Forestry and Wildlife Conservation Law No. 69/2015
Made 2015-12-21 · Text as of 2026-10-01
Public law and official guidance, published as research. Not legal, tax or financial advice.
About this law
- Language
- Somali
- Kind
- Act
- Country
- Somalia · Somaliland
- Subjects
- Energy, Environment, Forestry, Wild species and ecosystems
- Keywords
- biodiversity, capacity building, ecosystem conservation, internal trade, international trade, monitoring, private forest, protected area, protection forest, protection of environment, protection of habitats, research, sustainable development, tourism, framework law, forest management/forest conservation, invasive alien species, genetic resources, national parks, public forest, afforestation/reforestation, grazing, authorization/permit, captive wild animals, hunting/capture, management/conservation, endangered species, stock enhancement/repopulation, trade in species, wild fauna, wild flora, protection of species, coal, ecofriendly products/ecofriendly processes, energy conservation/energy production
- Categories
- *, energy
Where to read it
No source link is recorded for this law.
Text
The law's own text, section by section, as held. Each section has its own link.
1. Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Ganacsiga Dhirta iyo Duurjoogta Dabar go’a halista ugu jira (waxaa loo soo gaabiyaa CITES) iyo Lifaqyadiisa 1, 2 iyo 3. Heshiiska Palermo Heshiiska Noolaha Kala Duwan (Biological diversity) Heshiiska Qaramada Midoobey ee ka Hortaga Xaalufka Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbedelka Cimilada (Climate Change) we WN www.somalilandlaw.com Page 2 of 24 <!-- page 3 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) REPUBLIC OF (ay SOMALILAND THE PRESIDENT JSL/M/XERM/240-3775/012016 DATE 10/01/16 XEER MADAXWEYNE Lr: 0583/012016 Dhaqan-galka Xeerka Haalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-29/673/2015 ee ku taariikheysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr.69/2015. Wuxuu Soo Saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015. Allaa Mahad Leh, Axmed Maxamed Silanyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland www.somalilandlaw.com Page 3 of 24 <!-- page 4 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) The Republic of Somaliland /: —=- \ Jamhuuriyadda Somaliland House of Representatives (G\ ~~~ Golaha Wakiilada * Head Quarter Hargeisa. <r, Y: a ? Xarunta Hargeysa. Ref: GurlG/k fe 2F CF3 YC YS Date Dips 2 Go’aanka Ansixinta Xeerka Ilaalinta Ka aha iyo Duur-Joogta Xeer Lr. 69/2015 MARKUU ARKAY:- Qodobka 18**4 ce Dastuurka 00 waajibiyay in dawladdu) mudnaanta koowaad = siiso daryeelka iyo ilaalinta degaanka, kana diyaar garawdo sida looga hortagayo aafooyinka dabiiciga ah ee ka yimaada_ baabi’inta degaanka. MARKUU ARKAY:- Qodobka 12°94 fagradda 4°*4 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in dawlada dhexe masuul ka tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, kuna waajibiyay in ay qaado talaabo kasta oo haboon si looga faa’idaysto kheyraadkaas. MARKUU ARKAY:- Xeerka ka hortagga Xaalufka iyo Nabaad Guurka (Keer No. 04/98) iyo siyaasadda Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee ku aadan daryeelka iyo llaalinta deegaanka. MARKUU YAQIINSADAY:- Duruufaha qalafsan ee uu ku suganyahay deegaanka Somaliland iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo oo la soo celiyo deegaanka. MARKUU OGAADEY:- Hoos u dhaca ku yimi duur-joogtii wadanka iyo gabboodkoodii 00 la baabiiyay. MARKUU KA DHEREGSANAADEY:- DABAR-GO iyo hoos u dhaca ku yimid dhirtii wadanka taas 00 sababtay caro guur. www.somalilandlaw.com Page 4 of 24 <!-- page 5 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) MARKUU KU RAACEY:- Wax ka badalkii iyo soo jeedimihii Golaha Guurtidu ku sameyay mashruuc sharciga . Xeerkan. MARKUU U CODEYAY:- Ansixinta Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duu- Joogta Kal-fadhiga 29°°4 Fadhigiisi 894 taariikhduna aheyd O7/12/2015 oo ay goob joog ahaayeen (42) Mudane oo ka mida ah mudanayaasha Golaha Wakiilada WUXxUU Halkan kuugu soo gudbinayaa Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur- Joogta Xeer Lr. 69/2015S ALLAA MAHAD LEH | \ 4 \ \ C/risaag Siciid Ayaanle Baashe M xamed Faatax Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JS Gud Koen ee Golaha Wakiilada JSL. ) CIN, NS ee www.somalilandlaw.com Page 5 of 24 <!-- page 6 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) JAMHUURIYADA SOMALILAND XEERKA ILAALINTA KAYMAHA IYO DUURJOOGTA SOMALILAND Golaha Wakiilada JSL MARKUU ARKAY: - MARKUU ARKAY: - MARKUU ARKAY: - MARKUU YAQIINSADAY: - MARKUU OGAADEY: - (Xeer Lr. 69/2015) Qodobka 18aad ee Dastuurka 00 waajibiyay in dawladdu mudnaanta koowaad siiso daryeelka iyo ilaalinta degaanka, kana diyaar garawdo sida sooga hortagayo aafooyinka dabiiciga ah ee ka yimaada baabi’inta deegaanka. Qodobka 12aad faqradda 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in dawlada dhexe masuul ka _ tahay _ ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, kuna waajibiyay in ay qaado talaabo kasta oo haboon si looga faa’idaysto kheyraadkaas. Xeerka ka hortagga Xaalufka iyo Nabaad Guurka (Xeer No. 04/98) iyo siyaasadda Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga eek u aadan daryeelka iyo Ilaalinta deegaanka. Duruufaha qalafsan ee uu ku sugyhay deegaanka Somaliland iyo baahida loo qabo in la ilaalio oo la soo celiyo deegaanka. Hoos u dhaca ku yimi duur-joogtii wadanka iyo gabboodkoodii 00 la baabiiyay. MARKUU KA DHEREGSANAADEY:- DABAR-GO iyo hoos u dhaca ku yimid dhirtii MARKUU U CODEEYAY: - wadanka taas 00 sababtay caro guur. Wax ka badalkii iyo soo jeedimihii Golaha Guurtida ku sameyay mashruuc sharciga Xeerkan. WUXUU SOO SAARAY XEERKAN XEERKA ILAALINTA KAYMAHA IYO DUURJOOGTA SOMALILAND (Xeer Lr. 69/2015) www.somalilandlaw.com Page 6 of 24 <!-- page 7 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) CUTUBKA 1AAD QODOBO GUUD odobka 1aad Magaca Xeerka Xeerkan waxaa lagu magacaabaa ” Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogta” (Xeer Lr.69/2015) QodobKa Z2aad Eray bixinta Si loo fahmo macanaha guud ee xeerkan, ereyada soo socda waxay yeelanayaan fasiraad ku hor goran:- Duur -joog: waxaa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kaluunka. Sarkaalka awooda u leh: waxa loola jeeda masuul kastoo ay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga u igmatay ilaalinta deegaanka ilaalinta deegaanka, qof kasta oo ka tirsan Ciidanka Booliska , ciidanka ilaalada deegaanka , ilaalada badbaadinta deegaanka , seero ilaaliye, ilaadada iyagu is xilqaamay, iyo xil saartay meel marinta xeerkan. Waddo cad/waddo dhab ah: waxaa loola jeeda wado si cad u tilmaaman oo bulshadu isticmaasho Carbonfuran: waxaa loola jeedaa cayayaan dile halis ah 00 sumeeya silsilada cuntada, waxaanu dili karaa shimbiraha waa weyn sida gorgorka, todobaddii noocba shan ayaa wadankeena ka dabar go’ay. DDT: waxaa loola jeeda sun cayayaan dile ah oo unugyada noolaha gasha oo sababi karta cudurka Kansarka, waxayna saameyn ba’an gaashiisaa DNA -da noolaha oo dhan. Qabasho: waxaa loola jeeda ficil kasta 00 si toos ah loogu qabanayo xayawaan, cuf, ugxaan iyo dhasha xayawaanka. Dhuxul: waxaa loola jeedaa dhuxusha madaw ee ka soo hadha geedo la shiday Xili xidhan /xili xidhka: waxaa loola jeeda xili lagu nasinayo, laguna dhawrayo isticmaalka deegaan cayiman. Ka ganacsiga: waxa loola jeedaa ficil kasta oo waxa lagu kala badalanayo, lagu kala iibsanayo, si faa’iido looga helo Waxaan ku jirin isticmaalka shaqsi ahaaneed (personal purposes). Dugaagga halista: waxaa loola jeeda bahalaha nafta dadka halis ku ah. www.somalilandlaw.com Page 7 of 24 <!-- page 8 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) Sarkaalka kaymaha: waxaa loola jeedaa masuul ka sareeya ilaalada kaymaha oo ka tirsan Waaxda Kaymaha ee Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Reer Miyiga. Xaabo: waxaa loola jeeda laamaha_ iyo jirdaha qalalay ee la shito, Hawl galka kaymaha: waxaa loo jeedaa hawl kasta oo ay fulinayso Waaxda Kaymah ee Wasaaradda ama Wakiilka waaxda siloo horumariyo oo loo hagaajiyo kaymaha. Khayraadka dhirta/kKaymaha _ ka soo go’da: waxaa loola jeedaa qolofta geedaha, calafka (cawska), malmalka, fooxa, xabagta, xabagta shinida, alwaaxa, xaabada, iyo wax alla wixii ay Wasaaraddu shaaciso in ay yihiin kheyraadka dhirta. Keyn seero ah: waxaa loola jeedaa dhul dhireed si ku meel gaadha ah ka xanniban isticamaalka dadka iyo xoolaha. Xayawaanka la ugaadhasado: waxa loola jeeda duurjoogta la qabsan karo, ama la dili karo si loo cuno ama loo rabbaysato oo ay ku jiraan, dhashooda iyo ugxaantoodu. Seero/dhulxidha: waxaa loo jeeda dhul muddo cayman loo xayiray/qoodeeyay/ daryeelka dhirta iyo xayawaanka. Sarkaal sare oo seero ilaaliye ah: waxaa loo jeedaa saraakiisha ay Wasaaraddu magcawdo si ay u laaliyaan seerayaasha. Ruqsad: waxa loola jeedaa ogolaansho rasmi ah 00 ay bixiso Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. Gaadhiid mashiin ku socoda: waxaa loola jeeda noocyada gawaadhida, gaadiidka bada, gaadiidka circa ee ku socda /ku shaqeeya shidaalka. Dhul gaar ah: waxaa loola jeeda dhul lahaanshihiisa loo aqoonsan yahay cid gaar ah, isticmaalkiisa iyo intifaacisaba. Hoy: waxaa loola jeedaa nooc kasta oo hay dad ay ku noolyihiin ah, intuu doona ha leekaado ama noocu doona ha noqdee Waddo: waxa loola jeedaa dhabbo ama jid ay dadwynuhu isticmaalaan oo ay ku jiraan biriishyadu (bridges). Duggaag: waxa loola jeedaa xayawaanka /bahalaha fafka iyo xoolaha cuna. Sarkaal sare oo ilaalada kaymaha ah: waxaa loola jeedaa sarkaal ka tirsan Ilaalada Deegaanka oo ka sareeya darajada kormeere. Degaan: waxaa loola jeedaa goob si joogto ah dad ugu neg yihiin. Alwaaxda geedaha laga sameeyo: waxaa loola jeedaa geed dhacay ama la jaray oo la qaabeeyay si looga dhigo alwaax. www.somalilandlaw.com Page 8 of 24 <!-- page 9 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) Geed: waxaa loola jeeda mid ka mid dhirta noocyadooda kale duwan sida dhirta dhaadheer, kuwa gaagaan, kaymaha, geedka timirta ama saliida iyo wixii la mid ah. Duur-joog: waxaa loola jeeda nooc kasta oo xayawaan ah, shimbiraha, kaluunka wabiga, xamaaratada, 00 aanay ku jirin noolaha yar yar ee dhulka. Ugaadhsi: waxa loola jeedaa qabsashada, waxyeelleynta iyo dilidda duurjoogta. Wasiir ama wasaarad: waxaa loola jeedaa Wasiirka/Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. Xeer- nidaamiye: waa hab-raac xeerkan ka dheegmaya oo digreeto ku soo saarayo wasiirka wasaaradda Deegaanku. CUTUBKA 2AAD MAAMULKA Qodobka 3aad Hawlaha Wasaaradda Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa masuul ka ah hirgalinta xeerkan. Wasaaradu waa in ay:
1. Kormeer iyo tirakoob ku samayso khayraadka dhirta iyo duurjoogta.
2. Waa in ay daraasad cilmi baadhis ah ku samaysaa khayraadka dabiiciga ee dalka saddexdii sano hal mar iyadoo goraal (report) ka diyaarinaysa. Qoraalka daraasada laga sameeyay iyo wixii ka soo baxa waa in ay baahiso wasaaraddu.
3. Waa in kor loo qaad aqoonta shaqalaha iyo dadka kale ee u qaabilsan ama ku hawlan ilaalinta kaymaha iyo duurjoogta si ay hawlahaas ugu gutaan si hufan sida ku qeexan xeerkan.
4. Waa in ay abaabushaa olole heer qaran ah 00 ay ka gqayb galayaan bulshada qaybaheeda kala duwan.
5. Waa in ay samaysaa barnaamijyo (mashaariic) ku saabsan dhiraynta oo ay ka qayb galayaan shakhsiyaad, bulsho waynata iyo ururadda danaynaya in ay beeraan geedo iyo caws.
6. Waa in ay warbixisaa dhirta ama duurjoogta darbar go’aysa, iyadoo wasaaraddu samaynaysa barnaamijyo iyo dadaalo lagu daryeelo.
7. Abuurtaa 00 ay maaraysaa Seerooyinka.
8. Kor u qaadaa abuurista iyo maareynta kaymaha gaarka ah iyo kuwo bulshada.
9. Bixisaa ruqsaddo si loo maamulo khayraadka dhirta si waafaqsan xeerka.
10. Masuul ka noqotaa cilmi baadhista ku saabsan wixii badeli lahaa tamarta imika la isticmaalo 00 aan deegaanka wax u dhimayn.
11. Abuurtaa tamarta laga badalayodhuxusha dhirta.
12. Abuurtaa ciidanka ilaalada kaymaha iyo Duurjoogta si ay u dhaqangaliyaan (socodsiyaan) xeerkan.
13. Iskaashi la samaysaa wasaaraddaha kale, ururadda aan dawliga ahayn (NGO’s) iyo ciddii kale ee danaynaysa si kor loogu qaado aqoonta iyo qalabaynta ilaalida deegaanka iyo duurjoogta. www.somalilandlaw.com Page 9 of 24 <!-- page 10 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) Qodobka Afraad Gudiyada Ilaalinta Deegaanka Heer Qaran, Gobol, Degmo iyo Tuulo
1. Wasaaradda Deegaanku iyadoo la tashanaysa Gudiyada Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo ururada rayidka ah ee ku hawlan arrimaha deegaanka waxay abuuraysaa Guddiga Ilaalinta Deegaanka ee Heer Qaran (GIDHQ)
2. Wasaaraddu iyadoo la kaashanaysa Maamulada goboladu, la tashanaysa ururadda rayidka ah, iyo waayeelka bulshada ee heer gobol waxay abuuraysaa Guddiga Ilaalada Deegaanka Ee Heer Gobol. (GIDHG).
3. Wasaaraddu iyadoo la kaashanaysa Golayaasha Deegaanka Maamulka Degmooyinka) iyagoo la tashanaya ururadda rayidka ah iyo waayeelka bulshada waxay dhisayaan Guddiga Ilaalinta Deegaanka ee Heer Degmo (GIHD).
4. Wasaaraddu iyadoo kaashanaysa xildhibaanada golayaasha deegaan wax garadka waxay dhisaysa Guddida Deegaanka ee heer Tuulo.
5. Xubnaha gudiyadu waxa ay ka koobnaanayaan rag iyo dumar (Lab iyo Dhedig).
6. Xubnuhu waa in ay yihiin muwaadiniin magac ku leh bulshada dhexdhexaada deegaankana ka war haya.
7. Muddo xileedka Gudiyaddu waa shan sano, mar labaadna waa la magcaabayi. Qodobka 5aad Dhismaha iyo Hawlaha Gudiyadda
1. Guddida Heer Qaran waxay ka kobantahay 10 b) Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga 2 Xubnood t) Guddiga Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiilada Xubin j) Guddiga Khayraadka dabiiciga ee Golaha Guurtida Xubin x) Wasaarada Xannanada Xoolaha Xubin kh) Wasaarada Beeraha Xubin d) Wasaarada Biyaha Xubin r) Wasaaradda Tamarta & Macdanta Xubin s) Wasaarada Kallumaysiga iyo Xubin sh) Wasaarada Wershadaha Xubin Dh) Wasaarada Arrimaha Gudaha Xubin
2. Wasiirka Wasaarada Deegaanku iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa noqonaya Guddomiyaha Gudidda Deegaanka Heer Qaran.
3. Xubnaha waxaa soo magcaabaya Masuulka Ugu Sareeya Hay’adda xubin kasta 00 ay ka socoto.
4. Wasaaradda D&HR waxay hawlgelinaysaa Guddiga Deegaanka ee Heer Qaran waxay ay kala talinaysa wasaaradda arrimaha la xidhiidha Dhaqan galinta xeerkan iyo arrimaha kale ee ay wasaaraddu ka dalbato in lagala taliyo ee ay aqoonta u leeyihiin.
5. Isu duwaha WD&HR wuxuu hawlgelinayaa Guddiyada Heer gobo lee degaanka, guddidu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa maamulka gobolada, Hay’adaha sharci fulinta (law enforcement authorities) waxayna si nabad gelya ah u joojinayaan ficilada sharci darada ah ee lagula kaco deegaanka, iyagoo u gudbinaya maamulka gobolka.
6. Wakiilada WD&HR ee heer degmo waxay shaqo gelinayaan guddiyada Deegaanka ee heer degmo waxa ay si dhaw ula shaqaynayaan golayaasha degaanka (maamulka Degmooyinka), hay’adaha sharci fulinta, Booliiska iyo hay’adaha kale ee amniga.
7. Isuduwayaasha gobolada/wakiilada heer degmo ee wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga waxay hawlgelinayaan guddiyada heer Tuulo waxa ay si dhaw www.somalilandlaw.com Page 10 of 24 <!-- page 11 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) ula shaqaynayaan maamulka tuulooyinka, hay’adaha sharci fulintas iyo bulshada reer miyiga. Qodobka 6224 Shirarka (Fadhiyada) Gudiyadda
1. Fadhiyada Gudiyadda waxaa isugu yeedhaya oo Guddoominaya Masuulka u sareeya ee WD&HR ee garan, gobol, deegaan ama cidda uu u igmado.
2. Guddi kasta waxaa shirinaya masuulka ugu sareeya WD&HR ee heer qaran, gobol, degmo iyo tuulo ugu yaraan saddexdii biloodba hal mar (once every quarter).
3. Gudiyadda waa in ay samaystaan nidaam (Hannaan) iyo xeer hoosaadyo. CUTUBKA 3AAD ILAALINTA KAYMAHA, DHIRTA IYO DHULKA DAAQA odobka 7aad Ilaalinta iyo isticmaalka Dhirta iyo Dhul Daagsimeedka
1. Lama goyn karo, gubi karo ama xididada looma saari karo si khaldan looma isticmaali karo dhirta Soomaaliland.
2. Waa mamnuuc in dhirta noocyadeeda kala duwan sida geedaha iyo cawska la baabiiyo iyadoo la goynayo si looga baayacmushtaro.
3. Waxaa la ogol yahay in dhirta, wax ka baxa dhirta, cawska iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah looga faa’iidaysto si waafaqsan xeerkan 00 aan waxba u dhimayn nolosha dhirta. Qodobka 8224 Dhul Oodan
1. Waxa reeban in si gaar ah loo oodo dhul-daaqsimeed.
2. Looma bixin karo Ruqsad ogolaanshiiyo ah oodashada dhul-daqsimeedka.
3. Waxa reeban in si gaar ahaaneed loo oodto dhul-daaqsimeedka, dhulka kaymaha, soolka ah, qadawga, dhul cawseedka (banaanka), buuraha iyo sanaagoodka.
4. Waa in labadii oodood ba oo isku xigaba uu u dhexeeyo dhul cabirkiisu gaadhayo laba bogol oo mitir si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa dadka iyo xoolahu sida ku xusan Qodobkan faqradiisa 124,
5. Wasaaraddu waa in ay la socotaa ama dabaggashaa sahaminta dhulka ee ay la waddo wasaaradda beeraha.
6. WD&HR iyadoo la tashanaysa guddiyada deegaanka maamulada_ gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka waxay baabiinaysaa dhulka sida sharci darada ah loo ootay, kaas oo aan waafaqsanayn godobkan faqradiisa 1244,
7. Lama Samayn (abuuri) karo aagag deegaan (settlements) ama tuulooyin aan waafaqsanayn siyaasadda guud ee dhulka Somaliland.
8. WD&HR iyadoo la hawlgalinayo, guddiyadda heer gobol, iyo degmo, waxay ay ogolaansho u bixin karaan dhulka ku haboon in degaan ama meel biyood la dhigi karo iyada oo loo eegaysa siyaasada & xeerarka dalka ee isticmaalka dhulka. CUTUBKA 4AAD KAYMAHA GAARKA AH IYO KUWA BULSHADA www.somalilandlaw.com Page 11 of 24 <!-- page 12 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) Qodobka 9224 Dhir La Beeray Qof kasta oo dhul sharci ah leh eek a beera dhir waxa uu leeyahay wixii dheef ah ee dhirta dhulkaasi ka soo baxda waxa uu dhirtaasi u isticmaali karaa sida uu doono. Qodobka 10224 Abuurida iyo Maaraynta Kaymo Gaar ah iyo Kuwo Guudba
1. Haddii loo arko inay haboontahay abuurida meel lagu kobciyo dhirta si loo horumariyo beerida dhirta ,maareynta kheyraadka , ka hortaga caro guurka ,iyadoon dhibaato loo gaysanayn, Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxa ay heshiisyo la galaysaa:- B) Bulsho ama bulshooyin sharci u haysta isticmaalka dhul si loo sameeyo 00 loo maareeyo kaymaha guud. T) Qof ama dad badan oo sharci u haysta isticmaalka dhul si loo sameeyo 00 loo maareeyo kaymaha gaarka ah.
2. Heshiisyadda la galo si waafaqsan qodobkan faqradiisa 1aad xarafka (B) & (T) waa in ay:- i. Qeexaan xuduudaha kaynta. ii. Wakhtiga uu heshiisku shaqaynayo iyo shuruudaha heshiisku ku buri karo. iii. Qorshe ay ku goranyihiin hawlaha ay tahay in uu qabto qofka ama bulshada heshiiska lala galayo si loo maareeyo kaymaha. iv. Waajibaadyada nkale ee qofka ama xubanaha bulshada.
3. Heshiiska galitaankiisu waxa uu dhalinayaa in dadka bulshada kawada tirsani ay wada yeelan doonaan dhirta sida dabiiciga uga soo baxa dhulkaasi.
4. Jaritaanka (goynta) dhirta ka baxa kaymaha qodobkan ku xusan looma baahna ruqsad ee waxa loo baahanyahay in lala tashado wasaaradda.
5. Ilaalada waxa looga yeedhayaa Ilaalada Deegaanka 00 waxay kale yihiin ilaalo, ciidanka badbaadada ama ilaalada deegaanka.
6. Ilaalada Deegaanku waa in ay xidhaan dirays gooni ah oo astaan la aqoonsan karo ay ku goran tahay (ku dhajisantahay). Qodobka 11aad Soo Bandhigida iyo Samaynta ilo Tamareedyo Lagu Bedalo Kuwa Haatan jira
1. Si loo xakameeyo dabar go’a dhirta Somaliland, Wasaaraddu waa in ay daraasadayso sidii loo heli lahaa Tamar la aqoodi karo 00 aan deegaanka wax u dhimayn si looga maarmo (loogu badalo) dhuxusha.
2. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu waa in ay u soo bandhigtaa dadweynaha tamarta lagu badalayo dhuxusha, waana in dhuxusha laga mamnuuca marka tamartaasi la helo.
3. Wasaaradu waa in ay burisaa (kala noqotaa) ruqsaddaha dhuxusha ee ay horey u bixisay Sanad gudihiis 00 ka bilaabmaya maalinta xeerkan la ansixiyo.
4. Wasaaraddu waa in ay hogaamisaa wacyi galin qaran iyadoo dadweynaha lagu wacyi galinayo baaba’a ku yimid dhirta wadanka.
5. Goobaha ganacsiga waa in ay wasaaraddu ku qasabtaa in ay dhuxusha ku badalaan tamarta aan dhuxusha ahayn. www.somalilandlaw.com Page 12 of 24 <!-- page 13 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016)
6. Waa in gaaska iyo qalabka kale ee la xidhiidha loo sameeyaa cashuur dhaaf 100%.
7. Xeerkani waxa uu Mamnuucayaa u iib geynta dhuxudha meelo ka baxsan xuduudaha Somaliland dhoofinta dhuxusha.
8. Dawladu waa in ay abuurtaa sanduugq dhaqaale oo wax lagaga qabanayo hormarinta deeganka iyo la dagaalanka xaalufka marka xeerkan la ansixiyo. CUTUBKA 5AAD SEERAYAASHA Qodobka 12aad Seerayaasha
1. Wasaaraddu waa in ay Sanad gudihiis ku qiimaysaa darajada seerayaasha Somaliland.
2. Wasaaradu waa in ay la soo wareegto wixii seerayaal dawladeed ahaan jirtay gacanta dawladana dib ugu soo celisaa.
3. Wixii seere ah maamulkiisa wax iska leh Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miiga. Qodobka 13aad Abuurida Seerayaal Cusub
1. Madaxweynaha Somaliland ayaa shaacinaya (ku dhaqaaqaya) maqaamka/ darajada Seerayaasha, giimeynata wasaaradda ka dib.
2. Seerayaasha la shaaciyay waa in sanad gudihiis oo ka bilaabmaysa markii la shaaciyay, xuduudo muuqda loo sameeyaa.
3. Dadka goobahaas deggan ee xuquuq isticmaal leh, waxaa la siinayaa ruqsaddo si ay uga faa’iidaystaan dhaqaalo ahaan iyo bulsho ahaanba, waxaana mamnuuc ah waxyeelida geedaha, dhirta iyo cawska. odobka 14aad Noocyadda Seerayaasha iyo Kala Xadayntooda
1. Iyadoo lala tashanayo dhamaan daneeyayaasha, seerayaasha dhulka Somaliland waxaa loo kala saarayaa (qaybinayaa) sida hoos ku qoran:- b) Seero jooga ah (Permanent reserves) - waa seero joogta ahaan u xidhan looguna talaagalay baadhista cilmiyeed iyo dhirayn (dib u beerid) geedo dabar go’aya. (t) Seero xilli (Seasional reserves) - dhul la seeray wakhti dheer go’an la xidho sanadkii. j) Seero abaareed (Drought reserves) - dhul la seeray wakhti dheer oo aan la furi Karin ilaa ay baahi culusi timaado ama abaaro daba dheeraaday. x) Seero talantaali (Rotational Reserves) - seero loo daago si talan taali ah oo xidhnaada muddo cayiman si uu dhulku u soo kabto. Kh) Seero Kaymeed (Forestry Reserves) - waa dhul xidhan oo loogu talo galay ahaayeen Daallo, Gacanlibaax, Wagar, Libaaxlay, Nageeg IWM
2. Seerayaasha ku xusan qodobkan faqradiisa 1aad waa in ay leeyihiin xuduudo la calaamadeeyey 00 muuqda oo aan lagu xadgudbi Karin. www.somalilandlaw.com Page 13 of 24 <!-- page 14 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016)
3. Xidhida iyo furidda seerayaasha aan joogtada ahayn waxaa maamulaysa sarkaalka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga u jooga gobolka (isuduwaha wasaaradda ee degmada) isagoo la tashanaya Guddida Deegaanka ee heer degmo iyo Tuulo. odobka 15aad Maaraynta iyo Ilaalinta Seerayaasha
1. Qof kasta oo :- (B) Gooya, rida, qaata, guba, dhaawaca, khayraadka dhirta si uu uga ganacsado gaar ahaan dhuxusha ama (T) Urursada ama gooya cawska si uu uga ganacsado ama (J) Xagaafa, gota, beer ahaan u isticmaala iyo wixii lamid ah ama (X) Dhista, kuganacsada isaga oo aasaasaya tuulooyin ama meel la dago ama (Kh) Ooda, ka goda ceel biyood ama barkad ama (D) Ka ugaadhsada, dabin u dhiga Duur-joogta ku nool seeraha ama (R) Waxyeela, riixa, bedela, wareejiya, dhaqaajiya, faragalin ku sameeya caalamadaha seeraha ama (SH) Ka sameeya wadooyin seeraha gudihiisa ama (DH) Ka-ganacsada khayraadka dhirta.
2. Wuxuu mutaysanaya cigqaabta ama ganaaxa ku xusan Qodobka 28aad faqradiisa (1aad & 2aad) ee xeerkan. Qodobka 16aad Kala Xadaynta Dhulka Daaga iyo Dhul-beereedka
1. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyadoo lala tashanayo Wasaaraddaha Xoolaha, Macdanta , Biyaha iyo Beeraha si loo dhaqaaleeyo carrada iyo loona soo celiyo daaqii waa in ay kala xadaysaa dhul-beereedka, dhulka loo cayimay xoolo dhaqatada, dhulka loo isticmaalo biyo xidheenka, sida hoos ku qoran:- (B) Dhulka daaqa (T) Dhulka loo isticmaalo beerida geedaha xooluhu ku naaxaan (fodder production). (J) Dhulka beeraha (X) Dhulka loo isticmaal biyo xidheenka, ceelal, toggaga ee dhulka daagqista iyo waraabinta dhulka. (KH) Dhulka loo cayimay xoolo dhaqatada (D) Dhulka loo qoondeeyay biyo xidheenada (haraha iyo baliyada). (R) Dhulka loo qoondeeyay Cilmi-baadhista dhirta iyo xayawaanka.
2. Wasaaraddu si ay u kontorooshaa Dhulka Daaqa, Kaymaha, Duurjoogta iyo khayraadka biyaha loogana faa’idaysto biyaha, waxay qaadeysaa talaabooyinka hoos ku qoran, iyadoo la tashanaysa Wasaaradaha Biyaha , Biyaha & Macdanta iyo Xanaadada Xoolaha:- (B) Ilaalinta qararka dooxyadda, jeexjeexa ah ee ka baxsan dhulka beeraha (T) Samayso mashaariic lagu joojinayo caro guurka (JJ) Horumarinta daaga ku yaala dhulka Somalland, lana keeno baad cusub oo ku haboon dhulka. (X) Meel lagu kobciyo geedaha, dhirta, (KH) Dhiri galinta beeralayda isticmaaslka ijaarka nool si loo yareeyo khasaaraha xaalufinta dhirta iyo isticmaalka ooda. www.somalilandlaw.com Page 14 of 24 <!-- page 15 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) (R) Sahaminta dhirteena iyo ururinta geedaha nafaqada iyo dawada leh (Biomedicine) (S) Qaadista tiro koob xoolo dhaqato, xoolo u kala haboonista dhulka, xagga beeraha, daaga dhirta, cilmi baadhista. (SH) Dhiiri galinta iyo cilmi barista wixii bedeli lahaa dhuxusha (alternative energy). Qodobka 17aad Abuurista Beero Hawlo Gaar ah
1. Wasaaraddu waan in ay dhiiri gelisaa abuurista beeraha u gaarka ah calafka xoolaha lagu naaxiyo (fodder crop production) iyo keydinta geedaha & cawaskooda oo gundhig u noqdaya baanka calafka ( fodder Bank) in lagu sameeyo meelaha kala ah:- b) Dhulka loo qoondeeyay beeraha oo kaliya (crop production only). t) Meel kasta oo dib loo soo celinayo loona barwaaqeynayo oo nabaad guurtay.
2. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu iyadoo la tashanaysa Wasaaradaha Xoolaha iyo Beeraha waxa ay amri kartaa:- b) Meel lagu kobciyo geedaha (dhirta), meel loo tamashle (dalxiis) tago, oo aanay ku jirin meel macdan loo qoodeeyey ama dawladu haw! gaar ah u cayintey. t) Meel la xidhey si o ohayo sideeda oo lagu dhaqaaleeyo dabiicidda iyo cimilada, waxbarashana nogota (Biodiversity). CUTUBKA 6AAD DARYEELKA DUURJOOGTA Qodobka 18aad Ugaadhsiga
1. Ugaadhsigu waa ka mamnuuc Somaliland. Waxa mamnuuc ah_ qabashada, waxyeelleynta iyo dilida nooc kasta oo duurjoog ah, cidna ruqsad ugaadhsi lama siin karo.
2. Muwaadiniinta iyo Ajaanibta waxaa ka mamnuuc ah in ay ugaadhasadaan duurjoogta haddi ay tahay qabasho, toogasho, dabasho, ugxaan soo ururisi, lafo, maqaar, baadad iyo qayb kasta 00 xawayaanka duurjoogta ah.
3. Xeerkani waxa sidoo kale uu ciqaabayaa ama ganaxayaa dadka kala dilaala, kuwa ka ganacsada, rugaha ururiya ee soo bandhiga duurjoogta si ay macaash uga helaan.
4. Ajanibta doonaysa in ay booqdaan Somaliland ee ujeedadoodu tahay ugaadhsi, lama siinayo fasax dal ku gal (fiise), ruqsad ugaadhsi iyo ilaalo amni midnaba. Wasaaradda Deeganka iyo Horumarinta Miyigu waa in ay kala kaashataa arrintan Waaxda Socdaalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
5. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyigu waa in ay abuurtaa ciidan ama ilaalada badbaadinta duurjogta oo dirays xidhan.
6. Muwaadinka ama muwaadiniinta ka war hela ugaadhsiga ka socda meel ka mid ah wadanka waa iney wargeliyaan xafiiska ugu dhow ee Hay’adaha ku shaqada leh. Waa in si nabadgelyo ah ufarageliyaan oo ay u joojiyaan ugaadhsiga inta ay imanayaan fuliyayaasha sharcigu.
7. Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu waa in ay u xilsaartaa muwaadiniinta aqoonta u leh si ay unoqdaan ciidan ilaaliya duurjoogta gaar ahaan meelaha fog ee dalka. www.somalilandlaw.com Page 15 of 24 <!-- page 16 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016)
8. Madaxweynaha Somaliland oo kaliya ayaa hadyad ahaan ubixin kara ugu badnaan laba midh oo ah duurjoogta aan dabargo’ayn iyo kuwa dalkeena ugaarka ah (dalkeen kaliya).
9. Goobaha iyo guryaha gaarka ah ee duurjoogta haystaa waxa ay dhiirigelinayaan inay dadka reer miyigu u soo ugaadhsadaan duurjoogta (Shinbiraha, Naasleyda iyo Noocyada kale ee duurjoogta). Xeerkani waxa uu mabnuucayaa in duurjoogta Huteelo ama Guryo gaar ah lagu hayo.
10. Wasaaradu waa ay tirakoobtaa tirada duurjoogta ku nool Huteelada (Hotels) iyo Guryaha gaarka ah.
11. Wasaaraddu waa in ay la wareegtaa lahaanshaha duurjoogta sida goonida loo haysto lakiin waxa ay joogayaan meeshooda ilaa inta loo sameenayo beer xayawaanka lagu daryeelo (Zoo) intaasna wax si joogta ah ula soconaya Wasaarada.
12. Waa mamnuuc in duurjoog cusub la keeno (lagu bedelo kuwii hore) goobaha huteelada iyo guryaha gaarka ah.
13. Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer miigu waa in ay ku diyaarisaa beerta xanaanada iyo daryeelka duurjoogta la ururiyay (Zoo) iyo kuwa la qabto ee qaxoontiga ah (Wild life Refugee Camp) iyadoo la kashanaysa dawlada iyo hay’adaha caalamiga ah taas 00 ay gacanta ku haynayso wasaaradu.
14. Waxa lagu dili karaa ogolaanshaha wasaarada deegaanka:- b) Haber-dugaaggu marka uu dadka iyo xoolaha halis galiyo ama cuno waa la dili karaa, waxaana sababta loo diley haber-dugaagaas iyo khasaaraha uu geystay lagu war-gelinayaa Gudida heer degmo. t) Duur-joogta halista ku ah degaanka marka cilmi-baadhis lagu sameeyo, iyaga oo bata ama qaba cudurada la is-qaadsiiyo. j) Labka ama dhadiga gabooba marka tiro-koob lagu sameeyo sanad ilaa laba sano kasta si aanay daaqa iyo biyaha ugu cidhiidhyin kuwa tarmaya.
15. Wasaaradu waa in ay masuul ka noqotaa duurjoogta halista ah sida libaaxyada lagu hayo goobaha gaarka ah si bulshada looga badbaadiyo. Goobaha lagu hayo duurjoogtan halista ah waa in ay wasaaradu ku qanacdaa amnigooda ilaa inta la sameenayo beer duurjoogta lagu daryeelo (Zoo). odobka 19aad Dhoofinta iyo Soo dejinta Duurjoogta
1. Duurjoog aan wadanka laga aqoon (alien species) lama soo dajin karo.
2. Lama Dhoofinkaro nooc kasta 00 kamida duurjoogta wadankeena (Native species).
3. Waxa reeban in la keeno dalka dhir wax yeelo u leh deegaanka iyo noolayaasha kaleba. (Invastive species). Qodobka 20aad Sameynta Xarumo Cilmi Baadhiseed iyo Tarmin
1. Wassarada D&HR waxaa waajib ku ah in ay sameyso xarumo lagu tarminayo noocyada duurjoogta sida duurjoogta sida shimbiraha IWM si looga badbaadiyo dabargo ku imaada.
2. Noocyada sida gaarka ah ugu baahan in loo sameeyo tarmin si dagdag waxa kamida Goroyada, juglayga, Gunburiga libaaxa IWM
3. Sameynta xarumaha tarminta & Cilmi-baadhista waa in ay gacanta ku hayso wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga isla markaana ay ahaataa bee’ad ku www.somalilandlaw.com Page 16 of 24 <!-- page 17 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) haboon noocyada la rabo in la badiyo, qorshayaasha maarayneed ee xarumahaas waxa lagu fulivaa si waafaqsan qodobka 18aad ee xeerkan. CUTUBKA 7AAD BIXINTA RUQSADAHA Qodobka 21aad Reebanaanta iyo bixinta rugsadaha duurjoogta, Haber-dugaaga, Shimbiraha, Xamaaratooyinka
1. Waa reeban (mamnuuc) tahay ugaadhsiga, ka ganaciga, dhoofinta duurjoogta, habar- dugaagta, Shimbiraha, xamaaratooyinka ku nool, (ku dhaqan) Somaliland.
2. Waa reeban (mamnuuc) tahay bixinta ruqsad lagu oggolaanayo ugaadhsiga, ka ganacsiga, dhoofinta duurjoogta, habar-dugaagga, Shimraha, xamaaratooyinka dalka ku nool (dhaqan).
3. Madaxweynaha cid aan ahayni hadiyad uma bixin karto, cid kalena hadiyad uma siin karto, duurjoogta, habar-dugaagga, shimbiraha iyo xamaaratooyinka dalkeena. Qodobka 22aad Noocyada Rugsaddaha
1. Noocyada ruqsadaha ay bixinayso Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga waxaay kala yihiin:- b) Ruqsadda Cawska i. Cawska loo gooyo dhoofka xoolaha ee ka yimaada goobaha sida gaarka ah loo leeyahay (Private enclosures). ii. Ruqsadda cawska lama siin karo qgofka ka ganacsada cawska ka baxa dhulka la wada leeyahay iii. Qofka ka ganacsada calafka xoolaha waxaa ka reeban in uu xidida ama rujiyo calafka xoolaha. iv. Waa mamnuuc in ruqsadda cawska lala kala wareego (Transfer licence). t) Ruqsadda Dhuxusha i. | Wasarada horumarinta reer miigu ma bixin karto ruqsad cusub oo ka ganacsiga dhuxusha ah laga bilaabo marka xeerkani soo baxo ii. Ruqsadda ka ganacsiga dhuxushu ee imika jirtaa ee ka horaysay xeerku waxa uu shaqaynayaa oo kaliya Xiliga kala guurka ah laga bilaabo marka sharcigan la ansixiyo. iii. Ruqsadaha ka ganacsiga dhuxushu waxay dhacaysaa marka uu dhamaado xiliga kala guurka. iv. Qof kasta ama shirkada kasta oo haysata ruqsad ka ganacsi dhuxuleed ee mudada xiliga kala guurka ah, waxaa ka reeban in ay gooyaan ama shidaan nooc kasta oo dhirta goyan ah marka laga reebo geedka garan-waaga ah. V. Qof kasta ama shirkad kasta 00 haysata ruqsad ka ganacsi dhuxuleed ee mudada xiliga kala guurka ah, waxaa reeban in si ulakac ah loo dhaawaco dhirta qoyan, taasoo ujeedadu tahay in geedku qalalo kadibna ay dhuxulaystaan. vi. Qof kasta ama shirkada kasta oo haysata ruqsadda ka ganacsiga dhuxusha ee mudada xiliga eek ala guurka ah, waxaa kaliya oo ay dhuxul ka sameyn karaan xaabada qalashay oo kaliya. www.somalilandlaw.com Page 17 of 24 <!-- page 18 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) vii. Ruqsada dhuxusha ee xiliga kala guurka ah lalama kala wareegi karo (transfer licence). j) Ruqsadda Nuuradda i. Qof kasta ama shirkada kasta oo haysata ruqsada ka ganacsiga nuurada waxaa ka reeban in lagu shido dhir qoyan. ii. Lama bixin karo ruqsad ama ogolaansho inta lagu jiro wakhtiga kala guurka, wakhtigaas oo ka bilaabmaya maalinta la ansixiyo xeerkan. x) Ruqsadda Ogolaanshiyaha Dhirta Guryaha Hortooda, Dhulkala Degaamaynayo & Dhirta beeraha laga Goynayo. Kh) Ruqsadda & Astaysta Goobaha Taawaradda, Macdanta, Ciida & dhagaxa d) Cashuuraha iyo khidmadaha. i. Cashuuraha & khidmaddaha ruqsadaha waxa wadjir u go’aami doona Gudi uu Wasiirka Maaliyadu ka magcaabo Wasaaraddiisa & Guddi Wasaaradda deegaanka ah. ii. Cashuuuraha iyo khidmaddaha ruqsadaha ku cad xeerkan waxaa qeexaya xeer-nidaamiyaha xeerkan. Qodobka 23aad Been abuur Rugsad
1. Qof kasta oo:- (B) Been abuura, beddela, ama masaxa shaambad calaamadeed ama saxeexa liisanka amma sharciga ama ruqsadda lagu gooyey xeerkan ama amar kastoo lagu bixiyey ama digniin kastoo lagu bixiyey. (T) Jabiya shuruudaha liisanka (ruqsadda) ama ka soo bixi waaya shuruudahaas. (JJ) Qaadata wax kastoo ka soo go’a kheyraadka dhulka, soona ururaya si sharci daro ah oo gaadiid ku qaadata si aan xeerkan waafaqsanayn. (X) Hela ama isticmaala liisan aan si sharci ah lagu helin.
2. Waxaa uu mutaysanayaa Ganaaxa iyo xadhiga ku cad Qoddobka 24aad faqradiisa 2aad kheyraadka dhulka ka soo go’ay ee la soo qaatay, waa lala wareegayaa waana la xaraashayaa, qiimahoodana waxaa waxaa lagu wareejinayaa Qasnadda Dawladda.
3. Liisanka dambi lagu helo ama oggolansho dembi lagu helo waa lagala noqonayaa. QodobKa 24aad Rugsad la Nogosho
1. Qofkii caado ka dhigta inuu ku xad gudbo shuruudaha rugqsadda la siiyay, ruqgsadda ama ogolaanshaha uu hayso waa laga qaadayaa, alaabta kheyrraadka lagu qabtay ee keentay in ruqsadda lagala noqdona waa lala wareegayaa.
2. Qof kasta ama shirkad kasta oo ku xad gudubta shuruudaha lagu bixiyey liisaanka ka ganacsiga cawska xoolaha waxaa lagala noqonayaa Ruqsadii uu haystay, waxaa la Saarayaa ganaax dhan laba malyuun illaa sadex Malyuun (2,000,000/=Slsh) illaa 3,000,000 /=SLsh) ama xadhig dhan 3 bilood. CUTUBKA 8AAD XADGUDUBYADA odobka 25aad Awoodda Fulinta, Baadhida ivo Xidhida (Haynta) www.somalilandlaw.com Page 18 of 24 <!-- page 19 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016)
1. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa awood u leh fulinta xeerkan heer kasta (Qaran, Gobol, Degmo iyo Tuulo). Haddii ay suurto gal tahay, dhaqan galinta xeerkan waan in uu hoos ka soo bilawda (grass root).
2. Maamulka heer garan waa in uu xaliyaa xad-gudubyada ku saabsan xeerkan ee maamulada heer gobol ay u soo gudbiyaan. i. Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu waa in ay xalisaa, arimaha ay maamulada heer gobol xalin kari waayeen.
3. Maamulada_ her gobol waxay u xilsaaran yihiin socodsiinta (dhaqangalinta) xeerka ee goboladooda. I. Isuduwaha wasaarada iyo wasaaradda arimaha gudaha (badhasaabka & booliska gobolka) waxa ay dusha kala soconayaa dhaqangalinta xeerkan ee heer gobol iyagoo la shaqaynaya degmooyinkooda. I]. Arimaha maamulka heer gobol u xalin kari waayo waxaa loo soo gudbinayaa maamulka heer garan (Hargeisa).
4. Maamulka heer degmo ayaa u qaabilsan dhaqangalinta xeerkan, waxayna ka koobanyiyhiin isuduwaha wasaarada ee degmada (wakiilka wasaarada). Gudoomiyaha degmada,taliyaha booliska degmada iyo waxgaradka degmada. i. Xad-gudubyada ka dhaca degmada ee ka dhan ka ah xeerkan ee lagula kaco deegaanka ama_ duurjoogta, waa in xalintooda loo cuskadaa sida xeerkani uu dhigayo ii. Dambiyada waa weyn ee ay adagtahay in heer, degmo lagu xaliyo waxaa la wareegaya xalintooda maamulada heer gobol.
5. Gudiga ilaalada deegaanka iyo duurjoogta ee heer tuulo waxa uu ka koobanyahay gudoomiyaha tuulada iyo afar xubnood, iyaga ayaa dhaqangalinaya xeerka oo indho iyo dhego u noqonaya maamulka heer degmo. I. Gudigu waa in usi degdega ahau xidhaaoo uu degmada u gudbiyaa qof kasta oo gooya dhirta, geedaha, ugaadhsada duurjoogta ku nool aagaas (tuulooyinka). 6. waa in la dhiiri galiyaa muwaadiniinta danaynaysa ilaalinta deeganka si ay uga qayb qaataan joojinta dhibaatada lagu hayo kheyraadka dabiicia ah. 7. dadka magaca ku dhex leh bulshada Somaliland ee danaynaysa ilaalinta deegaanka wuxuu sharcigu u ogolyahay in ay si nabadgalyo ah u joojiyaa dhibaatada loo gaysanayo deegaanka oo ay isla mar ahaantaa u gudbiyaan maamulka __ tuulada, degmada, gobolka, ama heer qaran. Qodobka 26224 Xuquuaqda Hawl-Fuliyayaasha 1) Si loo dhiiri galiyo in ay dhaqan galiyaan Xeerkan, hawl fuliyayaasha heer degmo waxa guno ahaan loo siinyaa 30% (boqolkiiba sodon) dhakhaliga ka soo baxa ganaaxa laga qaado dambiilaasha ee degmada. 2) Alaabta kheyraadka ee la qabto waxaa lagu wareejinyaa wasaarada deeganka iyo Hormarinta reer Miyiga 00 markaasi xaraashaysa ( iibinaysa), wixii ka soo baxana ku wareejinaysa Sanduuqa_Ilaalinta Deeganka ciddii lagala wareegayna waxay Mutaysanaysa ciqaab. 3) Dakhliga xaraashka ka soo baxa waxaa laga jarayaa 30% si loogu fuliyo hawasha ku xusan godobkaan faqgaraadiisa 1aad. 4) Dakhliga xeerkan waxaa si deg deg ah loogu xareynayaa khasnadda sanduuga ilaalinta deeganka ee ugu dhaw goobta lagu qabtey dakhliga. www.somalilandlaw.com Page 19 of 24 <!-- page 20 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) 5) Wasaarddu waa in ay abuurtaa ciidan ama ilaalo ugaar ah baadhista, ilaalinta iyo socodsiinta xeerkan si loo badaadiyo deeganka, dhulka, geedaha. Duurjoogta, biyaha iyo wax alaale wikxii la xidhiidha deeganka iyo cimiladiisa 6) Ciidankaas ama ilaaladaas waxa loo bixinayaa ciidanka ama ilaaladda badbaadada deeganka 7) Ciidanka ama ilaalada deeganka ku xusan qodobka faradiisa 5aad waa in ay xidhaan dirays gaar ah oo ay ka muuqto astaab la aqoosan karo. Qodobka 27224 Xad gudubyadda ka-dhanka ah Duur-joogta
1. Qof kasta 00;- (B) Ugaadhsada ama qaata duurjoogta shimbir, habar-dugaagta xamaartooyinka ama (T) Kaxaysto (gaadiid ku qaata), haysta duurjoog shimbiro, habardugaagta, xamaaratooyinku ama kaysada qayb ka mid ah xubnaheeda, ama (JJ) Qaata duurjoog, shimbiro. Habardugaag, xamaartooyinka si uu uhu istcmaalo cilimi baadhis ahaan, waxabrsho ahaan, ama tamashalyan (ku il-doogsi ahaan) ama (X) Qaata duurjoog shimbiro, habardugaagta xamaartooyinka si uu u bacrimiyo.
2. Waxa uu muteysanayaa ciqaabta iyo/ama ganaax ku xusan qodobka 28aad farqadiisa (3aad & 4aad). Qodobka 28224 Cigaab
1. Qofka ku xad-gudba qodobka 2724 ee xeerka waxa uu mutaysanayaa xadhig aan ka yarayn sanad iyo ganaax dhan ugu yaraan saddex malyuun (3,000,000/=sl sh), iyadoo 00 loo eegayo baaxada xad gudubka uu ku kacay oo Ciqaabtiisu la sii kordhayso.
2. Ciqaabta ama ganaax ku xusan qodobkan faqradiisa 1laad waxaa u dheer dambiilaha oo ay maxkamadu ku xukumayso in uu hagaajiyo dhibaatadii uu gaysatay.
3. Ajaanibka ku xad-gudba qodobka 27224 ee xeerkan waxa uu mutaysanayaa Shan sano (Ssano) oo xadhiga ah ama _ ganaax lacageed oo dhan afartan malyuun (40,000,000/=SIsh), iyadoo loo eegayo culayska kiiska iyo baaxadda xadgubka uu sameeyey, Qodobka 29224 Haw] fuliiyayaasha Ilaalada deeganka ee ay wasaaradu u xil-saartay ilaalinta kheyraadka dhirta iyo duur- joogta wadanku waa booliska, ilaalada ama ciidamada gaarka ah ee badbaadinta deeganka iyo milateriga iyo ciidanka ammanka guud ahaan. Qodobka 30244 Awoodaha hawl-fuliyayaasha
1. Sarkaal kasta oo ka tirsan hawl fuliyayaasha waxa uu ka weydiin karaa gofka uu ka shakiyo inuu tuuso ruqsada ama ogaalanshaha uu haysto, Isagoo aan waaran maxkamadeed aan haysan. www.somalilandlaw.com Page 20 of 24 <!-- page 21 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016)
2. Muwaadin kasta waxaa ku waajib ah inuu ku baraarujijo, ilaalada deegaanka, Ciidanka booliska ee ugu dhow, ama xubnahaa guddida deegaanka ee goobta uu joogo cidkasta oo ku hawalan ugaadhasi noockasta uu yahay.
3. Hawl fuliyaayashu waxay awood uleeyihin in ay; (B) Istaajiyaan (joojiyaan) oo ay baadhaan gaadiidka ay ka shakiyaan in uu si sharci daro ahuu u_ sido geedo (ama dhir), duurjoog, habar-dugaag, shinbiro, xamaaratooyinka ama qayb ka mid ah jidhka/xubnaha noolahaas. (T) Iyagoo waaran maxkamadeed sita in ay galaan guriga ay ka shakiyaan inay si sharci daro ah lagu hayo, kaydiinayo dhir, duurjoog, habar dugaag, shimbiro, hamaaratooyin ama qaybo ka mid ah jidhka/xubnahooda. (J) In ay qabtaan geedo, duurjoog, shimbiro, gabar-dugaag, shimbiro, xamaratooyin iyo qayb ka mid ah jidhkooda/xubnahooda iyo qalabkii loo isticmaalo in danbiga lagu galo. (X) Sarkaal ama hay’ad kasta oo ka tirsan hawl fuliyeenada oo qabta shay si Waafaqsan xeerkan waa in uu/ay rasiidh (receipt) ujaraa cidda/qofka uu ka qaaday isla markaana uu wargaliyaa wasaaradda. Qodobka 31244 La wareegid Hadii qodobadan xeerkan la jabiyo, maxkamadu: (B) Iyadoo eegaysa culayska kiiska waxay amraysa in la, la wareego qalabkii ama gaadiidkii loo isticmaalay in lagu qaado khayraadka dhirta, duurjoogta ama qaybaha jidhkooda. (T) Diyaaradaha qaada ama lagu ogaado inay qaaday khayraadka dhirta geedaha duurjoogta ama qaybaha jidhkooda waxaa uu mutaysanayaan
1. Waxa la ganaaxayaa ganaax dhan sideetan malyuun (80,000,000/=SL sh)
2. Haday cadaystaan diyaaradahaasi qaadista khayraadka dhirtaasi geedaha duurjoogta ama qaybaha jidhkooda waxa lagala noqonayaa ruqsada duulimaadka dalka iyadoo ganaax laba lab ahna la saaraayo 00 noqonaaya bogqol & lixdan malyuun (160,000,000/=SL sh) oo dollarka maraykanka ah, Waxa la galinayaa buuga madow ee ka ganacsiga duurjoogata caalamiga ah. (j) Hadii eedeeysanaha ama eedeeysanayaasha lagu waayo danbi, maxkamadu waxay amraysaa in hantidii lagala wareegay loo celiyo. (x) Hadii shay (qalab) la soo qabtay ay maxkamadu amarto in aan lagala wareegin qofka lagu qabtay, galabka waa la haynayaa ilaa inta qofkaasi wada bixinaayo ganaaxa lagu xukumay,hadii uu ganaaxa sodon (30) maalmood gudahood uu ku wada bixin waayo, qalabkaas waa la xaraashayaa si ganaax loogu bixiyo. Qodobka 32aad Culeyska Cadaynta Hadii qof lagu soo oogo fal danbiyeed oo ku xad-gudbay xeerkan, culeyska cadayntu (burden of proof) waxa ay saarantahay (ay tahay in ay cadayso) Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga. QodobkKa 33aad Racfaan Qaadasho www.somalilandlaw.com Page 21 of 24 <!-- page 22 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) Danbiilaha ciqaabta xeerkan dhigayo lagu xukumo, wuxuu xaq u leeyahay racfaan qaadasho, hadii uu ku qanci waayo xukunka ku dhacay, waxaanu u racfaan qaadanayaa maxkamada racfaanka ee awooda leh. odobka 34aad Tir-tirid
1. Xeerkasta, xeer-nidaamiye kasta, wareegto kasta iyo amarkasta oo qodabada xeerkan dhaqangalkiisa ka horyimaadda waa la tirtiray ama waxa loo badalay si waafaqsan nuxurka xeerkan
2. Heshiish kasta oo ka hor -imanaya xeerkan waa la-laaley. Qodobka 35aad Ogolaanshaha Heshiishyada Caalamiga ah Jamhuuriyada Somaliland waxay tix galinaysaa heshiishyada calamiga ah ee ku saabsan ilaalinta dhirta iyo duur joogta oo ay ugu horayso shanta heshiish ee lifaaqa ku ah xeerkan Qodobka 36224 Dhagan gal Xeerkan wuxuu' dhaqan-galiyaa marka_ golayaasha_ xeer-dejintu ansixiyaan, madaxwaynuhuna saxeexo faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro. C/risaaq Siciid Ayaale Baashe Maxamed Faarax Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ahan Ku- JSL simaha Gudoomiyaha G/Wakiilada JSL _____—Saxeex ___—Saxeex__ References! 1- Somalia fauna and forest conservation (law No.15/1969) 2- Somaliland law on the prevention of deforestation & Desertification (Law No 04/98) 3- Eretria Forest and Wild Proclamation Act 4- MoERD Budget 2014 * Maaha caadi in Xeer lagu soo daro xeerar hore ama waxyaale oo ah Xigasho ah. Labada Xeer ee ah kii 1969 iyo kii 1998 waa ahayd Qodobka 34aad ee Xeerkan lagu cayimo wayaalaha Xeerarkaas hore uu Xeerkani ka beddellay iyo baaxadda bedelladaas 00 suggan. Waxaa kaloo jiray Xeerar kale 00 ka dambeeyay kan 1969 00 kaas wax ka beddallay - Tifatiraha. www.somalilandlaw.com Page 22 of 24 <!-- page 23 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016) (Anex2 1): Heshiisyada Caalamiga ah Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku dadaali doontaa sidii ay qayn uga noqon lahayd heshiisyada muhiimka ah ee Caalamka ee ku saabsan ilaalinta duurjoogta iyo dhirta, shantan heshiis ee hoos ku goran ayaa ugu muhiimsan :
1. Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Ganacsiga Dhirta iyo Duurjoogta Dabar go’a halista ugu jira (waxaa loo soo gaabiyaa CITES3). CITES waa heshiiska ugu caansan heer caalami ee ku saaban ilaalinta dabiicigaa (nature). Waxa uu mamnuucaya ka ganacisga duurjoogta iyo dhirta halista ugu jira ina aya dabargo’aan. Heshiiskani saddex gqaybood ayuu u kala saarayaa dhirta (flora) iyo dhirta dubatada (fauna): B. Lifaaqa 1 (appendix 1). Waxaa uu kontarolayaa ka ganaciga duurjoogta, dhirta iyo qaybaheeda, waana mamnuuc ka ganacisgoodu hadii aan ogolaansho laga hysan wadamada laga qaadayo iyo wadamada loo dhoofinyo labadaba. Maroodiga iyo noocyada kaymaha afrika ayaa qaybtan soo hoos galaya. Mar xaalada Somaliland hadii aan eegno waxaa qayntan hoos imanaya noocyada naasleyda sida cawsha, dibtaag. shimbiraha qaybta waxaa kamida wersengeli linnet, little brown and hueglin’s bustard, golden-winged grosbeak iyo Cabeebka (Somali thrush). Somaliland waxay ay diyaar u tahay in ay saxeexdo heshiiska muhiimka ah. T. Lifaaqa 2 (appendix). Waxa qaybtani ay ka hadlysaa duurjoogta iyo dhirta aan wakhtigan haatan ee la joogo dabargo’a halista ugu jirin ee laakiin mustaqbalka dabargo’i karta, ka ganacigooduna u baahanyahay ruqsad dalka laga qaadayo iyo dalka loo dhoofinyo labadaba. Lifaaqan (qaybtan) waxaaa hoos iman kara harmacadka , diinka, desert wart hog iyoy kori bustard. J. Lifaaqa 3 (appendex 3) waxa uu ku saabsan yahay heshiisyo ay wadamada qaarkood wada galeen si ay u xakameeyaan ka ganacsiga dhirta, durfoogta iyo qaybahooda.wadamada Namibiya iyo Thailand waxa ay ku _ heshiyeein iney xakameeyaan ka ganacsiga harmacdka Africa. Somaliland waxa ay dadaali sidii ay heshiisyo ula gali lahayd wadamda carabta si loo mamnuuco ka gancsiga Cawsha, Dib-taaga iyo Goroyada (Bustards).
2. Heshiiska Palermo. Heshiiskani waxa uu ku saabsanyahay joojinta dambiyada iyo ka ganacsiga caalamiga ah ee dhirta iyo duurjoogta iyo qaybahooda. Ka Somaliland waxa ay dabynysaa in ay qayb ka noqoto heshiiska marka la eego ka ganacisa sharci darada ah ee lagu hayo duurjoogta dalka ee looo qaado wadamada carbta iyo meelo kaleba. Harmacadka, biciidka ayaa si sharci daro ah loooga dhoofuyaa magaalooyika iyo tuulooyinka xeebaha.
3. Heshiiska Noolaha Kala Duwan (Biological diversity). Heshiiskani waxa uu ku saabsan yahay ilaalinta deegaanka guuud ahaantii si looga hortago nabaad guurka iyo waxyeelaynta kaymaha, biyo xidheenada/haraha/barkadaha iyo dhulka qoyan. Somaliland waxa ay diyaar u tahay in ay gqayn ka nogoto heshiiskan. Waxa la asaasay sandkii 1994 shirkii Rio De Jannero ee 1992 kadib. 2 Af Soomaaliga, ereyga “ Annexe” waa “Lifaaq”. Lifaaqyadu waa caadi in lagu daro Xeer lagu daro, waxaana caadiyan lagu xusaa Xeerka gudahiisa in ay yihiin qayb Xeerka la socota. 3 Convention on International Trade in Endangered Species of Wild Fauna and Flora (1973) as amended in 1979 and 1983. www.somalilandlaw.com Page 23 of 24 <!-- page 24 --> Forestry and Wildlife Conservation Law - No. 69/2015 (As Gazetted 06/02/2016)
4. Heshiiska Qaramada Midoobey ee ka Hortaga Xaalufka. Waxa uu ka soo bilawdey shirkii taariikhiga ahaaa ee Rio summit ee 1992 Kii. Heshiiskani waxa uu ku saabsan yahay dhulalka lama degaanka ah ee aduunka. Waxaa mararka qaar loo yaqaan “Heshiiska dhulka Qalalan” kaas 00 loogu talo galay wax ka qabadka iyo maareynta caafimaadka noolaha dhulkaasi ee ay dhibaatadu ka so gaadhay isticmaalka xad-dhaafka ah iyo isbedalka cimilada loona yaryan lahaaa xaalufkaiyo baaba’a noolaha kala duwan.waxa heshiiskani wacyi gelinta caalamiga ah dhigaya ay faa’iido weyni ugu jirta qaaradda afrika gaar ahaaan wadamada sahara(Saxaraha) ka hooseya ilaa wadamada geeska afrika. Somaliland waa in ay heshiiskan qeyb ka noqoto iyadoo u sii marysa barnaamijka urur goboleedka (Sub Regional National Action Programs). 22 bisha May sanad kasta waxaa adduunweynaha laga sameeyaa wacyi gelin (International Day for Biodiversity).
5. Heshiiska Qaramda Midoobay ee Isbedelka Cimilada (Climate Change) Heshiiskan u jeedadiisu waa sidii loo yarayn lahaa walxaha hawada lagu sii daayo ee isbedelka Cimilada sababta u ah. Walxahaas waxaa ka mid ah sida Karbon-laba Oxide (Carbon Dioxide) ama gaasa kale, waxyna ka dhashaan isticmaalka shidaalka iyo shidida dhuxul dhagaxa. Heshiiska waxa diirada saarayaa wadamada horey u maray (developed and fast developing economies) maadama ay yihin kuwa qaybta wey ka qaata isbedelka Cimilada.afrika 00 ay somalilnd ku jirto, wax saameyn la taaban karo kuma laha isbedelka Cimilada. Laakiin dhuxusha iyo geedaha la shidayo waxa ay qayb ka yihiin isbedelka cimilada. www.somalilandlaw.com Page 24 of 24