National Environment Research and Disaster-preparedness (NERAD) Agency Law – Law No. 35 of 2006
Made 2006 · Text as of 2026-10-01
Public law and official guidance, published as research. Not legal, tax or financial advice.
About this law
- Original title
- Xeerka Abuurida Hay’adda Cilmi Baadhista Badbaadinta Deegaanka Iyo U Diyaar Garawga Aafooyinka.
- Language
- Somali
- Kind
- Act
- Country
- Somalia · Somaliland
- Subjects
- Environment
- Keywords
- coastal zone management, hazards, early warning system, education, erosion, hazardous substances, Indigenous Peoples, institution, monitoring, mountain area, protection of environment, research, risk assessment/management, waste management, governance
Where to read it
No source link is recorded for this law.
Text
The law's own text, section by section, as held. Each section has its own link.
1 www.somalilandlaw.com This Law has been passed by both Houses in 2007. National Environment Research and Disasterpreparedness (NERAD) Agency Law – Law No: 35 of 2006 XEERKA ABUURIDA HAY’ADDA CILMI BAADHISTA BADBAADINTA DEEGAANKA IYO U DIYAAR GARAWGA AAFOOYINKA JAMHUURIYADA SOMALILAND GOLAHA WAKIILADA Markuu Arkay: Qodobada 18aad,39aad iyo 90aad, 113aad,114aad,122aad Dastuurka Markuu Tixgeliyey: Xeer Madaxweyne no 189/2003 ee abuurista Hay’adda Cilmi Baadhista Badbaadinta Deegaanka Iyo U Diyaar‐Garawga Aafooyinka Markuu Ogaaday: Baahida loo qabo Badbaadinta Deegaanka iyo u diyaar‐garawga Aafooyinka iyo Abuurida hay’add u madax bannaan hawlahaa Markuu dhagaysatay: Warbixinta Guddida deegaanka, Beeraha Xoolaha iyo Khayraadka Debiiciga ah hor keentay Golaha Wakiilada Markuu ka Dooday: Wax‐ka bedelka iyo soo jeedinta Golaha Guurtida Wuxuu Ansixiyay Abuuridda Hay’adda Cilmi Baadhista Badbaadinta Deegaanka Iyo U Diyaar Garawga afooyinka QODOBKA 1aad: Macnaha Erey Bixinta Aafo: waxaa loola jeedaa xaalad ba’an oo ka dhallata dhacdo dhibaato culus oo dabiici ah, ama mid Aadami Sameeyay ah, oo ku habsata bulsho, carqaladaysana nolol maalmeedkooda, gaadhsiisana bulshadu in ay awooddi waayaan in ay helaan cunto iyo baahiyahooda kale ee aasaasiga ah, isla markaana hanan kari wayaan noloshooda gar‐gaar iyo mucaawino la’aan. Cilmi Baadhista Daryeelka Deegaanka: waxaa loola jeedaa dejinta ujeedooyin iyo qorshe hawleedyo fulineed oo lagu darsayo waxna lagaga qabanayo arrimaha soo wajaha maaraynta deegaanka iyo habsami u isticmaalka khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaana kor u qaadidda daryeelka nolol deegaaneedka. Kaalmo: Halkan waxaa ku jira qaadida talaabooyin dhinacyo badan laga qiyaas qaadanayo meesha aafadu ka dhacday waxna lagaga qabanaayo baahiyaha kala duwan ee dadka tabaaloobay. Barnaamijka kaalmada: waxa loolajeedaa keenidda iyo qaybinta cuntada iyo alaabta kale ee lagamamaarmaanka u ah nolosha, helitaanka biyo nadiif ah oo la cabo, taageerida dhinaca caafimaadka, ka hortagga darayada hantida reer 2 miyiga sida xoolaha nool iyo beeraha, taageerada hawlaha lagu horumarinayo dhaqaalaha, dib u habaynta beerqodaalka, dajinta deegaanka, ilaalinta bii’adda, waxa kale oo ka mid ah qaadida talaabooyin wax ka taraya abaaraha iyo hab cilmiyeed abuurikara fursado shaqo. NERAD: waxaa loola jeedaa soo gaabinta magaca af‐ingiriisiga ee Hay’adda National Environment Research and disaster preparedness. (NERAD) QODOBKA 2aad: Samaynta Hay’adda NERAD b. Hay’adda qaranka ee cilmi baadhista badbaadinta deegaanka, maaraynta iyo u diyaar garawga aafooyinka waxaa loola jeeddaa waa hay’add dawladeed ka mid ah hay’addaha madaxa banana ee J S Land. Daryeelka Nolol Deeganeedka t. Hay’addani waxay hoos tagaysaa Madaxtooyada J.S.L. QODOBKA 3aad: Xafiis Madaxeedka Hay’adda Xafiis madaxeedka Hay’addu wuxuu noqonayaa Hargeysa Caasimada J S L. QODOBKA 4aad: Xilka Iyo Awoodaha NERAD Hay’addani waxay yeelanaysaa xilka iyo awoodaha soo socda. B. U Diyaargarawga & Maaraynta Dhibaatooyinka. 1. Diyaarinta siyaasadda qaranka ee ka hortagga masiibooyinka iyo u diyaargarowga aafooyinka, dejinta qorshaha istraatijiyadeed ee lagu hirgalinayo, iyo daba galka hirgalinteeda ka. 2. Inay daraasad ku sameeyso meelihii hore aafooyinku ugu dhaceen si loo dejiyo istraatijiyada lagaga hor tegayo aafooyinka mustaqbalka. 3. Maamulidda sanduuqa dhaqaale ee ka hortagga iyo u diyaargarowga aafooyinka iyo abuuridda kayd cunto. 4. Hay’addu iyadoo kaashanaysa laamaha ku lug leh, in ay ku sameyso ddaraasada ugu haboon, sababaha dhalliya aafada, iyo samaynta hab digniin bixineed. 5. Hay’addani iyadoo kaashanaysa xafiisyada ku lug leh waxay ku dhawaaqaysaa cadaynaysaana qaybaha dalka ee aafadu ka dhacday, si loo ogaado baaxadeeda. 6. Hay’addani iyadoo raacaysa tilmaamaha ay u dejisay dawladdu waxay ka helikartaa waydiisana kartaa kaalmooyin gudaha iyo dibadaba. 7. Diiwaan galinta nooc kasta oo kaalmo deeq ah oo laga helo deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha samafalka Gudaha Iyo Dibadaba. 8. Isu duwidda ilaalinta hawlaha gar‐gaarka ee ay wadaan ururada gar‐gaarka (NGO). 9. Hay’addu waxay yeelan kartaa hanti waxaanay heshiishyo ku geli kartaa magaceeda iyo ka dawladaba. 10. Inay ka hawl‐gasho hawlaha de‐dejin kara gaadhitaanka ujeedooyinkooda 11. Hayadani waxay qeexaysaa masuuliyadaha hay‐adaha ku hawlan barnaamujyada wax ka‐qabadka aafooyinka, waxay samaynaysaa xafiis ku meel‐gaadha ah oo ka dhexeeya Neerad iyo hay‐adaha ku hawlan arrimaha deg‐dega ah 12. Hay’addani waxay yeelaneysaa shaqaale, aqoonyahano wadani ah ama dibeda laga keeno si loo hubiyo in la helo hawl wadeeno khibrad leh fulina kara hawlaha. 13. Waxay dib ugu eegaysaa arrimaha Hay‐addaha la shaqeeya neerad iyo waxa ay qabteen 3 14. Sameeynta hab digniin bixineed iyo hab isgaadhsineed o xidhiidhiya dalka oo dhan ( Gobol, Degmo iyo Tuulo). T. Awoodaha Iyo Waajibaadka Masuulka Hay’adda NERAD 1. Waa in uu u qoro waraaqaha rasmiga ah deeq bixiyayaasha caalamiga ah, hay’adaha caalamiga ah iyo dawladda Soomaliland taasi oo uu kaga codsanayo kaalmo si looga hor tago aafada saamaysay bulshada. 2. Isagoo metelaya hay’adda waa inuu u qaado kaalmada laga helo guddaha iyo dibadda. 3. Waa inuu hubiyo in kaalmadii si sax ah loo diwaan geliyay isla markaana gaadhay dadkii u baahnaa ee ku noolaa goobaha ay aafadu saamaysay. 4. Isagoo kaashanaya shaqaalihiisa iyo xafiisyada kale ee ay khusayso waa inuu diyaariyaa qorshayaal iyo istaraateejiyad lagula dagaalamo aafooyinka. 5. Waa inuu diyaariyo qorshe sannadeed iyo miisaaniyadda hay’adda 6. Waa inuu diyaariyo warbixin xiliyeed iyo sannadeed khusaysa hay’ada. 7. Waa inuu dabagalo oo uu kormeero kaalmadii la qaybiyay iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshada degen goobtaas. 8. Waa inuu la saxeexo jeeggaga iyo foojarada Agaasimaha Maamulka Iyo Maaliyadda. 9. Inuu u fududeeyo hantidhawraha inuu baadhitaan ku sameeyo documentiga hay’adda 10. Waa inuu warbixinta hantidhawrka u gudbiyo Guddiga Qaranka ee Aafooyinka "GQA" iyo Guddiga Maaraynta & Diyaargarawga Aafooyinka "GMDA" 11. Waa inuu u kala caddeeyo shaqooyinka ay qabanayaan waaxyaha kala duwan ee hay’adda J. Awoodaha Iyo Waajibaadka Guddiga Qaranka ee Aafooyinka 1. Inay ogolaadaan qorshe sanaddeedka hay’adda 2. Inay ku dhawaaqaan goobta aafada qaran saamaysay 3. Inay ka doodaan warbixin sannadeedka hay’adda 4. Inay magacaabaan hanti‐dhawre ka madax bannaan hay’adda QODOBKA 5aad: Cilmi Baadhista Deegaanka 1. Sameynta xeerar istaratijiyadeed iyo habraaca barnaamijyada loo baahan yahay. 2. Isku duwidda wax qabadyadda laamaha dawladda ee lagu maaraynayo wax ka qabashada waxyeelaynta deegaanka. 3. Xoojinta shuruucda iyo hay’addaha ku hawlan cilmi baadhista hawlaha deegaanka. 4. Ilaalinta iyo u xidhista dhul gaar ah oo lagu ilaaliyo khayraadka siiba wixii tafiir go’aya. 5. In la hubiyo aadna loo ilaaliyo meelaha xeebaha ee kalluunku ku dhalo. 6. Ka hortaga iyo yareynta wixii waxyeelaynaya noolaha oo dhan sida qashinka, iyo waxyaabaha u keenaya wasakhda cimilada sunta, kimikada iwm. 7. In la hubiyo dhamaan hawlaha cid‐kastaa ay bilaabayso in ay yihiin kuwo ilaalinaya deegaanka. 8. In loo sameeyo wacyi‐gelin, tababaro iyo barnaamijyo waxbarasho bulshada guud ahaan. 9. In la helo siyaabo lagula socdo xaaladda aafooyinka lana qiimeeyo, in la sameeyo hab lagula socdo qiimaynta barnamujyada deegaanka kuwaas oo ay ka midyihiin: saadaasha hawada, wararka juqraafiyeed iyo kuwa digniin bixinta. 10. In si buuxda loo xidho loona dabagalo biyaha buuraha ka soo rogmanaya. 11. Dhiirigalinta dhismaha ururo dhalinyaro iyo arday mutada wiciin ah oo hay’addan 4 kala shaqeeya ka tabaabushaysiga abaaraha iyo daraasaadka daryeelka deegaanka gaar ahaan waxyaabaha xukumaya caafimaadka, wasakhowga iyo waciyigalinta. 12. In la sameeyo goobo cilmi baadhiseed oo tusaya habka la‐dagaalanka caro guurka iyo badinta shiinida dhirta . 13. In la sameeyo dugsi tababar iyo cilmi baadhiseed oo lagu barto arrimha deegaanka, kaas oo xidhiddh la leh jaamacada hargeysa iyo macaahiida caalamiga ah. QODOBKA 6aad: Qaab Dhismeedka Guddiyadda Maaraynta iyo U Diyaargarowga Dhibaatooyinka 1. Guddiga Qaranka ee Aafooyinka (GQA) oo ah hay’adda u saraysa wuxuu ka kooban yahay: Guddiga Qaranka (GQA) Madaxweynaha ama cidda u igmado (Guddoomiye), toddoba Wasaaradood oo kala ah wasaaradda beeraha, Wasaaradda Qorshaynta Wasaaradda Daakhiliga, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Macdanta iyo biyaha , wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo labad xubnood oo kala tirsan labada Gole ee Baarlamaanka(Guurtidda iyo Wakiillada), Hay’adda NERAD waa Xoghaynta Guddida . 2. Gudiga Maaraynta iyo Diyaargarawga Aafooyinka (GMDA) guddigani wuxuu ka kooban yahay : b Guddoomiyaha NERAD (Guddoomiye) t Agaasimayaasha Guud ee Todoba wasaaradood J Madaxda Hay’adaha Jimciyada Qaramada Midoobay. X Hay’addaha Caalamiga ah. Kh Hay’addaha aan Dawliga ahayn ee Wadaniga ah. QODOBKA 7aad: 1. Guddiga Maaraynta Aafooyinka ee Gobolka ( GMAG). b. Maamulka Gobolka Guddoomiye . t. Wakiillada NERAD ee Gobolka Xoghayn j. Isuduwayaasha wasaaraddaha kor ku xusan. x. Hay’addaha caalamiga & kuwa wadaniga ah ee aan dawliga ahayn. Kh. Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Wakiillada NERAD ee Degmooyinka 2. Guddiga Maaraynta Aafooyinka Degaanka ( GMAD) B . Maamulka Degmada. T. NERAD J. Maamulayaasha wasaaradaha kor ku xusan. X. Wakiilka Xoolo Dhaqatada Beeralayda & Odoyaasha Tuulooyinka (ugu badnaan 11 xubnood). QODOBKA 8aad: Shirarka Guddiyadda 1. Guddigga Qaranka B. Guddiga qaranka Aafooyinka wuxuu shirayaa hal mar ( roobka Guga ka hor Jan‐ Feb) hadii ay lagama maarmaan noqoto waa la qaban karaa shirar aan caadi ahayn. T. Shirarka guddiga farsamada ee maaraynta iyo u diyaar garowga aafooyinka waxa la qabtaa sannadkiiba laba jeer (July December) hadii aanay duruuftu khasbin oo la qabto kuwo kale. 2.Guddida Gobolladda& Degmooyinka. 5 Shirka gobollada iyo degmooyinka waxaa la qabanayaa saddex jeer sanadkiiba hadii aanay khasbin in la qabto kuwo aan caadi ahayn. 3. Habraaca shaqada. Guddi kasta waxay yeelanayaan "Korum". T. Talada waxaa la goynayaa marka ay boqolkiiba (51% )ay joogan. J. Hayadda NERAD waxay yeelaneysaa, Hantidhawre ka madax bannaan hay’adda oo sannadkiiba baadha hal mar, waxaaney raacayaan qaab xisaabeedka dawladda somaliland X. Qaybinta macaawinooyinka waxa taladeeda leh Guddida Qaranka ee aafooyinka Degaanka, Gudidaas oo uu madax ka yahay Madaxweyne Ku xigeenku. Kh. Hay’addu waa inay warbixin tafatirran sannadkiiba u qorto oo loo gudbiyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka si ay ula socdaan Hay’adda hawlaheeda. Qodobka 9aad: Laalis Waxa allaale wixii Xeer ah, ee ka horimanayaa waa la laalay. Qodobka 10aad: Dhaqan‐gal Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland saxeexo, faafinta rasmiga ah lagu soo saaro. C/raxmaan max’ed c/laahi (Ciro) Maxamed Xasan Kahin (Keyse) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada