ee waafaqsan waajibaaka Komishanka, barnaamijyada, mashaariicda iyo habka maamul ee hantida Dawladda. x) Habka isticmaalka maaliyadda sanduuqu waa in uu waafaqsan yahay Xeerka Iibka Qandaraasyada Qaranka ama Xeerarka kale ee dalka iyo Xeer-hoosaadyada ka farcama Xeerkaas; marka laga reebo xaaladaha uu Komishanku oggolado. Xaaladaha ka baxsan ee uu Komishanku oggolaado waa in lagu soo saaro Digreeto Madaxweyne oo keliya. Kh) Sanduuqa Ammaana Haynta waxaa baadhaaya Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka sida uu tilmaamaayo Xeerka Hantidhawrka Qaranka. Warbixinta Hantidhawraha waa in la daabacaa oo loo gudbiyaa hay’adaha Dawladda ee ay khusayso, Golaha Wakiilada, Xisaabiyaha Guud iyo Golaha Wasiirrada, iyo ciddii kale ee dadweynaha ah ee danaynaysa. d) Buugaagta xisaabaadka ee Sanduuqa Ammaano Hayntu waa in ay u furnaadaan dhammaan cidkasta oo u haysata Awood sharci ah oo ay ku baadhi karto. Qaadhaan- bixiyeyaasha Sanduuqa waxaa la siinayaa Warbixinta, waxaanay xaq u leeyihiin in ay baadhaan islamarkaana ay helaan diiwaanka maaliyadeed ee Sanduuqa Ammaano Haynta. CUTUBKA SIDDEEDAAD ARRIMAHA CAAFIMAADKA IYO BEDQABKA Qodobka 21aad Shuruudaha Dhawrista Caafimaadka iyo Bedqabka 1) Qalabka korontada waa in la dhigaa, laga dhisaa, laga soo saaraa, loona habeeyaa: b) Si aan waxyeello u gaysanahaynin nolosha noolaha, caafimaadka iyo hantida; t) Si aan sanqadh xad-dhaaf ah dhalinahaynin islamarkaana wax u dhimahayn tayada korontada; x) Waa in ay waafaqsan tahay heerarka macquulka ah ee badbaadada; 30 kh) Waa in ay iska xejin kartaa roobka, dabaysha, onkodka, ama waxyaalaha kale ee dabiiciga ah ee dhibaatada keeni kara islamarkaana caafimaadka iyo bedqabka waxyeellayn kara. 2) Waaxda Kormeerka ee Komishanku waxa ay soo saarayaa Xeer-hoosaad faahfaahsan oo dhigaaya heerarka iyo nidaamka caafimaadka iyo badbaadada. 3) Qof kasta oo, isagoon aan haysan Shahaadad farsamo-yaqaannimo oo uu soo saray Komishanku, Waaxda Kormeerka ama Wasaaraddu, xidha dab ama qalab koronto, xadhig ama waxyaalaha kale ee sababi kara dhaawac ama dhibaato (nafeed ama hantiyeed) waxa uu mutaysanayaa ciqaab iyo in uu mag-dhow ka bixiyo khasaaraha uu gaystay. 4) Dawladaha Hoose marka ay soo saarayaan ama kormeerayaan dhismayaasha ama oggolaanayaan waa in ay hubiyaan in heerarka farsamo, caafimaad iyo badbaado ee loo baahan yahay ee uu Xeer-hoosaadku jideeyay la fuliyay. CUTUBKA SAGAALAAD QODOBBO KALA DUWAN Qodobka 22aad Hagaha Xidhiidhka Dab Wadaag (Grid Code) 1) Hagaha Xidhiidhka Dabwadaaggu (Grid Code) waxa uu dhigayaa hannaanka shaqadu ay u soconayso iyo mabaadii’da lagu maamulaayo dhammaan Adeeg-bixiyeyaasha iyo isticmaalayaasha Habka Gudbinta Korontada. Hagaha Xidhiidhka Dabwadaaggu waxa uu caddaynayaa nidaamka hawl-maalmeedka dhinaca qorshaynta iyo haw-galka waxaana lagu dhaqmayaa xaaladaha caadiga ah iyo kuwa gaarka ah. 2) Komishanka ayaa ansixinaaya Hagaha Xidhiidhka Dabwadaagga ee Qaranka (National Grid Code). Qodobka 23aad Dokumentiyada Dawladda 31 1) Dhammaan codsiyada ruqsadaha iyo dokumentiyada la xidhiidha xallinta khilaafaadka, socodsiinta dacwadaha ku saabsan ku xad-gudubka bedqabka ama xeerarka farsamada ama waxyaalaha kale ee uu Komishanku gacanta ku hayo waxaa loo aqoonsanayaa in ay yihiin dokumentiyo dawladeed; marka laga reebo arrimaha la xidhiidha sirta ganacsiga iyo dhawrsanaanta xogta. 2) Komishanku waxa uu go’aamin karaa ama tixgelin karaa codsi ka yimid ruqsadle islamarkaana uu joojin karaa in dokumentiyadu ay dadweynaha u furnaadaan sida uu qodobkani tilmaamayo. Komishanku waxa uu go’aankaas u qaadanayaa in uu ka hor-gato in la helo sir ganacsi ama in uu dhawro xuquuqda hantida hal-abuurka ama ikhtiraaca (intellectual property rights) ama arrimaha kale ee xaasaasiga ah. 3) Komsihanku waa in uu hayaa diiwaan lagu qoro faahfaahinta: b) Dhammaan waxyaalaha laga dhaafay ruqsadlaha; t) Dhammaan ruqsadaha uu Komsihanku bixiyay; j) Dhammaan ruqsadaha uu Komishanku wax-ka-beddelay ama tir-tiray. x) Dhammaan awaamiirta uu Komishanku bixiyay ee faraysa u hoggaansanaanta ama awaamiirta uu Komishnaku beddelay. Kh) Shuruudaha uu Komishanku soo rogay eeku saabsan ruqsadaha ama oggolaanshaha iyo ansixinta uu komishanku sameeyay eeku saabsan bixinta ruqsadda. d)dhammaan war-bixinaha uu Komishanku diyaariyay ee ku saabsan adeeg-bixiyeyaasha korontada. 4) Dhamaan go’aannada (qaraarada) Komishanku waa in ay qoraal ahaadaan, waana in uu Komishanku sababeeyaa waxyaalaha uu go’aanka u cuskaday. Qodobka 24aad Ka Jarista Korontada ee Macaamiisha: 1) Ruqsadlaha adeeg koronto siiya macmiil waxa uu xaq u leeyahay in uu ka jaro macmiilka haddii ay jiraan xaaladaha soo socda oo keliya: b) Haddii uu macmiilku sidaa codsado. t) Haddii macmiilku uu ku guul-darraysto in uu bixiyo biilka lagu soo dallacay marka ay dhammaato soddonka (30) maalmood ee ogaysiiska ahi. j) Haddii macmiilku uu siiyo koronto cidkale iyada oo aanu u fasaxin ruqsadluhu. 32 x) Haddii macmiilku uu fur-furo (beddelo) qayb ka mid ah qalabka loo geliyay korontada ama saacada. Kh) Haddii macmiilku uu iska dhega tiro amar macquula oo ah in uu ku dhaqmo heerarka badbaadada ee Xeerkani dhigayo ama xeer-hoosaad lagu soo saarey si waafaqsan Xeerkan. d) Haddii sabab la xidhiidha badbaadada iyo heerarka uu Xeerkani jideeyay ay lagama maarmaan noqoto in laga jaro macmiilka si ku meel gaadh ah si ciladaasi wax loogaqabto. Ruqsadle kastaa waa in uu siiyaa ogaysiin dhan affar-iyo- labaatan (24) saacaadood haddiidayactirka la qorsheeyay mar hore. r) Qofna loogama jari karo ama looguma diidi karo in loo galiyo koronto sabab la xidhiidha inmacmiil hore oo ku jiray dhismuhu aanu bixin lacagtii lagu soo dallacay.Mulkiilaha guriga ayaa loo raacayaa kharashkii hore ee la soo dalacay. s) Korontada waa la jari karaa haddii ay timaaddo xaalad deg-deg ah oo waxyeeli karta nabadgelyada iyo badbaadada. Qodobka 25aad Qodobbo Kala-guur ah (Ku-meel gaadh ah) 1) Qodobbada Xeerka Ciqaabta ayaa la adeegsanayaa haddii la gaysto (uu dhaco) fal-dambiyeed aan lagu sheegin Xeerkan. 2) Macmiil kasta oo dab koronto ah ka qaata Shirkad isagoo aan bixinaynin waxa uu gaystay fal- dambiyeed. Xadista ama Tuugada waxaa ka mid ah in saacadda la fur-furo oo la beddelo iyo in la jaro qaab-socodka saacadda. Shirkaddu qofka fal-dambiyeedka gaystay dacwad ayay ku soo oogi kartaa. 3) Fal-dambiyeedyada la xidhiidha Xidhidda Dabka iyo Qalabka: b) Qofkasta oo si ula kac ah u fur-fura (beddela) ama wax-ka-beddela dab-gelinta ama soo saara, soo dejiya, iibiya ama isticmaala qalab koronto kaas oo dhaawac u gaysan kara nolosha dadka ama dhaawici kara qalab waxa uu gaystay fal-dambiyeed waxaanu mutaystay in lagu ciqaabo ganaax lacageed oo dhan afar (4) milyan oo Shilinka Somaliland ah ama xabsi dhan hal bil ama labadaba. 33 t) Qof kasta oo si ula kac ah dhaawac ugu gaysta saacadda dabka ama qalab loo isticmaalay dab-xidhid ruqsad loo haysto, waxa uu gaystay fal-dambiyeed waxaanu mutaystay in lagu ciqaabo ganaax lacageed oo dhan affar (4) milyan oo Shilinka Somaliland ah ama xabsi dhan hal bil ama labadaba. j) Qof kasta oo iyadoo aanu oggolaansho u haysan si ula kac ah isu-hor-taaga (carqaladeeya) in la bixiyo tamarta korontada, isticmaala tamarta korontada, jabiya in saacaddu ay qorto qaddarka tamarta la isticmaalay, waxa uu gaystay fal-dambiyeed waxaanu mutaystay in lagu ciqaabo ganaax lacageed oo dhan afar (4) milyan oo Shilinka Somaliland ah ama xabsi dhan hal bil ama labadaba. 4) Fal-dambiyeedyada la Xidhiidha Bixinta Adeegyada Koronto iyo Shaqooyinka Koronto: b) Qofka iyadoo aanu haysan fasax cad ama ruqsad uu siiyay Komishanku bixiya koronto kabaxsan xadka loo oggolaaday in uu qaybin karo korontada ee ku cayiman ruqsada la siiyay waxa uu gaystay fal-dambiyeed waxaanu mutaystay in lagu ciqaabohal illaa saddex sanadood oo xadhig ah ama ganaax lacageed oo dhan shan iyo toban (15) milyan oo Shilin Somaliland ah ama labadaba. t) Xadhig kasta oo aan la oggolaan ama hawl-kasta oo aan fasax loo haysan oo faqradda qodobkan sare lagu xusay waxaa lagu beddeli karaa amar Komishanku uu soo saaray, haddii amarka Komishanka loo hoggaansami waayo, waa in qofku uu bixiyaa kharashka jarista ama qaadista. 5) Ruqsadlaha u hoggansami waaya in uu ku dhaqmo shuruudaha ay ruqsaddiisu waajibainayso waxa uuu gaystay fal-dambiyeed waxaana lagu ciqaabayaa ganaax uu dejiyo (gooyo) Komishanku iyo ganaax maalinle ah ama qayb maalintii ka tirsan ah haddii fal-dambiyeedku uu sii socdo. 6) Qofka xog been ah siiya Komsihanku waxa uu gaystay fal-dambiyeed. Qofka gaysta fal- dambiyeedka qodobkan ku xusani waxa uu mutaysanayaa ganaax uu goyn doono Komishanku ama xadhig aan ka badnayn hal sanno ama labadaba. Qodobka 27aad Xidhidda Xadhkaha Korontada (Installation of Electrical Wiring) 1) Qofna dhisme kuma xidhi karo xadhko koronto ama kuma fidin karo xadhko jira haddii aanu ahayn xirfadle haysta ogolaanshaha ay bixiso Waaxda Kormeerka ee Komsihanku ama Wasaaraaddu, ka hor markii aan Komsihanka la abuurin. 34 2) Qof kasta oo ku xad-gudba qodobkan waxa uu gaystay fal-dambiyeed waxaanu mutaysanayaa ganaax lacageed oo uu Komishanku dejin doono (jari doono) ama xadhig dhan hal bilm ama ugu badnaan lix bilood ama labadaba. 3) Shirkad kasta ama qandaraasle shaqaalaysiiya shaqaale aan haysan oggollanshaha (Shahaadadda) ay bixiyaan Komishanka, Waaxda Kormeerka ama Wasaaraddu waxa uu gaystay fal-dambiyeed waxaana lagu ciqaabayaa hal biloo xadhig ah ama ganaax lacageed oo dhan laba (2) milyan oo Shilin Somaliland ah ama labadaba. Qodobka 28aad Magdhawga Qof kasta oo ku xad-gudba (jebiya) Xeerkani waxa uu mutaysanayaa in uu bixiyo magdhawga khasaaraha uu gaystay, magdhawgaasina waxa lagu heli karaa dacwad madani ah ama fal madani ah oo lagaga soo oogo Maxkamad awood u leh oo Somaliland gudaheeda ku taal. Qodbka 29aad Shil Halis ah 1) Haddii uu shil ama dab uu sababo ama keeno khasaare galaafta naf bani-aadam ama dhaawac u gaysta bani-aadan ama uu khasaare culus gaadhsiiyo hanti taas oo la xidhiidha dhisme kasta ama wershad koronto ama qalab, ruqsadluhu waxa uu sida ugu dhakhsaha badan ee u suurto- gal ah dhacdadaa ku wargelinayaa Komishanka. Warbixinta ruqsadluhu waa in ay tahay mid faah-faahsan. 2) Komishanku waxa uu sida ugu suurto-gashan marka uu helo warbixinta koowaad ku amridoonaa Baadhaha Guud: b) In uu tago goobta shilka ama dabku ka dhacay; t) In uu sameeyo baadhis hordhac ah oo la xidhiidha dhacdada iyo jiritaankeeda; j) Qoraal ahaan u diwaan-geliyonatiijada baadhitaankiisa oo ay weheliyaan sawirro uu goobta ka qaado oo dhacdada khuseeya; x) Waxa uu siin doonaa musawiro, warbixin caafimaad ama Qoraallada kale ee khuseeya ee uu ka helo qof kasta ama hay’ad kasta isaga oon la waydiin doonin in uu wax lacag ah ka bixiyo, qof kasta, hay’ad kasta waa in ay aqbashaa codsiga noocan oo kaleah; 35 kh) Waxa uu warbixinta uu soo saaro u gudbin doonaa Gudoomiyaha Komishanka; xaaladaha dhimasho bani’aadan dhacdo ama ay jirto dhaawac halis ah oo ka soogaadhay qof bani’aadan ah, waxa uu nuqulka warbixinta ka mid ah u gudbin doonaaXeer-ilaalinta. 3) Haddii ay dhacdo in cidi ku naf weydo ama dhaawac culus uu qof ka soo gaadho iyada oo ay sababtay shil ama dab la xidhiidha dhismaha koronto ama wershad koronto ama qalab koronto, waxba lagama beddeli karo ama laguma dari karo, iyada oo aan oggolaansho laga helin Komishanka in wax laga beddelo dhismaha guud ahaan laga yaabo in ay sababeen ama ka qayb ahaayeen shilkaasi ama dabkaasi, sidoo kalana waxba lagama beddeli karo, iyada oon la helin ogolaanshaha goobta ama dhismaha shilku ka dhacay ama dabku ka kacay ilaa uu Komishanku ka dhamaysanayo baadhistooda. Iyada oo ay shardi tahay in aan qodobkani carqaladayn doonin hawsha samato bixinta ah ama shaqada lagama maarmaanka ah badbaadada guud ama nolosha dad ama hanti. 4) Haddii baadhitaanka hore ee ku xusan farqada (b) ay u soo ifbaxdo Baadhaha Guud ama shaqaalaha farsamo ee fulinaya baadhista in ay jirto sabab lagu aamini karo in shilka ama dabka ay sabab u aheyd cilad ka dhalatey in aan la raacin Xeerkan ama amarrada sharciga ah ee Komishanku bixiyey, ama Haddii Baadhaha Sare ee sameeyay baadhistu uu ku qanco in shilku ama dabku laga hortagi karayay Haddii ka hortag fiican la samayn lahaa lana ilaalin lahaa sida uu u shaqaynaayo dhisme ama warshad, ama qalaba,. Komishanku waxa kale oo ay baadhis dheeraad ah ku samayn doonaan duruufaha shilka ama dabka iyada oo uu weheliyo sarkaalka loo igmadey ee fulinaya baadhista hore Haddii ay markaa Komishanku isku raaco in dacwad ciqaab ah ay tahay in cid lagu oogo, markaa Komishanku waxa uu u gudbin doonaa Xeer- ilaaliyaha Guud nuqul ah warbixinta sarkaalka igman iyo dhammaan xogta lagu kabayo, sida musawirada, fiidyoow, ama cadaymaha kale ee lagu soo ururiyay baadhista hore, oo ay weheliso 36 37