تخطَّ إلى المحتوى
Nelum
قوانين الصومال

Urban Land Management Law – Law No: 17/2001 as amended in 2008

صدر في 2001 · النص بتاريخ 2026-10-01

القانون العام والإرشادات الرسمية منشورة بوصفها أبحاثاً. ليست مشورة قانونية أو ضريبية أو مالية.

البحث نفسه مكتوب بالإنجليزية. العناوين والوسوم مترجمة؛ أما النتائج والاقتباسات فغير مترجمة.

عن هذا القانون

العنوان الأصلي
Xeerka Maamulka Dhulka (Xeer Lr. 17/2001).
اللغة
Somali
النوع
قانون
المنظمة
African Union (AU)
الدولة
الصومال · Somaliland
الموضوعات
Land and soil
الكلمات المفتاحية
court/tribunal, alternative dispute settlement, land subdivision, land tenure, local government, private land, procedural matters, public land, urban land

أين تقرؤه

    لا يوجد رابط مصدر مسجل لهذا القانون.

النص

نص القانون نفسه، مادةً مادة، كما هو محفوظ. لكل مادة رابطها.

  1. —1— REPUBLIC OF SOMALILAND THE PRESIDENT REF: JSL/DECM/249-1121/092008 DATE….09/09/08 DECREETO MADAXW EYNE NO:363/092008 DHAQAN-GALKA WAX-KA-BEDELKA & KAABISTA XEERKA Maamulka Dhulka Magaalooyinka EE XEER LR 17/2001 Madaxweynaha Jamhuuriyadda S omaliland Markuu Arkay: Ogolaanshaha Golaha Wasiirada ee Wax ka bedelka & Kaabista Xeer Lr. 17/2001. Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka JSL Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee ku suntan GW/G/41/300/2008 EE5/417/2007 ee 20/08/08 kuna ansixiyeen qodobada 5aad, 7aad, 28aad, 29aad ee Xeer Lr.17/2001 ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka Xeer Lr. 17/2001 oo soo jeedintii Madaxwaynaha JSL Golaha Wakiiladu ku meelmariyeen wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka. Markuu arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland —2— Wuxuu Soo Saaray Dhaqan-galka Qodobada 5aad, 7aad, 28aad iyo 29aad ee Xeer Lam.17/2001 ee Wax Ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka ee Xeer Lam 17/2001. Waxaana lagu soo saaridoonaa Faafinta Rasmiga ah (Pulatino Officiale) Allaa Mahad Leh, Daahir Rayaale Kaahin Madaxweyne —3— —4— Bismilaahi Raxmaani Raxiim Markuu arkay: Qodobka 61aad faqradiisa 2aad ee Dastuurka JSL Markuu Dersay: Is-beddelka lagu sammeeyay sharciga Dhulka ee Xeer Lambar 17/2001, Qoddobadiisa 5aad, 7aad, 28aad & 29aad ee ka yimid Golaha Wakiiladda. Markuu ka dooday: Nuxurka iyo ujeedada uu xambaarsan yahay wax-ka beddelka iyo kaabista Xeer Lambar 17/2001. Markuu Qiimeeyay: baahida keentay in qodobo ka mid ah XEER LR 17/2001 is bedel lagu sameeyo Markuu Tix-Geliyay: Duruufaha la xidhiidha mushkilada Dhulka isla markaasna baahida loo qabo in la helo hab garsoorka dacwadaha dhulka oo ka fudud siddii hore. WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN: —5— Qodobka 1aad Awooda Maamulka Dhulka 1. Eebe ka sakow guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland waxa iska leh Dawlada Somaliland ( sida uu tilmaamayo qodobka 12aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurku) sidaa awgeed awoodiisa maamul, wareejintiisa iyo soo jeedintiisa sharci-u-dejineed waxa gaar u tahay Golaha xukuumada. 2. Madaxwaynaha JSL, markuu dhegeysto talada Golaha wasiirada iyo Guddiga Qaranka ee Naqshadaha Guud ee Magaalooyinka JSL, wuxuu soo saarayaa Xeer Madaxwayne oo lagula wareegayo dhul ama dhisme dan guud awgeed. 3. Danguud Waxa loola jeedaa: meelaha laga smaynaayo, Jid Cusub, Waddo balaadhin, buundo, layman koronto, kuwo isgaadhsiineed, xafiisyo ama dhismayaal dawladeed iyo wixii kale ee lagama maarman loo arko ( Public Purpose) waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee dawlada. QODDOBKA 2aad Awooda Dhul bixinta 1. Maamulka iyo bixinta jagooyinka dhisme ee magaalooyinka ( degmooyinka) dalka JSL, waxa iska leh maamulka dawladda hoose( Guddida fulinta ee dawlada hoose) —6— 2. Maamulka wixii dan guud ah sida; dhulka xafiisyada iyo guryaha dawlada, dublumaasiyiinta, Wershadaha iyo dhamaan dhulkii hore loo odhan jirey ( Shacab area) waxa iska leh dawlada dhexe 3. Waxa jiraya xafiis ka wakiil ah Guddida Qaranka ee Naqshadaha Guud, kuna yaala xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud ee Heer Dgmo, Gobol, Qaran. 4. Xafiiska ku sheegan farqada 3aad ee Qodobkan wuxuu hubinayaa waraaqaha dhulka ee ka soo dhamaaday Maamulka dhulka ee dawlada hoose inuu waafaqsanyahay naqshada Guud ee magaalo. 5. Waxa reeban in ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kale ee dawlada ee aan ahayn kuwa ku sheegan farqada 1aad iyo 2aad ee qodobkan inay haba yaraatee wax faragelin ah ku sameeyaan maamulka arimaha dhulka QODOBKA 3aad Naqshada Guud ee dhulka Magaalo (MASTER PLAN) 1. Xafiiska naqshadaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud Marka ay hesho amarka guddida qaran ee naqshadaha waxay dhulka magaalooyinka u samaynayaan naqshad Guud (Master Plan) oo lagu muujinayo dhulka loogu tallo galay. —7— 1. Degsiimada( Resedential) 2. Warshadaha( Industrial) 3. Ganacsiga( Commercial) 4. Danaha Guud( Public Purpose) a) Wadooyinka b) Dugsiyada c) Jardiinooy inka d) Barxadaha Gaadiidka La dhigto( Parking areas) e) Xabaalaha f) Xarumaha Caafimaadka g) Xarumaha Daw ladaha h) Garoomada Ciyaaraha i) Saldhigyada Booliisyada/Xabsiyadda IWM j) Xeryaha Ciidamada qalabka sida k) Musaajidada iyo Goobaha Cibaadada 2. Waxa kale oo isla naqshada lagu muujinayaa goobaha hawlaha adeega lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada, sida, Korontada, biyo gelinta, bulaacadaha, telefoonada, IWM 3. Ma dhaafi karto naqshadaynta dhulka magaalo, qiyaas dhan 5 KM oo ka baxsan kolba halka dhismuhu joogo 4. Waxa waajib in dhulku deegaanka dadwaynaha( Residential) ee la qorshaynayo loogu tallo galo cabirka guud ee dhulka 30% ugu yaraan dhul loo isticmaalo danaha guud ee ku sheegan farqada 1aad ee qodobkan. —8— QODOBKA 4aad Guddida Qaranka Ee Naqshadaha Guud 1. Naqshada Guud Ee magaalo waxa ogolaanaya( ansixinaya) Guddi heer Qaran ah oo ka kooban: 1. Wasiirka Wasarada Haw laha Guud -Guddoomiye 2. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka - xubin 3. Wasiirka Wasaarada Beeraha - xubin 4. Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha - xubin 5. Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha - xubin 6. Wasiirka Wasaarada H/Miyiga iyo Deegaanka - xubin 7. Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta - xubin 8. Agaasimaha Wasaarada Haw laha Guud - xubin 2. Ansixinta Guddida ka dib wuxuu ku dhaqan gelayaa Xeerka Madaxweyne. QODOBKA 5aad Naqshada Guud ee Magaalo (Mapping) 1. Naqshada Guud ee magaalo ama qaybo ka mid ah waxa soo codsanaya maamulka Dawlada hoose, mar kasta oo ay timaado baahi keenta fidinta magaalo ama sameynta degsiimo cusub, iyagoo tilmaamaya jiidda ay codsanayaan in la qorsheeyo 2. Xafiiska naqshadaynta ee Wasaarada Hawlaha Guud waxa mar kasta khasnadooda ku kaydineysaa asalka ( original) naqshada guud ee magaalooyinka dalka JSL, iyadoo nuqulo ka mida —9— ah la siin doono Dawladaha Hoose ee dalka, si ay dhulka ugu maamulaan iyo Wasaaradaha kale ay ay khusayso naqshadu, ee ka mida ah Guddida Guud ee Naqshadaha ee qodobka 4aad ku xusan. 3. Wasaarada Hawlaha Guud iyadoo u xilsaaran masuul ka ah ilaalinta ku xad gudubka naqshada Guud (Master Plan)-ka ee fidinta magaalo ee ay soo codsatay maamulka Dawladaha Hoose, Guddida Naqshadaha Guudna ay hore u ansixiyeen. QODOBKA 6aad Dib-U-Naqshadaynta Magaalooyinka 1. Guddida Qaranka ee naqshaduhu markuu ka helo duqa magaalo codsi dib u naqshadayn magaalo ( Re-Planning of town-ship) ama qaybo ka mida ah ama uu arko inay lagama maarmaan tahay in loo sameeyo dib-u-naqshadayn sida jidad balaadhin, dib u habayn cabirka jagooyinka degsiimo, raris xeryo ciidan ama xarumo dawladeed IWM, wuxuu oggolaanayaa ina la sameeyo dib u naqshadayn 2. Guddiga Qaranka ee naqshadaynta markay amarto Xafiiska naqshadaynta ee Wasaarada Hawlaha Guud samaynta dib u naqshadaynta, duqa magaalada waxa uu ku baahinayaa wargeysyada iyo idaacadaha amarka mamnuucida dhisme cusub iyo dhamaystirka dhisme hore qabyo u ahaa iyo degida dhul cusub gabi ahaanba, muddada la dhamaynayo samaynta naqshada cusub. —10— 3. Duqa Magaaladu waxa uu ku wargelinayaa dadka ay dib-u-naqshadayntu saamaynta ku yeelatay muddo saddex bilood gudahood ah. 4. Qiimaynta hantida iyo bixinta mag-dhawga hantida dib u naqshadayntu saamaysay waxa u xilsaaran Guddiga Naqshadaynta Guud. QODOBKA 7aad Beeraha Magaaladu Gaadho 1. Beer biyoodka: Waafaqsan sharciga beeraha Xeer Lr.08/99, ee ay gaadho naqshada guud ee fidinta magaalada waxa loo isticmaali karaa jagooyin (Plots) dhul ahaan waxa iska leh cidii sharciga u lahayd. 2. Beer Roobaadka waafaqsan sharciga beeraha Xeer Lr.08/99, ee ay gaadho naqshada Guud ee fidinta magaalodu waxaa loo isticmaali karaa jagooyin ( Plots), dhul ahaan waxa iska leh ciddii sharciga u lahayd 3. Beer kasta oo magaaladu gaadho waxa danguud looga jarayaa 30% cabirkeeda guud waana in lagu muujiyaa naqshada Guud 4. Meelaha buuraha ah, sanaaga dhagaxa le, boholaha iwm, ee magaaladu gaadho looma aqoonsanayo beer, mag-dhawna laga celin mayo QODOBKA 8aad Jago bixinta ka reeban maamulka Dawlada hoose —11— 1.Maamulka dawlada Hoose waxaa ka reeban in ay bixiso dhulka ku yaala meelaha: Macdanta, dhul beereedka, xeebaha, iyo meelaha danta guud loo qorsheeyay 2. Meelaha biyo mareenka ah, looma isticmaali karo jago ama dhisme kale iyadoo laga duulayo in ay dhibaato ku keenaan degsiimooyinka kale, maadaama ay marin ka dhiganayaan meelo kale marka laga dego marinadoodii. QODOBKA 9aad Saldhiga dhul bixinta 1. Dhul( jago) kasta oo la bixinayo waa inuu noqdaa mid ku salaysan ama waafaqsan naqshada guud ee magaalada ee ay ansixisay Guddiga Qaranka ee naqshadaha 2. Jago kasta oo leh isticmaal rasmi ah waxaa lagu bixinayaa go’aan Guddiga fulinta ee Dawlada Hoose oo adeegsanaya soo jeedinta xafiiska Qorshaynta ee Dawladda Hoose 3. Maayarada magaalooyinka waxay soo saarayaan Xeer midaysan oo khuseeya in caddaynta lahanshaha jago banana ay ka markhaati kacaan ugu yaraan saddexda Qof ee leh jagooyinka, hareeraha ka xiga ee dhisan ama bannaan oo sharciyaysan. —12— QODOBKA 10aad Noocyada loo qaybinaayo Dhulka 1. Dhulka ay bixinayso maamulka Dawladda hoose ee loogu talo galay degsiimada( Residential area) magaalada wuxuu u qaybinayaa laba nooc: a) Jago leh isticmaal rasmi ah b) Jago isticmaal ku meel gaadh ah sida: sida xaafado loo qoondeeyay dadka dan yarta ah 2. Marka dhulka ku meel-gaadhka ah uu nqodo dhul leh isticmaal rasmi ah, mudnaanta waxa lasiinayaa, ciddii ku deganayd isticmaalka ku meel-gaadhka ah (Haduu awooddo dhaqaale ahaan) marka aanay baahi dan guud ahi. 3. Dhulka leh isticmaalka rasmi ah wuxuu noqonayaa dhul leh dhisme ka samaysan gidaar (Dhagax jaajuur, laban, shub iwm) iyadoo la raacayo naqshada dhismaha ee ay oggolaatay guddiga tayo/fayo-dhawrka (Quality/Hygiene Committee). 4. Dhulka leh isticmaal ku meel-gaadh ah waxa laga dhisi karaa hoy ka samaysan jiingado, aqal Soomaali, cariish, loox, sarab. Iwm. 5. Dhismaha ku tilmaaman faqrada 4aad ee qodobkan uma baahna in naqshad dhisme loo sameeyo, hase yeeshee, dhismuhu waa in uu yahay mid waafaqsan naqshada guud ee magaalada iyo maabka Xaafadda —13— QODOBKA 11aad URogid dhul leh Isticmaal ku meel-gaadha mid leh Isticmaal Rasmi ah Dhul leh isticmaal ku meel-gaadha waxa loo rogi karaa mid leh isticmaal rasmi ah kadib: 1. Marka qofka leh dhulkaasi uu soo waydiisto maamulka Dawladda hoose, isagoo fullinaya shuruudaha dhulka leh isticmaalka rasmiga ah. 2. Dhulkaasi waa inuu ahaadaa mid waafaqsan naqshada guud. QODOBKA 12aad Lahaanshaha Dhulka 1. Dhulka leh isticmaalka rasmiga ah qofkii lasiiyaa waa inuu dhisme rasmi ah ku sameeya muddo sanad guddaheed ah laga bilaabo taariikhda dhulka lasiiyay. Haddii uu muddadaas ku dhisi waayo waxa ku waajib ah cashuur sanadeedka ku qeexan sharciga tacriifadda cashuuraha midaysan ee D/Hoose(Xeer Lr.12) 2. Dhulka ku meel-gaadhka ah waxa la siin karaa cidda u baahan, waana in ay ku dhisaan muddo sedex bilood gudahood, waxaana laga dhis karaa noocyada dhismaha ku cad Qod. 10aad, xubintiisa 4aad. —14— 3. Haddii qofku dhulka la siiyay uu dhisi waayo, isla markaana bixin waayo cashuurta ku waajibtay 2 sano oo isku xiga, wuxuu luminayaa xuquuqdiisii lahaanshaha dhulka, dhulkaasina wuxuu noqonayaa milki dawladeed. QODOBKA 13aad Muddada Oggolaanshaha Dhismaha Qof kasta oo haysta dhukumentiga lahaanshe dhul rasmi ah waa inuu qaato ruqsad Oggolaansho dhisme oo uu oggolaanayo maamulka dawladda hoose iyo Wasaarada Hawlaha Guud, Isagoo bixinaya dhamaan cashuuraha ku waajibayey. QODOBKA 14aad Bixintga Jago Dhisme 1. Maamulka Dawladda Hoose, iyadoo dhawraysa sharcigan iyo shuruucda kale ee u yaaala qorshaha magaalooyinka dalka Somaliland (Town Planning and Township rules) waxay awood u leedahay inay siiso dhul qof kasta oo muwaadin ah, shirkad, ururo waddani ah iyo Hay’adaha dawladda. 2. Maamulka dawlada hoose waxay awood uleedahay in ay si ku meel-gaadha ah uga kireyso dhul shirkadaha shisheeyaha ah iyo kuwa waddaniga ahba 3. Siismada ku cad farqada 1aad ee qodobkan waxay ku xidhantahay in la bixiyo qiimo go’an ( —15— Premium of land fee) oo lagu jaangooyay mitir laba jibaaran 4. Qiimaha cashuurta jago rasmi ah ama mid ku meel-gaadh ahi waxay noqonayaan, tan ku xusan, Tacriifadda cashuuraha midaysan ee Dawladda hoose. QODOBKA 15aad Habka Qaybinta Jagooyinka (plots) 1. Jagooyinka dhismaha waxa lagu qaybinayaa hab ku saleysan sinnaan iyo cadaalad, iyadoo laga duullayo xaqa sinnaanta muwaadiniinta 2. Maamulka Dawladda Hoose marka ay bixineyso jago degsiimo isticmaal rasmi ah waxay tixgelineysaa arrimahan soo socda: a) In da’da qofka jagada soo waydiista aanu ka yarayn 18 sanno b) In aanu lahayn jago kale oo bannaan c) In uu leeyahay awood dhaqaale oo uu ku maamulo kuna dhisi karo 3. Maamulka Dawladda Hoose iyagoo tix-gelinaya duruufo gaar ah oo la soo hubiyay, wuxuu awood u leeyahay in ay dhul siiyaan qof ka yar 18 sanno. —16— QODOBKA 16aad Dhulka Dhisme Ee Mushaariic Gaar Ahaaneed 1. Cidda dooneysa dhul dhisme oo ay ku fuliso mashaariic gaar ahaaneed, oo kamid ah mashaariicda horumarinta dalka, sida warshadaha, meelaha waxbarashada, huteellada waawayn ee dalxiiska iwm, waxay oggolaansho ka soo qaadanayaan tusmada mashruuceed Hay’adaha Dawladda ee ku shaqo leh mashruucaas, iyagoo soo bandhigaya naqshada dhismaha mashruucaas. 2. Dhulka lagu bixiyey habkaa ee ku tilmaaman xubinta 1aad ee qodobkan laguma isticmaali karo dhisme ama degsiimo kale aan lalahayn mashruuca xidhiidh. 3. Mashruucaas waa in dhismihiisa la bilaabo muddo aan badneyn hal sanno gudahood. QODOBKA 17aad Waajibaadka Qofka Jago La Siiyo 1. Qofka la siiyo jago waa inuu shuruudahan buuxiyaa: a) In uu dhawro sharciga iyo dhamaan shuruucda kale ee dalka JSL b) In uu fasax ka haysto maamulka dawladda hoose c) In uu dhismaha waafajiyo naqshada guud ee xaafada uu dhismaha ka dhisaayo —17— d) In uu u isticmaalo jagada ujeeddada loo siiyay oo keli ah, Haddii aanu guddida naqshdaha Qaranka ka helin oggolaansho fasax, oo ujeeddadii hore ka bedelaya e) In uu dhismaha bilaabo wakhtiga loo qabtey oo ku cad warqadda jago bixinta. 2. Qofka u hoggaansami waaya nidaamka ku xusan xubinta 1 aad ee qodobkan, ee lagu soo caddeeyo wuxuu maamulka Dawladda hoose soo saarayaa amar la noqosho jago hore loo siiyay, iyadoo aan la siineyn wax magdhow ah. QODOBKA 18aad Joojinta dhismaha 1. Markey jirto sababo garawshiiyo leh lagalana tashado Wasaarada Hawlaha Guud, Dawladda Hoose waxay amri kartaa joojinta dhisme oo aan kabadnayn muddo 30 cisho ah( Muddo joojinta dhismuhu kuma xisaabsana muddada loo qabtey dhismaha inuu qofku ku dhiso jagadaas) 2. Waxa kale oo ay amri kartaa joojinta dhisme la bilaabey ama socda iyadoo sababtu tahay dib-u-habaynta degsiimadaas ama ku xad gudubka waajibaadka qodobka 17aad ee sharcigan 3. Qofka dhismahaas laga joojiyay ma sheegan karo wax xuquuq ah oo la xidhiidha muddadaas joojinta 4. Xubinta kowaad ee qodobkan muddada ku cad kuma jirto dhulka lahaanshihiisa —18— muran ka taaganyahay (Dacwadi ka jirta), ilaa uu dhaco xukun Maxakamadi go’aan kaga gaadhay. QODOBKA 19aad Muddada Lahaanshaha Dhismaha Rasmiga ah Muddada dhismaha rasmiga ah waxay noqonaysaa sidan soo socota: a) Qof kasta oo la siiyay dhul rasmi ah buuxiyayna shuruudaha sharcigan, isla markaana ka dhistay Hanti ma guurto ah, muddada lahaanshaha dhulka waxay noqonaysaa ABADI. b) Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, Qodobkiisa 8aad farqada 3aad, dadka ajinebiga ahi waxay muddada siismada kala mid yihiin muwaadiniinta JSL, sidoo kalena waxay kala mid yihiin habka kala wareegida c) Warqadaha lahaanshaha dhismaha ( Mulkiyada), waa in ay ku muujisan tahay muddada ku dhaqanka dhulka d) Mulkiyada waxa la siin karaa qofka, marka uu dhismuhu gaadho Litenka( fowqal fiyaaraha) QODOBKA 20aad Dhisme Sharci Darro ah Dhisme kasta oo aan la soo marin habka jago bixintan leh isticmaalka rasmi ah iyo kan leh isticmaalka ku meel-gaadhka ah waxa loo aqoonsanayaa mid sharci darro ah —19— QODOBKA 21aad Rarista iyo Dumista Dhisme Sharci Darro Ah 1. Maamulka Dawladda hoose iyagoo fulinaya Naqshadaha Guud ee Magaalo, waxay awood u leeyihiin dumista dhismooyinka sharci darrada lagu dhisto, ha ahaado mid rasmi ah ama ku meel-gaadha 2. Rarida dhisme ku meel-gaadh ahi waxay ku iman kartaa: a) Rarida xaafad dhan, waxaaney dhacaysaa marka loo baahdo ama dhulka xaafadu haysataa yahay mid soo galaysa ku tallo galka Naqshada Guud, loona qorsheeyey arrimo ka duwan, degsiimaha caadiga ah b) Waana in la dejiyaa dadkaas meel ku haboon, kharashka rarrida iyo dejinta waxa bixinaysa Dawladda Hoose 3. Dhismaha sharci darrada ah ma noqon karo sabab lagu helo jago, raristiisuna mag-dhaw ma dhalin karto 4. Jago bixinta ka dhalata dumin ama rarid dhismooyin kooban ama xaafad dhan meesha la dejinaayo waxa xaq u leh dadka lasoo raray oo qudha —20— QODOBKA 22aad Duminta Dhisme Sharci Ah Marka dhisme sharci ah la dumiyo soona galo dib u habeynta naqshadda Guud ee Magaalada ama xaafadda (Re-Planning of Town Master Plan), qofka lihi wuxuu xaq u yeelanayaa: a) In la siiyo Magdhaw udhigma dhismaha laga dumiyey lagana tirtiro sharcigiisii hore. b) In la siiyo jago aan cabir ahaan ka yareyn tiisii hore ee laga dumiyey looguna sameeyo sharci cusub. QODOBKA 23aad La Wareegid Jago Dan Guud Awgeed 1. Duqa magaaladu marka uu la tashado Guddiga Fulinta kana helo oggolaansho Guddiga Qaranka ee Naqshadaha Guud wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro go’aan la wareegid jago dhisan ama jago bannaan oo hore cid loo siiyay Dan Guud awgeed. 2. Qofka lagu fuliyo go’aanka kor ku xusan ee xubinta koowaad wuxuu xaq uleeyahay wax yaalaha soo socda:  Qofka lahaa jagadu waxa uu xaq uyeelanayaa mag-dhaw u dhigma wixii jagadaas uga dhisnaa.  In la siiyo jago u dhiganta (Goob ahaan iyo Cabir ahaanba) jagadii lagala wareegay. —21—  Marka labixinaayo marka la tixgelinayaa dhismaha in uu yahay mid waafaqsan shuruucda.  Dhismaha khilaafsan shuruucda xubinta 3aad ee qodobkan waxa loo aqoonsanayaa mid sharci darrada ah, qofkuna xaq u yeelan maayo wax mag-dhaw ah waxaana lagu xukumayaa kharashka lagu rarayo  Habka iyo qaabka loo marayo la wareegidda Hantida gaar ahaaneed Dan Guud awgeed waa in ay waafaqsanaanta sharciga dhulka iyo Dastuurka JSL  Hantida loola wareegay Dan-guud awgeed iyadoo la dhawrayo xubinta 5aad ee qodobkan, waxa loo isticmaalayaa Dan-guud oo keli ah, waxaana reeban in loo isticmaalo dan gaar ahaaneed QODOBKA 24aad DACWADDA DHUL HORE LOOLA WAREEGAY Qofku kuma dacwoon karo lahaanshaha dhul hore looga qaaday dan guud awgeed QODOBKA 25aad Iibka Jago Banaan 1. Qof la siiyay jago isticmaal rasmi ah ee si joogto ah u bixinayay cashuur-sanadeedka ku waajibay wuu iibin karaa, hibeyn karaa, wareejin karaa —22— ugu takri fali karaa sifo kasta oo sharcigu oggol yahay 2. Xuquuqda farqada koowaad ku xusan malaha dadka caadaysta ka ganacsiga dhulka bannaan ee ay soo xaqiijiyeen hay’adaha sharciga iyo Dawladda Hoose 3. Haddii qof la siiyay dhul jago ku taal meel muhiima ah ( Sida wajahadaha jidadka waawayn) ee aan awooddi Karin inuu dhiso, marka Guddiga Qaranka ee naqshadaha iyo maamulka D/hoose isla gartaan in jagadaa bannaanteedu aanay ku haboonayn bilicda magaalada waxay dawlada hoose kala noqon kartaa warqadda jago bixinta, iyagoo ugu badalaya jago ku jirta naqshada magaalada oo munaasib ah. QODOBKA 26aad Naadada Jago Leh Isticmaal Rasmi Ah 1. Marka la bixinaayo jago leh isticmaal rasmi ah waxa la samaynayaa Naado lagu soo saarayo Wargeysyada, Warbaahinta, idaacadaha, laguna dhejinayo boodhadhka Dawladda Hoose ( Notice Board) 2. Cidda dood ama hor istaagid ka qabta bxinta jagadaasi waxay la xidhiidhaysaa Dawladda Hoose ee magaaladaas, muddo ka siman (60) maalmood guddahood, laga bilaabo maalinta la naadiyay —23— QODOBKA 27aad Diiwaan-Gelinta jagooyinka 1. Dawladda Hoose ee Magaalooyinku waxay sameynayaan diiwaano lagu qoro noocyadda kala duwan ee jagooyinka iyo dhammaan sharciyadda la xidhiidha dhismaha jagooyinka 2. Diiwaan gelinta jagooyinka waa in ay ahaataa mid ku salaysan haysasho Dhukumentiyada lahaanshaha oo waafaqsan jago ama warqadaha caddeynaya lahaanshaha jagadaas ama xukun maxakamadeed oo caddaynaya lahaanshaha jagadaas, waana in lagu xusaa diiwaanka dawladda hoose iyo kan xafiiska Hawlaha Guud. 3. Xafiiska Naqshadaha ee Wasaarada Hawlaha Guud waxay kaydinayaan nuqulo waraaqaha jagooyinka leh isticmaalka rasmiga ah ee la bixiyo QODOBKA 28aad KA-GARNAQA DHULKA 1. Dhamanba khilaafaadka ku saabsan dhulka waxa ka gar-naqaya Darajaddiisa 1aad, Guddi maamul ( Administrative Tribunal) oo ka soo saaraya Go’aan, Guddigaasi waxay ahaanayaan dad aqoon u leh arrimaha dhulka kana kooban sidani:  Hal qof oo Wasaarada Haw laha Guud ah Guddoomiye  Hal-qof oo Shaqaalaha Daw ladda Hoose ah Xoghaye  Hal-qof oo Golaha Deegaanka ah Xubin —24—  Hal-qof oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ah Xubin  Hal-qof oo Wasaarada Beeraha Ah Xubin  Hal-qof oo Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Ah Xubin  Hal-qof oo Wasaaradda Horumarinta R-Miyiga ah Xubin 2. Guddiga faqradda 1aad ku sheegan waxa qof kasta oo ka mida ah magacaabaya Hay’adaha ama Wasaaradda uu ka tirsan yahay, ka dib marka ay codsi arrintaasi soo magacaabista ah ka helaan Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Mudada xilkooduna waa laba sanno, waana loo cusboonaysiin karaa xubinta, iyada oo loo raacayo Dariiqadii loo soo magacaabay 3. Hay’add waliba waxay u gudbinaysaa magaca xubinta ay u Wakiisheen inay ka mid noqoto Guddiga Wasaarada Arrimaha Guddaha. Wasaaradda Arrimaha Guddaha aya ku soo saaraya Degreetada ay ku hawl-gelayaan oo heer Wasiir ah 4. Guddiga fadhigeedu wuxuu noqonayaa xarumaha Dawladdaha Hoose oo Maayiradu ka siinayaan xafiis. 5. Go’aanka ay gaadhaan Guddiggaasi, ciddii ku qanci wayda waxay xaq u leeyahay in ay maxakamadda Sare Idaari ahaan ugu qaadato Racfaan, kaasi oo noqonaya Kama danbays, Muddo bil guddaheed ah. Kharashka dacwadda waxa la saarayaa cidda uu xukun Kama dambaysta ahi ku dhacay. Fiigii Maxakamadduhu ka qaadi jireen kiisaska dhulka la isku qabsaddo, waxa qaadaya Maxakamadda sare. —25— 6. Gunadda Guddigu ay yeellanayso, qadarka kharashka dacwad furashada ee laga qaado dhinaca soo dacwooday, habkooda shaqo sida ay u fushanayaan, Go’aamadda ay gaadhaan sida loo fullinayo, haddii dhinici laga xukumay racfaan qaadan waayo iwm ee ka dhiman halkani, lana xidhiidha xil-guddashadda Guddigaasi waxa xeer-nidamiye Wasaaradeed ku soo saaraya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha. Xeer-nidaamiyahaasi ayaa lagu faah faahin doonaa Qodobadaasi iyo wixii kalee muhiim u ah Hawl-galka Guddigaasi. Xeer nidaamiyehaasi ma noqonayo wax ka hor yimaadda xeerkan. 7. Degmooyinka aan laga wada heli Karin Hay’adaha ay Guddigu ka kooban tahay, Xeer nidaamiyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha aya lagu sheegi doonaa tiradooda iyo Hay’adaha ay ka koobnaanayaan. QODOBKA 29aad CIQAABTA 1. Qof kasta oo ku xadgudba sharcigan waxaa loo raacayaa xeerka ciqaabta Guud, marka laga reebo Mas’uuliyiinta loo xil-saaray dhul-bixinta. 2. Mas’uuliyiinta loo xil-saaray dhul-bixinta ee ku xad-gudba qodobadda sharcigan waxa lagu ciqaabayaa laba sanno ilaa shan sanno (2 5years) oo xadhiga adag ah, iibna aan lahayn. —26— QODOBKA 30 Guddoonka Dhul bixinta 1. Guddoonka bixnta dhulka leh isticmaal rasmi ah waxa lagu soo saarayaa amarka Guddoomiyaha guddida fulinta Dawladda Hoose, Kadib marka uu sidaa guddoonsado guddiga fulinta. 2. Hab-raaca dhul bixinta waxa lagu soo saarayaa Xeer-nidaamiye ay oggolaadeen Guddida fulinta ee Dawladda Hoose QODOBKA 31aad Iibka Dhulka iyo Dhismayaasha Dawladda 1. Wixii Dhul Dawladeed ah ee dan loo arko in laga iibiyo qof, shirkadda, ama safaarad, I.W.M ee leh sifo la oggolaaday, waxa iibin kara oo keliya Dawladda Dhexe, oo ay ka wakiil yihiin Guddi Qaran oo ka kooban:  Wasiirka Wasaarada Haw laha Guud Guddoomiye  Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xubin  Xeer-Ilaaliyaha Guud Qaranka Xubin  Hanti-Dhaw raha Guud Ee Qaranka Xubin 2. Haddii dan loo arko in la iibiyo dhisme ay dawladdu leedahay waxaa la raacayaa sidan:  Dhismaha Dawladda Hoose ee Degmo leedahay waxa iibkiisa oggolaanaya Golaha —27— Deegaanka ee Degmada, kadibna waa la naadinayaa si loogu tartamo.  Dhismaha Dawladda dhexe leedahay waxa iibkiisa soo jeedinaya Guddida Qaranka ee ku sheegan farqada 1aad ee Qodobka, Waxaana oggolaanaya Madaxwaynaha J.S.L QODOBKA 32aad Guddiga Tayo/fayo Dhawrka 1. Guddigani wuxuu ka koobnaanayaa aqoonyahano farsamo iyo saraakiil caafimaad (fayo-dhawrayaal sare) oo ka socda D/Hoose, Wasaaradda Caafimaadka iyo Hawlaha Guud. 2. Guddiga wuxuu oggolaanayaa naqshadaha dhismeyaasha, isagoo hubinaya inay waafaqsan yihiin heerka tayo-dhisme (National building Codes) iyo fayo dhawr ee loo dejiyay. 3. Dhismaha Guddida iyo qaabka shaqadooda waxa lagu soo saarayaa Xeer-nidaamiy. QODOBKA 33aad Soo Saarida Xeer-nidaamiye/Hoosaad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha markuu arko ansixinta Naqshada guud ee Guddiga Qaranka ee naqshadaha wuxuu awood u leeyahay in uu soo saaro Xeer-nidaamiye dhaqan gelinta sharcigan, sidoo kale Golaha deegaanku iyagoo dhawraya sharcigan waxay soo saari karaan xeer-Hoosaad —28— waafaqsan sharcigan iyo xeerarka magaalooyinka ( Township By-Laws). Qodobka 34aad Baabiin ama Laalid Waxaa la baabiiyey ama la laalay sharci kasta oo ka soo horjeeda ama aan la socon Karin sharcigan QODOBKA 35aad Dhaqan-galka Sharcigan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu ansixiyo Baarlamaanku (Golaha Guurtidda iyo Golaha Wakiillada). Madaxwaynaha JSL uu saxeexo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawladda Allaa Mahad Leh C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) Maxamed Xasan Kaahin (Keyse) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xoghayaha Guud ee G/Wakiilada

Urban Land Management Law – Law No: 17/2001 as amended in 2008 · Nelum