تخطَّ إلى المحتوى
Nelum
قوانين الصومال

Somaliland Environmental Management Law No. 79 of 2018

صدر في 2018-08-02 · النص بتاريخ 2026-10-01

القانون العام والإرشادات الرسمية منشورة بوصفها أبحاثاً. ليست مشورة قانونية أو ضريبية أو مالية.

البحث نفسه مكتوب بالإنجليزية. العناوين والوسوم مترجمة؛ أما النتائج والاقتباسات فغير مترجمة.

عن هذا القانون

العنوان الأصلي
Xeerka Maareynta Deegaanka Xeer Lr. 79/2018.
اللغة
Somali; English
النوع
قانون
الدولة
الصومال · Somaliland
الموضوعات
Agricultural and rural development, Air and atmosphere, Environment, Fisheries and aquaculture, Water, Wild species and ecosystems, Waste and hazardous substances
الكلمات المفتاحية
protection of environment, climate change, water resources management, framework law, air quality/air pollution, authorization/permit, biodiversity, cultural heritage, community management, education, emissions, erosion, freshwater pollution, hazardous substances, hazardous waste, industrial water use, monitoring, noise pollution, pesticides, pollution control, precautionary principle, protected area, radiation, recycling/reuse, renewable energy, standards, surface water, sustainable use, transport/storage, waste management, fishery management and conservation, marine fisheries, sustainable development, effluent waste water/discharge, irrigation, recreational water use, water quality standards, groundwater, aquatic animals, aquatic plants, environmental planning, marine area, resource/damage valuation, wild fauna, wild flora, policy/planning, fees/royalties, waste prevention

أين تقرؤه

    لا يوجد رابط مصدر مسجل لهذا القانون.

النص

نص القانون نفسه، مادةً مادة، كما هو محفوظ. لكل مادة رابطها.

  1. 1 1 JAMHUURIYADDA SOMALILAND Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WM/222-189/082018 Taar: 25/08/2018 Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka Xeer Lr. 79/2018 Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Lr.GW/KF-37/801/2018, summadiisuna tahay Ref: GW/9/26/166/2018, kuna taariikheysan 05/08/2018, ujeedadiisuna tahay soo gudbin Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018; Markaan Arkay: Qodobada 75aad, 76aad, ee Datuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan soo-saaray; Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 2 3 4 TUSMADA XEERKA QAYBTA 1AAD QODOBO GUUD Qodobka 1aad Magac Xeerka Qodobka 2aad qeexida ereyada Qodobka 3aad Mabaadiida Guud QAYBTA 2AAD MAAMULKA Qodobka 4aad Wasaaradda Qodobka 5aad Hawlaha Wasaradda Qodobka 6aad Guddiga Talo Bixinta Hormarka Joogtaysan (sustainable development Advisory Committee) Qodobka 7aad Qaab dhismeedka Guddiga Talo bixinta Hormarka Joogtaysan QAYBTA 3AAD QORSHAYNTA DEEGAANKA (ENVIRONMENTAL PLANNING) Qodobka 8aad Qorshaha Deegaanka ee Heer Qaran Qodobka 9aad Qorshaha Deegaanka Heer Degmo QAYBTA 4AAD Qodobka 10aad Qiimaynta Saamaynta /Raad Reebka Deegaanka (Environmental Impact Assessment) Qodobka 11aad Gunooyin Dhaqaale Qodobka 12aad Codsiga Qiimaynta Saamaynta Deeganka Qodobka 13aad S oo Bandhigida Qiimaynta S aamaynta Deegaanka 25 5 Qodobka 14aad Warbixin Cusub kadib Ruqsadda Qiimaynta saamaynta deegaanka Qodobka 15aad Kala wareejinta Ruqsadda Qodobka 16aad Mudnaan Gaar ah oo la xidhiidha Ruqsadda Qodbka 17aad L a noqoshada ama burinta ruqsadda Qodobka 18aad Hubinta Dhawrista Deegaanka (Environmental Audit) Qodobka 19aad Kormeeridda Deegaanka (Environmental Monitoring) QAYBTA 6AAD HEERARKA TAYADA DEGAANKA(ENVIRONMENTAL QUALITY STANDARDS ) Qodobka 20aad Guddiga Dhaqan Galinta iyo Dib u Eegista Heerarka(standards Enforcnement Review committee) Qodobka 21aad Hawlaha Guddiga Fulinta iyo Dib u Eegista Heerarka Qodobka 22aad Wasakhaynta Biyaha Qodobka 23aad Warbixinta Warshadda Qodobka 24aad Wasakhda Dareeraha ah Qodobka 25aad Ruqsadda Wasakhada Dareerah ah Qodobka 26aad Tirtiridda Ruqsadda Qashinka Dareeraha Qodobka 27aad Diwaanka Ruqsadaha Wasakhda Dareeraha Qodobka 28aad Heerka Tayada Hawada Qodobka 29aad Goobaha La Xakameeyay 6 Qodobka 30aad Ruqsadda Qiiq Hawada lagu sii daayo(Emission)..35 Qodobka 31Bixinta Ruqsadda Qodobka 32aad Qiiqa Gaadiidka Qodobka Nidaamka Dheeriga ah Ee Ruqsaddaha Qodobka 34aad Tirtirida Ruqsadda Qodobka 35aad Diiwaanka Ruqsadda Qiiqa Qodobka 36aad Heerarka Qashinka Qodobka 37aad Codsiga Ruqsadda Qashinka Qodobka 38aad Ruqsadda Qashinka ee Goobaha Horey u Jiray Qodobka 39aad Amar Joojin Qodobka 40AAD Qashinka Halista ah Qodobka 41aad Maamulidda Waxyabaha Halista ama Sunta ah Qodobka 42aad Mamnuucidda Ku Siidaynta(shubidda)deegaanka kimikooyinka, Saliida, iyo Walxaha Halista Qodobka 43aad Heerarka Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sun 41 Qodoboka 44aad Codsiga Diiwaangalinta Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sunta ah Qodobka 45aad Xadgudbyada L a Xidhiidha Dawooyinka cayayaanka iyo Walxaha Sunta ah Qodobka 46aad Qabashada Sunta Cayaanka iyo Walxaha Sunta ah Qodobka 47aad Diwwan Galinta Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sunta 7 Qodobka 48aad Heerka Dhawaaqa /Codka (standards of noise) Qodobka 49aad Dhawaqa /Codka Kabadan Heerka la oggolyahay..45 Qodobka 50aad Ka Dhaafida Heerka Dhawaqa Qodobka 51aad Heerarka Shucaaca Yodiyaha iyo Shucaacyada Kale Qodobka 52aad Awoodaha Kormeerayaasha Shucaaca Qodobka 53aad Xadgudubyada La Xidhiidha Shucaaca ..48 Qodobka 54aad Heerarka Urta Xun QAYBTA 7AAD AMARKA DIB USOO CELINTA IYO DARYEELIDDA DEGAANKA (ENVIRONMENTAL RESTORATION AND EASEMENT ORDERS ) Qodobka 55aad Amarka Dib u Soo Celinta Degaanka Qodobka 56aad Waxyaabaha u Ka Koobanyahay Amarka Dib usoo Celinta Deegaanka Qodobka 57aad Dib U Eegista Amarka Soo Celinta Qodobka 58aad Amarka Did U soo C elinta Deeganka Ee Maxkamadda Qodobka 59aad Amarka Daryeelka D eegaanka (Environmental easesment) Qodobka 60aad Codsiga Amaraka Daryeelka Deegaanka ee Maxkamadda Qodobka 61aad Dhaqan galinta amarka daryeelka deegaanka Qodobka 62aad Diwaangalinta Amarka Daryeelka Deegaanka Qodobka 63aad Magdhaw (Compensation) 8 QAYBTA 8AAD BAADHISTA &DIIWAANADA (ANALYSES AND RECORDS) Qodobka 64aad Nidaamka Shaybaadhka Muunada Qodobka 65aad Shahaadadda Badhitaanka Qodobka 66aad Diwaanka QAYBTA 9AAD Qodobka 67aad Heshiisyada Caalamiga ah ee D eegaanka QAYBTA 10AAD Qodobka 68aad Maxkamadda Awooda U Leh Arrimaha Degaanka QAYBTA 11AAD XADGUDUBYADA DEEGAANKA Qodobka 69aad Xadgudubyada L a Xidhiidha Kormeerka Baadhista Qodobka 70aad Xadgudubyada L a Xidhiidha Qiimaynta Saamaynta Deegaanka Qodobka 71aad Xadgudubyada L a X idhiidha Diwaanka Qodobka 72aad Xadgudubyada La Xidhiidha Heerarka Qodobka 73aad Xadgudubyada La Xidhiidha Qashinka Halista ah ,Kiimikooyinka iyo Walxaha Shucaaca Qodobka 74aad Xadgudubyada L a Xidhiidha Warshadaynta Qodobka 75aad Xadgudubyada La Xidhiidha Amarrada Ilaalinta, Daryeelka iyo Dib U soo Celinta Deegaanka Qodobka 76aadCiqaab Guud Qodobka 77aad Xadgudubyada Shirkadaha iyo Shaqaalaha 9 Qodobka 78aad La Wareegida (forfeiture), Tirtiridda iyo Amarrada Kale Qodobka 79aad Awoodda Soo Saaridda Xeer nidaamiye (Regulations ) Qodobka 80aad Xeerarka Hoose ee Deegaanka 10 GOLAHA WAKIILADU MARKUU ARKAY Qodobka 12aad faqradda 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in dawlada dhexe masuul ka tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah, kuna waajibiyay in ay qaaddo tallaabo kasta oo haboon si looga kheyraadkaas. MARKUU ARKAY Qodobka 18aad ee Dastuurka oo waajibiyay in dawladdu mudnaanta koowaad siiso daryeelka iyo ilaalinta deegaanka, kana tabaysato sida looga hortagayo aafooyinka dabiiciga ah ee ka yimaadda baabiinta deegaanka. MARKUU ARKAY Baahi loo qabo in la soo saaro xeer qaabeeya arrimaha deegaanka si iyo shuruucda ku 11 habboon maaraynta deegaanka. MARKUU GARWAAQSADAY In ay tahay lagama maarmaan tayaynta maamulka iyo shuruucda lagu saleeyo qorsheyaasha deegaanka oo lana kobciyo awoodda qaran ee maaraynta deegaanka. MARKUU FAHMAY In uu deegaanku yahay aasaaska horumarka qaranka ee xag dhaqaale, bulsho iyo dhaqan. WUXUU SOO SAARAY XEERKAN 12 QEYBTA 1AAD QODOBO GUUD Qodobka 1aad Magaca Xeerka Xeerkan waxaa lagu magacaabaa Xeerka Maaraynta Qodobka 2aad Qeexidda Ereyada Si loo fahmo macnaha guud ee Xeerkan, ereyada soo socda waxay yeelanayaan fasiraadda ku hor qoran: 1. waxa loola jeedaa hawadu sida ay tahay marka la cabbiro wasakhda ku jirta sida uu xeerkani dhigayo. 2. waxa loola jeedaa hawada inagu xeeran ee ay dadka iyo noolaha kale ku noolyiihiin ee dhulka dushiisaa, waxa aan ku jirin meel dhulka hoostiisa ah ama dhisme gudihiis. 3. waxaa loola jeedaa baadhista curiye ama walxaha si loo ogaado waxa ay ka samaysanyihiin (koobanyihiin) iyo tayadooda, isla markaana la hubiyo saamaynta ay ku yeelan karaa qayb ka mid ah deegaanka. Waxa kale oo ka mid ah baadhista waxyaabaha hawada lagu sii daayo, diiwaangalinta dhawaqa/codka ama gariirka si loo ogaado heerka codka ama gariirku uu gaadhsiisanyahay iyo samaynta uu ku yeelan karo deegaanka. 4. waxa loola jeedaa Guddiga Dhaqangalinta iyo Dib-u-eegista Heerarka ee ku xusan qodobka 20aad ee xeerkan. 5. waxaa loola jeedaa dhulka aadka loo isticmaalay ee nabaad guuray ama la waskheeyay, dhulkaas oo amarka culeys ka qaadidda (environmental easement) lagu soo rogay. 6. waxaa loola jeedaa nooc kasta oo walxaha kiimikooyinka ah, kuwaas oo la warshadeeyay 13 (manufactured) ama si dabiiciya loo sameeyay, waxaana ka mid ah kiimikooyinka warshadaha, sunta cayayaanka, bacriminta iyo daawooyinka. 7. waxaa loola jeedaa dareere kasta oo wasakh (la sifeeyay ama aan la sifeyn) ah oo ka soo bilawda guri, beer, goob ganacsi ama warshad oo si toos ah ama si dadban loogu sii daayo biyaha deegaanka. 8. Waxaa ka mid ah waxyaabaha inagu wareegsan sida dhulka, biyaha, hawada dhulka ku xeeran, cimilada, codka, urta, dhadhanka, xaaladaha abuurista ee xayawaanka iyo dhirta, deegaanka dabiiciga ah iyo ka dadku ay sameeyeen. 9. Hubinta/Dhawrista Deegaanka (Environmental waxa loola jeedaa in si nidaamsan oo maaraynta deegaanku u gudanayaan hawlaha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka. 10. Qiimaynta Saamaynta/Raad ku reebidda waxaa loola jeedaa in si nidaamsan loo baadho sidii loo ogaan lahaa saamayn ama raad reeb barnaamij, hawl ama mashruuc uu ku yeelanayo karo deegaanka. 11. Maareynta Deegaanka (Environmental waxaa ka mid ah ilaalinta iyo daryeelka iyadoo si joogtaysan (sustainable) loo isticmaalayo qaybaha deegaanka. 12. Kormeerida Deegaanka (Environmental waxa loola jeedaa in si joogta ah ama wakhtiyo kala duwan (wareeg/periodic) loo kormeero deegaanka si loo ogaado samaynta soo gaadhay ama soo gaadhi karta deegaanka wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fog labadaba. 13. waxa loola jeedaa qorshaha wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fog iyadoo la tixgalinayo dhibaatooyinka taagan ee deegaanka. 14 14. waxa ka mid ah khayraadka hawada, dhulka, dhirta, xayawaanka iyo biyaha oo uu ku jiraan tayada bilicsanaantooda. 15. Amarka Dib u soo Celinta Deegaanka (Environmental Restoration O waxa loola jeedaa amar la soo saaray sida ku xusan qodobka 55aad. 16. Walxaha Khatarta/halista ah (Hazardous waxa loola jeedaa kiimikooyinka, qashinka, neef, daawo, dhir, xayawaan, cayayaan kuwaaso oo dhaawac soo gaadhsiin kara caafimaadka 17. waxa in uu yahay qashin halis ah sida ku xusan qodobka 40aad. 18. waxa loola jeedaa Wasaarad, Wakaalad, Shirkad dawladeed, iyo xafiis dawladeed oo uu xeerkani awood u siiyay in ay maareeyaan deegaanka ama khayraadka dabiiciga ah. 19. waxa loola jeedaa Wasiirka/Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyaga. 20. Wax Saliid lagu daray/laaqay (Mixture containing waxa loola jeedaa dareere saliid lagu daray sida uu xeerkani dhigayo. 21. waxa loola jeedaa qorshaha ku qoran qodobka 8aad. 22. waxaa ka mid ah khayraadka hawada, dhulka, biyaha, xayawaanka, dhirta oo ay ku jiraan tayadooda iyo bilicdoodu. 23. waxa loola jeedaa cod/dhawaq kasta oo la dhibsanayo kaas oo ama deegaanka. 24. Tayada Hawada Goob Shaqo (Occupational Air Quality waxa loola jeedaa tayada hawada iyo walxaha ku jira hawada ee goob ay shaqo/hawl ka 15 socota oo ah dhisme gudihiis ama dhulka hoostiisa sida uu xeerkani dhigayo. 25. waxaa ka mid ah B. Saliidda qaydhiin, saliidda la sifeeyay, saliidda naaftada, saliidda shidaalka iyo saliidda xaydha baabuurta T. Iyo Saliid nooc kasta 26. waxa loola jeedaa: B. Hantiilaha ku qoran dhisme T. Kiraystaha oo uu ku jiro sii kiraystaha dhisme J. Qofka qaata kirada guri/dhisme iskii ha uqaato ama cid kale wakiil ha ka ahaadee X. Qofka ku qoran markab in uu yahay mulkiile. Haddii aan cidna ku qornayn shirkadda markabka wadata. 27. waxa loola jeedaa wax kasta oo dareere, adke ama neef ah kuwaas oo: B. Si toos ah ama dadban u badali kara tayada deegaanka deegaanka, waxaana ka mid ah urta la dhibsado, shucaaca, codka/dhawaqa, isbadelka heerkulka, isbadelka qaybaha deegaanka. 28. (Pollutor- waxa loola jeedaa bixinta kharashka lagu nadiifinayo deegaanka la wasakheeyay, bixinta magadhaw la siinayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay wasakhaynta, bixinta khasaaraha ama kharashaadka kale ee la xidhiidha wasakhaynta la sameeyay. Waxaas oo kharash ah waxaa bixinaya qofka lagu helo in uu wasakheeyay deegaanka sida uu xeerkani dhigayo. 29. waxa loola jeedaa badalidda tooska ah ama sida dadban loogu sameeyo qaabka, muuqaalka, kiimikooyinka, abuurka iyo dabeecadaha 16 deegaanka iyadoo lagu siidaynayo/lagu shubayo wasakh waxyeellayn karta caafimaadka dadweynaha, xayawaanka, shimbiraha, duurjoogta, kalluunka, noolaha biyaha iyadoo lagu xadgudbay shuruudaha ogolaansho/ruqsad ee xeerkan. 30. ku saabsan haddii ay jirto halis ku soo fool leh deegaanka, ha ahaato mid daran ama aan wax laga cilmi ku saabsan halistaas, cudurdaar uma noqon karto in dib loo dhigo qaadidda tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu baajinayo tayo daca/burburka deegaanka. 31. waxaa ka mid ah dhismayaasha, dhulka, hanti kasta oo la kala dhaxli karo, mashiinnada, warshada oo ay ku jiraan baabuurta loo isticmaalo ganacsiga dhismaha ka socda. 32. waxaa ka mid ah mashruuc nooc kasta, barnaamij ama siyaasad la xidhiidha mashaariic saamayn ku yeelan kara deegaanka. 33. waxa loola jeedaa warbixin kooban oo ka hadlaya saamaynta ay deegaanka ku yeelan karaan mashaariic horumarineed. 34. waxa loola jeedaa qof kasta oo soo jeediya ama fulinaya/hirgalinaya mashaariic ama barnaamijyada ku xusan Jadwalka Labaad. 35. waxa loola jeedaa shucaaca yodiyaha (ionizing) iyo shucaac kasta oo waxyeellayn aanka. 36. waxa loola jeedaa qayb ka tirsan deegaanka marka la eego mugga (volume), weynaanta, cadadka, tayada iyo wakhtiga. 37. Markab/Doon ama markab ah iyo wax kasta oo biyaha dul socda. 17 38. Carro h carada dhulka, niista (sand), dhagxaanta, macdanta, dhirta carrada ku taal iyo wax kasta oo carrada la xidhiidha sida boodhka/awaaraha (dust). 39. waxa loola jeedaa xadka wasakh ee biyaha ama hawada lagu sii dayn karo sida uu xeerkani ama xeerar kale ay dhigayaan. 40. waxa loola jeedaa in si isku dheelli tiran looga gaadhaan jiilka (generation) hadda jooga si ay baahidooda u daboolaan ha yeeshee aanay waxyeello gaadhsiin jiilalka mustaqbalka sidii ay iyaguna baahidooda u dabooli lahaayeen. 41. waxa loola jeedaa in isticmaalka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee maanta (wakhtigan la joogo) aanu wax u dhimin ka f dabiiciga ah ee jiilalka soo socda (mustaqbalka). 42. waxa loola jeedaa nooc kasta oo ganacsi ah kooban iyo haddii ay noqoto meherad kolba meel u guurta, kuwaas oo isticmaala tamar kuna sii dayn kara (ku shubi kara) deegaanka waxyaabo wasakhaynaya. 43. Maxkamadda Awooda u leh Xukunada xeerkanai jidaynayo taas oo ah Maxkamaddaha ku xusan Dastuurka Qaranka JSL, Degmo, Gobol, Rafcaan & Maxkamadda Sare. 44. waxaa ka mid ah nooc kasta oo qashin ah sida qashin dareere ah, qashinka adag, qashinka neefta ah (gaseous), ama shucaaca kuwaas oo lagu sii daayo ama lagu shubo deegaanka waxyeello ama isbadel ku keeni kara deegaanka. 45. Biyo durdurka, dooxyada, haraha, barkadaha, ceelasha, biyo xidheennada, gacan biyood, goobaha qoyan 18 (buqaha/dhijaamaha), meelaha biyuhu maraan, iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira. QEYBTA2AAD Qdobka 3aad Mabaadiida Guud Mabaadiida Guud ee Maaraynta Deegaanku waa: 1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado deegaan nadiif ah oo caafimaadka u wanaagsan. 2. Maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyadoo la qaadayo talaabooyin lagaga hortagayo nabaad guurka, deegaanka burburayna dib loo soo celinayo. 3. Waa in laga hortagaain ay iska horyimaadaan awooddaha wasaaradaha maamula khayraadka dabiiciga ah. 4. Waa in la joogteeyaa wacyi galinta bulshada ee arimaha deegaanka. 5. Waa in khayraadka la cusboonaysiin (renewable) karo loo isticmaalo si joogtaysan si wax looga qabto dhibaatooyinka la xidhiidha tamarta ugana faaidaystaan jiilka hadda iyo kuwa mustaqbalka/kuwa soo socda. 6. Waa in la dhiirri galiyaa ka qeyb galka bulshada ee arrimaha la xidhiidha maaraynta khayraadka dabiiciga ah 7. Waa in la yareeyo iska hor imaadka ku salaysan deegaankalana hagaajinayo xallinta khilaafaadka iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyadoo wax laga qabanayo arrimaha siyaasadeed ama dhaqaale ee saameeya isticmaalka deegaanka kuwaas oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa. 8. Waa in kor loo qaado ka qayb galinta qaybaha bulshada ee ay qusayso ama ay waxyeello ka soo gaadhay si xun u adeegsiga deegaanku. 9. Waa in si siman looga faaidayso khayraadka deegaanka iyadoo la tixgalinayo qaabka uu u shaqeeyo deegaanku si uu u waaro oo aanay dhibaato u soo gaadhin. 19 10. Waa in qiimayn lagu sameeyaa si loo hubiyo waxyeellooyinka deegaanka soo gaadhi kara ama isticmaalka khayraadka dabiiciga ah. 11. Waa in la xoojiyo Horumarka Joogtaysan (sustainable development) dhinac kasta oo ku saabsan deegaanka. 12. Waa in la dhawro dhaxalka dhaqan iyo dabiici ee kuwa mustaqbalka. 13. Iyadoo la eegayo wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fog, waa bulshada ama waxyeelada ugu yar soo gaadhsiinaya deegaanka guud ahaansi loo yareeyo qashinka iyo walxaha wasakheeya deegaanka. 14. Waa in manhajka waxbarashada ee heer kasta lagu daraa wacyi gelinta deegaanka. 15. Waa in kor loo qaado sidii loo yarayn lahaa qashinka, dib u isticmaalka iyo dib u warshaydaynta qashinka. 16. Isbadelka cimiladu waxa uu saamayn karaa xeerarka deegaanka iyagoo noqon kara qaar aan shaqaynayn ama la jaan qaada isbadalada dhacay. 17. Qof kasta oo waxyeello soo gaadhsiiya deegaanka waxaa waajib ku ah in uu hagaajiyo (bixiyo) dhibaatada uu u gaystay deegaanka iyo caafimaad darrada ka dhalatay wasakhaynta. 18. Meesha ay jiraan caddaymo ku filan in haliso darani ama aan dib loo sixi karini ku soo beegan yihiin d (saynas) uma noqon karaan cudurdaar in dib loo dhigo wax-ka-qabasho wax ku ool ah oo lagaga hor tegayo tayo dhaca deegaan. 19. Waa in laga hortago waxyeellaynta deegaanka lana yareeyo ama xakameeyo ficillada waxyeellada ugaysta deegaanka. 20. Waa in la sameeyo heerarka ilaalinta deegaanka si loola socdo is baddalka ku yimaadda tayada deegaanka. 21. Waa in ay Somaliland iskaashi la samaysaa dawladaha kale si loo horumariyo deegaanka. 20 QEYBTA 3AAD MAAMULKA Qodobka 4aad Wasaaradda 1. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa ka masuul ah ilaalinta deegaanka, waanamuhiim doorka ay wasaaraddu ku leedahay dhaqan galinta qawaaniinta deegaanka. 2. Wasaaraddu waa in ay samayso siyaasadda guud ee lagu horumarinayo, ilaalinayo iyo maarayno deegaanka Somaliland. 3. Wasaaraddu waxa ay soo saari kartaa Xeer-nidaamiye ay ku dhaqmaan wasaaradaha kale, waaxyaha dawladda, guddiga qaranka ee talo bixinta deegaanka, guddiga maaraynta deegaanka ee degmooyinka, Hay`adaha dawladda ama kuwa gaarka ah ee ka qayb qaadan kara dhaqan galinta xeerkan. Qodobka 5aad Hawlaha Wasaaradda Hawlaha wasaaraddu waxa weeyaan: 1. isticmaalka deegaanka. 2. Diyaarinta iyo daabicidda siyaasadaha, istaraatijiyada, ujeeddooyinka iyo heerarka lagu maaraynayo deegaanka. 3. Xidhiidhinta arrimaha maaraynta deegaanka ee heer qaran. 4. Kormeeridda iyo hubinta ku dhaqanka xeerkan. Qodobka 6aad Guddiga Talo bixinta Horumarka Joogtaysan (Sustainable Development Advisory Committee) Hawlaha guddiga talo bixinta Horumarka Joogtaysan waa: 1. Soo jeedinta tilmaamo iyo isuduwidda siyaasadaha deegaanka ee Heer Qaran. 21 2. Isku xidhka Wasaaradda iyo Daneeyayaasha Deegaanka. 3. Soo jeedinta caqabadaha ka hor iman kara dhaqan galinta siyaasadaha iyo mashaariicda deegaanka, iyo hubinta siyaasadahaas iyo mashaariicdaas. 4. Waxay Wasiirka Talo ugu soo Gudbinayaan Arrimahan: B. Siyaasadda iyo Istaraatajiyada lagu maaraynayo ilaalinta iyo isticmaalka deegaanka. T. Ilaalinta noolaha, isticmaalka khayraadka dalka si ayna waxyeello u gaadhin deegaanka wakhtiga fog taasoo sababaysa hoos u dhac ku yimaada deegaanka ee jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka. J. Kormeerida ku haboon sidii loo hubin lahaa ku dhaqanka mabaadiida. X. Soo jeedinta Baahida wax ka bedel iyo kaabiseed ee xeerkan, arrimaha ku saabsan deegaanka. KH. Fulinta hawlaha kale wasaaraddu u xilsaarto. Qodobka 7aad Qaab dhismeedka Guddiga Talo bixinta Horumarka Joogtaysan 1. Guddiga talo bixinta horumarka joogtaysan waxa uu ka koobanyahay 12xubnood oo ka kala imanaya hay`adahan Dawlada, waxaana guddoomiye u ah Wasiirka Degaanka: b. Wasaaradda Degaanka. t. Wasaarada Beeraha. j. Wasaarada Caagfiaadka x. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha & kaluumaysiga. Kh. Wasaarada Arrimaha Gudaha. d. Wasaaradda Biyaha Qaranka. r. Wasaaradda Macdanta & Tamarta. s. Wasaaradda Warshadaha. Sh. Hay`adda Dhowrista Tayada. 22 dh. Laba Xubnood oo ka imanaya Gudiyada Arrimaha Deegaanka ee Labada Gole Baarlamaan. 2. Gudidan Talo bixinta Horumarka Joogtaysan waxaa xoghaye u noqonaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo ka mid ah Gudida, waxaanay Gudidu kulmayaan sadexdii biloodba hal mar iyo fadhiyo aan caadi ahayn hadii loo baahdo. QEYBTA 4AAD QORSHAYNTA DEEGAANKA (ENVIRONMENTAL PLANNING) Qodobka 8aad Qorshaha Deegaanka ee heer Qaran 1. Ujeedooyinka qorshaynta deegaanku waa: B. Isuduwida iyo iswaafajinta siyaasadaha deegaanka, qorshayaasha, barnaamijyada iyo duwan ee dawlada ee awoodda u leh in ay soo saaraan si ay u horumariyaan ilaalinta deegaanka iyagoo: i. Yaraynaya nidaamyada iyo hawlaha is burinaya ama soo noqnoqonaya. ii. Kor u qaadaya in ay is waafaqaan hawlaha deegaanku u socdaan. T. Awoodsiinta Wasiirka si uu u kormeero wax qabadka, horumarka iyo ilaalinta deegaanka. 2. Wasaarad kasta oo dawladeed waan in ay diyaarisaa qorshe deegaan oo u qoran qaabka la qeexay. Marka la diyaarinayo qorshaha waa in la tixgaliyaa qorshayaasha horay u jiray si ay isku waafaqaan oo ayna iskaga hor iman. 3. Wasaaraddu waa in ay diyaariso qorshaha deegaanka qaran kaas oo dib loo eegi doono shantii sano hal mar ama wakhti ka gaaban haddii loo baahdo. 4. Qorshaha deegaanku waa: B. Waa in ay ku jiraan dhammaan arrimaha ku saabsan deegaanka dalka, waxaanu ka koobanyahay tilmaamaha lagu maaraynayo, ilaalinayo deegaanka iyo khayraadka 23 dabiciiga ah. Waxa kale oo ku jira istaraatajiyadda lagu ilaaliyo, kontoroolayo ama lagu dhimayo waxyeellaynta deegaanka. T. Waa in uu tixgaliyaa qorshayaasha deegaanka ee degmada. X. Waxaa uu qabanayaa qofka kasta, waax kasta iyo wakaalad kasta oo dawladeed. KH. Iyadoo sidiisa uu yahay faqrada 1aad ee qodobkan, qorshaha deegaanka waan in dib loo eegaa si loo la jaan D. Qorshaha waxa ku jiri kara hawlaha kale ee xeerkani qeexo. R. Qorshaha waa in marka horay golaha wasiiraddu ansixiyaan ka dib na la hor dhigaa golaha wakiillada si ay u ansixiyaan. S. Waa in qorshaha la baahiyo si dadweynuhu u ogaadaan. Qodobka 9aad Qorshaha Deegaanka ee heer Degmo 1. Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu iyada oo latashanaysa degmooyinka, isla markaana tixgalinaysa baahiyahoodda siday ukala mudan yihiin howlaha wax qabad ee degmooyinka laga fulinayo. 2. Waa in labaahiyo marka xeerkan la ansixiyo si ay dadwaynuhu u ogaadaan iyada oo la adeegsanayo dhamaan warbaahinta kala duwan. QEYBTA 5AAD Qodobka 10aad Qiimaynta Saamaynta/Raad reebka Deegaanka (Environmental Impact Assessment) 1. Waan in wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu qiimayn ku samayso si loo ogaado saamaynta/raad reebka deegaanka soo gaadhi karta inta aan la fulin dhamaan mashaariic hoos ku xusan( lifaaq). Waxaana reeban in aan laqaban iyadda aan raad reebka deegaanka lugu samayn: 24 2. Hawlaha kor ku xusan lama fulin karo ilaa qofka ama shirkada fulaynayaa haysato cadayn fasax (clearance certificate) oo ay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu siisey, isla markaana ay kujiraan khubaradda wasaaradda deegaanka. Qodobka 11aad Gunnooyin Dhaqaale 1. Iyadoon waxba laga baddalayn xeerarka Dakhliga, Wasaaraddu waxa ay soo jeedin kartaa in cashuur laga qaado ama laga dhaafo si loo dhiiri galiyo sidii si haboon loogu maarayn lahaa deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah loogana hortagi lahaa nabaad guurka deegaanka. 2. Cashuurta ku qoran faqrada 1aad ee qodobka waxa ay noqon kartaa: B. In laga dhaafo cashuurta alaabta la soo dajiyo ee ka hortagaysa ama hoos u dhigaysa tayo dhaca deegaanka. T. Cashuur dhaaf loo samaynayo shirkadda maalgalisa warshadaha, mashiinnada iyo qalabka kale ee wasakhaynta deegaanka hoos u dhiga, dib u warshadaynta qashinka, ka hortagga daadadka iyo isticmaalka tamarta biyaha. J. Cashuur dhaaf si looga hortago ficillada kahyraadka deegaanka idleeya ama sababa wasakhayn. X. Lacag (fee) laga qaado ciddii isticmaasha khayraadka deegaanka Qodobka 12aad Codsiga Qiimaynta Saamaynta Deegaanka 1. Iyadoon la eegayn haysashada ruqsad la bixiyay si waafaqsan xeerkan ama xeerar kale, qof kasta oo raba in uu hirgaliyo mashaariic waa in uu inta uuna maalgalin, bilaabin ama cid kale uuna ka codsan in ay bilawdo (mashaariicda ku qoran schedule 2 ee xeerkan) u 25 an mashaaruuca si waafaqsan qaabka la qeexay, isla markaana uu bixiyo fiiga (fee) sharciga ah. 2. Cidda rabta in ay mashruuc hirgaliso waa in ay iyadu bixisaa kharashka qiimaynta la samaynayo ee ku saabsan raad reebka mashruuc gaadhsiin karo deegaanka, waana in ay warbixin diyaarisaa oo ay u gubisaa Wasaaradda. Marka ay Wasaaraddu ku qanacdo ka gaadhaa mashruuca in la hirgaliyo iyo in kale. 3. Wasiirku isagoo la tashanayaa Wasaaradda iyo wakaaladaha ay khusayso waxa uu wax ka baddal ku samaynayn karaa Jadwalka labaad ee xeerkan iyadoo lagu soo saarayo Gazette. 4. Daraasadda qiimaynta samaynta mashruucu ku yeelan karo deegaanka waxaa samayn kara khabiirro awood Wasaaraddu u siisay in ay daraasadda sameeyaan. Wasaaraddu waa in ay haysaa diiwaan ay ku qoran yihiin khabiiradda awoodda loo siiyay in ay u fuliyaan daraasadda. Diiwaanku waxa uu noqonayaa mid u furan dadweynaha oo ay eegi karaan saacado kooban oo macquul ah marka ay bixiyaan fiiga sharciga ah. 5. Agaasimaha guud isagoo la tashanaya Guddiga dib u eegista iyo dhaqan galinta heerarka waxa uu ansixin karaa codsiyada khabiiradda doonaya in awood loo siiyo in daraasad qiimayn deegaan ay sameeyaan. Codsiga waa in loo soo qoro si waafaqsan qaabka la qeexay oo fiigana (fee) la bixiyo. 6. gaadhaa mudo sodon cisho ( 30cisho) gudahood ah. 7. Qof kasta oo codsi xereeyay oo aan wax jawaab ah helin mudadda ku qoran faqrada 8aad ee qodobkan waxa uu bilaabi karaa hawshiisa. 8. Daraasadda qiimaynta deegaanka waa in loo sameeyo si waafaqsan xeerarka iyo nidaamyada uu qeexan xeerkani. Qodobka 13aad Soo bandhigida Qiimaynta Saamaynta Deegaanka 1. Wasaaraddu marka ay hesho warbixinta daraasadda la sameeyay ee qiimaynta deegaanka sida ku xusan 26 qodobka 12aad ee xeerkan, waa in ay laba toddobaad oo isku xiga ku daabacdaa Gazette iyo wargeys ka soo baxa goobta/meesha/magaalada laga hirgalinayo mashruuca. Warbixinta waa in ay ku qornaataa: B. Sharraxaad kooban oo mashruuca ku saabsan T. Goobta mashruuca laga hirgalinayo X. Wakhti cayiman oo aan ka badnayn lixdan maalmood oo talooyin/faallo lagaga bixin karo(comments) daraasadda. 2. Haddii qof codsado in wakhtiga lagu xusay faqradda 1aad (X) la kordhiyo, Wasaaraddu way kordhin kartaa wakhtigaas si uu fursad ugu helo qofkaasi oo uu talo/faalo qoraal ah ama afah uga bixiyo daraasadda. Qodobka 14aad Warbixin cusub kadib Ruqsadda Qiimaynta saamaynta deegaanka 1. Marka la bixiyo ruqsadda qiimaynta samaynta deegaanka, Wasaaradda wakhtiga ay doonto waxa ay ka dalban kartaa ruqsad haystaha in uu warbixin cusub oo saamaynta deegaanka soo gaadhaysa soo gudbiyo si dib loogu qiimeeyo haddii arimahan soo socda ay dhacaan: B. Haddii is badal weyni ku yimaaddo sidii uu u shaqaynayay mashruucu. T. Haddii uu mashruucu halis galinayo deegaanka taasi oo adkayd in la saadaaliyo markii daraasadda hore la sameeyay. J. Haddii la ogaado in warbixinta iyo xogta uu soo gubiyay codsadaha ruqsaddu sida ku xusan qodobada 25&30 ay ahayd been ama mid aan sax ahayn. 2. Qof kasta oo dayaca, diida ama u hoggaansami waaya dalabka Wasaaradda ee ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa lagu soo oogi karaa fal dambiyeed. 27 Qodobka 15aad Kala wareejinta Ruqsadda 1. Ruqsadda qiimaynta saamaynta deegaanka waxa lagula kala wareegi karaa (hayste ku wareejin kara qof kale), arrimaha khuseeya mashruuca ay ku saabsantahay ruqsaddu oo kaliya. 2. Haddii ruqsad lagula kala wareego si waafaqsan faqradda 1aad ee qodobkan, waan in qofka wareejinaya iyo ka la wareegayay ay qoraal ahaan ku ogaysiiyaa Agaasimaha guud muddo aan ka badnayn soddon maalmood oo ka bilaabmaysa maalintii lala kala wareegay. 3. Haddii si wada jir ah loo ogaysiin waayo sida ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan, haystaha ku diiwaan gashan ruqsadda ayaa loo tixgalinayaa in uu yahay qofka iska leh ama masuulka ka ah maaraynta mashruuca. 4. Kala wareejinta ruqsaddu waxa ay shaqadeedu sax u bilaabmaysaa maalinta la ogaysiiyo Agaasmiha Guud. 5. Qofka ku xadgudba qodobkan waxaa lagu soo oogi karaa fal dambiyeed. Qodobka 16aad Mudnaan gaar ah oo la xidhiidha Ruqsadda 1. Dawlada, Wasaaradda looma qabsan karo haddii ay dhibaato ka dhalato mashruuc la qiimeeyay oo ruqsadna la siiyay. 2. Difaac ma noqon karto haysashada ruqsadda qiimaynta saamaynta deegaanka haddii ficil madani ah lagu soo oogo hirgaliyaha mashruuca oo ku saabsaan sida mashruuca loo maareeyay ama loo fuliyay. Qodobka 17aad La noqoshada ama burinta ruqsadda 1. Wasaaraddu marka ay talobixin ka hesho Gudiga Dib u eegista iyo dhaqangalinta heerarka, waxa ay tirtiri, burin ama la noqon kartaa ruqsadda. 2. Haddii ruqsad la buriyo, la tirtiro ama lala noqdo, sida ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, haystaha ruqsaddu ma sii wadi karo mashruuca ilaa inta ruqsad cusub uu helayo. 28 3. Wasaaraddu waa in ay haysaa diiwaan lagu kaydiyo dhammaan ruqsadaha la bixiyay si waafaqsan xeerkan. Diwaanku waxa uu noqonayaa mid u furan dadweynaha oo ay eegi karaa wakhti cayiman marka ay bixiyaan fiiga. QEYBTA6AAD HUBINTA DHAWRISTA DEEGAANKA IYO KORMEERIDA DEEGAANKA (ENVIRONMENTAL AUDIT & ENVIRONMENTAL MONITORING) Qodobka 18aad Hubinta Dhawrista Deegaanka (Environmental Audit) 1. Wasaaradda ayaa masuul ka ah in ay hubiso wax kasta oo saamayn ku yeelan kara deegaanka. 2. Mulkiilaha dhismaha ama masuulka mashruuca fulinaya waa in ay kaydiyaan diiwaan sax ah, iyagoo warbixin sannadle ah u gubinaya Wasaaradda si ay ula socodsiiyaan sida ay isku waafaqsanyihiin mashruuca iyo daraasadda lagu qiimeeyay saamaynta deegaanka uu ku yeelanayo sida ku Xusan qodobada 10&11ee xeerkan. 3. Mulkiilaha dhismaha ama masuulka mashruuca fulinaya waa in uu qaadaa talaabo kasta oo lagu yaraynayo waxyeellaynta deegaanka dhibaatooyinkaas oo aan ku jirin daraasadda, waana in uu warbixin sannadle ah u gudbiyaa Wasaaradda. Qodobka 19aad Kormeeridda Deegaanka (Environmental Monitoring) 1. Wasaaraddu iyadoo la tashanaysa wakaaladaha ay khuseyso waa in ay kormeertaa: B. Deegaanka si ay u qiimayso is baddalada ku iman kara deegaanka iyo samayntooda. T. Hawlaha warshadaha, mashaariicda ama hawlaha kale si ay u ogaato samaynta dhaw iyo ta fog labadaba. 2. Kormeeraha deegaanka ee xeerkani uu magacaabay (qodobka 52aad ee xeerkan) waxa uu awood u leeyahay 29 in uu galo dhul ama dhisme kasta is uu kormeer ugu sameeyo hawlaha halkaas ka socda. QEYBTA 7AAD HEERARKA TAYADA DEEGAANKA (ENVIRONMENTAL QUALITY STANDARDS) Qodobka 20aad Guddiga Dhaqangalinta iyo Dib u Eegista Heerarka (Standards and Enforcement Review Committee) 1. Waa in la sameeyo gudi ka tirsan Wasaaradda oo la yidhaa Guddiga dhaqangalinta iyo dib u eegista heerarka. 2. Guddigu waxa uu ka kooban yahay Agaasimayaasha Wasaaradaha ku qoran Qodobka 7aad ee xeerkan marka laga reebo xubnaha labada Gole Qaran. 3. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ah Gudoomiyaha Guddiga. 4. Agaasimaha guud waa in uu guddiga u soo magacaabaa xubin ka socota Wasaaraddaoo guddiga xoghayntiisa noqota. 5. Guddigu waa in in uu samaystaa xeer hoosaadkiisa iyo nidaamka uu ku shaqaynayo. 6. Guddigu waxa uu casuumi karaa qofka uu doona in uu ka qayb galo shirarka iyo doodahooda laakiin qofkaasi wax codayn ah ma yeelanayo. 7. Guddidu waa inay kulmaan/shiraan ugu yaraan bishiiba hal mar iyo fadhiyo aan caadi ahayn hadii loo baahdo. Qodobka 21aad Hawlaha Guddiga Fulinta iyo Dib u Eegista Heerarka 1. Guddigu iyagoo la tashanaya wakaaladaha ay khuseyso waa in ay: B.La taliyaan Wasaaradda si ay u samayso nidaamka lagu cabbirayo tayada biyaha. T. Soo jeediso heerka/darajadda tayada noocyada biyaha Somaliland sida: i. Biyaha la cabo ii. Biyaha warshadaha iii. Biyaha loo isticmaalo beeraha 30 iv. Biyaha loo isticmaalo tamashlaynta (recreational). v. Biyaha kalluunka iyo duurjoogta vi. Iyo isticmaalka noocyada kale ee biyaha J.Baadhaa oo ay u soo gudbiyaan Agaasimaha Guud shuruudaha wasakhda dareeraha ah ee deegaanka lagu sii dayn karo. X. Diyaariyaan oo ay talo bixin siiyaan Agaasimaha Guud sidii loo soo saari lahaa xeerarka iyo nidaamaka lagu ilaalinaya goobaha kaluumaysiga, biyaha badda, ilaha biyaha, haraha iyo goob kasta oo biyo ah oo daryeel/ilaalin u baahan. KH. Aqoonsadaan oo ay talo bixin siiyaan Wasaaradda arrimaha ku saabsan daraasadda wasakhaynta biyaha iyo saamaynta uu ku leeyahay deegaanka, ban xayawaanka. D. in uu la taliyo Wasaaradda si ay u samayso baadhitaan xogna loo soo ururiyo ku saabsan wasakhayn biyaha oo dhacday/la sameeyay ama laga shakiyay. R. la taliyo Wasaaradda sidii ay u qaadi lahayd tallaabooyin ama ay u amri lahayd in tallaabooyinka ku habboon la qaado si looga hortago ama loo joojiyo wasakhaynta biyaha ee ka iman karta hawlo la iska daayay ama faraha laga qaaday (abandoned) ama si dabiici ah u dhici karta. S. In la sameeyo qaabka tayada biyaha iyo wasakhaynta lagu ogaan karo, iyadoo la samaynayo shaybaadh si ay hawshaasi u fuliyaan. SH. Ururinta, haynta iyo turjumidda xogaha warshadaha iyo xafiisyada dawladda ee ku saabsan nadiifinta ay ku sameeyaan qashinka. DH. La talinta Agaasimaha guud sidii loo nadiifin lahaa wasakhda dareeraha ah ka hor inta aan lagu siidayn bullaacadaha. C. Ugudbinta Agaasimaha guud dhammaan 31 talooyinka loo baahanyahay ee lagu kormeerayo wasakhaynta biyaha. Qodobka 22aad Wasakhaynta Biyaha 1. Xeerkani marka uu dhaqangalo ka dib, qof kasta oo ku xadgudba heerarka wasakhaynta biyaha ee xeerkani qeexay kuna shuba ama ku siidaaya deegaan biyoodka wasakh nooc kasta sida sunta, wasakhda shucaaca (radioactive waste), waxa lagu soo oogayaa fal dambiyeed oo waxaana lagu xukumi karaa xadhig aan ka badnayn laba sano ama ganaax lacageed oo dhan hal million oo SL SH ah. 2. Qof kasta oo lagu helo dambiga ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan, waxa kale oo lagu soo rogayaa xukun dheeri ah si uu: B.Bixiyo kharashka deegaan biyoodka lagaga sifaynayo sunta. T.Mag siinayo cidii kale ee ay dhibaato ka soo gaadhay. Qodobka 23aad Warbixinta Warshadda Dhamaan mulkiilayaasha ama masuuliyiinta fulinaya mashaariicda waraabka dhulka, nidaamka bullaacadaha, warshadaha wax soo saara ama hawlaha kale ee ay ka dhalan karaa dareere wasakh ah oo lagu sii daynayo deegaan, waa in ay sagaashan maalood gudahood warbixin sax ah ugu soo gudbiyaanWasaaradda, waana in ay warbixintana ku qorantahay cadadka iyo tayada wasakhdaas dareeraha ah. Qodobka 24aad Wasakhda Dareeraha ah 1. Mulkiile kasta ama ganacsade kasta oo wasakh dareere ah ay meheraddiisa ka imanayso waa in uu ku shubaa bullaacadda. Xafiiska awooda u leh waa in uu meheradda siiyo ogolaanshaha bullaacadda marka uu mulkiiluhu ama ganacadsaduhu bixiyo fiiga. 2. Mulkiilaha ama masuulka meherad, ka hor inta aan la siin ruqsadda isticmaalka bulaacadda, waa in uu 32 mashiin sifeeya wasakhda ku rakibo meheradda inta aanu wasakhda dareeraha ah ku sii dayn deegaanka. Qodobka 25aad Ruqsadda Wasakhda Dareeraha ah 1. Lama oggola qofna in uu ku siidaayo wasakh dareere ah isagoon haysan ruqsad oggolaansho. 2. Mulkiilaha ama masuul meherad ee ku sii daaya wasakh dareere ka hor inta uuna xeerkani dhaqan galin waa in uu ruqsadda ku codsado laba iyo toban bilood gudahood. 3. Ruqsadda siidaynta wasakhda dareeraha waa in loo qoraa qaabka la qeexay lana bixiyo fiiga sharciga ah. 4. Ka hor inta aan ruqsad la bixin sida ku qoran faqradda 1aa&2aad ee qodobkan waa in: B. La eego talo bixinta xafiisyada, ururrada iyo dadka ay khuseyso. T. La tixgaliyo saamaynta uu ku yeelanayo tayada biyaha. X. La tixgaliyo ruqsadaha kale ee khuseeya biyaha. KH. La tixgaliyo baahida biyood ee dadka biyuhu sii maraan (riparian), deegaanka, dagmooyinka, beeraha ee ku tiirsan biyahaas. 5. Haddii loo diido codsadaha ruqsadda sii daynta wasakhda biyaha, waan in qoraal ahaan lagu wargeliyo diidmadaas iyo sababaha loo cuskaday muddo kow iyo labaatan maalmood gudahood oo ka 6. Ruqsaddu waa in ay u qorantahay qaabka la qeexay, waxayna shaqaynaysaa lana cusboonaysiinayaa wakhtiga ku qoran ruqsadda. Qodobka 26aad Tirtiridda Ruqsadda Qashinka Dareeraha 1. Wasaaraddu waxa ay qoraal ahaan ku tirtiri kartaa ruqsadda haddii: B. Haystaha ruqsaddu ku xadgudbo qodobadda xeerkan ama xeer hoosaad kale. T. Haddii uu haystaha ruqsaddu ka soo bixi waayay shuruudaha ruqsadda. 33 J. Haddii Wasaaraddu u aragto in ay deegaanka ama dadweynaha dantooda tahay. Qodobka 27aad Diiwaanka Ruqsadaha Wasakhda Dareeraha Wasaaraddu waan in ay kaydisaa diiwaan ay ku qoranyihiin dhamaan ruqsadaha wasakhda dareeraha ee la bixiyay. Diiwaanku waxa uu u furanyahay dadweynaha si ay u eegaan wakhti kooban marka uu qofku bixiyo fiiga. Qodobka 28aad Heerka Tayada Hawada 1. Guddiga Fulinta iyo Dib u eegista Heerarka iyagoo la tashanaya wakaaladaha ay khusayso: B. Waan in ay Wasaaradda kala taliyaan samaynta heerka iyo nidaamka lagu qiyaasayo tayada hawada. T. In ay u soo jeediyaanWasaaradda: i. Heerka tayo ee hawada ii. Tayada hawada goobaha shaqo iii. Heerka sii daynta qiiqa iv. Shuruudaha iyo tilmaamaha lagu xakamaynayo wasakhaynta hawada ka dhalata ilaha socda iyo kuwa taagan. J. La talinta Wasaaradda ee talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee hoos loogu dhigi karo wasakhaynta hawada iyadoo lagu amrayo warshaduhu in ay dib u qaabeeyaan mashiinnadooda ama rakibaan kuwo casri ah si ay u waafaqaan heerarka qodobkani qeexay. X. In ay Wasaaradda kala taliyaan sidii loo yarayn lahaa gaasaska iyadoo la isticmaalayo teknoolajiyada ku habboon si loo yareeyo wasakhaynta hawada. KH. In ay Wasaaradda kala taliyaan siidaynta qiiqa iyo nooca uu yahay. 34 D. Kala taliyaan Wasaaradda teknoolajiyadda ugu fiican ee lagu xakamayn karo wasakhda. wasakhaynta hawada, iyagoo u soo jeedinaya Agaasimaha guud in uu sameeyo shaybaadh hawshaasi qabta. SH. In ay ka codsadaa in ay Wasaaraddu samayso baadhitaa marka ay dhacdo ama laga shakiyay in hawada la wasakheeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin wasakhaynta diyaaradaha, gaadiidka, warshadaha iyo warshadaha laydhka. S. Qabashada hawl kasta oo habboon oo lagu xakamaynayo wasakhaynta hawada. 2. Qof kasta oo siidaaya walxo wasakhaynaya hawada, kuna xadgudba heerarka xeerkani dhigay waxa lagu qaadayaa dambi oo waxaa lagu xukumi xadhig aan ka badnayn laba sano ama ganaax aan ka badnayn shan boqol oo kun oo SL SH. Ama labadaba. 3. Qofka lagu helo dambi sida ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa kale oo lagu xukumayaa in uu: B. Bixiyo kharashka lagu sifeynayo hawada oo uu ku jiro kharashka ka baxay wakaaladda si ay dib ugu hagaajiso deegaanka la waxyeeleeyay. T. cidii kale ee ay waxyeelo ka soo gaadhay. Qodobka 29aad Goobaha La Xakameeyay 1. Wasiirku isagoo la tashanaya Wasaaradda waxa uu shaacinayaa goobo dhowrsoon/xidhan, isagoo ogeysiiska ku qoraya faafinta rasmiga ah (National Gazette). 2. Wasiirku isagoo la tashanaya Wasaaradda waa in uu qeexo heerka hawada lagu siidayn karo gobahaas. 35 Qodobka 30aad Ruqsadda Qiiq Hawada lagu sii daayo (Emission) 1. Marka uu xeerkan dhaqan galo, mulkiilaha ama masuulka meherad ganacsi, warshad ama goob kale oo walxo sii daynaysa qiiq ama sababi wasakhayn karahawada, waa in uu codsadaa ruqsadda sii daynta qiiqa. 2. Goobaha ganacsi iyo warshadaha sii jiray ka hor dhaqan galka xeerkan, waa in ay laba iyo toban bilood gudahood ku codsadaa ruqsadda laga bilaabo maalinta uu xeerkani dhaqan galo. 3. Codsiga ruqsadda waa in loo qoraa qaabka la qeexay lana bixiyo fiiga Qodobka 31aad Bixinta Ruqsadda 1. Ka hor inta aan la bixin ruqsadda ku xusan qodobka 30aad ee xeerkan, Wasaaraddu waa in ay: B. Tixgalisaa saamaynta tayada hawada gaadhi karta. T. Tixgalisaa ruqsadda kale ee khuseeya hawada. J. Mudnaan la siiyo baahida dadka degan aagaas, dagaanka, warshadaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi. X. Waydiiyaan talada ururadda iyo Wasaaradda dawlada ee ay khuseyso. KH. Haddii ay warbixinta la socota codsigu u muuqato mid aan dhamaystirnayn, waa in codsadaha la waydiiyo in uu warbixin dheeri ah keeno. D.Haddii ay u muuqato in ay lagama maarmaan tahay in daraasad la sameeyo, waan in codsadaha lagu amraa in uu daraasada sameeyo si waafaqsan qodobada Qaybta VI ee xeerkan. 2. Ruqsadda la bixiyay waa in ay u qorantahay qaabka iyo shuruudaha lagu qeexay ruqsadda, waxa ayna shaqaynaysaa oo la cusboonaysiinayaa wakhtiga ku qoran ruqsadda. 3. Haddii codsadaha loo diido ruqsadda, Wasaaraddu waa in ay ku wargalisaa qoraal ahaan sababaha loogu diiday muddo kow iyo labaatan maalmood 36 gaadhay. Qodobka 32aad Qiiqa Gaadiidka 1. Mulkiilaha ama masuulka gaadhi, tareen, markab, diyaarad ama gaadiid kale: B. Ma shaqayn karo haddii uu hawada wasakhaynayo oo uu ku xadgudbayo heerarka xeerkani qeexay. T. Ma soo dajin karo mashiinno iyo qalab kale oo siidaaya qiiq waxyeellaynaya tayada iyo heerka hawada xeerkani qeexay. Qodobka 33aad Nidaamka Dheeriga ah ee Ruqsadaha Wasaaraddu waxa ay samayn kartaa nidaam dheeri ah oo ku saabsan codsiga iyo bixinta ruqsadaha uu xeerkani qeexay. Wasaaraddu waxa ay ku soo rogi kartaa shuruudaha ku haboon. Qodobka 34aad Tirtirida Ruqsadda Qiiqa 1. Wasaaraddu waxa ay qoraal ahaan ku tirtiri kartaa ruqsadda qiiqa: B.Haddii haystaha ruqsaddu ku xadgudbo qodobbada xeerkan ama xeer hoosaad kale. T. Haddii ruqsad haystuhu jabiyo shuruudaha ruqsadda J. Haddii Wasaaraddu u aragto in ay ku jirto danaha deegaanka ama dadweynaha. Qodobka 35aad Diiwaanka Ruqsadda Qiiqa Wasaaraddu waa in ay kaydisaa diiwaan ay ku qoranyihiin dhamnaan ruqsadaha qiiqa ee la bixiyay sida uu qorayo xeerkani. Diiwaanku waxa uu noqonayaa mid u furan dadweynaha oo ay eegi karaa wakhti cayiman marka ay bixiyaan fiiga. 37 Qodobka 36aad Heerarka Qashinka 1. Gudiga Fulinta iyo Dib u Eegista Heerarka, iyagoo la tashanaya wakaaladaha ay khusayso waa in ay Wasaaradda u soo jeediyaan: B. Qalabka iyo waxyaabaha halista ku ah T. Soo saaraan tilmaamo iyo tallaabooyinka lagu maaraynayo waxyaabaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan. J. Qeexaan heerarka qashinka, noocyadiisa, soona jeediyaa qaabka lagu gubayo (baabiinayo) qashinka. X. Soo saaraan xeer hoosaad ku saabsan maaraynta, kaydinta, qaadidda (gaadiid ku qaadid), kala soocidda iyo burburinta qashinka. Qodobka 37aad Codsiga Ruqsadda Qashinka 1) Qof kasta oo doonaya in uu gaadiid ku qaado qashin, ku hawlan goob qashinka lagu burburiyo, ka hor inta uuna qaadin qashinka si uu u burburiyo waa in uu qoraal ahaan ku codsadaa in la siiyo ruqsadda qashinka. 2) Ruqsadda qashinka waxa la bixinayaa oo kaliya marka uu codsaduhu bixiyo fiiga. 3) Haddii ruqsadda loo diido codsadaha waa in lagu wargaliyaa diidmada iyo sababaha loogu diiday muddo kow iyo labaatan maalmood ah laga bilaabo Qodobka 38aad Ruqsadda Qashinka ee Goobaha Horey u Jiray Inta aanu xeerkani dhaqangalin qof kasta oo leh goob qashinka lagu burburiyo waa in uu ruqsadda qashinka codsadaa lix bilood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta xeerkani dhaqan galo. Qodobka 39aad Amar joojin Haddii maaraynta, qaadidda, kaydinta ama burburinta qashinku halis dhakhso ah uu ku keeni karo 38 caafimaadka dadweynaha, deegaanka ama khayraadka dabiiciga ah, Wasaaraddu waxa ay maxkamadda awoodda u leh ka codsan kartaa in amar joojin degdeg ah lagu sameeyo cidda hawshaasi wada. Qodobka 40aad Qashinka Halista ah 1. Guddiga Fulinta iyo Dib u eegista Heerarka iyagoo la tashanaya wakaaladda ay khusayso, waxa ay Wasaaradda u soo jeedin karaa heerka kala soocidda qashinka halista ah: B. Qashinka Khatarta ah T. Qashinka wax daxaleeya ama xajiinta leh (corressive waste). J. Qashinka ay ku jiraan walxaha dhaliya cudurka kansarka X. Qashinka Ololaha ah KH. Qashin aan horey u dhiman D. Qashinka Sunta ah R. Qashinka Qarxa S. Qashinka Shucaaca bixiya SH. Iyo qashinnada kale ee aan kor ku xusnayn DH. Qashinada kale ee Wasaaraddu ay tixgaliso 2. Wasaaraddu iyadoo tixgalinaysa talooyinka Gudiga Fulinta iyo Dib u eegista Heerarka, waa in ay soo saarto xeer hoosaadka iyo tilmaamaha lagu maaraynayo qayb kasta oo ka mid ah qashinnada ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan. 3. Qof na ma soo dajin karo qashinnada halista ah ee xusan faqradda 1aad ee qodobkan. 4. Qashinnada halista ah looma qaadi karo waddamo kale haddii aan loo haysan oggolaansho sax ah. 5. Qofka ku xadgudba qodobbada xeerka, been abuur ka sameeya ama kootarabaaniya qashinka halista ah waxa lagu soo oogayaa fal danbiyeed waxaana lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya hal sano illaa sadex sano iyo ganaax lacageed oo u dhexeeya hal million illaa sadex milyan SL SH. 39 6. Qofka lagu helo danbiyada faqradda 5aad qodobkan waxaa lagu amrayaa in uu ka saaro qashinka Somaliland oo uu si amni ah u burburiyo. Qodobka 41aad Maamulidda Waxyaabaha Halista ama Sunta ah 1. Wasiirku isagoo la tashanaya Wasaaradda waa in uu soo saaro xeer hoosaad qeexaya nidaamka iyo shuruudaha lagu: B. Kala saarayo walxaha kiimikooyinka sunta iyo halista ah iyadoo loo eegayo sunta ku jirta iyo halista ay ku yihiin caafimaadka dadka iyo deegaanka. T. Diwaangalinayo Kiimikooyinka iyo Walxaha kale J. Calaamadaynta Kiimikooyinka iyo Walxaha kale X. Baakadaynta Kiimikooyinka iyo Walxaha kale KH. Xayaysiinta Kiimikooyinka iyo Walxaha kale D. Koontoroolidda dhoofinta iyo soo dajinta suntan, kiimikooyinka iyo walxaha kale ee la oggolyahay. R. Qaybinta, kaydinta, qaadidda iyo maaraynta kiimikooyinka iyo walxaha kale. S. Kormeeridda saamaynta kiimikooyinka iyo hadhaagoodu ku yeelan karo caafimaadka dadka iyo deegaanka. SH. Burburinta kiimikooyinka iyo walxaha dhacay ama siyaado ah. DH. Xakamaynta iyo mamnuucidda sunta iyo walxaha ama tamarta halista ah. 40 Qodobka 42aad Mamnuucidda Ku Sii daynta (shubidda) deegaanka Kiimikooyinka, Saliidda, iyo Walxaha Halista 1. Waa mamnuuc in lagu sii daayo (shubo) kiimikooyinka, walxaha halista ah, saliidda ama wax saliidi ku laaqantahay, biyaha ama qaybaha kale ee deegaanka si ka hor imanaysa xeerkan. 2. Qofka ku shuba ama sii daaya kiimikooyin, walxaha halista ah, saliidda ama wax saliidi ku jirto biyaha ama deegaanka waxa uu lagu soo oogi fal dambiyeed. 3. Qofka lagu helo in uu galay dambi/xadgudub sida ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan, waxa ciqaabaha kale loo dheeraysiinayaa oo lagu xukumi in uu: B. Bixiyo kharashka lagu sifeynayo deegaanka ama biyaha lagu shubay. T. Magdhaw la siinayo dadka kale ee ay dhibaato ka soo gaadhay 4. Mulkiilaha ama masuulka goob wax soo saar ama meel wax lagu kaydiyo, gaadhi, doon ee ay ka daataan walxo si aan waafaqsanayn xeerkan waa in uu: B. Si deg deg ah u wargaliyo Wasaaraddaha dawladda ee awooda u leh. T. Si degdeg ah u bilaabo nadiifinta J. Uhoggaasamo amarrada Wasaaradda 5. Wasaaraddu way la wareegaysaa haddii mulkiilaha ama masuulka goob wax soo saarta, goob wax lagu kaydiyo, mulkiilaha gaadhi ama Doon ee diida, dayaca ama ka soo bixiwaaya waajibaadkiisa ku xusan faqradda 4aad ee qodobkan. 6. Haddii mulkiilaha ama masuulku uu qaadi waayo tallaabooyinka ku habboon ee ku xusan faqradda 41 4aad qodobkan, Wasaaraddu way iibin kartaa goobta wax soo saar ama wax lagu kaydiyo, gaadhiga ama doonta marka maxkamadi soo amarto ee wakhti aan ka badnayn lix bilood uu ka soo wareegay. Dakhliga ka soo baxa waxaa loo isticmaali sidii talaabooyinka ku xusan faqrada 4aad loogu fulin lahaa iyo magdhaw iyo dib u hagaajin. 7. Maxkamaddu marka ay qaadayso dacwad waa in ay tixgalisaa in uu qofku ku dhaqmay tallaabooyinka ku xusan faqradda 4aad qodobkan. Qodobka 43aad Heerarka Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sunta ah 1. Guddiga Fulinta iyo Dib u eegista Heerarka iyagoo la tashanaya wakaaladaha ay khusayso, waa in ay: B. Diyaariyaan oo ay u gudbiyaan Wasaaradda heerka hadhaaga daawooyinka cayayaanka ee ku jira dalagga beeraha, cuntada la warshadeeyay iyo cawska xoolaha. Dalaga beeraha ee qaydhiin waxaa ka mid ah: i. Khudaarta qaydhiin ee darayga ah ama la fadhiisiiyay, hadhuudhka, midhaha, caano qaydhiin, hilibka iyo wax soo saarka kale ee beeraha. ii. Ka mid maaha wax soo saarka beeraha ee la warshadeeyay, wax laga baddalay iyagoo la karinayo, biyaha laga saarayo, la shiidayo (ridqayo) iyo wixii la mid ah. T.Samaynta, dib u eegista, wax ka badelida heerarka lagu maamulayo soo dajinta, dhoofinta, soo saarida, kaydinta, qaybinta, iibinta, isticmaalka, baakadaynta, qaadida, burburinta iyo xayaysiinta daawooyinka cayayaanka iyo sunta kale. X. In ay diyaariyaan oo ay u gudbiyaan Wasaaradda nidaamka diwaangalinta daawooyinka cayayaanka 42 iyo walxaha sunta ah. KH. In ay diyaariyaan oo ay u gudbiyaan Wasaaradda sidii loo baakadaynayo ee loo calaamadinayo daawooyinka cayayaanka iyo walxaha sunta ah. D.In si joogta ah dib u eegis loogu sameeyo isticmaalka daawooyinka cayayaanka iyo sunta iyagoo u gudbinaya Wasaaradda wixii ka soo baxa dib u eegista. R.In ay u soo jeediyaan Wasaaradda tallaabooyinka lagu kormeerayo saamaynta daawooyinka cayayaanka iyo sunta gaadhsiinayso deegaanka. S. In ay u soo jeediyaan Wasaaradda sidii loo samayn lahaa shaybaadh arimahan ka shaqeeya. SH. In ay u soo jeediyaan Wasaaradda sidii loo samayn lahaa xeer hoosaadyo iyo nidaamka loo kaydiyo, baakadeeyo ama loo qaado daawooyinka cayayaanka iyo walxaha sunta ah. DH. In si joogta ah xog looga soo ururiyo warshadaha soo saara, isticmaalka iyo waxyeellada caafimaad ee daawooyinka cayayaanka iyo walxaha sunta. C. Kaydinta diwaanno iyo warbixinnada loo baahanyahay sidii si habboon loogu maamulilahaa daawooyinka cayayaanka iyo walxaha sunta ah. G. Iyo wixii kale ee lagamamaarmaan ah si loo kormeero loona kontoroolo daawooyinka cayayaanka iyo walxaha sunta ah. Qodobka 44aad Codsiga Diiwaangalinta Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sunta ah 1. Iyadoo la tixgalinayo qodobbada xeerkan ama shuruucda kale ee dalka, qof kasta oo doonaya in uu soo saaro mid cusub, soo dajiyo ama warshadeeyo daawo cayayaan ama sun horey u sii jirtay si si cusub loogu isticmaalo, waa in uu 43 Wasaaradda ka codsadaa diiwangalinta daawooyinkaas iyo walxahaas suntan ah. 2. Codsiga ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan waa in waxyaabahani ay ku qoranyihiin: Magaca, Calaamadda Ganacsi, habdhiska kimiko (molecular structure), noocyada isticmaalka, qiyaas cadadka daawada cayayaanka iyo walxaha suntan ah iyo xogta la xidhiidha waxyeellada caafimaad iyo deegaan. 3. Ka hor inta aanu xeerkani dhaqangalin, qof kasta oo saarayay, soo dajinayay ama warshadaynayay daawooyinka cayayaanka ama walxaha sunta ah, waa in uu Wasaaradda ka codsadaa diiwaangalin sannad gudihiis laga bilaabo maalinta xeerkani dhaqan galo. 4. Marka loo soo gudbiyo codsi, Wasaaraddu waa ay diwaangalinaysaa iyadoo eegaysaa shuruudaha ku habboon. 5. diwaangalinta daawooyinka cayayaanka iyo walxaha suntan ah waa mudo shan sano ah. 6. Haddii ay Wasaaraddu diido in ay diwaangaliso waan in la wargaliyaa codsadaha sababaha loogu diiday. Qodobka 45aad Xadgudubyada La Xidhiidha Daawooyinka cayayaanka iyo Walxaha Sunta ah 1) Waa mamnuuc in qof: B. Jaro, wax ka baddalo ama baabiiyo calaamadda daawooyinka/sunta cayayaanka ama walxaha sunta ah. T. Wax ka baddelo samayska daawooyinka cayayaanka ama walxaha sunta ah J. In la isticmaalo ama la burburiyo daawooyinka cayayaanka ama walxaha sunta ah si aan waafaqsanayn xeerkan. 44 2) Waa mamnuuc in daawooyinka ama walxaha sunta ah ee aan diwaangashayn la qaybiyo, iibiyo, la soo dajiyo iyo wixii la mid ah. 3) Qofka ku xadgudba qodobbadan waxaa lagu soo oogayaa fal dambiyeed waxaa lagu xukumayaa ganaax lacageed oo aan ka badnayn hal milyan oo SL.SH ama xadhig aan ka badnayn laba sano ama ganaax iyo xadhig la is raaciyay. Qodobka 46aad Qabashada Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sunta ah. 1. Daawo kasta ama sun kasta oo looga shakiyo in aanay waafaqsanayn xeerkan waa la qabanayaa. 2. Marka la qabto suntan sida ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, Wasaaraddu waa in ay wargalisaa mulkiilaha isla marka ay suurtagal noqoto. 3. Daawooyinka iyo sunta la qabtay waxaa haynaya Wasaaradda. 4. Daawooyinka iyo sunta la qabtay ee ay Wasaaraddu hayso sida ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan waa la fasaxayaa haddii muddo lix bilood ah: B. Dacwad lagu soo oogi waayo T. Haddii aan qofna dambi lagu helin Qodobka 47aad Diiwaangalinta Sunta Cayayaanka iyo Walxaha Sunta Wasiirku isagoo la tashanaya wakaaladaha ay khusayso, waa in uu sameeyaa nidaam qeexaya isticmaalka iyo shuruudaha lagu diiwaan galinayo daawooyinka cayayaanka iyo walxaha sunta. 45 Qodobka 48aad Heerka Dhawaqa/Codka (Standards of Noise) 1. Guddiga Fulinta iyo Dib u eegista Heerarka iyagoo la tashanaya wakaaladaha ay khusayso waa in ay: B.Wasaaradda u soo jeediyaan heerka dhawaqa iyo guuxa ee wasakhaynaya deegaanka si loo ilaaliyo caafimaadka dadweynaha iyo deegaanka. T.Wasaaraddu u soo gubiyaan nidaamka iyo shuruudaha lagu qiyaasayo dhawaqa iyo guuxa. j.Wasaaradda u soo gudbiyaan nidaamka iyo X.Wasaaradda u soo gudbiyaan heerka guuxa subsonic ee deegaanka saamayn kara. KH.Ka talo bixiyaan sidii loo yarayn lahaa guuxa sub-sonic imika iyo mustaqbalka. D.Wasaaradda u soo gudbiyaan heerka dhawaqa ee goobaha dhismaha, warshadaha, mashiinnada, gawaadhida, diyaaradaha, iyo meelaha ganacsiga. R. Ka talo bixiyaan tallaabooyinka ku habboon ee lagu joojin karo ilaha dhawaq ee ku xusan faqrada (D) S. Cabbirka heerka dhawaqa ka imanaya (ka soo baxaya) ilaha ku xusan faqrada (d) iyadoo cabirkaas oo faahfaahsanna loo gudbinayo mulkiilaha goobta cabbirka laga qaaday. SH. Ka talo bixiyaan nidaamka lagu joojinayo dhawaqa iyo guuxa aan caqli galka ahayn ee wasakhaynaya deegaanka meel kasta ha ka yimaadee. Qodobka 49aad Dhawaqa/Codka Ka badan Heerka la oggolyahay Iyadoo la eegayo qodobbada xeerka duulista iyo hawada, qofkii sameeya dhawaq ka sarreeya heerka la xaddiday waxa lagu qaadayaa fal danbiyeed. 46 Qodobka 50aad Ka Dhaafid Heerka Dhawaqa 1) Isagoo qodobka 65aad ee xeerkan uu sidii yahay, Wasaaraddu waxa ay bixin kartaa oggolaansho ku meel gaadh ah oo aan ka badnayn saddex bilood shuruudana ay ku xidhanyihiin, oggolaanshahaas oo fasaxaya in dhawaq heerka ka badan la samayn karo marka la fulinayo hawlahan: dumin dhisme, rashka dabbaal dagga, meelaha wax lagu goolli-baadhayo iyo inta ay u jiraan degsiimooyinka (firing ranges) iyo warshado kooban 2) Haddii oggolaansho la bixiyo sida ku xusan faqradda 1aad, shaqaalaha hawsha fulinaya waa in la siiyo qalabka ku habboon ee ay dhawaqa iskaga ilaalin karaan si waafaqsan amarrada Wasaaradda. Qodobka 51aad Heerarka Shucaaca Yodiyaha iyo Shucaacyada Kale 1) Iyadoo la tixgalinayo qodobbadda xeerka Ilaalinta Shucaaca, Wasaaraddu iyadoo la tashanaysa Guddiga fulinta iyo Dib u eegista Heerarka iyo wakaaladaha ay khusayso waa in ay: B. Samaysaa heerarka la oggolyahay ee shucaaca yoodiyaha iyo shucaacyada kale T. Samayso nidaamka lagu cabbirayo shucaaca yoodiyaha iyo kuwa kale. J. Ay baadho goob kasta, dhisme kasta, gaadhi, markab, doon, gaadiid nooc kasta oo looga shakiyo in ay sidaan, kaydinayaan ama ay burburinayaan walxaha shucaaca dhaliya. X. Ay baadhaan qof kasta oo looga shakiyo in uu qabo shucaac ama si sharci daro ah u haysta walxaha dhaliya shucaaca. KH. Waa in dadweynaha la siiyo warbixin, 47 loogana digo lagana ilaaliyo walxaha shucaaca dhabta ah ama ka dhici kara. D. Waa in ay kala shaqayso Guddiga Ilaalinta Shucaaca si talo bixin iyo kormeer loogu sameeyo arrimaha shucaaca. R. Waa in la kaydiyo diwaan ay ku qoranyihiin walxaha shucaaca ee deegaanka lagu sii daayay S. Waa in la sameeyo diwaan ay ku qoranyihiin dhammaan walxaha shucaaca ee Somaliland la soo galiyo. SH. Waa in la sameeyo tallaabo kasta oo lagu xakamaynayo wasakhaynta ka dhalata shucaaca. Qodobka 52aad Awoodaha Kormeerayaasha Shucaaca 1) Kormeere ka socda Wasaaradda waxa uu: B. Gali karaa ama baadhi karaa goob kasta, dhisme kasta, gaadhi kasta, doon, markab, diyaarad iyo gaadiid nooc kasta haddii laga shakiyo in ay sidaan, kaydinayaan, isticmaalayaan ama burburinayaan walxaha shucaaca dhaliya. Guryaha la degganyahay ee gaarka ah lama gali karo bilaa waaran maxkamadeed. T. Waxa kormeeraha Wasaaraddu uu waydiin karaa: i. Ruqsadda loogu oggolaaday in uu isticmaalo ama haysto walxaha shucaaca. ii. Ruqsadda awoodda u siisay in uu qodo walxaha dhaliya shucaaca. iii. Diiwaanka, shahaado ama dokumenti kale. 48 Qodobka 53aad Xadgudubyada La Xidhiidha Shucaaca (1) Qof kasta oo bilaa ruqsad soo dajiya, haysta, qoda, dhoofiya, qaada, isticmaala ama burburiya walxaha dhaliya shucaaca waxa lagu soo oogayaa fal danbiyeed, waxaana lagu xukumayaa xadhig u dhexweeya hal sano illaa toban sano (1sano 10sano) iyo ganaax lacageed oo u dhexeeya hal milyan illaa toban milyan (1,000,000/=SLsh 10,000,000/=SLsh. (2) Xukunka faqradda 1aad ee xeerkan, waxa kale oo lagu xukumayaa in walxaha lala wareego lana burburiyo si deegaanka iyo caafimaadka dadka loo ilaaliyo. Qodobka 54aad Heerarka Urta Xun 1) Wasaaraddu iyadoo la tashanaysa wakaaladaha ay khusayso waan ay samaysaa: B. Nimaadka lagu cabirayo urta xun T. Heerka ugu yar ee lagu xakamaynayo wasakhaynta deegaanka ee urta xun J. Qaabka ama tallaabooyinka lagu joojin karo dabiiciyan u timaadda. QEYBTA 8AAD AMARKA DIB U SOO CELINTA IYO DARYEELIDDA DEEGAANKA (ENVIRONMENTAL RESTORATION AND EASEMENT ORDERS) Qodobka 55aad Amarka Dib u Soo Celinta Deegaanka (1) Iyadoo la tixgalinayo qodobbada xeerkan, Wasaaraddu waxa ay soo saari kartaa amar ku saabsan dib u soo celinta deegaanka. (2) Amarka dib u soo celinta deegaanka ee ku xusan faqradda 1aad iyo qodobkan waxa uu: 49 B. Ku amri karaa qofka amarku uu ku socdo in uu hagaajiyo (dib u soo celiyo) deegaanka oo uu ka dhigo sidii uu markii hore ahaa inta aanu dhici ficilkii waxyeellada gaystay. T. In uu ka horjoogsado qofka uu amarku ku socdo in uu qaado wax ficil/tallaabo ah oo waxyeeli kara deegaanka. J. In magdhaw uu bixiyo qofka amarku uu ku socdo, magdhawgaas oo la siinayo dadka uu noloshoodii/deegaankoodii uu waxyeelada gaadhsiiyay. X. In uu bixiyo qofka amarku uu ku socdo qiyaas wixii kharash ah ee Wasaaraddu ama xafiis kale bixiyay si deegaanka dib loogu soo celiyo (loo hagaajiyo) loogana dhigo sidii uu ahaa ka hor intii aanay waxyeeladu soo gaadhin. (3) Amarka dib u soo celinta deegaanku waxa uu noqonayaa mid ka kooban shuruudaha iyo waajibaadka Wasaaraddu si loo gaadho ujeedooyinka ku xusan faqradda 2aad. (4) Iyadoon waxba laga baddalayn ujeedadda guud ee faqradda 2aad ee qodobkan, amarka dib u soo celinta deegaanku waxa uu qofka amarku uu ku socdo ku amri karaa: B. In uu qaado tallaabo kasta oo ka hortagaysa wasakhaynta. T. dib u soo celinta dhulka kaas oo ay ku jiraa carrada, dib u beeridda geedaha/dhirta, goobaha leh ahmiyad degel-baadhiseed (archeological), waxyaabaha taariikhiga ah iyo wixii la mid ah ee ku 50 qoran amarka. J. In uu qaado tallaabo kasta oo lagaga hortagayo wasakhaynta deegaanka. X. In uu joojiyo ficillada sababaya wasakhaynta deegaanka. KH. In uu yareeyo dhaawaca dhulka ama deegaanka. D. Ka hortago waxyeellaynta dhulka/deegaanka, dhulka hoostiisa, dhirta iyo xayawaanka badda iyo barriga ku nool iyo wixii kale ee amarka ku qoran. R. In uu ka saaro ama ka qaado qashin kasta oo dhulka ama badda ku daatay sida ku qoran qodobbada amarka. S. In uu bixiyo wixii magdhaw ah ee ku qoran amarka. (5) Wasaaraddu iyadoo isticmaalaysa awoodda qodobkani uu siiyay waa in: B. uu hagaa mabaadiida wanaagsan ee maaraynta deegaanka T. In ay u sharraxaan qofka amarku ku socdo xaqa uu u leeyahay in uu Racfaan qaadan karo Qodobka 56aad Waxyaabaha uu Ka Koobanyahay Amarka Dib u soo Celinta Deegaanka (1) Amarka Dib u Soo Celinta Deegaanku waa in uu si cad oo la fahmi karo u qeexaa: B. Ficilka amarku ku saabsanyahay. T. Shaqsiga ama shaqsiyaadka uu amarku ku socdo. J. Wakhtiga amarku uu dhaqan galayo. X. Tallaabada ay tahay in la qaado si loo hagaajiyo deegaanka. Wakhtiga tallaabada lagu qaadayo waa in uuna ka badan soddon maalmood. KH. Awoodda Wasaaradda ee ku saabsan galidda dhismaha ama goobta si loo sameeyo tallaabooyinka ku xusan faqradda X. 51 D. Ciqaabta ama ganaax lagu soo rogi karo haddii aan la fulin faqradda X. R. Xaqa qofka amarku ku socdo uu u leeyahay in uu Racfaan ka qaato amarka haddii uu ku qanci waayo, marka laga reebo amarka ka yimaadda maxkamadda. (2) Kormeere ka socda Wasaaradda ama wakiilkiisa ayaa kormeeri kara hawl meel ka socota si ay u si waxyeello soo gaadhsiinayso deegaanka. Wasaaraddu waxa ay tixgalinaysaa cadaymaha ka soo baxa kormeerka marka ay soo saarto amarka dib u soo celinta deegaanka. (3) Wasaaraddu waxa kale oo ay tixgalin kartaa ixinayo amarka dib u soo celinta deegaanku u noqdo mid lagu qanco. (4) Amarka dib u soo celinta deegaanku wuu shaqaynayaa haddii xitaa lagu dhaqmay. (5) Qofka la soo gaadhsiiyo amarka dib u soo celinta deegaanka waa in uu ku dhaqmaa oo uu ka soo baxayaa shuruudaha amarka. (6) Marka la kormeerayo goob sida ku xusan faqradda 2aad ee xeerkan, qofka hawshiisa la baadhayo lama siinayo fursad lagu dhagaysto ama uu ku sharaxo. Qodobka 57aad Dib U Eegista Amarka Soo Celinta Deegaanka (1) Qofka amarka la gaadhsiiyay waxa uu qoraal ahaan ku codsan karaa dib u eegis in amarka lagu sameeyo muddo kow iyo labaatan maalmood ah gudahood. (2) Wasaaraddu si ay awooddeeda ku xusan faqradda 1aad u fuliso, wixii kharash ah waxa laga qaadayaa codsadaha. 52 Qodobka 58aad Amarka Dib U soo Celinta Deegaanka ee Maxkamadda (1) Iyadoon waxba laga baddalayn awoodda Wasaaradda ee xeerkani dhigayo, haddii uu qof dhibaato soo gaadhay uu dacwad soo gudbiyo, maxkamadda awooda u leh waxa ay soo saari kartaa amarka dib u soo celinta deegaanka. (2) Uma baahna qofka dacwoonaya ama amarka codsanaya in uu isagu leeyahay ama ay dani ugu jirto dhulka ama deegaanka uu dhibku soo gaadhayo. Qodobka 59aad Amarka Daryeelka Deegaanka (Environmental Easesment) (1) Iyadoo la eegayo qodobdada xeerkan, maxkamadu waxa ay soo saari kartaa amarka ilaalinta deegaanka. (2) Ujeedada amarka ilaalinta deegaanku waa sii xoojinta mabaadiida maaraynta deegaanka ee xeerkani dhigayo. Amarku waxa uu soo rogayaa waajibaad dheeri ah oo ku saabsan isticmaalka dhulka. (3) Amarka fudaydinta waxa lagu soo rogi karaa dhulka culeysku haysto wakhti sannado ah (4) Iyadoo waxba laga baddalyn macnaha guud ee faqradda 3aad, amarka ilaalinta deegaanka waxa lagu soo rogi karaa dhulka culeysku haysto si loo: B. Daryeelo dhirta iyo xayawaanka T. Dhawro tayada biyaha ku jira biyo xidheennada, haraha, wabiyada J. Dhawro deegaanka, qaabk dhiska dhulka (geological), araada ama waxyaabaha taariikhiga ah ee dhulka culayska la saaray. X. Dhawro muuqaalka (quruxeed) ee dabiiciga 53 ah KH. Dhawro dhulka bannaan. D. Oggolaado dadka in ay maraan waddo loo qoondeeyay R. Dhawr qaab samayska dabiiciga ah ee dhulka S. Hortago ama la xakameeyo fal kasta oo macdan lagaga qodayo dhulka culeyska la saaray. SH. Hortago ama xakameeyo hawlaha beeraha ee dhulka culeyska la saaray. DH. In laga shaqeeyo dhulka culeyska la saaray si loo yareeyo ama looga hortago waxyeellaynta deegaanka. C. In la sameeyo ama la dhowro jid hayaanka loogu talo galay duurjoogta. 5. Qofka xaq ku leh dhul lagu soo rogay amarka culeys ka qaaddida deegaanka, waxaa la siinayaa magdhaw sida ku xusan Qodobka 63aad 6. Xakamaynta ficillada deegaanka waxyeelaya. 7. Marka amarka daryeelka deegaanka lagu soo rogo dhulka aadka loo isticmaalay/la waxyeelleeyay, amarku waxa uu xadidayaa xuquuqda qof kasta oo dhulkaas xaq ku lahaa. Qofka amarka daryeelka codsaday ayaa magdhaw siinaya qofkaas dhulka xaqa ku lahaa. Qodobka 60aad Codsiga Amarka Daryeelka Deegaanka ee Maxkamadda 1. Shaqsi ama shaqsiyaad ayaa maxkamadda ka codsan kara fududaynta deegaanka. 2. Maxkamaddu waxa ay ku soo rogi kartaa shuruudaha ku habboon si deegaanka culeyska looga fududeeyo. 54 Qodobka 61aad Dhaqan galinta amarka daryeelka deegaanka 1. Amarka waxa fulin kara oo kaliya qofka magaciisa lagu soo saaray amarka daryeelka (fudaydinta/easement) deegaanka. 2. Fulinta amarka fududeynta deegaanka waxaa maxkamadda laga codsan karaa: B. Bixinta amarkaka fudaydinta deegaanka T. In dhulka la hagaajiyo 3. Maxkamaddu waa in ay adeegsato nidaamka ku habboon fudaydinta deegaanka. Qodobka 62aad Diiwaan galinta Amarka Daryeelka Deegaanka 1. Marka lagu soo rogo dhul diiwaan gashan amarka fudaydinta deegaanka, amarkana waa in la diiwaan galiyaa sida uu dhigayo xeerkani. 2. Haddii amarka fududaynta deegaanka lagu soo rogo dhul aan ahayn ka ku xusan faqradda 1aad, waa in Guddiga Deegaanka ee degmada uu dhulkaasi ku yaallo diiwangaliyaan amarka si waafaqsan xeerkan. 3. Amarka daryeelka deegaanka waxa in uu ku qoranyahay magaca codsadaha diiwaanka ku qoran. Qodobka 63aad Magdhaw (Compensation) 1. Qofka kasta oo xuquuqdiisii sharci la xadidday sababo la xidhiidha amarka daryeelka deegaanka, waxa uu xaq u leeyahay in magdhaw u dhigma la siiyo. 2. Qofka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan waxa uu maxkamadda amarka bixisay ka codsan karaa in magdhaw la siiyo isagoo qeexaya xuquuqda uu lahaa. 55 3. Maxkamaddu waxa ay amri kartaa in qofkii amarka daryeelka deegaanka codsaday in uu bixiyo magdhawga ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan. 4. Haddii amarka daryeelka deegaanka ee la soo saaray uu yahay mid muhiim u ah qaranka, dawladda ayaa bixinaysaa magdhawga ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan. 5. Maxkamaddu m magdhawga waa in ay tixgalisaa qodobbada khuseeya ee dastuurka iyo xeerarka kale ee dhulka. QEYBTA 9AAD BAADHISTA &DIIWAANNADA (ANALYSIS & RECORDS) Qodobka 64aad Nidaamka Shaybaadhka Muunada (1) Agaasimaha Guud isagoo ku ogaysiinaya Faafinta Rasmiga ah, waxa uu cayimi karaa inta shaybaadh ee loo baahanyahay si ay u fuliyaan hawlaha baadhitaan ee xeerkani dhigayo. (2) Ogeysiiska ku xusan faqradda 1aad waa in uu qeexo hawlaha shaybaadhka, xaddiga iyo shayga uu baadhayo, iyo xirfadlayaasha ka shaqaynaya. (3) Iyagoo la tashanaya Guddiga Fulinta iyo Dib u eegista Heerarka, Wasaaraddu waa in ay qeexdo qaabka iyo nidaamka muunadda loo qaadayo si loo baadho. Qodobka 65aad Shahaadadda Baadhitaanka (1) Shaybaadhka ku xusan qodobka 64aad ee xeerkan, waa in uu bixiyo shahaadadda baadhitaanka ee ku saabsan shayga uu baadhay. 56 (2) Shahaadadda baadhitaanku waa in ay ku qorantahay qaabka baadhitaan ee uu raacay. (3) Shahaadda ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan oo buuxisay shuruudda faqradda 2aad ee qodobkan waxa ay noqonaysaa caddayn buuxda. (4) Natiijada baadhitaan ee shaybaadhku waa mid u furan in ay eegaan qaybaha ay khuseyso. Qodobka 66aad Diiwaanka (1) Agaasimaha Guud isagoo ogeysiis ku qoraya Faafinta Rasmiga ah, waa in uu qeexo hawlaha ay tahay in diiwaan lagu kaydiyo, waxa uu diwaanku ka koobanyahay iyo qaabka loo kaydinayo. (2) Diiwaanka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan iyo diwaanada kale ee la hayo waa in loo furaa kormeeraha deegaanka si uu: B. Hubiyo Deegaanka T. Kormeer iyo qiimayn ugu sameeyo deegaanka J. Xakamaynta Wasakhaynta X. Baadhis KH. Iyo ujeeddooyinka kale ee uu Agaasimuhu qeexo. QEYBTA 10AAD Qodobka 67aad Heshiisyada Caalamiga ah ee Deegaanka (1) Haddii ay Somaliland qayb ka tahay heshiis laba dal ama dalal badan ka dhexeeya oo ku saabsan maaraynta deegaanka, Wasaaraddu iyadoo u hogaasamaysa tilmaamaha Golaha Wakiiladda la tashanaysa wakaaladaha ay khusayso waa in ay: B.Bilawdo soo jeedinta mashruuc sharci oo ujeeddadu tahay sidii loo dhaqan galin lahaa 57 heshiiska, Somaliland na ay u fulin lahayd waajibaadkeeda una heli lahayd xuquuqda uu heshiisku siinayo. T. Qaado talaabooyinka kale ee loo baahanyahay si dalka looga dhaqan galiyo heshiiska. (2) Marka la galayo heshiisyo caalami ah, Wasaaraddu waa in ay ka caawiso xafiisyada ay khuseyso gorgortanka heshiisyada. (3) Wasaaraddu waa in ay hayso diiwaan ay ku qoranyihiin dhammaan heshiisyada ay Somaliland qaybta ka tahay. QEYBTA 11AAD Qodobka 68aad Maxkamadda Awooda u Leh Arrimaha Degaanka Maxkamadda awooda u leh xukunka Arrimaha degaanka ee xeerkani dhigayo waa kuwa uu distoorku xusayo sida Maxkamada Degmada Maxkamadda Gobolka Maxkamadda Rafcaanka iyo Maxkamada sare. QEYBTA 12AAD XADGUDUBYADA DEEGAANKA Qodobka69aad Xadgudubyada la xidhiidha Kormeerka/baadhista (1) Qof kasta oo: B. Hor istaaga ama carqaladeeya koormeeraha deegaanka si uu waajibaadkiisa u fuliyo T. Ka soo bixi waaya amar sharci ama dalabka kormeeraha deegaanka J. U diida in uu kormeeraha deegaanku galo dhul, dhisme, markab ama gaadhi X. Iska dhiga kormeere deegaan KH. U diida in kormeeraha deegaanku eego dokumentiyo D. U sheegi waaya ama magac ama ciwaan 58 khaldan u sheega kormeeraha deegaanka R. Warbixin khaldan siiya kormeeraha deegaanka S. Diida, ka soo bixi waaya ama dayaca amarka hagaajinta deegaanka Waxa uu sameeyay xadgudub waxaana lagu xukumi karaa xadhig aan ka badnayn afar iyo labaatan bilood ama ganaax lacageed oo aan ka badnayn shan boqol oo kun SL.SH ama labadaba Qodobka70aad Xadgudubyahada la Xidhiidha Qiimaynta Saamaynta Deegaanka 1) Qof kasta oo: B. Soo gudbin waaya warbixin mashruuc sida ku xusan qodobka 18 ee xeerkan T. Diyaarin waaya warbixinta qiimaynta raad reebka deegaanka J. Khayaano ku kaca warbixin been abuur ah soo gudbiya Waxa uu galay xadgudub waxaana lagu xukumayaa xadhig aan ka badnayn afar iyo laabtan bilood ama ganaax lacageed oo aan ka badnayn laba milyan oo SL SH. Ama labada xukun ba. Qodobka71aad Xadgudubyada La Xidhiidha Diiwaanka (1) Qof kasta oo: B. Kaydin waaya diiwaannada xeerkani dhigayo T. Si khayaano ah wax uga baddala diiwaannada J. Khayaano been abuur ah ku qora diiwaanno Waxa uu galay dambi/xadgudub waxaana lagu xukumayaa ganaax lacageed oo aan ka badnayn shan boqol oo kun SL.SH ama xadhig aan ka badnayn sideed bilood ama labada xukun waa la isku raacinayaa. 59 Qodobka72aad Xadgudubyada La Xidhiidha Heerarka 1) Qof kasta oo: B. Ku xadgudba (jabiya) heerka deegaanka ee xeerkani dhigayo T. Ku xadgudba tallaabooyinka xeerkani dhigayo J. Burburiya, si aan waxtar lahaynna u isticmaala deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Waxa uu galay dambi/xadgudub waxaana lagu xukumayaa ganaax lacageed oo aan ka badnayn shan boqol oo kun SL.SH ama xadhig aan ka badnayn afar iyo labaatan bilood ama labada xukun waa la isku raacinayaa. Qodobka73aad Xadgudubyada La Xidhiidha Qashinka Halista ah, Kiimikooyinka iyo Walxaha Shucaaca 1. Qof kasta oo: [ B.U maarayn waaya qashinka khatarta ah (halista ah) sida uu xeerkani dhigayo. T. Soo dajiya walxaha khatarta ah si aan waafaqsanayn xeerkan J. Si ula kac ah si khalad ah u calaamadeeya qashinka, sunta cayayaanka, kiimiko, walxaha sunta iyo shucaaca X. Umaarayn waaya walxaha kiimikooyinka iyo shucaaca sida xeerkani dhigayo KH. Ka qayb qaata kootarabaaninta walxaha khatarta ah, kiimikooyinka, sunta iyo suntan cayayaanka. D. Ku burburiya Somaliland gudaheeda Walxaha khatarta ah si aan waafaqsanayn xeerkan R.Qariya ama war been ah sheega oo ku 60 saaban maaraynta walxaha khatarta ah, kiimikooyinka iyo walxaha shucaaca. Waxa uu galay dambi/xadgudub waxaana lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya sadex sano illaa toban sano (3sano 10sano) & ganaax lacageed oo u dhexeeya sadex milyan illaa toban milyan (3,000,000/=SLsh 10,000,000/=SLsh). Qodobka74aad Xadgudubyada La Xidhiidha Wasakhaynta (1) Qof kasta oo: B. Ku sii daaya deegaanka, biyaha iyo hawada waxyaabaha/walxaha halista ah, saliid, wax saliidi ku jirto (isku laaqan) T. Wasakheeya deegaanka J.Ku shuba/ku sii daaya deegaanka waxyaabo wasakhaynaya Waxa uu galay dambi waxaana lagu xukumayaa ganaax lacageed oo aan ka badnayn Shan boqol oo kun SL.SH. (2) Xukunka ku xusan faqradda 1aad oo aan waxba laga baddalin, maxkamaddu waxa kale oo ay ku xukumi kartaa qofka la xukumay in uu: B. bixiyo dhammaan kharashka lagu nadiifinayo deegaanka T. Nadiifiyo deegaanka (3) Iyadoo waxba laga badalin faqradda 1&2 ee qodobkan, maxkmaddu waxa ay ku xukumi kartaa qofka la xukumay in uu bixiyo magdhaw la siinayo cidda dhibaatadu ka soo gaadhay wasakhaynta. Qodobka75aad Xadgudubyada La Xidhiidha Amarrada Ilaalinta, Daryeelka iyo Dib u Soo celinta Deegaanka 1) Qof kasta oo: B. Diida, ka soo bixi waaya ama dayaca amarka 61 Ilaalinta, Fudayndinta ama amarka dib u soo celinta deegaanka 2) Waxa uu galay dambi waxaana lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya hal sano illaa sadex sano (1sano 3sano) & ganaax lacageed oo u dhexeeya hal milyan illaa sadex milyan (1,000,000/=SLsh 3,000,000/=SLsh) Qodobka76aad Ciqaab Guud Qof kasta oo ku xadgudba qodobbada xeerkan ama xeer-nidaamiyaha ka sii farcama oo aanay jirin ciqaab goonni ah ama aanay cuslayn ciqaabta uu xeerkani dhigayo, waxaa loo raacayaa ciqaabta xadhig & ganaax ee ku xusan xeerka ciqaabta guud. Qodobka77aad Xadgudubyada Shirkadaha iyo Shaqaalaha 1. Haddii ay shirkadi ku xadgudubto qodobbada xeerkan, waxaa dambi lagu qaadayaa maareeyaha ama masuulka shirkadda haddii uu ogaa ficilka dhacay oo aanu waxba ka qaban sidii uu u joojin lahaa. 2. Haddii ay iskaashato ku xadgudubto qodobbada xeerkan, waxaa dambi lagu qaadayaa xubin kasta oo ka tirsan iskaashatada oo ka warhayay ficilka dhacay oo aan waxba ka qaban sidii ay u joojin lahaayeen. 3. Qof kasta oo ku xadguduba qodobbada xeerkan, isaga ayaa shaqsiyan masuul ka ah 4. Xadgudubyada ay galaan shaqaalaha ama wakiiladu waxaa masuul ka ah loo shaqeeyaha haddii aanu loo shaqeeyuhu caddayn in ficilka la sameeyay uu si cad uga soo horjeeday. 62 Qodobka78aad La Wareegidda (Forfeiture), Tirtiridda iyo Amarrada Kale 1. Qofka maxkamad la hor keeno ee lagu soo eedeeyo xadgudub ka dhan ah xeerkan ama xeer hoosaadyo ka sii farcamay xeerkan, waxa ay maxkamaddu ku soo rogi kartaa amar dheeri ah in: B. Dawladdu la wareegto gaadhiga, qalabka ama waxyaabaha kale ee xadgudubka lagu galay xiitaa haddii aan qofna la xukumin/uuna jirin qof la xukumay. 2. Marka maxkamaddu ay gaadhayso xukunka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, waxa ay eedaysanaha ku xukumi kartaa in uu bixiyo kharashka lagu burburinayo alaabta lala wareegay. 3. Maxkamaddu waxa kale oo ay tirtiri kartaa ruqsad kasta ama oggolaansho kasta oo uu haystay eedaysanuhu. 4. Waxa kale oo maxkamadduu amri kartaa in qofka la xukumay uu deegaanku sidiisii hore ku soo celiyo. 5. Maxkamaddu waxa kale oo ay soo saari kartaa amarka dib u soo celinta fayo-qabka deegaanka sida uu xeerkani dhigayo. Qodobka 79aad Awoodda Soo Saaridda Xeer Nidaamiye (Regulations) 1. Marka ay soo jeediso Wasaaraddu iyadoo la tashanaysa Hay`adaha Dawladda ee ay khusayso waxa ay samayn kartaa xeer-nidaamiye ku saabsan arrimaha xeerkani ogolyahay in xeer nidaamiye loo sameeyo si loo dhaqan galiyo qodobbada xeerkan. 2. Xeer-nidaamiyaha ku xusan faqradda 1aad waxa ay noqon karaan: 63 B. Qodobbada bixinta ruqsadaha, wax ka badelka iyo la noqoshada ruqsadda. T. Qodobbada fiiga la qaadayo. J. Si buuxda in loo qabatimo ama qayb xeer hoosaadyada, amarrada. x. Fiiga & cashuuraha laga qaado ruqsadaha qiimayntooda waxaa iska kaashanaya xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Deegaanka & Gudida Dhaqaalaha ee G/Wakiilada, waxaana lagu soo saarayaa xeer-nidaamiye. Qodobka 80aad Xeerarka Hore ee Deegaanka Xeerkasta, xeer-nidaamiye kasta, wareegto kasta iyo amar kasta oo qodobbada xeerkan dhaqangalkiisa ka horyimaadda waa la tirtiray ama waxaa loo beddelay si waafaqsan nuxurka xeerkan. Qodobka 81aad Dhaqangalka Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa, kadib marka ay ansixiyaan labada gole ee sharci-dejinta, madaxwaynuhuna saxeexo, laguna soo saaro faafinta Rasmiga ah. 64 Beeraha Waxbarashada Tamarta Deegaanka Maaliyadda Kalluumaysiga Caafimaadka Warshadaha Maamulka Dalxiiska 65 MASHAARIICDAN 1. Guud. samaynayo 2. 3. Gaadiidka yaha 4. 66 5. 6. i. ii. iii. iv. v. vi. Nuuradda vii. dolomite. viii. ix. Dhoobada x. xi. 7. Kaymaha 8. Beeraha 9. i. ii. iii. iv. W v. vi. works) vii. viii. ix. 67 x. xi. xii. xiii. xiv. xv. xvi. xvii. xviii. xix. tareennada/xadiidka xx. koontaynarada xxi. xxii. 10. Laydhka stations) schemes) 11. 12. 13. dhex d 68 jirin 14. 15. Wasaarada Beeraha Waxbarashada Tamarta Deegaanka Maaliyada Kalluumaysiga Caafimaadka Warshadaha 69 Cilmi Dalxiiska Shaqaalaha Warfaafinta C/risaaq Siciid Ayaanle Baashe Maxamed Faarax Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada JSL Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL

Somaliland Environmental Management Law No. 79 of 2018 · Nelum