Skip to content
Nelum
Laws of Somalia

Law on the Delineation of the Organization of the Government and of Independent Public Bodies - Law No.71/2015

Made 2016-02-08 · Text as of 2026-10-01

Public law and official guidance, published as research. Not legal, tax or financial advice.

About this law

Original title
Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015.
Language
Somali
Kind
Act
Country
Somalia
Subjects
Agricultural and rural development, Livestock, Energy, Environment, Fisheries and aquaculture, Mineral resources, Water, General
Keywords
governance, institution
Categories
metals-base, metals-precious, minerals-critical

Where to read it

    No source link is recorded for this law.

Text

The law's own text, section by section, as held. Each section has its own link.

  1. 1. Dejinta sharci saldhig u ah aasaasidda hay’addaha Xukuumadda dhexe.

  2. 2. Xaddidaada xilka, waajibaadka, awooddaha iyo shaqada hay’addaha Xukuumadda dhexe.

  3. 3. Kala xadaynta hawlaha iyo xilalka laamaha Xukuumadda dhexe iyo isku xidhkooda.

  4. 4. In la gaadho tayayn dhamaystiran oo la xidhiidha guud ahaan waxqabadka xukuumadda.

  5. 5. In la xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada bulshada. 6. in si cad loo iftiimiyo, lana dhaqan geliyo, xadka u dheexeeya xilalka maamul iyo siyaasadeed ee haga, gaadhsiiyana adeegyada aasaasiga ah qaybaheeda kala duwan ee bulshada. Qodobka 5aad Mabaadii’da Xeerka Mabaadi’da hagaysa xeerku waa:

  6. 1. In shareecadda islaamku sal u tahay xeerarka Somaliland.

  7. 2. In Somaliland tahay dal dimuqraaddi ah.

  8. 3. In ka sokow Ilaahay dadku leeyahay Dawladnimada, dhammaan Hay’addaha Xukuumadduna iyaga oo dadka ka wakiil ah fulinayaan awoodda Xukuumadda si Xeerarka waafaqsan.

  9. 4. Ixtiraamka xuquuqda dadka iyo sharafta ruux walba.

  10. 5. In shacabku leeyahaya woodda.

  11. 6. In Dawladdaha hoose leeyihiin maamul hoosaad ku xadaysan Deegaan.

  12. 7. In qaab-dhismeedka maamul ee Dalku u qaybsamo, Gobolo, Degmooyin, tuulooyin, qaabdhismeedka xukuumadduna u qaybsamo Wasaaraddo, Hay’ado, wakaalado, shirkado Xukuumaddu leedahay ama wax ku leedahay.

  13. 8. Xaqashacabka iyo ururada metelaa u leeyihiin ka qayb qaadashada qaabaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, iyada oo Xukuumaddu hirgelinayso Xeerar iyo hanaan ay kaga talo bixin karaan go’aan qaadashada saamaynaya noloshooda iyo aayahooda.

  14. 9. Dhismaha Xukuumaddu wuxuu u jiraa Dhawridda nafta, maalka iyo sharafta dadka, iyada oo loogu adegayo si siman oo aan kala doorasho lahayn. 10. in Xeerarka Dalku ku saleysnaadaan Dastuurka Dalka. Qodobka 6aad Xilka adeega Xafiis Xukuumadeed Xafiis Xukuumaddeed, wuxuu u aasaasan yahay adeegga danta guud, mas’uul iyo shaqaale Xukuumadeed oo kastaana waxaa ku waajib ah, in ayu gutaan xilkooda oo ugu shaqeeyaan dalka iyo dadka si ay ku dheehantahay xilkasnimo, daacadnimo, sharaf, karti, hufnaan iyo sinaan. Qodobka 7aad Shaambadaha www.somalilandlaw.com Page 10 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  15. 1. Shaambadda Dawladda waxa lagu dhufanaya qoraalada uu saxeexo Madaxwaynuhu, waxayna oo laysaa Xafiiska Madaxwaynaha.

  16. 2. Wasaaradaha, Hay’addaha kala duwan ee Xukuumadda, wakaaladaha iyo shirkaduhu waxay yeelanayaan shaambado ugaar ah sida ay u ekanayaan waxaa go’aankeeda leh wasiirka ama masuulka Haya’dda.

  17. 3. Wasaaradaha, Hay’addaha kala duwan ee Xukuumadda, wakaaladaha iyo shirkaduhu waxay yeelanaysaa hal shaambad keliya oo lagu haynayo xafiiska xusuus dhawrka ee hay’adda/Wasaaradda/wakaaladda hadba siday tahay. Qodobka 8aad Fasiraada Xeerarka Iyo Qoraalada Rasmiga ah

  18. 1. Fasiraadda xeerarka iyo qoraalada rasmiga ah waxaa aasaas u ah nuqulka soomaaliga ah, waxaana loo raacayaa fasiraadooda si waafaqsan shareecadda Islaamka, dastuurka iyo shuruucda dalka.

  19. 2. Haddii isqabad sharci ka yimaado fasiraada xeerkan waxaa fasiraysa Maxakada Sare ee Dastuuriga ah. Qodobka 9aad Maalmaha u Gaar ah Munaasabad Madaxweynuhu wuxuu u astayn karaa munaasabad maalin u gaar ah. Qodobka 10aad Tirsiga Mudooyinka Tirsiga taariikheed waxaa laga raacayaa tan islaamiga ah ee Hijriyada iyo tan miilaadiyada oo u ka kooban:

  20. 1. Sannadoo ka kooban laba iyo toban bilood.

  21. 2. Bil oo ka kooban sodon maalmood hadaan laraacin tuse taariikheed oo tilmaamaya wax kaduwan tirada.

  22. 3. Todobaad oo ka kooban todoba maalmood.

  23. 4. Saacad oo ka kooban lixdan miridh.

  24. 5. Miridhka oo ka kooban lixdan il-bidhiqsi. Qodobka 11aad Halbeegyada Cabbiraada Halbeegga Cabbiraadaa rasmiga ah ee dalka ka dhaqangalka ahi waa, mile, kilomitir, mitir, mitir laba jibaaran, mitir sadex jibaaran, garaam, kilogaraam, litre, Gallan, tonne, waar iyo litir, degree, hector iyo saacadaha. QAYBTA LABAAD XUKUUMADDA www.somalilandlaw.com Page 11 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Qodobka 12aad Xukuumadda

  25. 1. Nidaamka Dawladeed ee dalku waa mid u qaybsan saddex Waaxood oo kala ah Waaxda Xeer-dejinta (Baarlammaan), Waaxda Garsoorka iyo WaaxdaFulinta.

  26. 2. Waaxda Fulinta oo sidoo kale looyaqaan Xukuumadda, waxay ka kooban tahay, Madaxwayne, Madaxwayne-xigeen iyo Golaha Wasiirrada.

  27. 3. Awoodda waaxda fulintana waxaa ka mas’uul ah Madaxweynaha.

  28. 4. Dalku wuxuu leeyahay Madaxweyne ku xigeen, kaas oo Madaxweynaha kala mid ah mudada xilka, habka doorashada iyo xaaladaha banaan shiyaha jagada Madaxweynaha.

  29. 5. Madaxwaynaha iyo Madaxwayne-ku-xigeenkuna isku hal mar dalka Kama maqnaan karaan. Qodobka 13aad Madaxwaynaha

  30. 1. Madaxwaynuhu waa madaxa Dawladda iyo Xukuumadda, waana astaanta midnimada muwaadiniina Jamhuuriyadda Somaliland.

  31. 2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn xilka, waajibaadka iyo awooddaha dastuuriga ah ee Madaxwaynaha iyo kuwa ay dhigeen xeerarka kale ee dalku, Madaxwaynaha Somaliland wuxuu leeyahay awooddaha ku dhigan qodobada soo socda. Qodobka 14aad Awoodda Soo Saaridda Amarro iyo Go’aamo Madaxwaynuhu wuxu soo saari karaa amarada, xeerarka iyo wareegtooyinka soo socda:

  32. 1. Xeer Madaxweyne oo ah xeerarka dastuurku ama uu xeer u igmaday (xilsaaray) soo saaristooda.

  33. 2. Amar maamul oo ah amarada maamul ee Madaxweynaha ee la xidhiidha talaabooyinka uu hawlgal gaar ah ku amrayo.

  34. 3. Wareegto maamul (memorandum circulars) Talaabooyinka Madaxwaynaha ee la xidhiidha arimaha maamulka gudaha hay’addaha Xukuumadda, kuwaas oo madaxwaynaha ula muuqata in lagu boorriyo dhammaan ama qayb kamid ah hay’addaha Xukuumadda waxa lagu soo saarayaaWareegto maamul.

  35. 4. Amarro Ciidan: oo ah amarrada Madaxwaynuhu soo saaro isaga oo ah hogaamiyaha ciidamada. Qodobka 15aad Awooddaha Magacaabista Madaxweynuhu wuxuu u adeegsanayaa awoodda magacaabista saraakiisha sare ee Xukuumadda sida uu jideeyey dastuurku iyo xeerarka kale ee dalku. www.somalilandlaw.com Page 12 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Qodobka 16aad Magacaabista XubnahaGolaha Wasiirrada Madaxweynuhuwuxuu bilawga mudada xilkiisa magacaabayaa xubnaha Golihiisa Wasiirrada isagaoo u gudbinaya Golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan, Qodobka 17aad Magacaabista Ku Meel gaadhka ah

  36. 1. Marka masuulkii xilka hayey, sababo caafimaad darteed ku maqnaado ama si kaleba xilka u gudan karri waayey ama jagadu bannaanaatay, Madaxweynuhu wuxuu si ku meelgaadh ah u magacaabi karaa sarkaal Xukuumadeed ama qof kasta oo ku munaasib ah.

  37. 2. Qofka xilka loo magacaabay wuxuu xaq u yeelanayaa mushahar marka aanu markii horeba ahayn shaqaale Xukuumadeed ama mas’uul sare, hadduu ahaase shaqaale ama mas’uul wuxuu yeelanayaa guno xileed, waxaana xeer Madaxwayne loogu samaynayaa kab.

  38. 3. Muddada magacaabista ku meel gaadhnimadu sinaba uma dhaafi karto saddex Bilood. Qodobka 18aad Awooddaha Xadaynta Shaqada Xukuumadda Madaxweynuhu isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed wuxuu u qoondeyanayaa Xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka, waxaana hagaya arimahan soosocda:

  39. 1. Muhiimadda shaqadu u leedahay Xukuumadda, sida laysugu xidhayo iyada oo la tixgelinayo Nooceeda.

  40. 2. Baahida loo qabo ka hortagga, habac-sanaanta iyo kala-daadsanaanta ku timaada shaqada iyo hay’addaha Xukuumadda.

  41. 3. Ka hortagidda is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka Haya’ddaha xukuumada.

  42. 4. Xaqiijinta in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga (culayska ama baaxadda) hawsha. Qodobka 19aad Awooddaha Madaxwayne-Ku-xigeenka Madaxweyne-ku-xigeenka JSL waa Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wasiirrada wuxuuna u xilsaaran yahay: -

  43. 1. Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.

  44. 2. Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.

  45. 3. Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato si waafaqsan dastuurka. Qodobka 20aad www.somalilandlaw.com Page 13 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Golaha Wasiirrada

  46. 1. Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaal maynayaan fulinta xilkiisa iyaga oo wadajir u go’aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo barnaamijyada Xukuumadda.

  47. 2. Xubnaha Golaha Wasiirrada waxaa ka reeban shaqo kale oo ka baxsan tan Xukuumadda.

  48. 3. Xubin kasta oo ka tirsan Golaha Wasiirrada wuxuu u xilsaaranyahay in uu guto Mas’uuliyadda madaxwaynuhu u igmaday isagoo kaduulaya Dastuurka Qaranka, xeerarka dalka, Siyaasadda Xukuumadda iyo tilmaamaha Madaxweynaha iyo DastuurkaQaranka.

  49. 4. Qofna looma Magacaabi karo xubin golaha Wasiirrada marka aanu buuxin shuruudaha ku xidhan xubnaha loo dooranayo Golaha wakiilada.

  50. 5. Waxa loo xilsaari karaa hal wasaarad ama in ka badan.

  51. 6. Lama xidhi karo xubin katirsan Golaha Wasiirrada marka aan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu kaqaadin dhowrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeer ilaaliyaha Guud. Qodobka 21aad Wasiirrada Wasiiradu waxa ay u xilsaaran yihiin dejinta siyaasadda, meelmarinta xil gudashada iyo waajibaadka Wasaaraddahooda, hagidooda, metelaadooda iyo kormeeridda Agaasinka Guud ee Wasaaradda. Qodobka 22aad Xilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Wasiirka Isaga oo wasaaradiisa uga wakiil ah Madaxweynaha Xilka iyo waajibaadka Wasiirku waa: B) Xilka iyo Waajibaadka Wasiirka i. Hogaamiyaha guud ee siyaasadda lagu hogaaminayo wasaaradda. ii. Isku xidhka Wasaaradda iyo hay’addaha kale ee Xukuumadda iii. Kala talinta Madaxweynaha soo saarida amarada fulinta, xeer hoosaadyada, ogaysiisyada iyo arimaha kale ee madaxweynahu xeer u xilsaaray ee la xidhiidha arimo hoos-yimaada Wasaaraddiisa. iv. Dejinta siyaasadda iyo halbeegyada xilgudashada Wasaaradda isaga oo ka duulaya siyaasadda guud ee xukuumadda u dejisan, kuna salaysan ka midho dhallinta qorshaha horumarineed ee saamaynaya dhinacyadda maamulka iyo maaraynta guud, hiigsashada horumarin dhaqaale salbalaadhan, hagaajinta addeegyada bulshada ee daruuriga ah, horumarinta xidhiidhada caalamiga ah, iyo suggidda, adkaynta midnimadda ummadda ee ku wajahan jiritaanka www.somalilandlaw.com Page 14 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Dawladnimada somaliland ee u dejisan xisbiga Xukuumadda ee soo saaray Madaxweynaha. v. Dejinta qawaacida (Nidaamka) lagama maarmaanka u ah xilgudashadooda oo ay ka mid yihiin fulinta siyaasadda iyo ujeedooyinka Wasaaradda, qorshaha iyo maamul wanaagga. vi. Hagidda iyo ku hubinta maamulka Wasaaradda la jaanqaadka siyaasadda guud ee Xukuumadda ee ku wajahan himilooyinka loo dejiyey Wasaaradda. vii. Hirgelinta xeerarka la xidhiidha xilka Wasaaradda, viii.Isticmaalka awooddaha Wasaaraddu ku leedahay hay’addaha, wakaaladdaha iyo shirkadaha Wasaaradda hoos yimaada si waafaqsan xeerka. ix. Gudashada xil kasta oo xeer u jideeyay. x. Dejinta hab iyo hannaan si xilli-le ah loogu qiimaynayo xil gudashada Wasaaradda, kaas oo uu sannad kiiba mar Madaxweynaha hor dhigayo. xi. U gudbinta ku talo galka Miisaaniyadda Wasaaradddiisa Madaxweynaha isaga oo u marinaya Wasaaradda maaliyadda ku talo galka kharashka Wasaaradda ee sannad maaliyadeedka dambe isaga oo ka duulaya warbixinada, hay’addaha, wakaaladdaha iyo mas’uuliyiinta hoos yimaada Wasaaradda. xii.Saxeexida Waaranada Guud iyo mashaariicda. xiii. Magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada markuu la tashado Agaasimaha Guud. xiv. Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xanbaar-san ciqaabo hadaan xeer awood u siin, wuxuu soo saari karaa C) Awoodaha Wasiirka; awoodaha Wasiirku waa; i. In uu u igman karo qayb ka mid ah xilkiisa Saraakiisha ama Hawl-wadeenada hoos yimaada si Xeerka waafaqsan. ii. Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xambaarsan ciqaab, hadaan xeer awood u siin, wuxuu soo saari karaa: - b. Wareegto wasiir: oo ah qoraalo rasmi ah oo wasiiradu ku dhaqangeliyaan siyaasadda xukuumadda, isla markaana lagu tayaynayo shaqada iyo xil- gudashada. t. Amarro wasiir: oo ah qoraalo rasmiya oo si gaara loogu socodsiiyey cid gaar ah, isla markaana la xidhiidha arin khaas ah. iii. Wasiirku wuxuu ku leeyahay hay’addaha, wakaaladdaha ama shirkadaha hoos yimaadda kormeer taas oo ay hagayaan. - b. Dhiirigelin iyo kor u qaadid la xidhiidha xilkooda, iyada oo la siinayo fursad intaan wasiirku isticmaalin awoodiisa. t. Iyada oo aan waxba loo dhimayn awooddaha, khibrada aqooneed ee Xeerku siiyey hay’addaha kale ee Xukuumadda waxaa kormeerka loo raacayaa sida xeerku dhigay. j. Iyada oo aan waxba loo dhimayn kaalinta Wasaaraddu ku leedahay hay’addaha, wakaladaha ama shirkadaha, hadana awoodda Wasaaradda waxaa loo raacayaa si waafaqsan xeerkan. iv. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 23aad Awooddaha iyo Waajibaadka Wasiiru-Dawlayaasha Xilka iyo Waajibaadka Wasiiru-dawlaha waa: www.somalilandlaw.com Page 15 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  52. 1. In uu ka madax noqdo Waaxda ama qaybta Wasiirku u xilsaaro ee muhiimka u ah isku xidhka arrimaha siyaasadda guud ee wada shaqaynta hay’addaha’ Wasaaraddaha, iyo laamaha kale ee dowladda si waafaqsan higsashadda qorshashaha guud ee xukuumadda.

  53. 2. Inuu ka caawiyo, kalana talliyo wasiirka fulinta iyo meel marinta hawlaha Wasaaradda iyo himilooyinkeeda.

  54. 3. In uu ka gacan siiyo wasiirka hawl kasta oo la xidhiidha hawlaha Wasaaradda si ay u muuqato in Wasaaraddu cagta ku hayso himilooyinka horumarineed ee loo igmadday.

  55. 4. In uu si ku meelgaadh ah u fuliyo xilka wasiirka marka uu maqanyahay ama gudan karri waayo xilkiisa, ama jagadu banaanaato hadaan si kale xeer u jideyn.

  56. 5. Marka ay jiraan in ka badan hal wasiiru dawle, hadaan Madaxweynuhu midkood si gaara ugu xilsaarin xilka Wasaaradda, wuxuu wasiirku midkood u sii xilsaari karaa sii wadida hawsha Wasaaradda, markuu maqanyahay. 6. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 24aad Xilka iyo Waajibaadka Wasiir Ku-Xigeenka Wasiirk kuxigeenku wuxuu:

  57. 1. Leeyahay xilka iyo waajibaadka wasiiru-dawlaha marka aan Wasaaraddu lahayn wasiiru dawle.

  58. 2. Ka caawiyo wasiirka hawlaha iyo shaqada Wasaaradda.

  59. 3. In uu qabto wixii uu u xilsaaro Wasiirku.

  60. 4. In uu ka madax noqon karo qayb ama waax marka wasiirku u igmado.

  61. 5. In uu qabtaa hawshii kale ee wasiirku u igmado.

  62. 6. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 25aad Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud Agaasimaha Guud oo ah madaxa maamul ee Wasaaraddiisa oo uu magacaabidiisa iyo xil ka qaadistiisa uu Madaxwaynuhu leeyahay xilkiisa iyo waajibaadkiisu waa

  63. 1. Fulinta barnaamijyada shaqo maalmeedka Wasaaraddiisa.

  64. 2. Daba-galka iyo qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha iyada oo la raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda

  65. 3. Xidhiidhinta Xarunta iyo Gobollada.

  66. 4. U soo gudbinta wasiirka warbixino ku saabsan halka shaqada Wasaaradddu marayso.

  67. 5. Xidhiidhinta iyo Dabagalka hawlaha horumarineed ee Wasaaradda.

  68. 6. Diyaarinta Qorshaha Wasaaradiisa.

  69. 7. Ka qaybgelida shirarka farsamo ee heer caalami ee loo xilsaaro.

  70. 8. Kor u qaadista sawirka ama muuqaalka hay’adiisa.

  71. 9. Diyaarinta iyo isku dubaridka miisaaniyadda Wasaaraddiisa isagoo/iyadoo la xidhiidhay, agaasimayaasha waaxaha, saraakiisha goboladda/degmooyinka ee sar sare iyo dadweynaha Wasaaraddu u adeegto marka ay lagama maarmaan noqoto si uu ugu gudbiyo wasiirka.

  72. 10. Kor-joogtaynta iyo hubinta isu dheelitirka dakhliga iyo kharashaadka.

  73. 11. Soo saarista xisaab xidh sannadeedka.

  74. 12. Qabashada shirarka shaqaalaha Wasaaradda. www.somalilandlaw.com Page 16 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  75. 13. Kormeerka waaxyaha iyo soo saaritaanka dhaliilaha shaqadda, iyo u soo gudbinta wasiirka Xubnaha mutaystay.

  76. 14. Xidhiidhiyaa/ xidhiidhisaa hawlaha shaqo ee todobaadlaha ah.

  77. 15. Hawlgelinta shaqaalaha iyo hubinta hawl gudashadooda iyo wixii kale ee xeer u xilsaaro.

  78. 16. Hirgellinta nidaamka diiwaangelinta waxqabadka shaqaalaha iyo joogtaynta ka warbixintooda.

  79. 17. Hawgelinta iyo hagidda gudiyada Wasaaraddiisa ee agaasinkiisa hoos yimaada.

  80. 18. Qorshaynta iyo diyaarinta tabo-barada shaqaalaha.

  81. 19. Dersidda baahida shaqaale ee Wasaaradda iyo soo jeedinta kor dhintooda.

  82. 20. Soo jeedinta magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada.

  83. 21. Kharashgaraynta kharaashaadka ku jira miisaaniyadda iyo mashaariicda.

  84. 22. Dejinta halbeegga waxqabad iyo kala sarraynta waxqabadka waaxyaha si loo joogteeyo abaal-marinta shaqaalaha.

  85. 23. Dejinta halbeegga shaqo wanaaga madaxda waaxyaha iyo shaqaalaha.

  86. 24. Dejinta halbeega waxqabadka iyo kala sareynta waxqabadka waaxyaha si loo joogteeyo abaalmarinta shaqaalaha.

  87. 25. Ka qaybgelida shirarka farsamo ee heer caalami ah.

  88. 26. Ka qaybgelida dejinta qorshaha qaranka isagoo ka wakiil ah wasaaradiisa.

  89. 27. Gudoominta gudida anshaxmarinta shaqaalaha wasaaradda.

  90. 28. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 26aad Ujeedooyinka Wasaaraddaha

  91. 1. Xukuumaddu waxay yeelanaysaa Wasaaraddaha lagama maarmaanka u ahxil gudashadeeda.

  92. 2. Wasaaraddaha waxaa loo qaabaynayaa islamarkaana loo hagayaa si ayu qorsheyn karaan una fulin karaan xilkooda iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee Xukuumadda. Qodobka 27aad Xilka iyo Waajibaadka Wasaaradda Madaxtooyada Xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Madaxtooyadu waa:

  93. 1. Diyaarinta, isku-dubaridida, ururintaiyo qorshaynta hawlaha madaxtooyada,

  94. 2. Diyaarinta warbixinada iyo ururinta xogta katimaada laamaha Xukuumadda

  95. 3. Ka caawinta Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada si ay ugutaan waajibaadkooda sida ugu wanaagsan,

  96. 4. Hubinta inay wadashaqeeyaan, si joogto ahna isagawar hayaan la- taliyayaasha Madaxweynaha.

  97. 5. Maamulida arimaha hab maamuuska ee Madaxweynaha.

  98. 6. Diyaarinta arimaha khuseeya amniga iyo ilaalada Madaxweynaha iyo amniga madaxtooyada.

  99. 7. Taageeridda iyo gacansiinta Guddiyada uu Madaxweynuhu magacaabay si ay u awooddaan inay shaqadooda u qabsadaan si tayo leh. www.somalilandlaw.com Page 17 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  100. 8. Hubinta iyo la socodka xisaabta iyo kharashaadka Madaxtooyada ee aanu si gaar ah u maamulin Madaxwaynuhu.

  101. 9. In uu ka caawiyo Golaha Wasiirrada iyo gudiyada hoos imanaya arimaha maamulka iyo xoghaynta.

  102. 10. Ururinta xogaha, go’aamada iyo warbixinaha kaa soo baxa shirarka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland.

  103. 11. Diyaarinta ajandayaasha kulanada Golaha Wasiirrada.

  104. 12. Dejinta Miisaaniyadda madaxtooyada.

  105. 13. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 28aad Wasaaradda Beeraha Iyada oo fulinaysa xilka Xukuumadda kasaaran dhiirigelinta wax soo saarka Beeraha, Xabagta iyo faleenka waxaa Wasaaradda Beeraha xilkeeda iyo waajibaadkeedu yahay:

  106. 1. Curinta sharciyadda, siyaasaddaha, halbeegyo iyoqorshayaal lagu horumarinaayo Beeraha Soomaliland.

  107. 2. U hawlgalka qorshaha Xukuumadda ee lagu gaadhi karo isku filaanshiiyo xaga cuntada ah.

  108. 3. Dhiirigelinta horumarka iyo isticmaalka tiknoolijiga ku haboon dhulbeereedka.

  109. 4. Asaasida iyo Maamulida adeeg fidsan oo wax ku ool ah Lana xidhiidha dhul beereedka.

  110. 5. Fududaynta suuqgeynta wax soosaarka kayimaada beeraha dalka.

  111. 6. Samaynta habab lagu ilaaliyo laguna maamulo siidhka (shinnida-abuurka).

  112. 7. Ka hortagga Cudurada ku dhaca Dalaga Beeraha.

  113. 8. Ilaalinta iyo xakamaynta raadka taban ee isticmaalka kimikalka loo isticmaalo Beeraha.

  114. 9. Joogtaynta ilaalinta tayada siidhka iyo bixinta ruqsadihiisa.

  115. 10. Dib u habaynta iyo fidinta macaahida (dugsiyada) tababarada iyo cilmibaadhista beeraha.

  116. 11. Bixinta taageero farsamo iyo mid tababar oo lasiiyo Beeraleyda si loo dhiso tayadooda isla markaana ayu gutaan waajibaadkooda ka saaran beeraha.

  117. 12. Bixinta shahaadada lahaanshaha Beeraha

  118. 13. Ka hortagga nabaad guurka ciidda beeraha 14. 15. La dagaalanka ayaxa iyo cayayaanka wax yeeleeya beeraha

  119. 16. Abuurista beero tijaabo ah

  120. 17. Soo saarista calafka xoolaha

  121. 18. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 29aad Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyadaoo Xukuumadda xil ka saaranyahaya mniga dalka iyo dadka, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Arimaha Guduhu waa: 1. diyaarinta istaratijiyada iyo siyaasadda arrihama gudaha iyo amniga wadanka

  122. 2. Ilaalinta amarka iyo kaladanbeynta.

  123. 3. Sugidda ammaanka muwadiniinta iyo anshaxa guud. www.somalilandlaw.com Page 18 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  124. 4. Hubinta xasiloonida iyo ammaanka muwaadiniinta iyada oo isku xidhaysa Lanakaashanaysa laamaha iyo ha’yadaha Xukuumadda.

  125. 5. Ka hortagga iyo ladagaalanka dambiyada iyo wixii keena.

  126. 6. Isku xidhka iyo isu duwidda hay’addaha amniga medeniga.

  127. 7. Ilaalinta marinada laga soo galo JSL ee xagacirka, badda iyo dhulka

  128. 8. Qaadista tallaabooyinka ammaanka ee muhiimka u ah ilaalinta diblomaasiyiinta iyo wufuuda booqashada ku jooga dalka, xarumaha dibloomaasiyiinta, hay’addaha iyo ururada caalamiga ah.

  129. 9. Bixinta adeega ammaanka xafladaha, dabaaldegyada iyo dhacdooyinka caamkaah.

  130. 10. Kahortagida daroogoyinka iyo waxyaalaha maandooriyaasha ah.

  131. 11. Bixinta ruqsadaha dhoofinta, soo dejinta iyo haysashada hubka fudud iyo walxaha qarxa.

  132. 12. Hirgelinta xeer-nidaamiyaayaasha maamulaya bixinta dhalashada, baasaaboorada iyo qoraalada rasmiga ah ee socdaalka.

  133. 13. U fududaynta dadka socdaalka ah kabixida dalka iyo soo gelistiisaba.

  134. 14. Hirgelinta go’aamada musaafirinta si sharciga waafaqsan

  135. 15. Soo saarista iyo hirgelinta qorshayaal iyo mashaariic lagu difaacayo shacabka xiliga nabada iyo dagaalka.

  136. 16. Habaynta iyo maamulka diiwaan gelinta dadka, iyo bixinta warqadaha aqoonsiga.

  137. 17. Aqoonsiga qaxoontinimada iyo magangelyada shisheeye si sharciga waafaqsan.

  138. 18. Qaadida talaabooyinka ammaan ee lagu xaqiijinayo, ammaanka, anshaxa iyo habsami u socodka doorashooyinka iyo hawlaha afti qaadista iyada oo isku xidhaysa hay’addaha kormeeraya anshaxa doorashooyinka.

  139. 19. Isku xidhkaXukuumadda dhexe iyo Gobollada iyo degmooyinka.

  140. 20. Lashaqaynta iyo kafaa’iidaysiga waayo arganimada Wasaaradda arrimaha gudaha dalalka aynu walaalahanahay iyo kuwa aynu saaxiibka nahay iyo ururada Gobollada iyo kuwa caalamiga ah ee kashaqeeya la dagaalanka dembiyada.

  141. 21. Diyaarinta istiraajiyada guud ee horumarinta ciidamada booliiska, ilaalada xeebaha iyo laanta socdaalka.

  142. 22. Diyaarinta iyo horumarinta xeerarka, istiraatiijiyadaha iyo siyaasaddaha maamulada Gobollada iyo degmooyinka.

  143. 23. Hogaaminta iyo xidhiidhinta siyaasaddaha maamul daadjinta oo ku dhisan Mabaadii’da maamul wanaagga.

  144. 24. Qabashada shaqo kasta oo xeerarka dalku u xilsaareen. 25. ku dabagalka hay’adaha amniga fulinta go’aamada ay soo saaraan maxkamaduduhu

  145. 26. Diiwaangelinta, maamulidda iyo hirgelinta madax-dhaqameedka jsl

  146. 27. Qiimaynta iyo dabagalka hay’adaha amniga

  147. 28. Diiwaangelinta iyo rusqadsiinta hay’adaha amniga ee gaarka loo leeyahay (private security companies)

  148. 29. Isku xidhka mashaariicda nabad gelyo iyo kuwa horumarinta hay’adaha caalamiga ah ka fuliyaan gobolada iyo degmooyinka dalka

  149. 30. Qorshaynta iyo kobcinta tacliinta iyo tababarada shaqaalaha xarunta, gobolada iyo degmooyinka.

  150. 31. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 30aad Wasaaradda Maaliyadda www.somalilandlaw.com Page 19 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Iyada oo xaqiijinaysa xilka Xukuumadda kasaaran kahortegidda in barwaaqadu ku koobnaato dad yar, isla markaana aanay dhalan dabaqado dhaqaale, kor u qaadida heerka nolosha, iyo guud ahaanba horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaa xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Maaliyadu yahay: -

  151. 1. Dejinta miisaaniyadda Xukuumadda

  152. 2. Fulinta iyo hirgelinta sharciyadda lagu hagayo maamulka maaliyadda Xukuumadda.

  153. 3. Samaynta iyo fulinta siyaasad maaliyadeed oo taabo gal ah.

  154. 4. Soo jeedinta iyo hirgelinta hannaan iyo xeerar korloogu qaado islamarkaana lagu ilaaliyo dakhliga Xukuumadda dhexe.

  155. 5. Ururinta cashuuraha.

  156. 6. Hubinta, bixinta cashuuraha aan tooska ahayn ee aysoo xereeyaan hay’addaha kale.

  157. 7. Korjoogtayn dhaqaalaha Xukuumadda ka soo gala bixinta saamiyada shirkadaha.

  158. 8. Samaynta iyo hirgelinta siyaasad lagu samaynaayo kaydka Somaliland.

  159. 9. Joojinta bixinta kharashaadka loo arko in aanay munaasib ahayn.

  160. 10. Isku dheelitirka kharashaadka iyo dakhliga Xukuumadda

  161. 11. Katalo bixinta dhammaan mashaariicda iyo barnaamijyada horumarineed ee u baahan taageero dhaqaale ka hor intaan la ogolaanin.

  162. 12. Katalo bixinta iyo maamulida dhammaan daymaha dibada laga qaato.

  163. 13. Ilaalinta hantida guurta iyo samaynta diiwaan dhexe oo lagu kaydiyo xogta hantida;

  164. 14. Bixinta taageero farsamo oo la xidhiidha maaliyadda oo ay siiso laamaha Xukuumadda.

  165. 15. Dejinta siyaasadda iyo istiraajiyadda dhaqaale ee dalku leeyahay oo lagu salaynayo Mabaadi’da suuqa xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareed iyo hantida Xukuumadda.

  166. 16. Curinta xeerarka maaliyadeed.

  167. 17. In ay xaqiijiso in fursadaha dhaqaalaha si cadaalad ah iyo sinaan ah loo qaybiyo.

  168. 18. Fulinta wixii shaqo ah ee xeerarka dalku u xilsaareen.

  169. 19. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 31aad Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Iyada oo gudanaysa xilka Xukuumadda kasaaran wax soo saarka xoolaha nool isla markaana dhawraysa muhiimada istiraa-ti-jiyadeed ee xoolaha nooli u leeyihiin Xukuumadda waxaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha xil ka saaranyahay: -

  170. 1. Curinta sharciyo, xeernidaamiyaal, siyaasado iyo halbeegyo lagu horumarinayo xoolaha JSL.

  171. 2. Dhiirigelinta fursadaha maalgashi ee adeegyada xoolaha JSL

  172. 3. Dejinta siyaasad iyo qorshe hawleed lagu ilaalinayo islamarkaana lagu horumarinayo caafimaadka xoolaha iyo tayaynta wax soo saarka xoolaha.

  173. 4. Isku xidhka xidhiidhka Hay’addaha heer Gobol, heer Degmo iyo kuwa Caalamiga ah ee ku hawlan xoolaha iyada oo la siinaayo taageero farsamo sidii looga hortegi lahaa hababka taranka xoolaha ee aan waafaqsanayn shuruucda JSL.

  174. 5. Dhawridda iyo ilaalinta xuquuqda Xoolaha ee aan ka horimanayn shareecadda Islaamka.

  175. 6. Ka hortagga dhoofinta xoolaha dhedig.

  176. 7. Kahortagga cudurada xoolaha ee xuduudaha isaga talaaba. www.somalilandlaw.com Page 20 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  177. 9. Hirgelinta, iyo kor u qaadista tayada MAXJARADA, XERO-GUULADA (holding grounds), IYO Rugaha caafimaadka xoolaha gaar ahaan kuwa xuduudaha.

  178. 10. Daryeelka iyo kobcinta xoolaha nool iyo wixii ka soo baxa sida Cadka, Caanaha, Subaga, Saamaha iyo Haraga.

  179. 11. Shahaado-siinta caafimaad-qabka dhoofinta, iyo Isticmaalka gudaha Xoolaha iyo wixii laga soo saaro.

  180. 12. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 32aad Wasaaradda Tamartaiyo Macdanta Iyada oo fulinaysa xilka iyo waajibaadka Xukuumadda ka saaran ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waa:

  181. 1. Dejinta siyaasadda Xukuumadda ee ku waajahan sidii loo sahamin lahaa isla markaana looga faa’iidaysan lahaa khayraadka dabiiciga ah eedalka.

  182. 2. In la xaqiijiyo in lagafaa’iidaysto ilaha xoogga Tamarta Biyaha iyo ilaha kale, ee Tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

  183. 3. Horumarinta Arrimaha khuseeya daahfurida Saliidda, Macdanta iyo khayraadka kale ee dhulka ku duugan marka laga reebo biyaha.

  184. 4. Ilaalinta, isticmaalka iyo maamulka khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

  185. 5. Horumarinta iyo hirgelinta siyaasaddaha iyo isti-raati-jiyada lagu horumarinayo curinta awoodda tamareed badan.

  186. 6. Isku dubaridka iyo dajinta hal-beegyada shaqo ee looga baahan yahay mashaariicda awoodda korontada laga dhaliyo ee magalooyinka iyo miyiga Somaliland.

  187. 7. Horumarinta, fududaynta, dammaanad qaadida iyo tageerida adeegsiga tamarta la cusboonaysiiyo iyo khayraadka kale si ay u isticmaalaan dadweynaha Somaliland

  188. 8. Bixinta ruqsadaha aqoonsiga shirkadaha shidaalka.

  189. 9. Horumarinta cilmi-baadhista tiknoolajiyadda xagga tamarta.

  190. 10. Isku duba ridka iyo dajiinta halbeegyada shaqo ee looga baahan yahay mashariicda awoodda korantada curinta iyo u gudbinta Magaalooyinka, Miyiga Dalka Somaliland.

  191. 11. Bixinta ruqsadaha ogolaanshaha Shirkadaha sahminta Shidaalka iyo Macdanta.

  192. 12. Horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha istarajiyada lagu horumarinayo curinta awooda tamareed oo badan.

  193. 13. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 33aad Wasaaradda Biyaha Iyadaoo Xukuumadda xil ka saaranyahayin muwaadiniintu helaan biyo kufilan oo nadiif ah, xilkaiyo waajibaadka Wasaaradda Biyahu waa:

  194. 1. Kafaa’idaynta khayraadka Biyaha Dalka.

  195. 2. Qeexidda siyaasadda Xukuumadda ee biyaha Qaranka.

  196. 3. Inay xaqiijiso in qofkasta oo muwadin ahi helo biyo nadiifa oo ku filan.

  197. 4. Dejinta siyaasadda iyo halbeegyada maalgelinta biyaha

  198. 5. Kormeeridda, fulinta shuruucda iyo maaraynta arimha khuseeya ka hortagga iyo xakamaynta sadhowga biyaha. www.somalilandlaw.com Page 21 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  199. 6. Qiimaynta, qorshaynta, xidhiidhinta iyo samaynta istiraati-jiyado iyo siyaasado la xidhiidha biyaha

  200. 7. Dejinta siyaasadda Xukuumadda ee lagaga faaiidaysanayo biyo roobaadka

  201. 8. Samaynta iyo hirgelinta nidaamyo farsamo iyo kuwo aan farsamo ahaynba ee hal- beegyada biyaha si loo ilaaliyo tayada ad eegsiga biyaha iyada oo la adeegsanayo aqoon, qalab iyo farsamo ku haboon.

  202. 9. Bixinta ruqsadaha shirkadaha biyo soo saarka.

  203. 10. Bixinta ruqsadaha biyo soo saarka.

  204. 11. Samaynta biyo xidheeno si looga faa’iidaysto qulqulka biyaha ee bada ku darsama sanad kasta.

  205. 13. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka Dalku. Qodobka 34aad Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka Iyada oo gudanaysa mas’uuliyadda Xukuumadda ka saaran Dhulka oo ah hantika dhexaysa ummada iyo ilaalinta hantida Guud waxaa waajib ka saaranyahay:

  206. 1. Samaynta siyaasado, halbeegyo iyo xeer hoosaadyo lagu maamulaayo guud ahaan dhulka magaalooyinka iyo dhismayaasha.

  207. 2. U hawlgelidda sidii laamaha Xukuumaddu u heli lahaayeen rugo Xukuumadeed oo ay ku gutaan waajibaadkooda Xukuumadda isla markaana loo joogtayn lahaa dayactirkooda.

  208. 3. Dejinta iyo kormeerida nashqadaynta magaalooyinka

  209. 4. Maamulidda hantida maguurtada ah ee Xukuumadda

  210. 5. Dayactirka iyo dhisidda Guryaha iyo Gaadiidka Xukuumadda.

  211. 6. Xadidaada halbeegga dhismaha iyo kormeerka dhismaha, si looga badbaadiyo muwaadinka halista dhismaha.

  212. 7. Maamulka iyo habaynta wado marista dalka iyo bixinta ogolaanshiiyaha ruqsadaha Gaadiidka dhulka.

  213. 8. Abuuridda Diiwaanada Heer-gobol, Degmo iyoXukuumadda ee hantida maguurtada ah.

  214. 9. Qiimaynta iyo aqoonsiga Injineerada dhismaha.

  215. 10. Qorshaynta iyo dejinta siyaasaddaha gaadiidka

  216. 11. Ruqsad siinta shirkadaha dhismayaasha,

  217. 12. Dabagalka iyo la socodka shaqada shirkadaha dhismaha iyo dhismayaasha.

  218. 13. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka35aad Wasaaradda Ganacsiga Iyada oo Xukuumadda xil ka saaranyahay, dhiirigelinta maalgashiga, horumarinta ganacsiga dalka iyo ku xidhidda ganacsiga caalamiga ah xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Ganacsigu waa:

  219. 1. Dejinta iyo kormeerida siyaasaddaha horumarinta ganacsiga

  220. 2. Dejinta siyaasadda hagaysa heshiisyada ganacsi ee Xukuumaddu dhinac ka tahay.

  221. 3. Bixinta dhammaan ruqsadaha (licence) ganacsi.

  222. 4. Diyaargaraynta warbixin farsamo iyo mid ganacsi si loo kobciyo fursadaha ganacsi ee maal gashiga gaar ahaaneed. www.somalilandlaw.com Page 22 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  223. 5. Dhiirigelinta dhoofinta wax soo saarka Somaliland;

  224. 6. Dhaqangelinta xeerarka ganacsiga.

  225. 7. Bixinta taageero farsamo iyo mid tababar oo lasiiyo Gobollada iyo Degmooyinka iyo Haya’adaha Ganacsiga ku shaqo leh si loo dhiso aqoontooda si ayu gutaan masuuliyadooda sida kuqeexan Dastuurka.

  226. 8. Diiwaangelinta shirkadaha ganacsi

  227. 9. Dhiirigelinta maalgashiga shisheeye

  228. 10. Lasocodka isbedelada ganacsi ee dunida iyo ka warbixintooda

  229. 11. Isku xidhka ganacsiga dalka iyo ka debedda,

  230. 12. Fududaynta wax soo saarka gudaha si uu u gaadho suuqyada dibedda

  231. 14. Ka talo bixinta ruqsadaha iyo tacaariifta laga qaado ganacsatada.

  232. 15. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 36aad Wasaaradda Wershadaha Iyada oo ka duulaysa xilka ka saaran Xukuumadda dhiirigelinta wershedaha ku shaqeeya waxsoosaarka wadaniga ah xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Wershaduhu waa:

  233. 1. Dejinta siyaasadda wershedaynta dalka.

  234. 2. Maaraynta caqabadaha soo wajaha barnaamijka wershedaynta.

  235. 3. Ku ilaalinta wershedlayda fulinta siyaasadda deegaanka, xeerarka iyo halbeegyada maaraynta wasakhda hadhaaga wershadaha

  236. 4. Dejinta iyo korjoogtaynta siyaasadda hahorumarinta warshadaynta iyo ku dhiirigelinta ganacsatada maalgashiga wershedaha.

  237. 5. Curinta istraati-jiyadda, sharciyo iyo xeerar lagu dhiirigelinayo wax soosaarka warshadaha yar yar.

  238. 6. Taabo-gelinta xeerarka loo adeegsado nidaamka hawlaha shaqo ee wershadaha

  239. 7. Hubinta halbeegyda badqabka ee wershada hagudohooda.

  240. 8. Dhiirigelinta iyo kobcinta farsamooyinka wadaniga ah

  241. 9. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 37aad Wasaaradda Caafimaadka Iyada oo fulinaya waajibka Xukuumadda ka saaran ka-ha-qabtirka dalka qalabka ka- hortagga cudurada faafa, helitaanka daaweyn lacag la’aanah iyo daryeelka fayo dhawrka guud, horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka gaarka ah, xilkaiyo waajibaadka Wasaaradda Caafimaadku waa:

  242. 1. Dejinta siyaasadda daryeelka caafimaadka guud ee dalka.

  243. 2. Dejinta siyaasad lagaga bixikaro kutiirsanaanta daawada dibada.

  244. 3. Si loo xaqiijiyo horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka, waxaa xil ka saaran yahay Abuuridda, dhiirigelinta dhismaha xarumo caafimaad iyo korjoogtayntooda.

  245. 4. Abuuridda iyo dhiirigelinta xarumaha barashada culuumta laxidhiidha caafimaadka.

  246. 5. Samaynta xarun lagu hubiyo tayada daawooyinka iyo isticmaalkoodaba.

  247. 6. Ka haqabtirka dalka qalabka ka hortagga cudurada faafa iyo xakamaynta cudurada faafa. www.somalilandlaw.com Page 23 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  248. 7. Xaqiijinta in muwaadiniintu helaan daaweyn lacag’la’aan ah.

  249. 8. Xaqiijinta daryeelka fayodhawrka guud.

  250. 9. Curinta xeerarka dalku u baahanyahay ee lagu ilaalinayo caafimaadka muwaadiniinta

  251. 10. Dejinta halbeegyo, xeernidaamiyayaal iyo hagayaal hawlaha caafimaadka

  252. 11. Isku xidhka barnaamijyada xakamaynta, daaweynta iyo la dagaalanka cudurada HIV/AIDS, Qaaxada iyo Duumada iyo cudurada bulshada khatarta ku ah ee soo kordha

  253. 12. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 38aad Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo, horumarinta, balaadhinta iyo faafinta aqooonta xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waa:

  254. 1. Dejinta siyaasadda Xukuumadda ee lagu tirtirayo aqoon la’aanta islamarkaana kor loogu qaadayo heerka aqooneed ee muwaadiniinta.

  255. 2. Xaqiijinta in dalku helo kaadirka aqoonyahan ee uu u baahanyahay isla markaana gaadho hiigsiga wax-barasho ee suntan.

  256. 3. Dejinta manaahiijta heerarka kala duwan ee xarumaha waxbarashada Xukuumadda iyada oo lagu salaynayo diinta islaamka, waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.

  257. 4. Barbaarinta aqoonyahan leh akhlaaq, dad iyo dal jacayl.

  258. 5. Samaynta siyaasadda lagu horumarinayo waxbarashada dadka waaweyn, isla markaana lagu tirtirayo qoris iyo akhris la’aanta dadka waaweyn.

  259. 6. Arimaha tacliinta sare ee dalka

  260. 7. Dajinta siyaasadda guud ee tacliinta sare, waxayna kormeeraysaa nidaamka tacliinta sare ee dalka

  261. 8. Dhaqan-gelinta siyaasadda haxukuumadda ee la xidhidha tacliinta sare, waxayna dajinaysaa nidaamkooda iyo qorshayaashooda

  262. 9. Fidinta tacliinta sare, waxayna u gudbinyasaa wixii talooyin ah ee ku saabsan arimaha tacliinta sare xukuumadda

  263. 10. Horumarinta sidii sisiman loogu heli lahaa fursadaha waxbarashada.

  264. 11. Xoojinta hirgelinta iyo dhismaha kaabayaasha waxbarashada.

  265. 12. Aasaasida macaa-hidda waxbarshada sare taas oo saamaxaysa in la helo dad xirfad leh.

  266. 13. Bixinta adeegyo la siiyo dugsiyada dadka maskax ahaan iyo/ama jidh ahaanba naafada ah.

  267. 14. Xoojinta kaalinta dhaqanka suuban ee dalkeenu ku leeyahay heerarka kala duwan ee laamaha waxbarashada.

  268. 15. Inay hirgeliso waxbarashada dhaqaalaha qoyska, dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah ee dumarka.

  269. 16. In manhajka dugsiyada waxbarashada lagu daro (aqoonta farsamada.

  270. 17. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 39aad Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta www.somalilandlaw.com Page 24 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Iyadaoo ka duulaysa waajjibaadka Xukuumadda iyo muwaadin kasta ka saaran adkaynta midnimada ummada, ilaalinta midnimada iyo difaaca dalka, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelintu waa: -

  271. 1. Samaynta siyaasad guud oo kor loogu qaadayo wacyiga iyo heerka garaadka wadaniyadeed ee muwaadiinta reer soomaliland.

  272. 2. In muwaadiniinta ku wacyi geliso, gudashada waajibaadka ka saaran bixinta cashuurta, ilaalinta deegaanka, Dhawridda dastuurka iyo xeerarka dalka.

  273. 3. Dammaanad qaadida saxaafad xor ah oo ka duusha, mabaadi’da islaamka, qiyamka iyo hidaha suuban ee ummadeena.

  274. 4. Horumarinta idaacadaha, wargaysyada, shabakadaha “internet” iyo muuqaal araga “TVga” dawliga ah iyo kuwa madax banana.

  275. 5. Bixinta ruqsadaha warbaahinta gaarka loo leeyahay.

  276. 6. Dhiirigelinta warbaahin Xukuumadda iyo dadku wada leeyihiin si loo helo warbaahin tayo leh oo xor ah.

  277. 7. Ku wacyigelinta muwadiniinta jacaylka iyo difaaca dadka, diinta iyo dalka.

  278. 8. Abuuridda iyo qaabaynta ra’yal caamka bulshada, iyada oo lagu salaynayo dhaqanka suuban ee ummadeena ee soo jireenka ahaa, isla markaana, lagu baraarujinayo caadooyinka iyo dhaqamada aan ku dhisnayn diinta islaamka iyo dhaqankeena.

  279. 9. Dejinta siyaasadda Xukuumadda ee ku wajahan dhiirigelinta, Dhawridda iyo ilaalinta dhaqanka Soo jireenka ah ah ee dalka.

  280. 10. Iyada oo la dhawrayo aadaabta islaamka, waxaa xil ka saaran yahay, horumarinta suugaanta iyo dhiirigelinta hal’abuurka, fanka iyo cayaaraha wadanigaah,

  281. 11. Horumarinta hiddaha iyodhaqanka suuban ee bulshada.

  282. 12. Ladagaalanka iyo tirtirista caadooyinka wax u dhimaya diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka.

  283. 13. Samaynta iyo dhiirigelinta carwooyinka dhaqanka.

  284. 14. Ka hor tigeda iyo u jawaabid dagaalada warbaahineed ee dibada ka soo waajaha Somaliland.

  285. 15. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 40aad Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Iyada oo kaduulaysa mabaadi’da arrimaha dibada ee Dastuurka JSL, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamigaahi waa:

  286. 1. Metelaadda iyo qaabaynta siyaasadda arrimaha dibadda ee JSL.

  287. 2. Horumarinta xidhiidhka iyo iskaashiga caalamigaah

  288. 3. Kor u qaadidda iyo horumarinta xidhiidhka wadamada dibada.

  289. 4. Ka talo siinta Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada iyo Baarlammaanka Somaliland Arimaha Dibloomasiyada.

  290. 5. Inay ka qaybqaadato sidii wixii khilaafad siyaasadeed ah loogu xalin lahaa dariiq nabadeed iyo wadahadal.

  291. 6. Inay u hawl gasho sidii Dawladdaha mandaqada ugadhex abuuri lahayd, is afgarad, isku soo dhowaansho iyo jewi nabadeed.

  292. 7. Gudashada xilka wadahadalada wadamada iyo hay’addaha caalamiga ah iyada oo kaashanaysa Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee ay khusayso.

  293. 8. Daba gelida heshiisyada udhexeeya Somaliland iyo wadamada shisheeye. www.somalilandlaw.com Page 25 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  294. 9. Qaabilidda madaxda iyo wufuudda dalalka aynu saaxiibka nahay iyada oo siinaysa wacyigelin ku saabsan dhaqanka iyo xeerka dalka inta ay joogaan.

  295. 10. Samaynta hab kala war qaadasho oo lala yeesho safaaradaha caasimadda u fadhiya wadamada kale, hay’addaha Qaramada Midoobay iyo ururada caalamigaah ee aan dawliga ahayn.

  296. 11. Isku xidhka ergooyinka dalka u fadhiya dalka dibadiisa.

  297. 12. Dejinta Siyaasada arimaha dibbada (Somaliland foreign policy) ee heer gobol iyo caalamiba

  298. 13. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 41aad Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Iyada oo fulinaysa xilka Xukuumadda ka saaran horumarinta iyo dhiiri gelinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga si loo helo dhalinyaro jidh ahaan iyo maskax ahaanba Caafimaad qabta xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waa:

  299. 1. Dejinta siyaasadda iyo istaraatijiyadda Xukuumadda ee ku wajahan dalxiiska.

  300. 2. Qaabaynta qorshayaasha iyo barmaamijyada lagu dhiirigelinaayo laguna horumarinaayo dalxiiska Somaliland.

  301. 3. Samaynta barmaamijyo iyo habab daryeel oo lagu ilaalinayo duurjoogta kunool xeryaha dalxiiska.

  302. 4. Xadaynta goobaha dalxiiska iyo dhisidda kaabayaal ku dhow dhulka loo dalxiis tago.

  303. 5. Dhiirigelinta dalxiiska gudaha.

  304. 6. Ilaalinta aasaarta (soojireenka) iyo mad-xafyada JSL.

  305. 7. Aasaasidda iyo daryeeliddea mad-xafyadda iyo aasaarta (soo jireen) somaliland;

  306. 8. Isku xidhka iyo Taageeridda ururada ciyaaraha;

  307. 9. Isku xidhidda cayaaraha iyadoo kaa shanaysa Wasaaradda waxbarshada.

  308. 10. U abuuridda dhalinyarada xirfado shaqo iyo baridda xirfadaha 11. dejinta siyaasaddaha guud ee ciyaaraha 12. dejinta siyaasadda horumarinta dalxiiska JSL

  309. 13. Dejinta iyo fulinta siyaasadda horumarinta dhalinyarada

  310. 14. Isku duwidda hawlaha ku aadan horumarinta iyo taakulaynta dhalinyarada.

  311. 15. Maamulka iyo Horumarinta Garoomada iyo Xarumaha Ciyaaraha.

  312. 16. Ka hortaga iyo ka wacyigelinta dhalinyarada caqabadah ka oo waajaha wadanka gudihiisa sida Tahriibka, shaqo la’aanta iyo balwadaha iyada oo kaashanaysa haayada/wadsaaradaha ay khusayso ee dawladda.

  313. 17. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 42aad Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Iyada oo la dhawrayo xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta ee isgaadhsiinta, isla markaana la fulinayo waajibaadka Xukuumadda ka saaran sidii muwadiniintu xuquuqdooda is gaadhsiineed ee dastuuriga ah ugu fududayn lahayd kafaa’iidaysigooda xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu waa:

  314. 1. Samaynta iyo dejinta siyaasadda, iyo isti-raati-jiyada Xukuumadda iyo xeerarka lagu maamulayo isgaadhsiinta dalka islamarkaana lagu ilaalinayo xuquuqda iyo xoriyadda isgaadhsiinta muwadiniinta. www.somalilandlaw.com Page 26 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  315. 2. Samaynta siyaasadda boosaha dalka

  316. 3. Maamulidda nidaamka boostada dalka

  317. 4. Maamulida hirarka dalka, kobcinta dakhliga iyo takaalifta ku waajibtay shirkadaha.

  318. 5. Bixinta ruqsadaha isgaadhsiinta dalka.

  319. 6. Maamulidda xidhiidhka isgaadhsiineed ee ka dhexeeya isgaadhsiinta Xukuumadda iyo ta gaarka ah.

  320. 7. Dhiirigelinta iyo Taageeridda cilmibaadhisyo xagga tignoolajiyadda isgaadhsiinta ah.

  321. 8. Dhiirigelinta xidhiidhka heer gobol iyo kan heer caalami ee iskaashiga iyo ka ganacsiga isgaadhsiinta.

  322. 9. Kormeeridda adeegyada ay bixiyaan dadka ku hawlan isgaadhsiinta.

  323. 10. Dhiiri gelinta iskaashiga Xukuumadda iyo ganacsatada si dadku u helaan adeeg isgaadhsiineed.

  324. 11. Horumarinta siyaasadda guud ee isgadhsiinta iyo farsamada xogta casrigaah ee Somaliland.

  325. 12. Kormeerka fulinta iyo dhaqan gelinta xeerka isgaadhsiinta, siyaasadda iyo qorshaha isgaadhsiinta

  326. 13. Wasaaradddu waxay horumarinaysaa isti-raatrjiyadda lagu fidin karo baaxadda adeegga isgadhsinta casriga ah si ay ula jaan qaado horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland.

  327. 14. Wasaraddu waxay bulshada ku wacyi galineysaa mudnaanta iyo kaalinta isgadhsiinta iyo helidda farsamada xogtu ku leeyahiin kobcinta dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo il-baxnimada dalka.

  328. 15. Samaynta fure u gaar ah Somaliland.

  329. 16. Ka shaqaynta sidii loo midayn lahaa shirkadaha isgaadhsiiinta ee gaarka loo leeyaha si looga dhiga in qofku hal telefoon kawada waci karo dhamaan shirkadaha.

  330. 17. Dhexdhexaadinta iyo kala xadaynta xad gudubyada isticmaalka hirarka).

  331. 18. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 43aad Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Iyada oo fulinaysa in mudnaan gaar ah la siiyo, Ilaalinta iyo fayo qabka deegaanka oo aasaas u ah caafimaadka bulshada iyo dhawrista khayraadka dalka, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu waa:

  332. 1. Inaymudnaan gaarah siiso ilaalinta iyo fayo qabkadeegaanka oo aasaas u ah caafimaadka bulshada.

  333. 2. Dejinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan ilaalinta iyo horumarinta deegaanka;

  334. 3. Dejinta barnaamijyo lagagahortegayo islamarkaana lagu xakameeyo masiibooyinka halista ku ah dadka iyo deegaanka.

  335. 4. Qoondaynta iyo ilaalinta seerayaasha iyo dhul daaqsimeedka

  336. 5. Dejinta hanaan lagu ilaaliyo duurjoogta iyo shimbiraha

  337. 6. Hirgelinta xarumo cilmibaadhiseed oo lagu daraaseeyo masiibooyinka iyo wax kaqabadkooda.

  338. 7. Dejinta ku talo-galka siyaasadda Xukuumadda ee aafooyinka sida abaaraha, duufaanada, cudurada faafa dhul gariirka iyo dagaalada iyad oo la kaashanaysa hay’adaha kale ee ay khusayso.

  339. 8. Ka hortagga iyo xakamaynta wasakhaynta deegaanka. www.somalilandlaw.com Page 27 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  340. 9. Ka hortagidaa xaalufka iyo nabaad guurka iyadoo ciidda iyo dhirtaba la daryeelayo islamarkaana la qorshaynayo habsami u isticmaalka dhul daaqsimeedka iyadoo la kaashanaysa hay’adaha kale ee ay khusayso.

  341. 10. Hubinta iyo fududaynta in adeegyada aasaasiga ahi gaadhaan dadka reer guuraaga ah

  342. 11. Xaqiijintain siyaasadda Xukuumaddu u adeegto danta reer guuraaga.

  343. 12. Samaynta daraasado la xidhiidha raadaynta cimilada ee degaanka.

  344. 13. Ka hor taga iyo joojinta carro guurka iyo jeex jeexa dhulka.

  345. 14. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 44aad Wasaaradda Gaashaandhigga Iyada oo laga duulayo waajibka Xukuumadda ka saaran ilaalinta iyo difaaca madaxbanaanida dalka, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Gaashaandhigu waa:

  346. 1. Ilaalinta iyo difaaca dadka iyo dalka JSL iyada oo uga wakiil ah Xukuumadda.

  347. 2. Ilaalinta xuduudaha JSL.

  348. 3. Ilaalinta heshiisyada nabadda ee caalamiga ah iyo bixinta dammaanadda Nabadda dadka JSL

  349. 4. Fulinta siyaasaddaha difaaca iyo qorsheyaasha Xukuumadda JSL.

  350. 5. Tayaynta iyo qaabaynta difaaca Qaranka iyada oo loo qaabaynayo si joogto ah iyo si xirfadeed oo ah hab ku haboon Ciidanka Qaranka.

  351. 6. Inay Ciidanka Qaranka ka dhigto kuwo ka guulaysta inay ka ilaaliyaan Qaranka khatar kaga iman karta cadowga debedda iyo kan gudahaba

  352. 7. Maamulidda iyo diyaarinta Miisaaniyadda gaashaandhiga.

  353. 8. Tageeridda dadka rayidka ah marka ay jirto masiibo dabeeci ah.

  354. 9. Ka difaacidda JSL weerar kaga imanaya debedda.

  355. 10. Sugitaanka haysashada hubka iyo ciidanka lagaga hortegi karo khataraha dibedda iyo gudahaba kaga iman kara Qaranka.

  356. 11. Dejinta iyo xidhiidhka siyaasadda difaaca Qaranka

  357. 12. Xidhiidhka iyo taabo-gelinta barnaamijyada difaaca Qaranka.

  358. 13. Kormeeridda iyo qiimaynta hawlaha difaaca Qaranka.

  359. 14. Hubinta helitaanka shaqaalaha ku habboon gudashada hawlaha difaaca Qaranka.

  360. 15. Horumarinta iyo kor u qaadidda tayada shaqaalaha gaashaandhiga

  361. 16. Jihaynta naafada gaashandhiga (reintegration programmes).

  362. 17. Ka gacan siinta xukuumadda sugidda nabadgelyada gudaha iyo wax ka Qabashada aafooyinka dabeeciga ah.

  363. 18. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 45aad Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Iyada oo xukuumaddu fulinaysa xilka Xukuumadda ka saaran horumarinta habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha iyo daryeelka qaybaha bulshada ee baylahsan, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada waa:-

  364. 1. Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwaajahan shaqo abuurista iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. www.somalilandlaw.com Page 28 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  365. 2. Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha habka taakulaynta, Caymiska, badbaadinta shaqaalaha iyo xoojinta hay’addaha ku shaqada leh.

  366. 3. Inay ku dadaasho in ay is-afgarad ka dhex abuurto shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha.

  367. 4. Dejinta iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee kuwajahan daryeelka, xanaanaynta iyo waxbarashada naafada, hooyada, dhalaanka iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaala qaadata.

  368. 5. Ka hortagga in muwaadinka lagu khasbo shaqo.

  369. 6. Abaabulitaanka Bulshada si ay isu garabsadaan.

  370. 8. Taakulaynta iyo ilaalinta dumarka, caruurta iyo dhammaan dadkanugul.

  371. 9. Xalinta khilaafaadka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha (labor dispute)

  372. 10. Ilaalinta fursahada shaqo qorista hay’adaha (wadaniga iyo kuwa caalamiga ahba), shirkadaha, warshadaha iyo hoteelada.

  373. 11. Habeynta, gacansiinta xidhiidhka ururada shaqaalaha ee heer qaran

  374. 12. Gacan ku heynta xarumaha dhaqan celinta iyo daryeelka caruurta.

  375. 13. Xidhiidhinta/horumarinta hay’adaha ka hawl gala adeega bulshada iyo dabagalka xilgudashadooda shaqo si looglu warbixinyo waxaa ay wadanka ka qabtaan.

  376. 14. Hagida iyo horumarinta lamaanaha (gender).

  377. 15. La dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo caruurta sida tacadiyada galmada ee haweenka loo gaysto, ka hortiga takoorida dadka nugul, ka hortiga iyo la dagaalanka tacadiyada jinsiga ah iyo shaqaalayntq caruuurta.

  378. 16. Xilka iyo waajibaadka uu saaray Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ama xeerarka kale ee dalku. Qodobka 46aad Wasaaradda Cadaaladda Iyada oo la fulinayo waajibaadka xukuumadda ka saaran sugidda xuquuqaha iyo xorriyadaha Dastuurku dammaanad-qaaday, meel-marinta ku-dhaqanka sharciga (rule of law), horumarinta adeegyada cadaaladeed iyo xaqiijinta u-sinnaanteeda xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Cadaaladda waa: -

  379. 1. Dejinta siyaasadaha qaran ee lagu horumarinayo, laguna tayaynayo adeegyada cadaaladeed iyo Kala-shaqaynta Bahda Cadaaladda meel-marinta siyasadahaas iyo la socodka shaqadood;

  380. 2. Xidhiidhinta, horumarinta hay’adaha bixiya adeegyada cadaaladeed iyo ku-ilaalinta gudashada xilkooda;/ka warbixinta xilgudashadooda.

  381. 3. Qiimaynta wax-qabadka iyo ka-war-haynta dhibaatooyinka haysta ama la soo dersa hay’adaha Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda, ka-talo-bixinta sida wax looga qaban karo iyo uga war-bixinta xaaladda hay’adahaa Madaxweynaha iyo Goleyaasha Siyaasadeed ee Qaran;

  382. 4. Kor-u-qaadista fursad-u-helista cadaaladda iyo xaqiijinta u-sinnaanteeda;

  383. 5. Qiimaynta, isu-duwidda, kormeeridda iyo tayaynta adeegyada kaalmada sharci iyo hubinta helitaankooda ee dadka u baahan ee aan kharashyada adeegyadaa iska bixin Karin;

  384. 6. Fulinta go’aammada maamul ee Guddida Cadaaladda;

  385. 7. Ku-baraarujinta Hay’adaha Bahda Cadaaladda xaaladaha khilaafsan Xuquuqda iyo Xoriyaadka Dastuuriga ah.

  386. 8. Bixinta ruqsadaha mihnedleyaasha sharciga (legal professionals) iyo horumarintooda; www.somalilandlaw.com Page 29 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  387. 9. Xaqiijinta ixtiraamista, ilaalinta iyo dhawrista xuquuqaha aasaasiga ah iyo xorriyadaha Dastuuriga ah.

  388. 10. Ka-war-haynta xaaladda guud ee cadaaladda dalka iyo soo-diyaarinta barnaamijyada iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo hay’adaha bixiya adeegyada cadaaladeed iyadoo lala tashanayo madaxda hay’adahaas;

  389. 11. Dejinta nidaamka xabsiyayn oo la jaan-qaada Dastuurka, qawaaniinta caalamiga ah iyo heerarka tayo ee guud ahaan la aqoonsan yahay;

  390. 12. Ku-wacyi-gelinta dadweynaha xuquuqdooda iyo waajibaadyadooda;

  391. 13. Horumarinta shuruucda dalka sida Dastuurka iyo xeerarka uu adeegsado garsoorku, iyadoo la tashanaysa daneeyeyaasha kale;

  392. 14. Qabashada codsiyada shisheeye ee lagu doonayo soo-celinta dembiile iyo kuwa lagu doonayo aqoonsiga xukunnada ciqaabeed ee shisheeye iyo u-dirista codsiyo noocaas oo kale ah hay’adaha dhiggeeda ah ee dawlad shisheeye, ka-dib markay hay’adaha ku shaqada leh ka hesho qoraallo dhammaystiran oo arrimahaas la xidhiidha;

  393. 15. Qabashada iyo ka-go’aan-gaadhista codsiyada shisheeye ee lagu doonayo soo- wareejinta maxbuus xukuman oo ku xidhan Somaliland una dhashay ama xidhiidh dhaw la leh dalkaa shisheeye, amaba u-dirista codsiyo kuwaa la mid ah dawlad shisheeye oo ay ku codsanayso u-soo-wareejinta Somaliland maxbuus xukuman oo ku xidhan dalkaa shisheeye una dhashay ama xidhiidh dhaw la leh Somaliland;

  394. 16. Qabashada wixii kale ee xeer kale awood u siiyo.

  395. 17. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 47aad Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Tiknoolajiyadda Iyada oo la xoojinayo xidhiidhka wada-shaqayneed ee dastuuriga ah ah, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyaddu waa:-

  396. 1. Isku xidhka iyo ka shaqaynta wada shaqaynta golaha Xukuumadda iyo golayaasha xeer-dejinta

  397. 2. Ka shaqaynta sidii loo meelmarin lahaa hawlaha Xukuumadda ee horyaal goleyaasha xeer dejinta.

  398. 3. Isku dubaridka hawlaha lagama maarmaanka u ah ansixinta madaxda sar sare ee Xukuumadda ee madaxwaynuhu magacaabo ee ubaahan ansixinta golaha wakiilada.

  399. 4. Kala talinta madaxwaynaha iyo Xukuumadda arimaha kayimaadda goleyaasha xeer- dejinta.

  400. 5. U diyaar garaynta golaha Wasiirrada warbixinta arimaha ka soo baxa golaha sharci dejinta ee uga baahan yahay Xukuumadda.

  401. 6. Deraasaynta meelaha u baahan cilmibaadhis iyo samaynta cilmi baadhista

  402. 7. Dejinta siyaasaddaha iyo istiraajiyada cilmi baadhisaha.

  403. 8. Isku xidhka cilmi baadhisaha iyo dadaalada cilmi baadhiseed.

  404. 9. Horumarinta cilmiga tiknoolajiyada iyo dejinta siyaasado lagu horumarinayo teknoolajiyadda.

  405. 10. Abuuridda qaab-dhismeed Xukuumaddu ku gaadho horumar tiknoolajiyadeed.

  406. 11. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 48aad Wasaaradda Kaluumaysiga www.somalilandlaw.com Page 30 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Iyada oo xukuumaddu fulinaysa xilka kasaaran dhiirigelinta kor u qaadista wax soo saarka dalka iyo kafaai’daysiga kalluunka iyo khayraadka badda, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Baddu waa:

  407. 1. Diyaarinta siyaasad lagaga faa’iidaysanayo islamarkaana lagu hagayo kalluumaysiga iyo kormeeridda fulinteeda

  408. 2. Horumarinta kaluumaysiga iyo Dhawridda nafley biyoodka

  409. 3. Soo diyaarinta sharciyo iyo samaynta, xeernidaamiyaal, lagu horumarinaayo kalluumaysiga

  410. 4. Dhiirigelinta fursadaha maalgeshiga kalluumaysiga JSL.

  411. 5. Dejinta siyaasadda iyo isti-raati-jiyadda tababarida dadka ka shaqeeya kalluumaysiga.

  412. 6. Isku xidhka xidhiidhka hay’addaha heer gobol iyo kuwa caalamiga ah ee ku hawlan nafley badeedka, iyada oo la siinaayo taageero farsamo.

  413. 7. Dhiirigelinta horumarka tignoolajiyadda la xidhiidha kalluumaysiga si loo horumariyo tayada iyo tirada kalluumaysiga.

  414. 8. Taageeridda sii jiritaanka kaluumaysiga iyadoo la hirgalinaayo siyaasadda iyo xeerar lagu xakamaynayo kaluumaysiga sharci daradaah.

  415. 9. Dhiirigelinta habka dhaqan ee kaluumaysiga.

  416. 10. Dhiirigelinta barnaamijyada bulshada ee wax soosaarka kalluumaysiga.

  417. 11. Diyaarinta warbixino cilmiyeed oo laxidhiidha kalluumaysiga iyo heerka kaluumaysiga dalka taasoo wax kataraysa horumarinta heerka kalluumaysiga dalka.

  418. 12. Bixinta ruqsadaha kalluumaysiga iyo xadidaada xiliyada bad-xidhanka iyo bad- furanka.

  419. 13. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 49aad Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Hurumarinta Waxaa Xukuumadda xil ka saaranyahay, diyaar garaynta iyo dabagalka qorshe horumarineed oo dhammaystiran oo ah mid dhaqaale iyo bulsho, diyaargaraynta iyo dhiirigelinta maalgashiga dalka JSL si taas loo gaadhana xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Qorshayntu waa:

  420. 1. Soo bandhigidda qorshayaal iyo istiraajiyadda horumarineed kuwaas oo awoodd u leh xaqiijinta yoolka fog si looga xusho qorshaha haboon iyada oo laga duulayo hadba xaalada taagan.

  421. 2. Dejinta qorshaha mudada dhow oo ku salaysan ka mudada dheer, kaas oo sumad u yeelaya ujeedooyinka la higsanayo mudada dhow islamarkaana koobsanaysa dhinacyada dhaqaale iyo bulsho ee mujtamaca islamarkaana habaynaya awoodda bulshada.

  422. 3. Diyaargaraynta qorshe sannadle ah oo ka duulaya habka dhaqaale ee taagnaa xiliga diyaargaraynta qorshaha iyada oo lagaduulayo qorshaha mudada dhexe.

  423. 4. Qiimaynta mashaariicda horumarineed iyo u hawl-gelida mee lmarintooda.

  424. 5. Korjoogtaynta mashaariicda qorshaha horumarineed si loo ogaado dhib iyo dheeftooda xiliga fulinta iyo xal u raadintooda.

  425. 6. Daraasaynta carqaladaha soo waajahi karra qorshaha horumarineed iyo kutala galkooda in aanay dhicin.

  426. 7. Korjoogtayn qorshaha wax soo-saar ee sannadlaha ah iyada oo wasiirku xadidayo tirada kormeerada ee dhammaadka sannad walba iyada oo laga soo warbixinayo, www.somalilandlaw.com Page 31 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Horumarka lasameeyey, ku dhaqan la’aanta iyo baalmarista qorshaha horumarineed, mashaakilka iyo carqaladaha ka soo baxay meelmarinta qorshaha sannad ka, iyo katalo bixinta talaabooyinka ku habboon ee lagaga talaabi karo wixii gol-daloolooyinah ee soo baxay sannad kaa si loo xaqiijiyo ujeeddooyinkii iyo qorshaha muddada dhow.

  427. 8. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 50aad Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Iyadaoo Xukuumadda xil ka saaranyahayin kor loo qaado ganacsiga duulista madaniga ah iyo soo jiidashada maalgashiga duulista madaniga ah, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda waa:

  428. 1. Dejinta siyaasadda iyo horumarinta saadaasha hawadda.

  429. 2. Maamulka gadiidka cirka ee ka goosha ama kaganacsatda JSL.

  430. 3. Curinta shuruucda lagu maamulo goobaha diyaaraduhu ka gooshaan iyo horumarintooda.

  431. 4. Samaynta siyaasado iyo isti-raati-jiyado lagu hagayo, laguna horumarinayo duulista hawadda jamhuuriyadda Somaliland

  432. 5. Xaqiijinta in si habboon loo ilaaliyey badqabka iyo amniga ganacsiga hawadda iyo horumarinta danta guud,

  433. 6. Hogaaminta duulista hawadda ee Somaliland gudeheeda.

  434. 7. Horumarinta iyo kor u qaadida sumcadda iyo adeegga Madaarada.

  435. 8. Dardargelinta maamulka iyo habsami u socodka hawlaha adeegyada Madaarada Dalka.

  436. 9. Hogaaminta, horumarintaiyo sii joogtaynta hannaan gaadidka cirka ah

  437. 10. Kobcinta nidaamin wanaagsan oo cad kaas oo ka jawaabi kara baahidda dadwaynaha

  438. 11. Hogaaminta iyo korjoogtaynta (supervising) horumarinta shabakadda gaadiidka cirka Somaliland oo dhaqaale ahaan shaqayn kara (economicallyviable) kaas oo kobciya horumarka dhaqaale ee gudaha iyo midka heer gobolba

  439. 12. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 51aad Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Iyada oo lagaduulayo xilka ka saaran Xukuumadda in aan geyiga Somaliland lagu faafin diin ka baxsan Diinta islaamka, kahortegidda fisqiga iyo anshax-xumada, iyo xaqiijinta sidii xeerarka dalka loogu salayn lahaa shareecadda islaamka islamarkaana loo ilaalin lahaa awqaafta, xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waa:

  440. 1. Xaqiijinta in aan diinkale lagu faafin dalka.

  441. 2. Kahortegidda habdhaqanada ka baxsan Diinta iyo dhaqanka suuban ee aynu leenaay.

  442. 3. Maamulka iyo kor joogtaynta hawlaha xajka.

  443. 4. Diyaar garaynta imaamada masaajidada iyo kor uqaadida wacyigooda

  444. 5. Diiwaangelinta imaamada masaajidada

  445. 6. Sheegidda wanaagga iyo ku wacyigelinta kareebanaanta fisqiga iyo xumaha.

  446. 7. Maamulka iyo gacan ku haynta waqafka ma’guurtada ah iyo ku dhiiri gelinta bulshada hawlaha waqfiga iyo samafalka

  447. 8. Dhiiri gelinta xifdiga quraanka iyo culuumtiisa. www.somalilandlaw.com Page 32 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  448. 9. Taageeridda iyo horumarinta malcaamadaha iyo xarumaha lagu barto culuumta diinta islaamka.

  449. 10. Dhiirigelinta dhisidda masaajidada, maamulkooda iyo maamulidda dhulka danta guud ee loo jaro masaajidada iyo malcaamadaha.

  450. 11. Koru qaadista shacaa’irta islaamka iyo dhawristooda

  451. 12. Kahortagga in dalka la soo geliyo ama laga abuuro fisqi iyo wixii wax u dhimaya dhaqanka islaamka.

  452. 13. Kor u qaaddida xidhiidhka hay’addaha islaamigaah iyo isku xidhkooda.

  453. 14. Ilaalinta iyo ku dhawaaqidda maalmaha ramadaanta, ciidaha iyo maalmaha kale ee Diiniga ah

  454. 15. Ka hortagga in kooxaha fidiya waxa lagu tilmaamo diimaha ee kabaxsan diinta islaamku dalka soo galaan ama wax soo geliyaan.

  455. 16. Soo–saarista fatwada rasmiga ah iyo dejinta hal-beegyada lagu maamulayo gawraca Xoolaha.

  456. 17. Midaynta manaahijta machadyada diiniga ah iyo malcaamadaha wadanka.

  457. 18. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. Qodobka 52aad Wasaaradda Dib-udejinta Xilka iyo waajibaadka Wasaaradda Dib-udejinta waaa:

  458. 1. Xog ogaal u noqoshada dadka qaxootiga ah ee reer Somaliland ah ee ku sugan wadamada aynu dersika nahay iyo dunidakale ba.

  459. 2. In qaxootiga reer Somaliland si sharaf iyo nabadgelyo ah dib lagu soo celiyo.

  460. 3. Qiimaynta iyo dabagalka macaawinooyinka gargaarka iyo kaalmada loo fidiyo dadka ku soo noqonaya dalka.

  461. 4. Taakuulaynta iyo gacan qabashada barakacayaasha.

  462. 5. Dib u dejinta qaxoontigasoo noqonaya ama barakacayaasha.

  463. 6. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku. QAYBTA SADDEXAAD QAAB-DHISMEEDKA WASAARADAHA Qodobka 53aad Qaab-dhismeedka Wasaaraddaha Qaab-dhismeedka wasaaraduhu, wuxuu ka kooban yahay Xafiiska wasriirka, wasiir ku xegeenka, wasiirudawlaha, agaasimaha guud iyo madax waaxeedada iyo qaybaha kale ee loo baahdo. Qodobka 54aad Xafiiska Wasiirka Xafiiska wasiirku wuxuu ka kooban yahay xafiiska wasiirka, xafiiska wasiiru dawlaha, xafiiska wasiir ku xigeenka, la-taliyayaasha wasiirka. Qodobka 55aad Agaasimaha Guud www.somalilandlaw.com Page 33 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Hadaan xeer si kale u dhigin, Wasaaradd kastaa waxa ay yeelanaysaa Agaasinka Guud oo ay soo hoos gelayaan Waaxda Qorshaynta iyo Tiro-koobka (statistics), Waaxda Maamulka iyo maaliyadda iyo waaxaha kale ee Wasaardu u baahato. Qodobka 56aad Aasaasidda Xafiisyada Heer Gobol Xafiisyada Heer Gobol ee Wasaaradda marka ay lagama maar maan noqoto waxaa lagu aasaasayaa Xeer Wasiir. Qodobka 57aad Mas'uuliyiinta Xafiisyada Heer-Gobol Xafiisyada heer gobol waxaa ka mas’uul noqonaya Isuduwa-yaasha Heer Gobol ee Wasaaraddaha. Qodobka 58aad Kormeeridda Xafiisyada Heer Gobol Kormeeridda shaqada xafiisyada heer gobol waxaa ka mas’uul ah agaasimaha Guud ee Wasaaradda ama hay’adda Xukuumadda uu Xafiisku hoos-tago. Qodobka 59aad Qaybaha iyoShaqaalaha Xafiisyada Heer Gobol Xafiisyada heer gobol waxay yeelanayaan qaybaha iyo shaqaalaha lagama maarmaanka u ah. Qodobka 60aad Xilka xafiisyada Heer Gobol Xafiiska Heer Gobol wuxuu:

  464. 1. Fuliyaa Xeerarka, siyaasaddaha, mashaariicda iyo barnaamijyada Wasaaradda ama hay’adda uu wakiilka kayahay.

  465. 2. Iyada oo si hufan oo tayo leh uu u qabanayo, wuxuu siiyaa dadka gobolka adeegyada heer gobol ee Wasaaradda ama hay’adda uu wakiilka kayahay qabato.

  466. 3. Wuxuu isku xidhaa Wasaaradda ama Hay’adda uu ka wakiilka yahay iyo kuwa la gudboon ee heer gobol iyo Maamulka Gobolka.

  467. 4. Fuliyaa xilka iyo waajibaadka kale ee Madaxada Wasaaradda ama hay’adda uu wakiilka ka yahay u xilsaarto.

  468. 5. Xafiisyada heer gobol waxaa la aasaasayaa markasta oo ay lagama maarmaan noqoto.

  469. 6. Wuxuuna masuul ka yahey shaqaalaha degmooyinka jooga kormeerkooda iyo mushaharkood. Qodobka 61aad Xilka iyo Waajibaadka Isuduwayaasha Gobollada www.somalilandlaw.com Page 34 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Isuduwayaasha goboladu waxaay: -

  470. 1. Fuliyaan awooddaha iyo xilka xafiiska ee heer gobol.

  471. 2. Ka mas’uulyihiin maamulka, qorshaynta iyo hagidda hawlaha xafiiska

  472. 3. Si waafaqsan xeerkashaqaalaha u anshaxmariyaa shaqaalaha heer Gobol ee Hay’addaha aywakiilka ka yihiin.

  473. 4. Ogolaadaan fasax xanuunka, umulidda iyo maqnaanshiiyaha lacagta lahayn, iyo fasaxyada rasmiga ah ee shaqaalaha heer gobol.

  474. 5. Diyaargaraynta odoraska miisaniyada ee heer gobol,

  475. 6. Ansixinta dalabka iibsiga qalabka xafiisyada eegobolka isagaoo kaduulaya miisaaniyadda loo ansixiyay.

  476. 7. Ka gorgortanka, gelidda iyo saxeexa heshiisyada adeegga, iibka ee gobolka ku waas oo qiimahoodu kabadnayn afar milyan (4,000,000)oo Somaliland Shillings

  477. 8. Ka go’aan gaadhaan cabashooyinka xaga xuquuqda ee shaqaalaha gobolka.

  478. 9. Kago’aan gaadhaan codsiyada gunnada shaqada dheeraadka ah.

  479. 10. Koru qaadan wadashaqaynta ka dhexeysa xafiisyada hay’addaha Xukuumadda ee kale ee heer gobol iyo xafiiska hay’adda uu wakiilka kayahay.

  480. 11. Go’aaminta safarada shaqada ee gobolka dhexdiisa iyada oo mudada safarka ee gobolka dhexdiisa ka badnaan karin tobon maalmood.

  481. 12. Go’aaminta kaqaybgalka shaqaalaha ee shirarka, aqoon isweydaarsiyada, iyo tababarada heer gobol.

  482. 13. Shaqooyinka kale eexeer u xilsaaray ama mas’uul ka sareeyaa u igmad. Qodobka 62aad Kormeerka iyo dibueegista Talaabooyink Isu-Duwayaasha Awooddaha isu-duwayaasha xusan qodobka sare iska hortaagi maayaan wasiirka/gudoomiyaha/maareeyaha inuu dib u eego wax-kabedelo, laalo, talaabo kasta oo uu qaaday isuduwe, sidoo kale wuxuu isku bedeli karaa isuduwayaasha Gobollada. Qodobka 63aad Hay’addaha Xukuumadda

  483. 1. Iyadaoo lagaduulayo Qodobka113aad ee Dastuurka, Guddiyada (komishanada), Xafiisyada iyo mu’asasad kasta oo kale oo fulineed oo aan ahayn Golaha Wasiirrada, Wakaaladdaha, Shirkadaha iyo Mashaariicda.

  484. 2. Hay’aduhu waxay leeyihii jiritaan qaanuuni ah oo waafaqsan Qodobka 53aad ee Xeerka Madaniga marka aan sidaas sikasoo horjeedasi cad loogu qeexin xeerka lagu aasasay.

  485. 3. Madexweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo la tashanaaya cida ay khusayso waxa uu dhisi karaa hay’ado Madaxbanaan oo loo xilsaaro hawlo gaar ah. Qodobka 64aad Xeerka Aasaasidda

  486. 1. Mid kasta oo kamid ah hay’addaha waa in xeerkeedda lagu aasaasay ay ku cadaadaan arimaha ku dhigan xeerkan islamarkaana waa in loo aasaasaa si waafaqsan xeerkan. www.somalilandlaw.com Page 35 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  487. 2. Xeerka hay’adda waa in lagu sheegaa magaca hay’adda, dabeecadeeda, ujeedooyinka loo aasasay, waajibaadkeeda iyo xilkeeda, awooddaha hay’adda, maaliyadda, Wasaaradda kormeerka ku leh, qaabdhismeedkeeda, iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka ah.

  488. 3. Hay’addaha madaxa banaan waxaa la abuuri karaa oo kaliya marka uu ka horeeyo xeer lagu aasaasay. Qodobka 65aad Madaxbanaanida Hay’addaha

  489. 1. Xeerka lagu aasaasay hay’adda waa in lagu sheegaa heerka madaxbanaani ee ay leedahay inta uu gaadhsiisanyahay.

  490. 2. Heerka madaxbananidu wuxuu noqon karaa mid hawl-gudasho iyo mid maaliyadeed. QAYBTA AFRAAD QAAB-DHISMEEDKA HAY’ADDAHA Qodobka 66aad Qaab-dhismeedka Hay’addaha

  491. 1. Xeerka lagu aasaasayo hay’adda waa in lagu sheegaa qaab-dhismeedka hay’adda, iyada oo si cad loogu qeexayo inay leedahay Gudi latalineed (advisory Board) ama Gudi Agaasin ama inaanay lahayn iyadaoo la eegayo dabciga hay’adda.

  492. 2. Waa waajib in hay’addaha leh Guddi Agaasin (komishanada) ay yeeshaan guddi agaasinoo ka kooban tiro hal-dheeri ah.

  493. 3. Qayb kasta oo kamid ah hay’adda waa in xilkeeda, waajibaadkeda iyo awoodeheeda si cad loogu qeexaa xeerka lagu aasaasayo. Qodobka 67aad Ujeedooyinka Hay’addaha Iyada oo ay hay’ad kasta leedahay u jeedo u gaar ah oo ku dhisan dabcigeeda, hay’ad kasta waxaay yelelanaysaa ujeedoyinkan soo socda:

  494. 1. In hay’ad kasta adkayso kaalinta ay ku leedahay horumarinta maamulka, siyaasada iyo dhaqaalaha Dalka maadaama ay tahay qayb aan sina uga bixi karin nidaamka maamul, siyaasada iyo dhaqaale ee dalka.

  495. 2. In ay u hawlgasho qabashada adeegyada ugu muhiimsan iyo horumarintooda iyada oo ka duulaysa mabda’ ah soo celinta kharashka iyo xaqiijinta soo hoynta miinsaaniyada dheeraadka ah iyada oo ku xaqiijinaysa Tartanka ganacsi ee xorta ah Gudaha iyo debedaba.

  496. 3. Ujeedo kasta oo ay keensatay dabeecada hay’adu oo la xidhiidha hawsha loo abuuray. Qodobka 68aad www.somalilandlaw.com Page 36 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Awooddaha Hay’addaha Kasokow awooddaha lagu xusay xeerka aasaasida, hay’ad kastaa si ay u xaqiijiso ujeedooyinkeeda, waxaay leedahay awooddaha soo socda: 1) In ay qaado talaaboyin kasta oo ay ku xaqiijinay ujeedoyinkeedii loo abuuray, iyada oo dhawray xeerka. 2) Hawlgelinta iyo qaadashada shaqaalaha lagama marmanka u ah xil-guda shadeeda iyada oo xeerka shaqaalaha la raacayo. 3) In marka ay hesho ogalaanshiiyaha cidda ay khusayso laamo ka furato dalka gudihiisa iyo debediisaba marka lagama marmaayn u noqoto hawl-gudashadeeda. 4) Diyaar garaynta mashaaric horomarineed. Qodobka 69aad Masuuliyadda Hay’adda Hay’ad kastaa waxaay si toos ah uga mas’uul tahay in ay si wanaagsan u gudato una mamusho xilkeeda iyada oo qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo danta guud islamarkaana raacay sharciga dalka. Qodobka 70aad Maaliyadda iyo Hab-Xisaabeedka

  497. 1. Hay’adu waxay ka furan kartaa lambar xisaabeed oo loo adeegsanayo lacagta dalka ama mid keleba Baananka dalka.

  498. 2. Hay’ad kasta waa in qaab xisaabeedkeedu ahaado mid sax ah oo hufan islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashkaba taas oo ku salaysan hanaan xisaabeedka dalka.

  499. 3. Hay’ad kasta waa in ay ku e kaataa miisaniyad sannad eedka isla markaana hadaan loogu ogolaan qoraal aanay madaxna u wareejin madax kale.

  500. 4. Hay’ad kastaa waa in aay xisaab xidh saddex bilood ah u gudbiso Wasaaradda Maaliyadda iyo hanta dhawraha Guud.

  501. 5. Hay’ad kastaa waxay yeelanaysaa qayb u qaabilsann xisaabaadka. Qodobka 71aad Adeegsiga Misaniyada Hay’adda

  502. 1. Misaaniyada hay’adda waxaa loo adeegsanayaa si loo gaadho ujeedooyinka hay’adda.

  503. 2. Iyada oo waxba loo dhimin qodobka hore Miisaaniyadda hay’adda waxaa loo adeegsanayaa hawlaha hoos ku qoran. b. Maamulka hay’adda iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah fulinta Xilkeeda. . t. Bixinta waajibaadka maaliyadeed ee hay’adda j. Maalgelinta mashaariicda horumarineed ee lagu ansixiyay miisaniyadda x. Bixinta mushaharka iyo gunnooyinka iyo Wixii kale ee xeerka miisaaniyadda loogu ogolaaday. www.somalilandlaw.com Page 37 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  504. 3. Waxaa reeban hadaan loo ogolaan in ay hay’addu u isticmaasho maaliyadd hawlaheeda. b. Ku iibsasho dhul ama dhisid t. Ku tasarufka hadhaaga iyo faa’iidada markay

  505. 4. Waxaa hay’da ku waajib ah: i. In loo abuuro xisaab gaar ah wixii burburay ama la badalay, mana bannaana ku ta sarufkeedu, in loo adeegsado ujeedooyin gaar ah oo ka baxsan kuwii loogu talo galay. ii. In loo maal galiyo sida ugu faa’iidadabadan iii. In lagajaro diwaanka alaabta ku dhamaatayisticmaalka am qiimo beeshay Qodobka 72aad Xisaab Celinta Hay’ad kasta waa inay samaysaa xisaab celin sannadle ah oo ay u gudbinayso xisaabiyaha guud iyo Hanti dhawraha Guud. Qodobka 73aad Xisaab Xidhka

  506. 1. Waxaa ku waajib ah hay’adda inay samayso xisaab xidh lix bilood ah, oo ayku xusan tahay: b. cadaynta xisab xidhka iyo hadhaaga haduu jiro t. warbixinta xisaabiyaha guud iyo Hanti Dhawraha Guud.

  507. 2. Warbixinada xilli–laha ah ee wax qabadka iyo habsami uu socodka hawlahahay’adda ee sannad maaliyadeeddka iyo qorshehawleed keeda sannadka danbe. Qodobka 74aad Amaahda Ma banana inay hay’addu amaahato wax ka badan kharashka miisaaniyada ugu jira hadaanu Madaxweynuhu ogolaan. Qodobka 75aad Go’aanada Hay’addaha

  508. 1. Hay’adu waxaay mudo 30 maalmood gudahooda kaga go’aan gaadhaysaa cabashooyinka loo soo gudbiyay, waana in qoraal lagu siiyo cidda danaynaysa, waxaana looga racfaan qaadan karaa Maxkamada Sare mudo aan kabadnayn Sodon maalmood oo ka bilaabanta maalinta lasiiyo go’aanka cidda danaynaysa.

  509. 2. Amarada ama go’aan kasta oo kasoo baxa hay’addaha oo khilaafsan Dastuurka ama Xeerarka dalka waxaa darafka ka cabanaaya u gudbin karaa Maxkamada awoodda u leh, mudo sodon maalmood gudaheed ah oo ka bilaabanta maalinta qoraalku soo baxay ama ay gaadhay cida uu cusleeyay go’aanka am amarku. www.somalilandlaw.com Page 38 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Qodobka 76aad Warbixinaha

  510. 1. Hay’ad kasta waxa ku waajib ah inay samayso warbixin sannadle ah oo ay u gudbinayso Madaxwaynaha ama Wasiirka, iyada oo ku sheegaysa wixii u qabsoomay, waxa u qorsheeysan, talaabooyinka muhiimka ee ay qaadeen iyo wixii kale ee Madaxwaynuhu amro.

  511. 2. Haya’ddu waxay sidoo kale u gudbinaysaa warbixin mar kasta oo uu Madaxwaynuhu ama wasiirku sidaas amro ama ay ula muuqato hay’adda inay haboon tahay. QAYBTA SHANAAD WAKAALADDAHA Qodobka 77aad Wakaaladdaha

  512. 1. Wakaaladdu waa qayb aasaasi ah oo si gaara loogu xilsaaro shaqo muhiim ah oo wax soo saar leh, waxaana lagu xidhiidhayaa Wasaaradd ka mid ah Wasaaraddaha dalka.

  513. 2. Iyada oo wakaaladuhu la wadaagaan hay’addaha axkaamta ku dhigan Qaybta Shanaad ee xeerkan, qodobadan soo socda waxa lagu dhaqayaa wakaaladdaha. Qodobka 78aad Xilka iyo Waajibaadka Wakaaladda

  514. 1. Wakaaladu Waxay: i. dhaqan gelinaysa siyaasadda guud iyo mashaariicda horumarineed ee Wasaaradda wixii ka khuseeya. ii. Fulinaysa qorshayaasha iyo barnaamijyada wakaalad ee ku salaysan qorshaha iyo siyaasadda Wasaaradda, qaybtab kakhusaysa. iii. Dejinaysa halbeegyadda shaqada wakaaladda si waafaqsan qorshaha iyo barnaamijyada Wasaaradda qaybta kakhusaysa.

  515. 2. Wakaalad kastaa waxaa ka madax noqonaya Maareeye Guud kaas oo yeelan kara mid iyo in ka badan oo ku xigeeno ah.

  516. 3. Wakaalad kastaa waxaay yeelan kartaa waaxaha kala ah Qorshaynta iyo Tiro-koobka, Maamulka iyo Maaliyadda iyo waaxaha kale ee ayu baahato. Qodobka 79aad Xilka iyo Waajibaadka Maareeyayaasha

  517. 1. Maareyayaasha ama madaxda waxaay fuliyaan xilka wakaaladda/xafiiska shuruucda xeer hoosaadyada iyo maamulkooda. www.somalilandlaw.com Page 39 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  518. 2. Maareeyuhu wuxuu leeyahaya nsixinta, magacaabista saraakiisha wakaaladda kadib markauu helo go’aanka gudida qiimaynta iyo anshax-marinta si waafaqsan Xeerka shaqaalaha Xukuumadda. Qodobka 80aad Xilka Maareeye ku Xigeenadda Maareeye ku-xigeenku wuxuu:

  519. 1. Ka Caawiyaa maareeyaha xilgudasshadooda sida xeerka ama xeer hoosaadyadu dhigayaan.

  520. 2. Iyada oo waxba loo dhimin xilka maareeye ku xigeenka, Maareeyuhu wuxuu u xilsaari karaa ku xigeenkiisa hogaaminta waax kamid ah waaxaha maamulka ee wakaaladda iyada oo aanu kuyeelanayn guno dheeraad ah.

  521. 3. Wuxuu Maareeyuhu Saraakiisha Maamulka ama Shaqaalaha Wakaaladd u diri kara shaqo dheeraadah Hadaanay jirin xeerar ka reebaya ama aanay ka hor imaanayn xilkiisa xeerku qeexay. QAYBTA LIXAAD SHIRKADAHA IYO MASHAARIICDA XUKUUMADDA Qodobka 81aad Shirkadaha Xukuumaddu Leedahay Ama Wax-ku leedahay

  522. 1. Shirkadda Xukuumaddu leedahay ama wax ku leedahay waata ay yeelanayso Xukuumaddu ugu yaraan saddex dalool oo meel saamiyada shirkadda, waxaana la hoos geynayaa wasaaraadda ku haboon e ay leeyihiin wada shaqayn la xidhiidha xaga shaqada, siyaasadda iyo mashaariicda

  523. 2. Shirkadaha waxa lagu xidhayaa Wasaaradd kamid ah Wasaaraddaha dalka.

  524. 3. Waxay wasiirka ay khusayso u gudbinayaan xisaab xidhkooda mudo aanka badnayn 30 maalmood marka laga bilaabo maalinta xisaab xidh-sandeedka.

  525. 4. Shirkaduhu waxay ku sii shaqaynayaan miisaaniyaddii hore inta xisaab xidhku dhammaanayo, shirkad kasta oo is-bixin wayda sannad maaliyadeedkeeda waxaa lagu soo rogayaa sannad-maaliaydeedkeeda kormeer gacan ku hayn. Qodobka 82aad Warshadaha iyo Mashaaricda Madaxabanaan Xukuumaddadu waxa ay yeelan kartaa warshaddo iyo mashaariic madaxbanaan oo leh jiritaan qaanuuni ah, waxaana lagu dhaqayaa cutubkan khuseeya wakaaladdaha iyagoo yeelan doona guddi latalineed. QAYBTA TODOBAAD XIDHIIDHKA MAAMUL EE WASAARADDAHA, HAY’ADDAHA IYO WAKAALADDAHA Qodobka 83aad www.somalilandlaw.com Page 40 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Xidhiidhka Maamul ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda iyo Wakaaladdaha Xidhiidhka maamul xeerkan gudihiisa waxa looga jeedaa:

  526. 1. Kormeer: oo ah awoodda: i. Wasaaradduhu ku leeyihiin hay’addaha, wakaaladdaha iyo shirkadaha hoos imanaya ama ku xidhan taas oo laxidhiidha kormeerka hawl fulintooda, tayada wax-qabadkooda, iyada oo aan la faro gelinaynayn hawl maalmeedkooda. ii. Helidda warbixinada shaqada, maaliyadda, qiimaynta la socodka siyaasadda, halbeegyada iyo tilmaamaha guud ee Xukuumadda, baabi’inta ku xad-gudubka maamulka iyo awoodda iyo ansixinta odoraska miisaaniyadda. iii. Lagu kala hormarinaayo oo mudnaanta lagu kalasiinayo qorshayaasha

  527. 3. Kor-jogtayn maamul oo ah awoodda mas’uul (administrative supervision) ku hagi karo xil gudashada madaxda ka hoosaysa, islamarkaana kaga joojinayo gefafka maamul isaga oo dib ugu eegi kara talaabooyinka uu qaatay, si uu usaxo go’aamadiisa ama ku laalikaro ama wax kaga bedeli karo go’aamada ku xigeenka.

  528. 4. Waxaa reeban in kormeer maamul gaadhsiisnaado: a. magacaabid hadaan looga soo racfaan qaadan b. Dib u eegida, laalida, wax kabedelka go’aamadooda aan kabaxsanayn awooddaha mas’uuliyiinta go’aanka qaatay.

  529. 5. Kormeerka Wasaaraddi ku leedahay hay’ad, wakaalad ama shirkad waxa reeban in uu gaadhsiisnaado heshiisyada ay gashay hay’addu, wakaladdu ama shirkadu hadaanany dhaafin xuduudeeda. Qodobka 84aad Bixinta xogta Waxay Wasaaraddu xaq ugu leedahay hay’addaha, wakaaladdaha iyo shirkadaha hoosyimaada inaay u gudbiyaan xogta ay u baahan tahay iyo cadaymaha la xidhiidha. Qodobka 85aad Dambiyada iyo Ciqaabaha Hay’adda, wakaaladda iyo shirkad kasta oo Wasaaradda ay hoos timaado ugudbin wayda xogta iyo xisaabaadka xeerkani dhigay, waxa ay wasaarddu ku soo rogi kartaa: 1. in aanay helin kordhin misaaniyadeed.

  530. 2. Inay xayirto lambarada xisaabta ee hay’adda, wakaaladda ama shirkadda iyo hantideeda inta ay soo gudbinayaan xisaab xidhka laga rabo 3. in aay Madaxwaynaha iyo Golaha Wasiirrada kula taliso in hay’addaas, wakaaladdaas ama shirkadaas la baabiiyo.

  531. 4. In wasiirku u gudbiyo Xeer-ilaalinta, kadib marka uu helo ogolaanshaha Madaxwaynaha, codsi amar qabasho oo lid ku ah madaxada, wakaaladda, shirkadda ama sarkaal kasta oo Wasaaradda iska hortaaga ama ka qariyey xog la xidhiidha xisaabaadka iyo hawlaha hay’adda, wakaaladda ama shirkadda oo ay dalbatay ama meel ka dhac kasta oo la xidhidha talaabo kasta oo khilaafsan xeerka oo laqaatay. Qodobka 86aad Xalinta Isqabadka Hay’addaha Xukuumadda www.somalilandlaw.com Page 41 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016

  532. 1. Isqabad-kasta oo ka dhex abuurma Xukuumadda iyo hay’adeheedda, wakaaladeheedda iyo shirkadeheedda lana xidhiidha xil, waajibaad, awood ama khilaaf sharci waxaa lagu xalinayaa si waafaqsan Xeerkan.

  533. 2. Marka isqabadkaas ay xalin kari waayaan, cida ay dhex martay waa inay u gudbiyaan Madaxwaynaha. QAYBTA SIDEEDDAAD Habdhaqanka iyo Waxyaabaha ka Reeban Madaxda hay’addaha Qodobka 87aad Habdhaqanka Saraakiisha Xukuumadda Dhammaan shaqaalaha iyo saraakiisha Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay raacaan Xeerka anshaxa ee hay’adda shaqaalaha. Qodobka 88aad Waxyaabaha ka Reebanaan kara Madaxda Hay’addaha

  534. 1. Sarkaal ama shaqaale Xukuumadeed si toos ah ama si dadban uma iibsan karo, hanti loo xaraashayo cashuur Xukuumadeed, Ajuuro ama adeeg Xukuumadeed.

  535. 2. Madaxda hay’addaha, wakaaladdaha, shirkadaha iyo mashaariicda Xukuumadda, marka laga reebo xubnaha Golaha Wasiirradda, waxaa ka reeban in ay si uun ugu lug yeeshaan siyaasadda.

  536. 3. Waxaa ka reeban madaxda, hay’adda, wakaaladeheeda, shirkadeheeda iyo mashaariicdeedda shaqo kasta oo ka baxsan tan Xukuumadda ee loo igmadday. Qodobka 89aad Daacadnimada Mas’uuliyiinta Mas’uulka ama shaqaalahu waxaay xili kasta ay daacad u noqonayaan islamarkaana hiil iyo hooy Isla garab taagayaan Xukuumadda Qof u haya Somaliland xil ama u qaban karo dal kale xil. Qodobka 90aad Sheegida iyo soo Bandhigida Hantida iyo Masuuliyadda

  537. 1. Marka saraakiisha ama shaqaalaha Xukuumaddu ay qabanayaan xil xafiis, ama xili kasta oo xeer tilmaamo, waxaa ku waajib ah in ay cidda ay khusayso, iyaga oo dhaarsan u gudbiyaan hantidooda iyo maslaxad kasta oo ay ku leeyihiin ama ka mas’uul yihiin oo xidhiidh la leh shaqada.

  538. 2. Habraaca diiwaan-gelinta waxa loo raacayaa Xeer gaar ah. Qodobka 91aad www.somalilandlaw.com Page 42 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Wufuudda Xukuumadda

  539. 1. Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee dalka wafti ahaan ku meteli karaa waa: b. Madaxweynaha. t. Madaxweyne ku xigeenka. j. Xubnaha Golaha Wasiirrada. Kh. Madaxda hay’addaha iyo wakaaladdah. d. Agaasimayaasha guud. Habka wufuuda waxa loo raacaya nidaamka hab-maamuus ee ay dejiso Wasaaradda Arimaha Debedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Qodobka 92aad Awoodda Dhaarinta iyo Amarada Yeedhmada Marka cid aan ahayn garsoore xeer u jideeyo dhegaysiga ama qaadista caddayn, wuxuu awood u leeyaay dhaarinta cidda uu ka qaadayo caddaynta, soo saarista yeedhmo qoraal ah ama amar soo gudbinta qoraalo. Qodobka 93aad Igmashada Awoodda

  540. 1. Iyada oo mid kasta oo madaxda Xukuumadda, hay’adeheedda, wakaaladeheedda iyo shirkadeheeddu mas’uul ka yahay xilka iyo awooddaha loo igmaday hay’adiisa, wakaaladiisa ama shirkadiisa, waxaa u banaan in qayb ka mid ah awoodiisa u igman karo agaasimayaasha iyo isuduwayaasha Gobollada haday lagama maarmaan u tahay fulinta xeerarka, siyaasadda iyo qorshayaasha hay’adda, wakaaladda ama shirkadda.

  541. 2. Iyada oo waxba loo dhimayn faqrada hore ee qodobkan, waxaa reeban igmasho kasta oo aan qoraal ahayn, islamarkaana laxadidin mawduuceeda iyo cidda loo igmaday. Qodobka 94aad Buuxinta Jagada Banaanaata Jagada ku banaanaata geeri, is casilaad, xil ka qaadis, waxaa si ku meel gaadh ah loogu magacaabaya cid xilka sii haysa iyada oo magacaabista loo marayo habkii uu kuyimi mas’uulka hore. Waxaase reeban in si rasmiya cid loogu magacaabo xilkaa intaanu dhammaan fasaxa sarkaalkii hore haduu jiro, hadaanay jirin duruuf degdega ah oo keensanaysa magacaabis degdeg ah. Qodobka 95aad Ku Simida Mas’uulka Marka si aan joogto ahayn uu u maqnaado ama xilkiisa u gudan kari waayo Agaasime Waaxeed ama ruux shaqaale ahi, sarkaalka ka sareeya isaga oo raacaya xeerarka wuxuu u magacaabayaa xilkiisii sarkaal ama shaqaale kale hadba siday tahay oo aan ka baxsanayn waaxdiisa, si uu u qabto shaqadiisii. Qodobka 96aad www.somalilandlaw.com Page 43 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Masuuliyadda Xukuumadda ee ku aadan Falalka Saraakiish Xukuumadda

  542. 1. Hay’adda Xukuumaddeed waxa ay ka mas’uul yihiin falalka mas’uuliyiinta metelaa u Qaadeen si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka u yaala.

  543. 2. Hay’adda Xukuumadeed kama mas’uul aha gefafka ka dhasha taxadar darada, niyad xumida ama jebinta Xeerarka, Tilmaamaha iyo go’aamada. QAYBTA SAGAALAAD WARBIXINAHA IYO XUSUUS DHAWRKA Qodobka 97aad Warbixinada Rasmiga ah Madaxda Wasaaraddaha, hay’addaha xukuumadda, wakaaladdaha iyo shirkadaha waxay diyaar garaynayaan islamarkaana u gudbinayaan Madaxweynaha warbixin sannadle ah inta ka horaysa bisha koowaad ee sannad walba. Qodobka 98aad Jaangoynta Nuxurka Warbixinta Nuxurka warbixinda sannadedka waxaa lagu jaangoynaa Xeer Madaxweyne. Qodobka 99aad Warbixinada Gaarka ah Sarkaal kasta wuxuu diyaar garaynayaa warbixin gaar ah oo laxidhiidha shaqada uu mas’uulku ka yahay mar kasta oo Madaxweynaha ama mas’uulka ka sareeyaa ka dalbado. Qodobka 100aad Nuqulada Rasmiga ah Mid kamida nuqulada rasmiga ah ee warbixinada waxaa loo gudbinaya xarunta xusuus dhawrka Xukuumadda, waxaana fursad loo siinayaa dadweynaha in ay helikaraan. Qodobka 101aad Warbixinada Gudaha

  544. 1. Maareeyayaasha iyo agaasimayaashuba waxaay u gudbinayaan wasiirkooda warbixin sannadle ah, oo ay ku xusanyihiin, waxqabadka, warbixinta maaliyadeed, qorshayaasha, talo bixinadooda, carqaladaha iyo Xeerarka ama wareegtooyinka loo baahanyahay.

  545. 2. Warbixinadu waa in ay koobsadaan waxyaabaha u qabsoomay iyo qiimaynta inta horumar laga gaadhay qorshayaashii la ansaxiyey, taas oo ay weheliso warbixintii maaliyadda oo muujinaysaa kharashaadkii sannadka, dakhliga, soo-jeedimaha, talo bixinada iyo qorshe hawleedka sannadka xiga oo ay ku jiraan xeerarka iyo wareegtooyinka lagama maarmaanka ah. www.somalilandlaw.com Page 44 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Qodobka 102ad Xusuus Dhawrka

  546. 1. Mid kasta oo ka mid ah Wasaaraddaha, hay’addaha iyo wakaaladdahu waxa ay yeelanayaan xafiiska xusuus dhawrka oo yeelanaya diiwaan u gaar ah, oo lagu kaydiyo laguna qoro go’aamada kama dambaystaah, amarada, wareegtooyinka, xeer- hoosaadyada, heshiisyada ka soo baxa ama loo soo diro.

  547. 2. Mar kasta oo khilaaf ka dhashana waxaa lagaga go’aan gaadhayaa taariikhda iyo xiliga la diiwaangeliyey. Qodobka 103aad Sumada iyo Tirooyinka Qoraalada Qoraal kastaa waxa lagu soo saarayaa sumad iyo lambar u gaar ah oo sannad walba ka bilaabma lambar Kow. QAYBTA TOBNAAD Qodobo Kala Duwan Qodobka 104aad Xiliga kala Guurka

  548. 1. Iyada oo xeerkani aasaas iyo dhisme u yahay Wasaaraddaha, qaab dhismeedkooda, habka iyo hanaankooda xilgudasho, waxaa xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha.

  549. 2. Hay’ad iyo wakaalad kasta oo aan lahayn xeer aasaasid, waa in mudo lix bilood gudohood ah oo ka bilaabanta marka uu dhaqan-galo xeerkani loogu sameeyaa xeerka aasaasida.

  550. 3. Hay’adda ama wakaaladdaha leh, xeer lagu aasaasay, laakiin xeerkoodu aanu la jaanqadi Karin xeerkan, waa in mudo lix bilood gudohood oo ka bilaabanta marka xeerku ku soo baxo faafinta rasmiga ah, lagu waafajiyaa xeerkan. Qodobka 105aad Laalis Waxa Xeerkan lagu laalay Wareegto kasta oo lagu aasaasay Wasaaradd, waxase dhaqangal ah Xeer kasta oo aan ka horimaanayn Xeerkan. Qodobka 106aad Awoodda Soo saarista Xeer-nidaamiyayaal Madaxwaynuhu wuxuu awood u leeyahay soo saarista Xeer-nidaamiyayaal lagu dhaqan- gelinayo Xeerkan. www.somalilandlaw.com Page 45 of 46 Republic of Somaliland: Law on the Delineation of the Organisation of the Government and of the Independent Public Bodies – Law No. 71/2015 – As Gazetted on 5/3/2016 Qodobka 107aad Dhaqangalka Xeerka Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka uu barlamaanku (Wakiilada iyo Guurtida) ansixiyo, Madaxweynuhuna saxeexo. C/risaaq Siciid Ayaale Baashe Maxamed Faarax Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ahan Ku- JSL simaha Gudoomiyaha G/Wakiilada JSL ________Saxeex__________________ ______Saxeex_________________ www.somalilandlaw.com Page 46 of 46

Law on the Delineation of the Organization of the Government and of Independent Public Bodies - Law No.71/2015 · Nelum